Dhagaxbuur (Xogogaalonline) Sida aan lawada socono magaalada dhagaxbuur ayaa marhore uu ka hirgalay isticmaalka internetka taasi oo ay shacabka magaalada dhagaxbuur aad usoodhaweeyeen aadna ugu farxeen lana ogsoon yahay in ay dhalinyarada magaalada dhagaxbuur sitoosa u isticmaalaan dhamaan aaladaha casriga ah ee internetka ama shabakadaha aadka caanka u ah ee caalamkoo dhan laga wada isticmaalo sida facebook, twitter, paltalk iyo kuwo kale oo badan islamarkaana ay qurbajoogta kasoo jeeda magaalada dhagaxbuur u fududaatay xidhiidhka ay eheladooda la xidhiidhayaan iyagoo marwalba email joogto ah ama chating ku helijiray eheladooda iyo waliba asxaabtooda.
Haddaba iyadoo ay hadda kahor shacabku isticmaalka ka heli jireen goobaha internet cafe' ka ama dadka qaarkood ay guryahooda gashadeen ayaa waxaa wax aad loogu farxo aadna loogu bogay noqotay in ay maanta ree dhagaxbuur fursad u helaan inay isticmaalaan internet aad u xawaare sareeya oo wireless ah meeshay doonaana ay ku isticmaali karaan taasi oo uu xawaaraheedu kala duduwan yahay kuna xidhan tahay hadba awooda qofka isticmaalaya (EVDO flash).
Dhanka kale durba dhalinyarada dhagaxbuur ayaa bilawday inay facebooka kasamaystaan qolal ugaara dadka kasoo jeeda dhagaxbuur taasna waxaa suura galisay fursada internetka ee ay helaan waxayna arintani kamid tahay dadaalka ay xukuumadu ugu jirto horumarinta deegaanka gaar ahaan degmada dhagaxbuur oo kamida magaalooyinka ugu waawayn deegaanka lana ogsoonyahay dhawaan ay xukuumadu dhagaxbuur u ansixisay counsil, taas oo ay dhagaxbuur kala mid tahay magaalada wayn ee Q/dahar iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee waawayn ee Godey iyo Jigjiga....
Wireless Internet Inuu Dhagaxbuur Kahirgalay Malasocotaa
QORAALADA AKHRISTAYAASHA:Shaydaan c/qaadir iyo Gacanyarihiisa Dr.Hashimoow Idiinsuuroobi mayso Inaad anagoo taagan nagadataan.
Anigoo ah wiil dhalinyaro ah kana soojeeda Raaso Magacayguna yahay Aamiin C/kariin waxaan run ahaantii mudo badan kufikiri jiray sidaan shacabkayga ulawadaagi lahaa fikirka aan qabo maantana waxaan ku faraxsanahay inaan wakhti uhuro qoraalkan aan kaga faaloonayo dhibaatooyinka ay shaydaan c/qaadir oo horay macalin ugu ahaan jiray shaydaan deega nabad diidka ah iyo Gacanyarihiisa Dr.Hashim ay shacabkayaga ilaa hadda gaadhsiiyeen iyo kabasiidarane dhibaatada ay hada kufikirayaan ama ay kutaamayaan inay noosoo wadaan inta ay la egtahay.
Runtii qof walbaa wuu ka dharagsanyahay dhibaatada ay nimankaas budhcada ahi nagu hayaan iyo waxa ay rabaan inay noo horseedaan balse waxaan jeclaystay inaan dareensiiyo dadka aana iyagu arimaha raaso aadka ula socon waxaana sheegayaa inay nimankaa budhcada ahi nagu hayaan dhibaato aad u xun magacayagana kuganacsadeen dhiigayagiina jaqeen mudo badana nagu ahaayeen dulsaar ilaa heer ay xataa dhaafi waayeen qabandigii yaraa ee dadka masaakiinta ah lasiinjiray dhibaatada intaa le eg iyo tacadigaana ay noogu dareen inay waligoodba hortaagnaayeen inay ree raaso iyo dawladu isfahanto waayo waxay kasoo horjeedeen in isfahan dhaco shacabkuna horumar helo lana talaabsado shacabka deegaanka intiisa kale. hada oo aan aqliyaystay waxna bartayna marwalba oo aan dib u eego ficiladii aadka u liitay aadkana uxumaa ee ay ku dhaqmi jireen mar waxaan is idhaahdaa ma jaahilnimay ka ahayd marba waxbaan is odhan jiray intii ay arintani maskaxda igadhexguuxaysay laakiin waxaan ogaaday cidwalbana usheegayaa inayna nimankani ahayn ama matali karin xataa bini'aadanimada waayo walaahi ficilada ay kudhaqmeen iyo dhibaatada ay nagaadhsiiyeen xataa qof cadaw ah oo uu dagaal idinka dhexeeyo nama yeeleen war waxkale iskadaaye ma nimanka qabandigii iyo saliidii masaakiinta dib u iibsaday ee waliba boobkaa cad noogu daray been aan sal iyo raad toona lahayn ee kabasiidarane qorshaystay inay ibtilada alshabaab gadhka noogaliyaan ayaa ilaahaybaan idinku dhaarshaye la odhan karaa waa ree raaso mayee walaahi maahee xitaa inaan la odhan karin xitaa meelbay raaso kasoo galaan.
Hadaba anigu Aamin ahaan arimahan ay nimankani kusifoobeen markaan dib ugu fiirsaday ee aan aad uga fikiray ficiladii ay kudhaqmi jireen waxaa ii cadaatay oo aan dhinacna u dhaafi waayay kaliya inay ahaayeen dad budhcada oo danahooda gaar ahaaneed kaliya qadarinaya ee aana marnaba ahayn kuwo waligood anaga naga damqaday ama noo fikiray waana sida ay isku dayayeen inay nagu khaldaan laakiin waxaan budhcadaas uu shaydaanka shaydaamada dhalaa hogaaminayo aan usheegayaa in aanu nahay dad damiir iyo dhiig iyo aqliba leh, wailgeedna aysan dhici doonin inay naga aqli bataan lacag danbe oo aad qurbajoog ka aruursataana aysan jirin, waxaa kaloon idiin sheegayaa inaydaan walaahi ku ladi doonin, dhiiga aad naga gasheen iyo danbiyada aad soo qorshayseen ee dadka lagu laayay waana mid aydaan habeen intaad kuseexataan aydaan nabad kusootoosayn waanad ogaan doontaan in aanu sharciga idin horkeeno iyo inkale
Waxaan aad u jecelahay inaan umahad celiyo xukuumada fahantay budhcadaas qorshohooda nagana qabatay runtana usheegtay raasana degmada uu maamulkeedii iyo waxwalba u dhamaystiran yahay u ansixisay hada iyo marwalbana diyaarka u ah sida ugu haboon ee ugu dagdaga badan ee naloo horumarin karo waxaana ilaahay madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud uga baryaynaa cimri dheer iyo caafimaad isaga iyo kaabineedkiisaba waxaananu idin leenahay anagoo ah aqoonyahankii iyo dhalinyaradii raaso ayaa idiin og horumarka aad nala damacdeen iyo dadaalka aad noogu jirtaan waana balan inaanu anagu soo afjarno budhcadnimada shaydaan c/qaadir oo ah si aad u ogaataan ninkii macalinka u ahaa shaydaan deeqa nabad diidka ah isagoo garbo wax kubaray, waana sababta aan u idhi shaydaan kii shaydaamada dhalayay.
Sikastaba ha ahaatee maanta waxaan ku raynlahaa anoo qoraalkan idaacadahoo dhan ka akhrinaya ee waxaan dhamaan shacabka deegaanka lasocodsiinayaa in ay nimankaa budhcadka ahi dhibaatada ay nagu hayaan nala arkaan.
Jaamacadda Jigjiga oo diiwaangalisay 2,790 arday cusub
Jigjiga,(xogogaalonlineJ aamacadda Jigjiga University ayaa sanadkan diiwaangalisay 2,790 arday oo cusub, kuwaasoo isaga kala yimid dhammaan deegaannada kala duwan ee dalka Itoobiya.
Sida uu warbaahinta dalka u sheegay Madaxweynaha jaamacadda, Dr. Cabdinasir Axmed, jaamacaddu waxey ardaydan diiwaangalisay kadib dhameystirka howl lagu ballaadhinayey jaamacadda, taasoo ku kacday lacag ka badan 200 milyan oo birr.
Dr. Cabdinasir ayaa tibaaxay in howsha ballaadhinta jaamacadda ay kamid ahaayeen qololka wax lagu barto, kuwa jiifka, hoolka cuntada, maktabad iyo maqsin-farsamo.
Jaamacadda Jigjiga oo ah mid si wanaagsan u dhisan ayaa aad u sii ballaadhanneysa marba marka ka daneysa, taasoo keentay inay sanad kasta sii korodho tirada ardayda ay diiwaangaliso jaamacadda.
Ardayda ka soo jeedda deegaanka ee ay jaamacadda diiwaangalisay sanadkan ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan, halkaasoo ay kula hadleen masuuliyiin ka kala katirsan xukumadda iyo xisbiga ESPDP.
Sida uu sheegay Dr. Cabdinasir, Jaamacadda Jigjiga waxey tababaro kala duwan u fidisay in-ka-badan 14,940 arday tan iyo markii albaabada loo furay.
Alaylehe Mar deegaanku Hayeesho Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya waana arin Taariikhda gashay
Jigjiga(Xogogaalonline).Maalintii Shalay Ahayd oo Sidii Caadada u Ahayd Golaha Capinetka Dawladu isugu Yimid Shirkoodii 12aad,Qolka Shirarka ee Xafiiska Madaxweynaha,Taasoo Lagu Gorfaynayay Qiimayntii Waxqabadka Xafiisyada Horumarinta DDSI Ayaa Lagu Ansaxiyay Qaabdhismeedka ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya.
Kulankan Ayaa uu Hogaaminayay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,islamarkaana uu soo hordhigay Golaha Ajandahas Lagama-maarmaanimada Ansaxinta Ururka Horumarinta Soomaalida itoobiya Si uu uga qaato Ururku Kaalinta Kaga Aadan Jihada horumarineed ee Deegaanku Hiigsanayo,islamarkaana aasaasida ururkani door muhiima ka qaadan doono xidhiidhinta horumarineed ee dawladda iyo Shacabka.
Sidoo Kale Deegaanada Federaalka ayaa uu ka jiraa Ururkan Dhigiisu Taasoo Wax wayn ay ka qabteen horumarka deegaanadooda,waana markii ugu horaysay ee deegaanka soomaalida laga dhiso urur shacab oo ka shaqeeya horumarka deegaanka.
Golaha ayaa aad ugu Guuxay Ajandaha lagu yagleelayo ururka horumarinta deegaanka sopomaalida itoobiya muujiyayna in ahmiyad horumarineed oo baaxad wayn u leeyahay ansaxinta ururkani deegaanka soomaalida itoobiya,islamarkaana cod buuxa ku ansaxiyay Qaabdhismeedka Ururka Horumarinta Deegaanka soomaalida itoobiya.
Dhanka kale Shirkan oo ku saabsanaa Qiimayntii Golaha Capinetka DDSI waayadanba u socday Ayaa warbixintii Waxqabadka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Xoolaha DDSI,ay ka Jirtay Dhaliil ku saabsanayd Waxqabadkii Shaqo ee laga Filayay 5tii bilood ee la soo Dhaafay inuu ka gaabiyay
Telefishinka Caalamiga ah ee ESTV oo Maanta uu si rasmi ah Madaxwayne Cabdi Maxamuud Xadhiga ugajaray.
Jigjiga(Xogogaalonline).Sida lala wada socdo waxaa waayadanba hawada sitoosa ugu jiray meelkasta oo uu arabsite ku gaadhana laga daawanayay telefishinka caalamiga ah ee dawlada deegaanka soomaalida itoobiya oo run ahaantii ay aad iyo aad ugu bogeen aadna usoodhaweeyeen kuna farxeen qurbajoogta u dhalatay deegaanka ee iyagu mudada moogee dalkooda hooyo maadaama ay ka heleen macluumaadka dhabta ah ee uu deegaanku ku sugan yahay iyo sida ay xaaladuhu u jiraan iyo horumarka xawliga ah ee uu deegaanku ku talaabsaday mudooyinkii ugu danbaysay.
Hadaba Telefishanka Caalamiga ah ee ESTV oo Ay Xukuumadu Xooga Saartay Sidii Loogu Dhamaystiri lahaa Qalabyada iyo aaladaha War Lalis ee uu u Baahan Yahay,Ayaa Dhawaan Si Tijaabo ah u Galay Sateliteka Arabsat,Islamarkaana Lagu Guulaystay Tijaabadii,islamarkaana la gaadhsiiyay in uu 24ka saacba hawada ku jiro.
Munaasabadan loogu Talogalay in uu Maanta Xadhiga kaga Jaro telefishanka Warlaliska Caalamiga ah ee ESTV,ayaa ay ka soo qaybgaleen madaxweynaha ddsi,2da madaxweynekuxigeen,wasiirka madaxtooyada,Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Federalka, iyo wasiiro badan oo ka mida capinetka dawlada.sidoo kalana madaxa xarunta dhexe ee Xdshsi.
Maareeyaha Wakaaladda warbaahinta DDSI Mudane C/laahi Xasan(Bare) oo soo jeediyay warbixinta waxqabadka warbaahinta ESTV,Islamarkaana uga Mahadceliyay Madaxweynaha DDSI sida uu isugu Dhabar Jabiyay In uu Hirgalo Telefishanka War-laliska Caalamiga ee ESTV,Ayaa Microphoneka Ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha DDSI.
Dhanka Kale Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa manta si rasmi ah xadhiga uga jaray telefishanka war-laliska caalamiga ah ee ESTV,maadaama uu tijaabadii ka baxay hadana u dhamaystiran yihiin dhamaanba shaqaalihii iyo barnaamijyadii ay tebinayeenba 24ka saac.
Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday khudbadiisii isagoo si xeel dheer uga faalooday ahmiyada balaadhan ee ay leedahay saxaafadu,yidhina waa xudunta horumarka.sidoo kale madaxweynaha ayaa carabaabay in saxaafadu ay wax wayn ka badashay qurbajoogta oo xiuliyadii hore ka dhago iyo indho la’ayd xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaanka soomaalida itoobiya.
Madaxweynaha oo Hadalkiisii sii watay ayaa ugu Baaqay Dhamaan xukuumada in Garab lagu siiyo dhamaan saxaafadaha ka jira degaanka macluumaadka tebineed ee ay uga baahdaan,kuna amaanay Shaqaalaha Xirfadlayaasha iyo Wariyayaasha ESTV ee Da’da yar in ay si xilkasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkii ka saarnaa Dhanka Tebinta wararka iyo Farsamadaba.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kju adkeeyay dhamaan Saxaafada DDSI iyo Xukuumaduba in ay Soo Dhaweeyaan Qurbajoogta danaynaysa in ay Deegaankooda Maalgashadaan Amaba Xirfadooda Aqooneed ugu Adeegaan,Taasoo Daliil u ah Ayuu Yidhi Waxqabadka Saxaafadda oo uu Sahashay Qurbajoogtu in ay ku soo hirtaan dalkooda Hooyo.
Sidoo Kale Waxaa Isna Hadal qiimo Badan Ka Soo jeediyay Gudoomiyaha Dhalinyarada Silen Cry Mudane C/shakuur oo Sharax ka Bixiyay War-moog la’aantii ay ku Dhigeen Filimkii Silent Cry,Taasoo ahayd ayuu yidhi filim xaqiiqda ka fog oo ay noo abaabuleen Xili aanu Booqanay Kenya UBO.
Mudane C/shakuur Ayaa Ku Soo Koobay In ay Xaqiiqdu tahay DDSI oo Ku RTalaabsaday Horumar Iyo Nabadgalyo sal balaadhan oo aan la dafiri karin,Taasoo Laga Daalacan Karo Xaqiiqda iyo Waaqica Dhabta ah ee Ka Jira DDSI Filimka aanu ku samaynay DDSI ee loogu Magacdaray Fact or Fiction wixii hore aanu u faafinay ayuu yidhi.
Dadaalka Qurbajoogta Degmada Bookh Iyo Garab Qabashada Wasaarada Waxbarashada DDSI
Bookh (Xogogaalonline) Taniyo intii ay xukuumada deegaanku xooga saartay xidhiidhka qurbajoogta wadamo badan oo dibadaha ahna uu madaxwaynuhu socdaalo kala duwan kusoo bixiyay halkaasna kulasookulmay qurbajoog badan oo deegaanka u dhalatay lana ogsoonyahay isbadalka iyo guusha kasoo hoyatay inta ay le'egtahay ayaa waxaa lagasoo bilaabo socdaaladaas kadib deegaanka si isdaba joogta ah ugu soo qulqulaya qurbajoog aad u tiro badan oo deegaanka waahore katagay hadana aad ugu faraxsan isbadalka iyo dimquraadiyada guud ahaan wadanka ka hanaqaaday gaar ahaana deegaanka soomaalida.
Haddaba Jaaliyada udhalatay degmada bookh ee gobolka wardheer ee cariga maraykanka gaar ahaan magaalada minnesoata ayaa waxay degmadaasi kadhiseen dugsi sare oo loogu tallo galay ardayda degmada bookh waxayna jaaliyadu dhismaha dugsigaas ku bixisay lacag dhan $400,00 oo doolar oo u dhiganta ilaa 7 milyan oo birr.
Islamarkaana Waxaa jaaliyada dadaalkaas ay sameeyeen ku garab istaagay oo intii ay mashruuca wadeena ka warhayay hadana wixii dugsigaas kadhinaana u dhamaystiray maamulkiisiina la wareegay wasaarada waxbarashada ee deegaanka soomaalida itoobiya.
Haddaba waxaa maalmo ka hor degmada bookh ee gobolka wardheer u kicitamay wafti balaadhan oo isugu jira madaxda deegaanka iyo maamulkii jaaliyada dadaalkaas gaysatay dhanka xukuumada ayaa waxaa kasocday wasiir ku xigeen wasaarada waxbarashada mudane Abubakar Maxamed iyo Lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka arimaha sharciyada mudane ibraahin iyo madax kale oo badan waxayna toos u tageen degmada bookh ee gobolka wardheer si uu xafiiska waxbarashadu usoo indha indheeyo xaalada dugsigaas qurbajoogtana ugala soo wareego furaha iyo maamulida dugsigaas.
Kadib markii ay gaadheen degmada bookh ayaa waxaa xaflad heer sare ah lagu qabtay goobtii uu dugsigu ku yaalay waxaana xafladaas khudbado dhaadheer oo aad u qiimo badnaa kasoo kala jeediyay madaxdii kasocotay heer deegaan iyo maamulkii jaaliyada dugsiga dhistay iyo waliba odayaasha iyo waxgaradka degmada bookh halkaasna waxaa furihii dugsiga kula wareegay mudane abubakar maxamed oo ah kuxigeenka wasaarada waxbarashada heer deegaan wuxuu mudane abubakar halkaas kasoo jeediyay khudbad aad uqiimo badan wuxuuna bulshada degmada bookh aad ugu booriyay inay dhinacooda kasoo baxaan oo aana horumarinta degmada bookh lagu dhawrin oo kaliya dawlada iyo qurbajoogta wuxuuna bulshada degmada bookh kula dardaarmay inay kafaa'iidaystaan dugsigan qiimaha badan islamarkaana ka qaybqaataan dhamaystirka waxyaabaha yaryar ee dugsigu uu u baahan yahay isagoo sheegay inay xukuumadu dhankeeda diyaar u tahay wakhtixaadirkana usoo dhamaystirtay dhamaan manhajyadii waxbarasho iyo macalimiintii uu dugsigu ubaahnaa oo dhan iyo waliba qalabka sidaas oo ay tahayna loobaahan yahay in gacmaha la isu wada qabsado, bulsho ahaan qurbajoog ahaan iyo dhanka xukuumadaba.
Waxaana halkaas abaal marin lagu gudoonsiiyay mudane aadan ciise cali oo kamida qurbajoogta iyagu dugsigaasi dhistay waxaana gudoonsiiyay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka arimaha sharciyada mudane Ibraahin.
Dhanka kale waftiga ayaa shirar kala duduwan layeeshay shacabka degmada bookh ee qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada waxayna kubooriyeen aadna ugu wacyi galiyeen inay bulshada degmada bookh kaqaybqaataan dadaalka ay xukuumadu ugu jirto horumarinta guud ahaan deegaanka oo dhan gaar ahaana degmada bookh halkaasna waxay shacabka degmadu ku balan qaadeen inay sii xoojin doonaan dadaalkii iyo taageeradii ay lagarab taagnaayeen dawladooda waxayna cadeeyeen inaysan u kala hadhayn dhexdana uga xidhan doonaan horumarinta degmada bookh.
Dhanka kale waftiga ayaa soonoqod koodii waxay soo mareen qabaleeyo badan oo ay dhexda kusoo marayeen waxayna halkaas kula soo kulmeen shacab aad u tiro badan iyagoo kawacyigalinayay kaqaybqaadashada waxbarashada iyo inay waalidku caruurtooda ugu dadaalaan sidii ay waxbarashada u gayn lahaayeen iyagoona ukala eegayn gabdho iyo wiilal ee loobaahan yahay in si siman dugsiyada loo wada geeyo.
ugudanbayntiina waftiga oo ku hakaday demgada gaashaamo ayaa waxay booqdeen oo ay soo indha indheeyeen boardhing schloolka gaashaamo waxaana halkaas macalimiinta iyo ardaydaba shir kula qaatay wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada mudane abubakar maxamed iyo waftigii kale ee wehelinayay islamarkaana wasiirka oo aad ugu dheeraaday shirkaas boarding schoolka degmada gaashaamo ayaa macalimiinta kula dardaarmay inay si hagar la'aana ugu adeegaan ardayda wax kabarata dugsigaas dhanka kalana wuxuu ardayda kula dardaarmay inay kafaa'iidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay dawladu ugu deeqday loona baahan yahay inay maanta waxbartaan barina shacabkooda u adeegaan ardayda ka danbaysana soo barbaariyaa.
A Huge Dev’t projects underway in Somali State
Office Head, Abdiwohab Reshid told our reporter that the projects area in the area of health, clean water and education sectors. The head said installation of 150 kms of pipe lines and construction of 29 sinking wells were carried out. He said the projects would help 300,000 pastoralists to start sedentary life and improve their livelihoods. The government and NGOs have covered the construction cost.
December 20, 2011 (xogogaalonline) - Construction of 45 projects is underway in pastoralist areas of Somali State at a cost of 1.2 billion Birr, the State's basin development and coordination office said.
Clash Over Regional Power Spurs Iraq’s Sectarian Rift
BAQUBA, Iraq — The governor has fled this uneasy city. Half the members of the provincial council are camped out in northern Iraq, afraid to return to their offices. Peaceful protesters fill the dusty streets, though just days ago angrier crowds blockaded the highways with burning tires and shattered glass.
ll of this because the local government here in northeastern Diyala Province recently dared to raise a simple but explosive question, one that is central to the unrest now surging through Iraq’s shaky democracy: Should a post-American Iraq exist as one unified nation, or will it split into a loose confederation of islands unto themselves?
A dire political crisis exploded in Baghdad this week, afteran arrest warrant was issued against the Sunni Arab vice president, Tariq al-Hashimi, accusing him of running a death squad. But years of accumulated anger and disenfranchisement are now driving some of the country’s largely Sunni Arab provinces to seek greater control over their security and finances by distancing themselves from Iraq’s Shiite leaders. Many Sunni leaders have rallied to the cause while top Shiites in Baghdad have fought the efforts, aggravating the sectarian divisions among the country’s political elite. “They feel that they have no future with the central government,” said Deputy Prime Minister Saleh al-Mutlaq, a prominent Sunni. This development comes at a moment of rising tensions and could herald a near-breakdown of relations between the countryside and the leaders behind the concrete walls and concertina wire guarding Baghdad’s Green Zone. It has splintered communities within provinces along religious lines, while deepening the sense of political uncertainty pervading Iraq in the days after the American military’s withdrawal. “We’ve reached a point where the exasperation with the entire political process is so big in Sunni majority areas,” said Reidar Visser, an expert on Iraqi politics and the editor of the blog historiae.org. “They are just fed up and disillusioned.” On Friday, thousands of protesters marched through largely Sunni cities to condemn the warrant for Mr. Hashimi’s arrest. In Samarra, where the destruction of a Shiite shrine in 2006 set off waves of violence, 2,000 demonstrators filled the streets after Friday Prayer, waving signs that declared, “The people of Samarra condemn the fabricated charges against Hashimi.” The schism is one thread of a growing battle between Prime Minister Nuri Kamal al-Maliki, a Shiite, and politicians from the political opposition and Iraq’s Sunni Muslim minority. Security forces who take orders from Mr. Maliki — sometimes personally — have arrested dozens of people tied to opposition politicians in recent weeks. The government accused Mr. Hashimi, the Sunni vice president, of running a death squad from his offices in central Baghdad, a charge he denies. And Mr. Maliki has urged Iraqi lawmakers to unseat his own deputy, Mr. Mutlaq, who frequently inveighs against the prime minister. A leading political coalition supported by many Sunnis and secular Iraqis has boycotted Parliament, refusing to attend sessions, and its ministers and lawmakers have threatened to resign en masse. An American-backed partnership government uniting Iraq’s three main factions — the Shiite majority, Sunnis and Kurds — appears poised to fall. That discord is resonating in the largely Sunni provinces around the capital, places that once hewed to a rigid nationalism cultivated by Saddam Hussein. In recent months, Anbar, Salahuddin and Diyala Provinces have each pushed for a public vote on creating their own regional governments. Mr. Maliki has pushed back harder. His supporters contend that the movement threatens to destabilize the central government. They say that regions controlled only by local security forces would provide safe havens for Al Qaeda in Iraq, the Baath Party and other Sunni-aligned militant groups at a tenuous moment so soon after the American military withdrawal. During a trip to Washington this month, Mr. Maliki was asked in a meeting about the movement for greater regional control and offered a brusque reply, according to an American who met with Mr. Maliki during his visit. “His response was: ‘Everything those people are doing is illegal. The only way to deal with them is through a legal process, and not a political process,’ ” said the American, who asked to remain anonymous to avoid jeopardizing access to Iraqi leaders. “This is not a guy who has any interest in compromising.” Early Friday morning, Iraqi police commandos arrested a leading advocate of Salahuddin Province’s push for regional status and seized his computer and reams of documents, security officials said. They did not say why he had been detained. The provinces are not seeking a total divorce from the rest of Iraq, just a wider separation in the mold of Kurdistan, the relatively prosperous and safe area in northern Iraq. The Kurds, who have lived for decades as a people apart from the rest of Iraq, have their own Parliament and president, command their own security forces and have signed lucrative oil deals with foreign companies without Baghdad’s approval.
Labadii Budhcad ee Cadaanka ahaa ee huwanaa magaca wariyenimada oo lagu xukumay 11 sano

Addis-Ababa(Xogogaalonline).Fadhigii 3aad ee ay Maxkamada Federaalku yeelatay Maanta ayaa Markii la soo ebyay Dhamaanba Dacwad ku oogista 2dii journalist ee u dhashay Dalka Sweden ku xukuntay Midkiiba 11sano oo Xadhig ah.
2dan journalist ee lagu kala Magacaabo reporter Martin Schibbye iyo photographer Johan Persson ayaa ahaa Danbiilayaal Gacansaar la lahaa Argagaxisada UBO ,islamarkaana muddo hadda laga Joogo 5bilood ay Gacanta ku soo dhigeen 2dan iyagoo la socdo koox ubo ah oo soo hoday.
Sidoo kale Maxkamada Federaalka ayaa u cuskatay Cadaymihii Electronicka ahaa ee ay Gacanta ku hayeen xiligii ay ciidamada Liyuupoliceku Gacanta ku soo dhigeen,sidoo kalena Cadaymaha in ay Xiliyo hore si sharci daro ah u soo galeen Xuduuda dalka Itoobiya,kana fuliyeen falal dhan ka ah Qaranimada Itoobiya,siina dheerayd in ay kula kulmeen london hogaamiyaha argagaxisada UBO.
Isku soo Wada Duuboo Qudhaanjooy Ku Quuso Maanta ayay Maxkamada Federaalka Itoobiya Qalinka ku Duugtay Xukunka 2dii Wariye ee Dalka Sweden Midkiibana ku Xukuntay 11 sano oo Xadhig ah.
Silent Cry oo London Kusoo Bandhigay Filim ay Ugu Magac-dareen Freedon Of Peace
Ubo-quusis in London ayaa ay qayb libaaxeed ka qaadanayeen dhalinyarada silent cry oo soo gunaanaday dhamaanba tabihii mala awaaleed ee ay ubo la dhex meeri jirtay Qurbaha taasooy ku soo bandhigeen isbarbardhiga hawlaha horumarineed ee ay xukuumada ddsi ka wado degaanka iyo jalaafooyinka dibudhaceed iyo gabood falada ay ubo u gaysato shacabka ddsi. Sidoo kale UBO-QUUSIS 4 ayaa si aan la qiyaasi karin uga hirgalay Cariga ingiriiska,islamarkaana muujinaysa in Maanta aynu soo gaadhnay heer uu cadawgeenu candhuuftiisa dib-u liqay Sida Qawlaysatada Been-Quutayaasha UBO,taas oo ay sabab u tahay kartida iyo feejignaanta geesinimada leh ee ay xukuumadda M/Weyne Cabdi Maxamed Cumar ku wajahday sidii ay danaha dadweynaha deegaanka gudaha iyo dibaddaba u hanan lahayd. Socdaalkan 4aad ee UBO-QUUSIS ayaa Guud ahaan xidida u siibay Mala-awaalkii Beenquutayaasha UBO ay la Dhex meeri jireen Yurub iyo Ameerika,taasooy Dadaalka Madaxweynaha dhanka wacyigelinta iyo wada tashiga Qurbajoogta ka sakow ay door muhiima ka qaateen Dhalinyarada Silent Cry oo Habeenkii Xalay ahaa ay Documentry Film loogu magic daray Freedom of peace ku soo bandhigeen cophtorne tara hotel in London. Masraxa Bandhiga documentary filmka silent cry freedom of peace ee xalay ayaa ay ka soo qayb galeen qurbajoog aan la xadidi karin tiradooda badnaanshahooda awgeed kana kala yimid guud ahaanba cariga ingiriiska iyo dalalka yurub ee dariska la ahba,taasooy wada ilmeeyeen markii ay indhahooda ku dheehdeen tabaabuca ka soo burqanayay afkooda shacabkii ay UBO hagardaamada waxashnimo u gaysatay,islamarkaana naclad dusha ka saaray qowlaysatada UBO. Dhanka kale,Madaxweynaha DDSI, mudane Cabdi Maxamed Cumar oo tooshka ku haya hanaanka geedi-socodka hawlaha DDSI iyo dadweynaha degaanka ee ku kala dhaqan Dalka gudihiisa iyo Dibadaba,islamarkaana wuxuu u guntaday ka midho dhalinta qaybta 4aad ee Socdaalka UBO-QUUSIS In London,taasoo ku wajahan Taabo galinta Qorshaha guud ee wax qabadka DDSI oo ah wacyigelinta, abaabulka iyo jihaynta cududda baladhan ee qurbo joogta deegaanka u dhalatay cududaas oo dhaqaale & aqoon maskaxeed oo ballaadhan ku biirin karta bulshada deegaanka. Sidoo kale Qurba joogta deegaanka u dhalatay waa xooga ugu balaadhan qurba joogta qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya, M/Weyne Cabdi Maxamed Cumarna waa hogaamiyaha ay shucuubta iyo dawladda Itoobiyaba ka barteen muhiimadda ay leedahay midaynta iyo jihaynta khayraadka dalka gudihiisa iyo kan qurbo joogta, waana fahamka keenay in ay itoobiya iyo dawlad-deegaanadu abuuraan xafiisyo shaqadaas lagu ogyahay heer federal iyo heerarka deegaanadaba. Muhiimadda ay Xukuumada DDSI siisay midaynta aragtida iyo jihaynta maal-gashiga qurbo joogta waxa laga dheehan kara waqtiga iyo kharashka uu madaxweynuhu u huray qurbo joogta isagoo markii 4aad socdaal qaali ah ku kala bixiyay caasimadaha waaweyn ee dalaka reer galbeedka, gaar ahaana Maraykanka iyo Ingriiska. Dhanka kale Madaxweynaha oo ka hadlay markuu Dhamaaday Filimkii Silent Cry freedom of peaceee kiciyay Shucuurtii Qurbajoogta soona Gunaanaday Riyadii iyo mala awaalkii UBO,ayaa uu madaxweynuhu tibaaxay in ay jiraan dad badan oo la khalday sawiro Ujeedo Badan ahna UBO ay ka qaaday oo cabsi dareemaya lkn waxaan leeyahay waa cafis Qof kastoo UBO ay khaladay ee baal ka raaca Horumarka,Nabadgalyada iyo shacabkiina.Sidoo kale Ambasador Burhanu oo ku jiray dadka ay shucuurtooda kiciyay Filimku ayaa aad ugu mahadceliyay Xukuumada iyo dhalinyarada Silent Cry. Isku soo wada Duuboo Habeenkii xalay ahaa ayaa uu Guud ahaan Caalamka Gaar ahaana Cariga Ingiriiska iyo Nawaaxigiisa uu Soo afjaray Socdaalkii 4aad ee UBO-QUUSIS in London Documentry Filmka Silent Cry Freedom of Peace,Hada ka hor ayaa Qaar ka mida Socdaalada UBO-QUUSIS ee Cariga Maraykanka lagu soo afjaray Minneapolis Londona waa bartii soo Gunaaday UBO-QUUSIS.London(Xogogaal Online).Waxaan la iska indho saabi karin in madaxweynaha DDSI uu socdaalo dhaadheer uu ugu kala gooshay Deegaano badan oo ka mida DDSI iyo Dalka dibadiisaba looguna magic daray UBO-QUUSIs. Socdaalada ay madaxweynaha iyo waftiyada la socdaa ku soo mareen 4 gobol oo ka mida ddsi ayaa ahaa 3 socdaal halka socdaalkii 4aad ee ugu danbeeyayna uu yahay midka hada madaxweynaha ddsi iyo waftiga wehelinayaa ay ku tageen caasimada ingiriiska ee London.
Daa'uud Maxamed Cali oo Shaqadii Laga Joojiyay,Maxay Tahay Sababtu?.
Addis-Ababa(XogogaalOnline)Sati 15.12.2012.Shaki kuma jiro in aynu ka wada dheregsanahay dabeecadaha gaamuray ee uu leeyahay Mudane daauud maxamed cali xiligii uu hayay talada wadanka
iyo xilalkii kala duduwanaa ee uu ddsi ka soo qabtayba.
Hadaba Daauud Maxamed Cali ayaa ka dib Markii uu ku Guuldaraystay Habsami u hogaaminta DDSI ayaa ay Xukuumada DDSI Talo-bixin ku
aadanayd in Deegaanku xilalka uu Qayb ahaan uga Helayo Dawladsa Federalka loogu Daro Daauud Maxamed Cali,halkaasoo Dawlada Federalku
ay Dauud u Magacawday Kuxigeenka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Federalka.
Daauud ayaa Calaamadaha Leadership styleka lagu yaqaan ay yihiin Nidaamka Autoccratic Leadership oo aan waligiisba ku Dhaqmin Nidaamka
Democratic Leadership,taladana aan cidna la wadaagin oo la Qumanaanshihiisa uun ku shaqeeya.
Dhanka kale Wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska DFI Mudane amin cabdow-qaadir ayaa waayadanba ka biyo-diidsanaa Nidaamka Shaqo ee uu
ku dhaqmo Daauud,islamarkaana ku eedaynayay in uu Mr Daauud uu kala xigtaysto kooxaha Fanka oo kuwa Xoolodhaqatada ah uu necebyahay,halka
kooxaha Fanka Magaalooyinkana xidhiidho hoose ay ka dhaxeeyaan,islamarkaana uu fanaaniin badan ka khasaariyay Bandhigfaneedyo ay dhigi lahaayeen sida Fikir Addis,Daraje iyo kuwo kalaba.
Sidoo kale Mudane Amiin ayaa Daauud ku eedeeyay in uu ku tagri falo Miisaaniyada Xafiiska Kaligiis,soo galid la'aan Xiliyada shaqada,Xidhiidhkiisa Shaqo ee Waaxaha oo aad u liita(Poor inter-personal Relationship),sidoo kale Wasiirka ayaa Daauud ku eedeeyay in Daauud iyo Baabuurkiisu ay Saacadaha Danbe ee Habeenkii Meehanaabaan Magaalada iyo Xabsiyada,ka dib markii Taraafikadu habeeno kala duduwan ku qabteen goobo aan munaasib ahayn oo uu wasiirku ka soo daayay xabsiga markii laga soo wacay cinwaanada ku yaala Teesaraha Shaqada Daauud, waa siduu mudane amiin sheegaye.
hadaba khilaafaadkan murugsan ee ka dhaxeeyay Daauud iyo wasiirkiisa oo daba dheeraaday awgeed ayaa ay labaduba Waa Wasiirka Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska DFI Mudane Amiin Cabdow-qaadir iyo Kuxigeenkiisa Mudane Daauud Maxamed Caliye,ayaa waraaqo u qoray Xafiiska raysalwaraaha ku saabsan in la
soo kala dhex galo,islamarkaana loo saaray guddi ka socda xisbiga eprdf.
Daauud Maxamed Cali ayaa Shaqadii Laga Joojiyay loona Saaray Gudi ka wareejiya Xilkii uu hayay Walow uu Qaatay Mushaarkii Bishan lamaqna garan karo in uu Bisha Danbe Mushaar qaadan doono iyo inkale.
Dhanka kale Wariyaha Xogogaalonline ee ku caanbaxay soo tebinta wararka Xaqiiqda a ayaa ka soo helay Dad ka ag dhaw Daauud warar xaqiijinaya inuu Mr Daa'uud Shaqo ka helay Warshada hargaha iyo Saamaha ee ku Taala Kompolcha.
Dhacdadan Khilaafaadka soo jiitamay ee u dhaxeeya Amiin iyo kuxigeenkiisa Daauud iyo shaqo joojinta Daauud ayaa ah Xog dhab ah oo laga soo xigtay mid ka mida jaraaidada ka so baxa Addis-ababa.
Forget Heathrow, You Have Bole Airport
Adisababa(xogogaalonline)Mon.17.12.02.“Forget Heathrow, Bole Airport is also a Great Aviation Hub,” said an enthralled Tunde Rahman, a Nigerian who was in Addis Ababa for the 2012 Africa Road Safety Conference.
What enthralled him, according to This Day Live website, was the magnificence of Addis Ababa Bole International Airport and the frenetic pace of aviation activities there.
The website reports Bole International Airport of Addis Ababa is unarguably one of the busiest airports in Africa. It is the third busiest in the continent, handling over 3 million passengers per year.
The Airport, of course, is a massive international aviation center with flights throughout Africa, Europe and Middle East, the report indicates; adding that at the airport international flights compete for landing spaces:“As one airplane lands, another follows in quick succession”.
It goes on to mention Bole International Airport is powered by Ethiopian Airline (ET), it means the industry and entrepreneurship around the airline. ET is the national carrier of Ethiopia. Ethiopian flies to over 37 destinations in Africa alone.
The Website states the fact that ET is the first in Africa to acquire that state of the art plane, the Dreamliner, Boeing 787.
War Deg-Deg Ah: Daa'uud Maxamed Cali Oo Xilkii Laga Qaaday.
Addis-Ababa(Xogogaalonline)Talaado 18.12.2012.War Degdeg ah oo Naga soo Gaadhay Magaalada Addis-Ababa Goor dhawayd ayaa Xaqijinaya in Daa'uud Maxamed Cali Xilkii Wasiir Ku Xigeenimo ee uu ka hayay wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska DFI Laga Qaday Maanta.
Hadaba Wariyaha Xogogaalonline ee loogabartay Tebinta wararka Xaqiiqda ah ayaa Durba idiinku maqan in uu ka soo sal gaadho Sababta Kaliftay in Xilka laga Qaado Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Dhaqanka iyo dalxiiska DFI Daa'uud Maxamed Cali.
Dhanka kale inkastoo uu jiray khilaaf soo jiitamay oo ka dhaxeeyay Daauud iyo wasiirkiisa Aamiin cabdow,balse Wixii faahfaahin dheeriya ee ku saabsan eriga Daa'uud Dib ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.
Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Xidhiidhka Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Ka Qaybgalay Sanad-gurada 40aad ee Farta Somaliga oo Lagu Qabtay Djibouti.
Jabuuti(xogogaalonline)Wed Dec 18,2012.Wafti aad u balaadhan oo uu Hogaaminayay Wasiirka Xidhiidhka Dawlada Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane maxamed Guure Bisle ayaa ka qaybgalay Xuska sanad-guurada 40aad ee ka soo Wareegtay markii la qoray farta Soomaaliga oo lagu qabtay Magaalo madaxda Dalka Jabuuti ee jabuuti.
Munaasabadan lagu qabtay jabuuti ayaa ay ka soo qayb galeen Wakiilka madaxweynaha DDSI,madaxweynaha jabuuti Ismaaciil cumar Geele,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan.Aqoonyahan,Qoraa,Abwaano iyo martisharaf kale.
Shirkan oo Socda Maalintii 2aad ayaa uu Warbixin Dheer oo Muujinaysay Waxqabadka Xukuumada DDSI ee Dhinacyada Horumarka,Dhaqanka iyo ku Dhaqanka Luqada Afka Soomaaliga ah ka soo jeeiyay Mudane maxamed guure Bisle.
Mudane maxamed Guure ayaa Si Xeel dheer uga Faaloday In Xukuumada DDSI ay Tahay Luqada lagaga shaqeeyo Afka Soomaaliga,manhajka waxbarashaduna Yahay Afka Soomaaliga islamarkaana Dugsiyada Sare iyo Imtixaanada heer qaran ee DFI lagu daray Afka Soomaaliga,taasooy ukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdi maxamud Cumar ay Gntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay u kobcin lahayd Afkeena hooyo ayuu yidhi.
Dhanka kale Sanadguuradan o ay ka soo Qaybgaleen Madaxweyayaasha Jabuuti,Somaliya iyo Wakiilka Madaxeynaha DDSI Mudane maxamed Guure ayaa ay Dhamaanba madaxweynayaasha,Qorayaasha,Abwaanada iyo Aqoonyahanada ka soo qaybgalay Munaasabadanay ka markhaati kaceen in Xukuumada DDSI ay tahay ta kaliya ee daryeeshay Luqada Soomaaliga taasooy ayay yidhaahdeen Manhajkooda,Dastuurkooda,Luqada Shaqada iyo shuruucdooduba yihiin kuwo afka soomaaliga ku daabacan.
Sidoo kale Shirkan ayaa Lagaga markhaati kacay In DDSI ay tahay Dawlada kaliya ee Dadka Afka Soomaaliga ku hadlaa leeyihiin ee daryeeshay Dhaqanka iyo fanka Soomaalida oo loo Riyaaqay dhaantooyinka,gabayada iyo hal-abuurka DDSI.
Waxaa Xusid Mudan in Guud ahaanba dawladaha Ka soo qaybalay Xuska 40aad ee ka soo wareegay Markii la qoray Farta soomaaliga ee Lagu qabtay Jabuuti ay Xukuumada DDSI iyo Madaxweyne CMC ay Amaan u Soo Jeediyeen.islamarkaana Codsadeen in Ay Aqoon kororsi u yimaadaan DDSI si ay u arkaan habka Manhajka,manualska,shuruucda,Dastuurka iwm loo Diyaariyay.
isku soo wada duuboo Xuskan ayaa weli socda iyadoo loogu talo galay in uu sodo mudo 5 cisho ah wixii ka soo kordha Fisha Durba.
Gobolka Nogob yo Degmada Qubi oo ay Ka Socdaan Barnaamijka Talaalka iyo dawaynta Xoolaha.
Qubbi(Xogogaalonline)Wed Dec 20,2012.Sidaan wada ogsoonahay xukuumada deegaanka ayaa waxay dajisay qorshayaal iyo nidaam lagu horumarinaya bulshada xoolo dhaqato beeralayda waxayna xukuumadu ahmiyad waynsiisay bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah taasi oo keentay isbadal wayn oo horumar ah u keentay bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah ku dhaqan dhamaan deegaanka soomalida itoobiya.
Hadaba markaan eegno dadaaladaasi ay xukuumadu ugu jirto sidii kor loogu qaadilahaa Tayada iyo Caafimaadka Xoolaha ay dhaqdaan bulshadeenu si looga hortago lahaa khatarta kaga iman karta dhinaca Cudurada iyo Xanuunada ku dhaca xoolaha ayaa waxa uu xafiiska Xoolaha Beeraha iyo Horumarinta Reer-miyiga DDSI waxa uu dadaalo aan kala go' lahayn ka wadaa tuulooyinka iyo degmooyinka ay ku badan yihiin xooluhu,iyadoona xafiisku diray khuburo, xirfadlayaal caafimaad,iyo DAyada ku Shaqada leh Caafimaaka Xoolha.
Khabiirada iyo Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee Xafiisku Ololaha Talaalka Xoolaha ugu diray Degmoyinka ayaa si xoogan ugu guda jira talaalka xoolaha,islamarkaana ka fulinaya Talaalka xoolaha,Dawaynta xoolaha iyo waliba Baadhitaanka Xoolaha.sidoo kale bulshada xoolo dhaqatada ay ayaa waxay siwayn ugu bogay uguna riyaaqay dadaalka ay xukuumadu siisay bulshada Xoolo-dhaqatada ah,islamarkaana ay uu talaalkani iyo daawaynta xooluhu kor u qaaday tayada iyo horumarinta xoolohooda.
Hadaba mar ay booqasho shaqo ku tageen Qaar ka mida Wariyayasha xogogaalonline Degmada Qubi iyo tuulayaasha hoos yimaada ayaa waxay hakaas kula kulmeen xirfadlayaasha caafimaadka ee uu diray xafiiska xoolaha iyago xiligaa ku hawlanaa talaal ka Xoolaha,daawayn iyo baadhitaanka Caafimaadka dhinaca xoolaha ah kuwaasi oo sheegay in ay talaalka iyo daawaynka xoolaha.
sidoo kale bulshada xoolo dhaqatada ay ayaa waxay siwayn ugu bogay uguna riyaaqay dadaalka ay xukuumadu siisay bulshada Xoolo-dhaqatada ah,islamarkaana ay uu talaalkani iyo daawaynta xooluhu kor u qaaday tayada iyo horumarinta xoolohooda.
Xukuumada DDSI oo Maanta Ku Soo Wareejisay Waftigii Dawlada Canfarta Qaybaha Horumarka M/Jigjiga una Samaysay Qado-sharafeed iyo Sagootis.
Jigjiga(xogogaalonline)Tuesday Dec25,2012.Waxaa Waayadanba Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku sugnaa wafti aad u balaadhan oo ka socday guud ahaanba Hogaaminta Dawlada Canfarta oo uu Hogaaminayay madaxweyne Ku xigeenka Canfarta Mudane Awal wagris kana mid yihiin Afhayeenka baarlamaanka Canfarta Mudane Maxamed khadar,Gudoomiyaha Xisbiga Canfarta Mudane Maxame balko taasooy Guud ahaan Capinetka Dawlada Canfarta ay socdaan 18kiiba,sidoo kale Gudoomiyayasha 4ta Gobol,18 Degmo iyo Hawlwadeenada Mashruuca Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka Canfrta taasoo la odhan karo Dawladii Canfarta oo Udbaheedii iyo Dhigaheediiba wadata ayaa Khibrad Aqooneed u soo Doonatay DDSI.
Waftiga Dawlada Canfarta ayaa ay ujeedada Socdaalkooda DDSI ku wajahnaa in ay Khibrad iyo Aqoon ka caawisa sidii ay u dhaqan galin lahaayeen Qorshayaal Horumarineed iyo Maamul suuban oo ku adkaaday uga heli lahaayeen dawlada Deegaanka Soomaalida oo Muunad orumarineed iyo Maamul suuban u Noqotay Guud ahaanba 9ka kililee DFI,gaar ahaana 4tii Deegaan ee hore loo odhan jiray Kililada Dibudhacay(Backwarded Regions).
Sidoo kale waftigan oo si aad u saraysa ay ugu soo dhaweeyeen Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga Madaxweyne ku xigeenka ahna Kusii simaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Afhayeenka Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Muane Maxamed-Rashiid Isaaq,Madaxweyne ku xigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,Wasiirka Madaxtooyada DDSI,Mudane C/casiis Maxamed iyo dhamaanba golaha capinetka xukuumada.
dhanka kale madaxwyne ku xigeenka DDSI ay wehelinayeen masuuliyiin sarsare oo Xukuumada DDSI ayaa waftiga Dawlada Canfarta u kaxeeyay Gobolka Shabeele si ay uga soo bogtaan Barnaamijyada Dibudejinta Qoysaska Agagaarada wabiyada iyo Dooxooyinka Gobolka Shabeele laga hirgaliyay taasoo ahayd Ujeedada ugu waynayd ee ay Dawlada Canfartu ugu soo Xamaan Aruursatay DDSI si ay Aqoon iyo Khibrad uga helaan Qorshyaasha iyo Isbedelada Horumarka Xukuumada DDSI ay ku Guulaysatay,Gaar ahaan Dibudejinta oo ay Canfartu Dhaqaajin kari wayday.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Xuseen(Cabdi-Sonkor) ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Magaalada Godey Waftiga Dawlada Canfarta ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka DDSI Mudane C/fataax maxamuud,islamarkaana ku soo wareejiyay Dhamaanba Goobaha Dibudejinta looga sameeyay qoysaska ee Agagaarada wabiyada Feer-feer,Mustaxiil,Qalaafo,Beercaano iyo Gidhibka Degmada Godey,taasoo ay Fajac iyo amakaag ku noqotay Dawlada Canfarta sida loo Hirgaliyay Waxa ay indhahoodu Arkeen yidhaahdeena "Waxan oo Horumar ah Ma Cid aan DDSI ahayn ayaa idiin Hirgalisay".
Waxaa xusid mudan in ay aad ula dhaceen markay arkeen Sida DDSI ugu guulaysatay Dibudejinta looguna Dhamaystiray Dhamaanba Adeegyada Aasaasiga ah sida Waxbarashada,Biyaha,Caafimaadka,Beeraha iwm,iyo sida ay Qoysasku Kor ugu soo kacday Noloshoodu Waxsoosaarkooda Saraca Beeruhuna u Kafeeyay Deegaanka Qoysaska Dibudejinta loo sameeyay.
Sidoo kale Waftiga oo Dib ugu soo noqday Magaalada Jigjiga ayaa Maanta lagu soo wareejiyay Qaybaha Mashaariicaha Horumarineed laga fuliyay Caasimada Deegaanka,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Melez Senawi Referal Hospital,Jaamacada Jijigjiga,Kuliyadaha,Telefishinka iyo FMta Wakaalada Warbaahinta iyo Meelo kale,taasooy aad ula sii Dhaceen Dawlada Canfartu Baaxada Horumarineed ee ay Xukumada DDSI ku talaabsatay yidhaahdeena Referal Hospitalka Ma Cid kalaa idiin dhistay ka dib markii ay ku indha daraandareen Baaxada uu ka kooban yahay Isbitaalka,Qalabka iyo sida casriga ah ee loo dhisayba.
Maanta ayaa uu Xafiiska Madaxtooyada DDSI Qado-sharaf si aad u heersaraysa u soo agaasimay loogu sameeyay Waftiga Dawlada Canfarta ee aynu Deriska nahay Hotel-Nogob,islamarkaana ay ka soo Qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna siihayaha Xafiiska madaxweynaha Mudane C/xakiin Cigaal Cumar,Afhayeenka Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane M?rashiid Isaaq,Wasiirka Madaxtooyada Mudane C/casiis Maxamed,Maareeyaha Wakaalada Dhismaha iyo Horumarinta Biyaha Mudane Ibraahin iyo Masuuliyiin kale.
Munaasabadan Qado-sharafta ahayd ayaa ahayd mid lagu sii sagootinayay waftiga dawlada Canfarta ee DDSI u soo doontay Khibrad iyo Aqoon la xidhiidha Hirgalinta Qorshayasha Horumarineed,Gaar ahaan Dibudejinta iyadoona ay joogeen ku mudo dhan,qadaii ka dib ayaa ay Kusimaha Madaxweynaha,Wasiirka Madaxtooyada iyo Afhayeenkuba hadalo walaalnimo oo la xidhiidha Deriswanaaga,Iskaashiga iyo Tariikhda Soo jireenka ah ee ka dhaxaysay Canfarta iyo Soomaalida halkaa ka soo jeediyeen.
Dhanka kale Dawlada Canfarta oo ay u hadleen Madaxweyne ku xigeenaka,Afhayeenka iyo gudoomiyaha Xisbiga Canfarta ayaa aad uga mahadceliyay Soo dhawaynta Maamuuska iyo Qadarinta walaalnimo ee ay Xukuumada DDSI u fidisay,Kana marag kacay in DDSI ay ku talaabsatay Horumar Baaxad wayn iyo maamul suuban oo adag,islamarkaana ka codsaday in ay kucaawiyaan Dawlada Canfarta lataliyayaal Soomaali ah oo ka caawiya
Qorshayaasha Horumarineed iyo Maamulka Suuban.
Ugu danbayntii ayaa la gudoonsiiyay Hadiyado Masuuliyiinta Dawlada Canfarta,islamarkaana la iswaydaarsaday Salaan iyo Dardaaran La isku macasalaameeyay,iyadoona ay waftigii Canfartu Dib ugu laabteen Galabta Deegaankoodii iyagoo Farad iyo Khibrad Aqooneedba ka helay Xukumada DDSI.
Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/kuxigeenka DDSI oo Maqaaxida Molka 24aad ee Minniapolise(Shaah Macan)Kula Saaheeyay Qurbajoogta.
Minniapolise:-xogogaalonine.Wednesday Dec 26,2012.Waxaa maalmahanba shirar aan kala go'lahayn ka waday Miniapolise,St Cloud iyo Meelo kalaba waftiga xukuumada DDSI ee uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna Hogaanka N/gelyada iyo Cadaalada DDSI MUdane C/laahi Yuusuf Weerar wehelinayeena Wasiirka Jidadka DDSI Mudane khadar Cabdi Ismaaciil iyo Wasiirka maxkamada Shareecada Islaamka Sheekh Maxamed Yuusuf.
Shirarkaas ayaa ay ka soo qayb galeen Qurbajoog,Ururka dhalinyarada SEDYO,Guurtida odoyaasha oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guurtida North Ameerika Mudane Shuuriye iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada oo 1500 kor u dhaafay Shirkii Minniapolise Halka St Cloudna uunan Waxba ka dhicin halkaasoo lagu wda dhaanteeyay.
Dhanka kale warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Taageerayaashii UBBO ay noqdeen Wax isu soo dhiibay Waftiga Qoomamaynayana Mawjadihii Beenta ee ay UBBO Mukhuursiisay,Wax dadkooda dhinac ka raacay iyo Kuwo ka waji dadbaya Qurbajoogta ku hawlanayd Horumaarka iyo Nabadgelyada walow hawlaha qabyada noo ah aynu ka wada shaqayno lagu Mooraal galiyay.
Sudaan Muxumed waxa uu ahaa nin lafdhabar u ahaa UBBO kuna nool Minniapolise oo Qoomamaynaya Aragtidii Mudiga ahayd ee UBBO,islamarkaana ku soo Biiray ka qaybqaadashada Horumarka iyo Nabadgelyada DDSI.
hadaba waftiga oo aad ugu faraxsan Baraaruga iyo Doorka firfircoon ee Qurbajoogta Minnisota ayaa Dhex taxaashaya Magaalada Minniapolise,islamarkaana kula casariyeen Maqaaxida Caanka ah ee Shaah-Macaan kuna Taala Molka 24aad
Wasaarada Waxbarashada DDSI oo ugu Deeqday Dugsiyada Hooyga Agoonta ee Jigjiga iyo Fiiq labo gaadhi, Manhaj iyo Laydhadh Solar ku Shaqeeya.
Jigjiga(XogogaalOnline)Khamiis Dec,27,2012.Wasaarada Waxbarashada ee Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia ayaa ugu deeqday Dugsiyada Hooyga iyo waxbarashada ee Caruurta ay waalid tireen Nabad -iidku ee ku kala yaala Jigjiga iyo Fiiq laba Gaadhi oo noocoodu yahay Mini-bus, 200,000 ( labo boqol oo kun) oo ah Manhajka Cusub ee Waxbarashada Dugsiga Dhexe iyo Sare iyo afar boqol(400) oo xabo oo ah laydhadhka Soolarka ku shaqeeya.
Deeqdan ayaa uu ku-xigeenka Waxbarashada mudane Abubakar Maxamed Khaliiif uu kala Gudoonsiiyay maamulayaasha labada dugsi ee ku kala yaala Fiiq iyo Jigjiga.
Dhanka kale deeqdan la gudoonsiiyay dugsiyada hoyga iyo waxbarshada caruurta ay nabad-diidku waalid-tireen ayaa ay ku baxday aduun lacageed oo kor udhaafaya 1,800,000 (hal million iyo sideed boqol oo kun oo birr)
ma aha markii ugu horaysay ee deeq la gaadh siiyo dugsiyada agoonta,iyadoonalabadii sano ee ugu danbaysay ay qurba joogta, qaar ka mida xafiisyada dawlada, ganacsatada, qaar ka mida maamulada dagmooyinka iyo hogaaminta dhaxe ee tababarka ku jirtaba ay deeqo kala duwan gaadhsiiyeen dugsiyada agoonta.
Ogaysiis:- Dhamaan Qurba-joogta DDSI ee Miniopolise, SEDYO oo Munaasabad Sagootis ah U Qabanaysa Caawa waftiga xukuumada DDSI.
Minniapolise(Xogogaalonline)Khamiis Dec 27,2012.Ururka Dhalinyarada SEDYO ayaa waxaay Ogaysiinayaa dhamaanba qurbajoogta DDSI ee ku sugan Gobalka minisota iyo nawaaxigeeda gaar ahaan magalada Minniapolise in la qaban doono Caawa munaasabad balaadhan oo lagu sagootin doono waftiga xukuumada DDSI ee waayadanba booqashada ku joogay cariga maraykanka gaar ahaan Minniapolise.
Hadaba waxaa marlabaad la idinku adkaynayaa kasoo qaybgalka munaasabadan sagootiska ah oo lagu qaban doono CAAWA,Adressku waa 417 like view hall Est like street mpls mn 55408.
FG. wixii faah faahin ee dheeraad ah waxaad kala xidhidhi kartaan ciwaankan hoos ku qoran
Afhayeenka Sedyo Shaaleqe Aabi Tell:-6125324626
Wafti balaadhan oo ay hogaaminayso Wasiirad kuxigenada xafiiska madaxtooyada DDSI ayaa kormeer hawleed ku tagay Goobaha Tuulada Geri'Goan laga dhisayo Mahaariicaha Aas-aasiga ah.
Geri-Go'an(xogogaalonline)Jimce Dec 28,2012.Wasiirad ku xigenka xafiiska madaxtooyada DDSI Marwo:Fardawsa Mataan Cabdi iyo injineero ay hogaaminayso ayaa booqasho hawleed ku gaadhay tuulada Gerigo’an ee ka tirsan Degmada Birqod waxayna masuliyiintani kulan la qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada kulankaasi oo ka dhacay tuulada Gerigo’an ayaa waxaa uu ahaa mid lagaga wada hadlayey xoojinta iyo goobihii laga hirgalin lahaa dhismayaasha xarumaha Caafimaadka Dadka, xarumaha Caafimadka Xoolaha, goobaha biyaha iyo waliba Masaajid Ay ku cibaadaystaan bulshada ku dhaqan tuladaasi Gerigo’an islamarkaasina looga hirgelinlahaa tuladaasi horumar xawli ah islamarkaana bulshadu ku hantiyaan dhamaan adeegyada aas aasiga ee nolosha Aadamahu laga maarmaanka u ah .
Mar ay Tuladani Gerigo’an ay booqashada hawleed ku gaadheen wafti isku dhaf ahaa ee iskugu jiray Golaha Dhexe iyo Gudiga Fulinta ee uu hogaaminayey Madaxweynaha DDSI Mudane:Cabdi Maxamud Cumar mar uu dhamaaday shirweynihii XDSHSI ee lagu qabtay Birqod ayaa shir hore ula yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Geri-Go'an taasoo ayna kaga codsadeen Bulshadu Madaxweynaha in loo dhiso Masaajid ay ku cibaadaystaan iyo Adeegyada Aas-Aasiga ah sidii looga hirgelin lahaa ayaa Madaxweynaha iyo Gudiga fulinta iyo golaha dhexe ay islaqaateen in sida ugu habon ay ugu fuliyaan adeegyadaasi ay ka cosadeen bulshada reer Gerigo’an.
Hadaba booqashadan ay masuuliyiintani ku gaadheen tuladaasi Gerigo’an ayaa waxa ay jawaab u tahay socdaalkii Madaweynaha DDSI iyo Gudiga fulinta iyo Golaha dhexe ay usoo balanqaaden bulshada ku Dhaqan tuladaasi Gerigo’an in loo hirgeliyo dhamaan Adeegyada Aas Aasiga ah ee la rabo in sare loo gu qaado Nolosha bulshada waxayna Wasiirad kuxigenka xafiiska madaxtooyada DDSI Marwo:Fardawsa Mataan Cabdi ay kulan laqaadatay bulshada ku dhaqan Gerigo’an kaasi oo looga wada hadlayay qabsoomida sidii si fudud loo gu dhamays tiri lahaa hawlaha laga fulinayo Tuladaasi Gerigo’an islamarkaana ay hada daraasaad ku soo sameeyeen goobihii ku haboonaa dhismayaasha kala duwanaa ee laga fulinayo tuladaasi Gerigo’an.
Waxay shacabka ku dhaqan tuulada Gerigo’an ay soo dhaweeyay waxqabadka baladhaan ee ay xukuumadu ka hirgalinayso tuladaasi iyo ka jawaabida balanqaadyadii loo sameeyay ayaa waxaa ay sheegeen in doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin Horumarka Xawliga ah ee ka guda socda degaaanka ay ka qaadan doonaan kaalintooda kaga Aadan .
Balanqaadkani oofintiisa ayaa ah mid dhamaan hogaaminta heerer koda kala duwan ay socdaal lug ah ku tageen Tuladaasi Gerigo’an oo ay ugu kuur galayeen lawaadigida habnololeedka bulshada sidii loola qaadan lahaa wakhti badan islamarkaana loogu xoojinayo horumarka kala duwan see degaanka.
Qoraa: Ciise Cali