Quantcast
Channel: Xog Ogaal Online
Viewing all 349 articles
Browse latest View live

Chelsea oo £15milion ku dooneysa weeraryahanka Sevilla Negredo

$
0
0

Sport(Xogogaalonline)Friday Dec 28,2012.Hadiii Sturridge ku biiro kooxda Liverpool,kooxda Chelsea ayaa heystaa markaas hal weerar oo kaliya waana Torres ,sidaas darteed The Blues waa ku waaajib in ay keento weeraryahan dheeraad ah.

Wakiilo ka socda kooxda galbeedka ayaa booqan doonta magaalada xeebta ku taala ee Sevilla si ay kooxda reer Spain ugala xaajoodaan saxiixa xidigaan .

Laacibkaan oo ka mid ah weeraryahanada ugu awooda badan Spain ayaa 52 gool udhaliyay kooxdiisa tan iyo markii uu ku soo biiray 2009-kii .


mid ka mida 4ta ugu saraysa Saamilayda Shirkada UBBO oo xidhiidh la soo sameeyay C/nuur-yare.

$
0
0

Jigjiga-Xogogaalonline(Thursday Jan-3-13).war si qarsoodi ah ugu soo dhacay goor dhawayd shabakada xogogaalonline ayaa xaqiijinaya in mid ka mida saamilayda shirkada Garabka Asmara oo aan weli magaciisa la shaacinin sababo jira awgeed in uu si toos ah ula soo xidhiidhay C/nuur C/laahi Faarax(C/nuur-yare) oo uu Badheedhihiisa ku aadan Tubta Nabadgalyada u sheegay C/nuur yare kana aqbalay.


mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Arintan mudane C/nuur-yare nooma aynan suurto galin in aanu wax faahfaahin dheeraada uu naga siiyo walow uu wariyahayaga u sheegay in ay jirto balse aan la shaacin karin wakhti xaadirkan kana gaabsaday.


Qaar ka mida siyasiyiinta falanqaysa Arimaha UBBO oo aanu u xuuraan tagnay ayaa ay ku muran sanaayeen shakhsiga uu noqon karo kuna kala duwanaa Arintan iyo Qofka uu noqon karo marka la barbardhigo Dabeecadaha iyo Dhaqanka Qofka uu noqon karo fikir a mida ayaa ahaa in uu Noqon karo Nin Jooga Dalka Ingiriiska halka Fikir kale oo Odhanaya laga Yaabo in uu yahay Dalka Australia uu isna soo eedhay.


Si kastooy ahaataba Cadceeduba horteena way iman wayna cadaan doontaa qofka uu yahay balse wadadii ugu haboonayd ayuu qaatay qofkaasi mar hadii uu garwaaqsada wadada kaliya ee Wakhti xaadirkan u furan UBBO in ay tahay ka qaybqaadashada Fursadii ugu danbayay UBBO oo ah Wadahadalada uu uray Mudane C/nuur C/laahi Faarax(C/nuur-Yare) taasoo la odan karo Maslaxadii ayuu Alle Waafajiyay.


Dhanka kale qaar ka mida Odoyaal-dhaqameedka oon la kulanay ayaa Dareen farxadeed ku tilmaamay Arintan yidhina waa licibkii ugu danbeeyay UBBO mar hadii uu Ninkala sheegayo qaatay Nabadii.


Wixii ka soo kordha arintan dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa,balse dhegta iyo Indhaha ku haya Xogogaalonline.

Ogaysiis:Waftigii Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenka oo London Yimid iyo Shir Ka Dhici Doona Sabtida Safaarada DFI ee London.

$
0
0

London(xogogaalonline)friday January 04,2013.Waxaa Dhamaanba Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ee ku dhaqan Magaalada London iyo Nawaaxigeeda la ogaysiinayaa ka soo qabgalka shir balaadhan oo ka dhici Doona Gudaha Safaarda DFI ay ku leedahay London Maalinta Sabtida Saacadu markay tahay 1:00pm(Galabnimo).


Hadaba waxa ay mar labaad ogaysiinayaan Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee UK iyo Gudigiisuba ka soo Qaybgalka Shirkan Balaadhan ee ay Qabanayaan Waftiga Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDSI ahna hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ay Wehelinayaan Wasiirka Xafiiska Jidadka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Wasiirka Maxkamada Shareecada Islaamka DDSI Mudane Maxamed Yuusuf iyo Madaxa Xafiiska Qurbajoogta Laanta Addis-Ababa Mudane Cabdi Aadan.

FG:-Wixii Faahfaahin Dheeraada ee ku Saasan Shirka waxaad kala xidhiidhi kartaan Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI ee UK MUdane Jamaal Sheekh Ibraahin iyo Gudiga Jaaliyada DDSI UK.
Ka Soo Qaybgal-wacan.

Aqoonyahan Cabdulaahi Gariile Ma Astaahilo Warxumo-tashiilka iyo Been Abuurka Qayaxan ee uu kula kacay Wariye Indha-cade.

$
0
0

Kenya(xogogaalonline)Tuesday 1/8/13.c/laahi gariile waa aqoonyahan Wakhtigiisa iyo Maskaxdiisaba u huray Dalkiisa iyo dadkiisa mana gayo hadalo aan munaasib ahayn iyo caadifad shaqsi uu kula kaco Sharafta iyo Karaamada gariile oo kaga duwan shaqsiyaadka Danaystayaasha iyo Dhuuni raacyada ah ee ku xoogsada hadalada maalaayacniga ah.


Hadaba C/laahi Gariile oo Sharaf iyo Karaamaba ka mudan Shacabkiisa iyo Indheergaradka Deegaankaba waligiina u taagnaa ka qaybqaadashada horumarka iyo n/gelyada deegaanka ayaa uu dhawaan mid ka mida Wariyaaasha xogogaalonline u qaabilsan Arimaha Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay Nairobi uu fadeexad ula kac oo uunan istaahili aqoonyahan c/laahi gariile uu kula kacay,halkaasoo fadeexada Qaawan ee ka hor imanaysa Nidaamka Saxaafadeed Talaabo lagaga qaaday.


Wariyaha xoogaalonline ee Falka foosha xun kula kacay C/laahi Gariile oo lagu magacaabo Cabdulahi indha-cade ayaa ay Gudiga Anshaxa iyo Maamulka Shabakada Xogogaalonline ay ka fadhiisteen Faldanbiyeedka uu kula kacay Gariile iyadoona loo cuskaday kuxadgudubka Sharafta iyo sumcada Shaqsiga iyadoona ay jireen khaladaad uu hore u galay,taasoo talaabo ay kaga qaadeen gudigu shaqadiina laga eryay.

Geeri Naxdin Leh Cabdi-yare Iimaan oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

$
0
0

Jigjiga(xoogaalonlinei)Jimce January 10,2013.Madaxweynaha DDSi,golaha capoinetka dawlada iyo odoyaqaldhaqameedka ayaa waxay tacsi  geeri naxdin leh u dirayaan Qouyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum C/yare Iimaan oo ku geeriyooday shil baabuur,lehna samir iyo iimaaan ilaahay ha inaga siiyo Marxuumkana naxariistii jano ilaahay ha ka waraabiyo Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Marxuumka ayaa Ku geeriyooday Shil Baabuur,iyadoona uu Marxuumku Gacantiisa ku waday gaadhiga,islamarkaana uu baabuurku xawaare dheer ku socday abaarihii 11kii Galabnimo ayay ka baxeen Magaalada Jigjiga 12kii iyo 30 Daqiiqana waxay galeen Dh/buur iyagoo ku sii Wajahnaa Birqod oo uu Marxuumku Shaqo la xidhiidha Qandaraas uu ka qaatay wakaalda enterpriseka ugu ssocday. 1dii fiidnimo ayaa ay ka baxeen Dh/buur iyagoo ku sii wajahnaa Magaalada Birqod,halkaasoo Mar uu Xawaare uu ku socday Baabuurka uu waday marxuumku uu wadadii uu ku socday Goolad gashay balse adarka Alle ayaa ka xoog badiyay oo Wadadii ayuu kala baxay baabuurkii,halkaasna waxaa ku geeriyooday C/yare Iimaan oo ahaa Wadihii Gaadhiga,halka Dhaawac uu Soo Gaadhay C/naasir Cali Daroor oo ay ilaa Ingiriiska Saaxiibo ku ahaayeen hdana lagu baxnaaninayo Isbitaalka Karamardha ee Magaalada Jigjiga.

Sababtabshilka ayaa ah 1-gaadhiga oo darawalkii la socon oo uu marxuumku ahaa wadha gaadhiga xiligaas 2-habeenimo 3-xawaaare dheek oo ku socaday4-si kadis oo ay gooladi ugu soo baxday sababtayna in uu wadada kala baxo,iyadoona uu marxuumku rabay in haqwlo horumarineed oo la xidhiidhay mashaaiic oo uu gacanta ku hayay in uu mudadii loogu alogaly u dhameeyo balse geeri naxdin leh ayaa ku timid.

Shabakada xogogaalonline.com ayaa Iyadunadhankeeda Tacsi u diraysa Geerida Naxdinta leh ee ku tiid C/yare iimaan Qoyskii eheladii,asaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayba in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana naxariistii jano ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Maxaabiis Magac Leh oo Laga Keenay Xabsiga Suway oo La Fialyo in ay Ka Mid Noqon Doonaan Maxaabiis Badan oo Dhawaan Ooda Laga Qaadi Doono.

$
0
0

Jigjiga(xoogaalonline)imce Jan,10,2013.Sidaanu horeba idiinku soo tebinay Gudiga Arimaha N/gelyada ugu Sareeya DDSI(security Council) ee uu Shirgudoonka u yahay Madaxweynaha DDSI MUdane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Dabayaaqadii Sanadkii Tegay u fidiyay Cafis Maxaabiis Badan,taasoo ka mid ahayd Road-Mapka Tubta Nabadgelyada iyo Wadahadalada uu C/nuur c/laahi Faarax (C/nuur-yare) uu la galay DFI iyo DDSI.


Wadahadalada C/nuur-yare ee Garabka Asmara uu la galay DFI iyo DDSI ayaa si aad u wayn ay u soo dhaweeyeen labada Dhinacba waa DFI iyo DDSI sida wanaagsan ee midhadhalka leh ee uu C/nuur ku wado Qodobada heshiiska,taasoo rajo aad u wayn sii galisay Shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaanba Dal iyo Dibadba,halka Hogaamintii,kaadiriintii Sarsare iyo taageerayaashii Garabka Asmara ay isku wada waafaqeen Tubta Wadahadalka Nabadeed ee uu C/nuur la furay DFI iyo DDSI,islamarkaana ay Wufuud badan oo ka kala timid Dalalka Dibada oo ay Hogaamintii Garabka Asmara u badnaayeen iyo Taliska Ciidanka Gudaha ee Garabka Asmara ay Goobjoog ka ahaayeen Wadahadaladii Dhawaan ka dhacay Addis-Ababa.


Hadaba wadahadaladan oo Natiijo Fiican durba dhalay ayaa sii kordhisay Kalsoonidii ay ka Qabeen Wadahadalada garabka Asmara ee uu hogaaminayo Mudane C/nuur C/laahi Faarax(C/nuur-yare) dhanka Dawlada Federaalka iyo Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya,taasoo Dhalisay in Maxaabiis badan oo magac weyn kaga dhex lahaa Ururka Nabad-diidka UBBO oo Xukun dheer lagu xukumay kuna xidhnaa Xabsiga Suwaay oo ku yaala Deegaanka Oromiya loo soo Wareejiyo Xabsiga Dhexe ee DDSI.


Maxaabiista Maanta la keenay Jeelka Dhexe ee DDSI ayaa hore loogu eedeeyay Falal-nabaddiidnimo oo lug ku lehaa UBBO gacan-saar aad u adagna ka dhaxeeyay,taasoo ay ku mutaysteen Xukun aad u dheer oo ay ku xidhnaayeen Xabsiga Suwaay oo ku yaala Deegaanka Oromiya

Maxaabiista Maanta Lagu keenay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Jigjiga ka dib markii ay u fidiyeen Cafiska u gogol-xaadhaya Sii adkaynta Security-Road-mapka Security councilka Deegaanka ayaa ay ka mid yihiin 1-Xaaji Ibraahin Xaad 2-Suldaan Fowsi Cali Cabdi 3-Bishaaro Wacdi 4-nadiir sayid Nadiir Sayid Nuur iyo ina bedel

Gebagebada Dhawaan ayaa la filayaa in Maxaabiis aad u fara badan oo maalmahanba lagu hawlan yahay Isku-dubaridkooda iyo Dhamaystirka Nuqulada sii dayntooda in ooda laga qaado si ay Shacabkooda iyo Qoysaskoodaba dhinac uga galaan.

ubbo oo kabihii iyo kayshaligiiba haleeli wayday.

$
0
0

Minniapolise(xogogaalonline)Monday 14/01/03.wacdaro taariikhi ayaa ka raacay ubbo magaalada minniapolise mar ay baraad li'i damceen in ay shir magac u yaal ah qarsoodi ku qabtaan mid ka mida mawlacyada ku yaala magaalada Minniapolise.


Balse waxaa damacii ubbo beeniyay Gudiyada Odoyaasha,Sedyo,Haweenka,Jaaliyaadka iyo Dhamaanba Waxgaradka Qurbajoogta oo ay ku gaamurtay Colaada ay u Qabeen xasuuqa Arxan daro ee ay UBBO u gaysatay dadka aan waxbaba galabsanin kuwaasoo dhan ka ah xusuuqda binuaadamka.
warka ayaa intaa ku daraya in dadka ku gadooday UBBO ee ay hormuudka ka ahaayeen SEDYO oo udbaheedii iyo dhigaheediiba wadatay ay sababtay in maxamed ismaaciil iyo colkiisii ka huleelaan goobtii qof kastaana beegsaday barta wajigiisu ku aadanaa,iyadoonan qofna qof haleelin.


Waxaynu hore u maqli jirnay mar lagu hardamo jilibkana la isku dhigo goobaha colaadeed in hadba kii guushu raacdo in uu odhan jiray hub iyo saanad ayaan ka furtay,ama maryo dhiiglaan ka furtay,balse waa ay ka duwan tahay maanta oo UBBO waxaa minniapolise lagaga furtay Kayshali,Kabo iyo Googarado,Isweydiintuse waxay tahay maxaa sababay in Goobtii ay UBBO ku shiraysay loogu tagay Googarad iyo Rajabeeto Cajiib?.


Dhanka kale warar Xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in markii horeba Dad Dumar iyo Waayeel u badan Afduub ahaan ay Qaaxo iyo Calooshood u shaqaystaal uu soo kiraystay ku jujuubayeen Dadka goobta ku sugnaa,taasooy dadkii jujuubka iyo afduubka lagu haystay ay neefi ka soo booday markii ay arkeen malaayiintii shacabka ahaa ee ku soo qamaamayay UBBO oo ay Maxaabiis u ahaayeen halkaasna la isku tooriyeeyay.


Hadal iyo Murtidii kabtaydii Meeday ayaa ka dhacday Minniapolise iyo UBBO,halkaasna waxaa lagaga furtay Googarado,kayshali,Powder,Maandooriye iyo Kabo kala cayn cayn ah.

Madaxweynaha DDSI oo Booqday Maanta Xabsiga Dhexe iyo Talaadada Soo Socota oo Maxaabiis Badan ooda Laga Rogi Doono.

$
0
0

Jigjiga(Xogogaalonline)Wed 16,2013.Madaxweynaha DDSI mUdane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay Wehelinayeen Mudane C/nuur-yare iyo Dr Doolaal ayaa Maanta Booqday Xabsiga Dhexe ee DDSI,halkaasoo ay kula kulmeen Maxaabiistii Dhawaan laga soo wareejiyay Xabsiga Suwaay ee ku yaala Oromia,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Xaaji Ibraahin Xaad,Suldaan Fowsi Cali Cabdi iyo Bishaaro Wacdi.


Maxaabiistan iyo Maxaabiis kaloo badan ayaa la filayaa in maalmo ka dib ooda laga qaado,iyadoona ay ka mid ahaayeen Wadahadalada Tubta Nabada iyo Horumarka ee Garabka C/nuur ee Asmara iyo Xukuumadu islaqaateen,si loo sii ambaqaado Dhamaystirka Peace Road Mapka.


Nidaamka Dawladeed ee Dunida ka jira ayaa ku dhisan in la helo Xabsiyo iyo Maxaabiis hadba lala tiigsado faldanbiyeedkooda,taasoo shacabka u dhaxayso dawladu ileen hadaan nidaam dawladeed jirin qofna qof kama awood badnee,balse Qofka maxbuuska ahi albaabkii uu ka galay Xabsiga ayuu hadana ka soo bixiye xagee loo dooni shacabkii ay UBBO Gumaaday mase la soo celin karaa?Jawaabtu waa maya.


Ogaysiis:CakaaraNews oo Dibuhabayn Ku Socoto

$
0
0

jijiga (xogogaalonline).wed 16,2013.waxaa dhamaanba macaamiisha sharafta leh ee ku taxnayd shabakada cakaaranews la ogaysiinayaa in cakaara ay ku socoto dibuhabayn muddo 48 saac gudahood ah,islamarkaana ay hawada ku soo noqon doonto 48 saac gudahood dibna wararkii iyo xogihii aad uga barateen aad ka heli doontaan.


cakaaranews filo 48saac ka dib maadaama dibuhabayn ku socoto.

(War-Deg Deg Ah)Lax Dhukani Col iyo Abaarba Moog,UBBO oo Isku Dayday In ay Boobto Raashin Ay Qaybinayeen Maleeshiyo-Beelaadka Arooy oo 25 Laga Dilay 7na Gacanta Lagaga Dhigay.

$
0
0

Fiiq(Xogogaalonline)Thursday 17,2013.UBBO Fii UBBO khamsa fii daalac,maleeshiyo-beeleedka Aaroow ee Daakhato ayaa mar ay Raashinka caawimada u qaybinayeen shacabka ay luqunta la soo kacday xayn UBBO ah oo Gorofyada Gaajo,Rafaad iyo Silic ugu hoos jirtay damceena in ay Raashinkaas Dhacaan,iyagoo Damacoodii Qaawanaa sawirtay soona gadh-qaaday Awrtii ay ku raran lahaayeen Raashinka Caawimada Shacabka ee ay dhici doonaan,taasoo micnaheedu yahay Gubadkaan Gubi Doona Biciidka Daaqi Doona".


Maleeshiyo-Beeleedka Aaroow-Daakhato ayaa Dagaal ba'an kala hor tagay Xayntii UBBO ahayd,islamarkaana Halkaa kaga Dilay UBBO 25 Gacantana ku Dhigeen 7 iyo hamaanba Qoryahoodii iyo saanadiiba,halka maleeshiyo-beeleedka Deegaanka AROOW ee Aaga San-xaskule Daakhato ay ka shahiideen 5 kana dhaawacmeen 2 qof.


Dhanka kale UBBO ayaa waayadan danbe markii ay kacday shirkadii saamilayda ina cumar dacay iyo ina ruqiyo dhuubo sidii caadada Hoos Guurka u ahayd markii ay u aamuseen saamilaydii oo ay afka juuqda la gabeen ayaa ay Hubaysanayaashii UBBO markii uu jidinkii qalalay u kala firxaday Budhcadnimo si ay dadka u dhacaan isuna badelay Qaaticul dariiqiin Dadka dhaca.

Gudiga Heer Qaran DFI ee Sii Ambaqaadida Jihooyinkii Meles(Meles Legacy) oo Galabta Shirkii 3aad uga Furmi Doono Addis Ababa.

$
0
0

Addis-ababa(Xogogaalonline)Thursday jan 17,2013.Waxaa Galabta ka furmi doona magaalada addisababa Shirkii 3aad ee ay isugu yimaadaan Gudiga Heer Qaran ee Sii ambaqaadida Hindisayaashi iyo Qorshayaashii Horumarineed ee uu Dejiyaya Raysalwasaarihii DFI ee Geeriyooday(Meles Legacy).


Ujeedada ugu wayn ee shirkan ayaa ah in si ficil ah loogu muujiyo sii ambaqaadida Jihooyinkii siyaasadeed,Dhaqaale,Horumarineed iyo Dimoqraadiyadeed ee uu DFI u jeexay raysal wasaare Meles Senawi,si looga dhabeeyo balanqaadkii la galay geerida ka dib.


Sidoo kale Hadafyada Hogaamin Siyaasad-dimoqraadiyadeed ee Kobaca Dhaqaale ee ururka EPRDF ayaa si looga dhabeeyo Hindisayaashii iyo Qorshayaashi Meles Senawi ee ku wajahnaa Guud ahaan dalka gaar ahaana bulshada si loo sii ambaqaado lagaga wada xaajoonayaa shirkan ay galabta isugu yimaadeen Gudiga heer qaran ee DFI(Meles Senawi Legacy)


Gudiga Heer Qaran ee Meles-Legacy ayaa uu ka mid yahay   Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana uu ka Qaybgalay Shirka 3aad ee Galabta uga Furay Magaalada Addis-ababa Gudiga Heer Qaran ee Sii Ambaqaadida Qorshayaashii iyo Hindisayaashi Meles Senawi(Meles Legacy).


Wixii ka soo kordha dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa hadii alle idmo.

 

Ogaysiis:Dhamaan Qurbajoogta Nairobi iyo Nawaaxigeeda Shir Lagaga Hadli Doono Horumarka iyo N/gelyada DDSI Berito oo Ka Dhici Doona Gudaha Safaarada DFI..

$
0
0

Nairobi(xogogaalonline)Thursday Jan 17,2013.Waxaa Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku Baahsannairobi iyo Nawaxigeeda ay Jaaliyada DDSI ee Nairobi ogaysiinaysaa in laga soo qayb galo shir aad muhiim u ah oo ay Qaban Doonaan Maalinta Berito ah Waftiga Xukuumada DDSI ee uu Hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna Hogaanka N/gelyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar,Shirkaas oo Lagu Qaban Doono Gudaha Safaarada DFI ay ku Leedahay Nairobi saacada Afrikada Bari markay tahay 2da ama 8da duhurnimo ninba siduu u yaqaano.

Shirkan ayaa lagaga wada Arinsan doono Doorka Soomaalida kaga aadan Horumarka,N/gelyada iyo Maamulka Suuban ee ka Taabogalay DDSI,islamarkaana Maalqabeenada Soomaalidu u maalgashan lahaayeen Deegaanka.

Hadaba jaaliyada DDSI ee Kenya ayaa waxay mar labaad ku wargaliaysaa Dhamaan Soomaalida Kenya ka soo Qaybgalka shirka Balaadhan ee Ka Dhici Doona Magaalada Nairobi Maalinta Beri ah Saacadu markay tahay 2da ama 8da duhurnimo kana dhici doona Gudaha Safaarada DFI.

Wixii faahfaahin dheeri ah waxaad kala Xidhiidhi kartaan Jaaliyada DDSI ee Kenya

Ka Soo Qaybgal Wacan.

Wasiirka Madatooyada DDSI oo sheegay in Tir 15 keedu tahay maalin qiime wayn ugu fadhida shacabka DDSI.

$
0
0

 

Jigjig(xogogaalononline)Fri,18,2013.Sooyalka taariikheed ee dalkan itoobiyaa waxaa ku suntan in shacabka  dawladda deegaanka soomaalida itoobiyaa ay ka mid ahayd shucuubtii iyo qoomiyadihii cadaadis baa’ni ay ka soo gaadheen xukumadiihi ka soo talin jiray dalkan itoobiya. Cadaadiyadas lagu hayay waxay ahayeen kuwo ku gadamaan oo umadan ka xayuubiyay xuquuqaha dhinacyada dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeedba. Qoomiyada Soomaalida itoobiyaa mudadii ay dalka ka amar ku taglayn jireen nidaamkii boqortoyadu iyo midkii kalidii taliskii ee dhargigu  waxay qoomiyada  soomaalidu ku sugnayd marxalaado laga xayuubiyay xuquuqaha Asaasiga ee muwaadinnimo sida xaqa adeegyada waxbarasho, caafiimad, kabayaasha dhaqaale iyo mid siyaasadeedba iyadoo la gaadhay heer lagu hamiyo ama la aamino in dhulka maalinta loo yaqaano dawlada  Deegaanka soomaalida itoobiyaa u yahay dhul ka tirsan dalweynaha itoobiya lakiin ayna soomalidu lahayn ama ayna dadku ahayn Itoobiyaan.  Dhinaca kale, Qoomiyada soomalida ee ku dhaqan deegaanka oo dhaqaleehedu ku tiirsan yahay dhaqashada xoolaha nool ayay soo martay marxalaado iskaba da’ adeegyo horumar oo loo fidiyo khayraadka ay umadadani ay qaniga ku tahay, ee waxaba la dhigay in dhaqashada xoolaha lagu cayo.


Hadaba TIR  15keedu waa maalintii ay shacab waynaha DDSI heleen xuquuqihii sida wayn uga maqnaa kan bexeen cadaadisyadii faraha badnee ee ay ku hayn jireen xukuumadihii hore ee kalidii tasiyada ahaa kuwaasi oo dhibaatooyin ba-an ku hayn jiray guud ahaanba shacabwaynaha dalka itoobiya taasi oo ay deegaanka soomalida u sii dheerayd cadaadisyo gaar ah.


Hadaba markii ay shacabwaynaha dalkan itoobiya tashadeen gu-aana ku gaadheen in ay iska dulqaadaan guumaystayaashii shacabka ku hayn jiray dhibaatooyinka ayaa waxaa xukuumaddii macangaga ahayd ee dhargiga xilka laga tuuray 20kii gunbood sanadkii 1983 EC  maalintaasi oo shucuubta itoobiya u noqotay maalin ay aad u xasuustaan maalmaha kalena uga dugan.


Sidoo kale dawlada deegaanka soomalida oo ahayd tii  u haystay cadaadiska gaarka ahi ayaa waxay shacabwaynaha deegaanku haleen dawlad rasmiya oo iskeed isku maamusha TIR 15 / 1983 EC taasi oo wakhtigaasi lagu aas aasay magalada diridhaba .  Maalinta 15 tir oo loo aqoonsaday in siwayn looga xuso guud ahaanba deegaanka soomalida maadooma oo ay tahay maalintii ay heleen dhamaan xuquuqihii ka maqnaa.


Hadaba wasiirka  madatooyada DDSI mudane       C/casiis Maxamed Cadbi    oo xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta  deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay maalintani u leedahay shacabwaynaha DDSI  isaga oo ka soo waramay dhibaatooyinkii iyo hagar daamaddii ay bulshada deegaanka kala soo kulmeen guumaystayaashii arxamlaawayaasha ahaa, balse buu yidhi masuulku markii ay shacabwaynaha itoobiya ay iska dulqaadeen cadaadiskaasi ayaa waxa waa cusubi u beryay guud ahaanba bulshada dalka itoobiya. Isaga oo masuulku hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in TIR 15keeda ay tahay maalin qiime wayn ugu fadhida  guud ahaanba bulshada ku dhaqan deegaanka sidaasi darteedna siwayn looga xusi doono  dhamaan gobolada, Ismaamul magaalooyinka  iyo degmooyinka uu ka kooban yahay deegaanku. Waxaa kale oo uu masuulku sheegay in gudigii loo xilsaaray qabanqaabada xuska maalintan tir 15 keeda ay soo gabagabeeyeen.


Ugu danbayntii maalintii oo xusi taankeedu  bulshada deegaanka amiyad gaar ah u leeyahay  ayaa  golaha xildhiibaanada DDSI uu kalfadhigii caadiga aha e uu qabsoomay 11-12 - 2004E.C uu cod buuxa ku ansixiayay in maalin qaran oo si balaadhan loogu dabaldeego loo aqoonsado maalintii ugu horaysay taariikhda dalkan itoobiya ee la dhisay nidaam ismaamul dawladeed oo u gaar ah qoomiyada soomalida oo ahayd 15/bishii dirr 1985 E.C.  iyadoo loo aqoonsaday maalinta munaasabada xuska  aas aaska DDSI islamarkaana in wixii ka danbeeya laga bilaabo 15 bisha Dir 2005 loo xuso si  meeqaam sare.

Mukhtar momahed

Waftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka DDSI oo Shir aad u balaadhan ku Qabtay Badhtamaha Islii Hotel Nomad.

$
0
0

Nairobi(xogogaalonline)Satur jan 19,2013.Waftiga xukuumada DDSI ee Booqasgada ku jooga Nairobi ayaa uu hogaaminayaa madaxweyne ku xigeenka DDSI ahna hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi yuusuf weerar,iyadoona ay wehelinayeen kuxigeenka golaha federationka Mudane rashiid xaaji,Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Xuseen (Cabdi Sonkor) Axmed Geedi(Borte) iyo masuuliyiin kalaba.


Waftigan uu Madaxweyne kuxigeenku Hogaaminayo ayaa Cashar lama ilaawaan ah ugu Dhigay xaafada islii ee Nairobi UBBO iyo Damaceedii qaawanaa,islamarkaana Shirar aan caadi ahayn oo ay ka soo qaybgaleen Kumaankum Dadka Soomaalida Kenya ah oo a koobnaa Odoyaal-dhaqameedka,Haweenka,Dhalinyarada,Waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Soomaalida Kenya.


Madaxweyne kuxigeenka ahna Hogaanka nabadgelyada iyo cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf weerar ayaa warbixin ebitiran ka siiyay ka soo qaybgalayaasha shirka heerka Waxqabadka Horumar-Nabadgelyo ee ay ku talaabsatay Xukuumada DDSI,dhanka waxbarashada,caafimaadka,Biyaha,Beeraha,Xoolo-dhaqatada,wadooyinka,Isgaadhsiinta,Laydhka iyo barnaamijka dibudejinta wabiyada iyo Dooxooyinka.


Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku nuuxnuuxsaday Guulaha wax ku oolka ah ee Ciidamada Liyuupolise,islamarkaana ka digay u sii dheg raaracinta kooxdan dabar go'day ee UBBO.

Dhanka kale ugu danbayntii waxaa iyana hadalo Qiimo badan ka soo jeediyay Mudane M/rashiid,Cabdi-sonkor iyo Boorte oo tlmaamay isbedelada xawliga ah ee Xukuumada DDSI.
Qaar ka mida odoyaasha,haweenka,Dhalinyarada iyo ganacsatada oo ka hadlay shirkan Nomad hotel ayaa aad u Bogaadiyay waxqabadka Xukuumada iyo Horumarka balaadan ee ay ku talaabsatay,balana qaaday in ay Xukuumada garab istaagi doonaan UBBO iyo wixii la halmaalana daanka jebin doonaan hadii loogu maaro waayo in ay dadkooda dhinac ka raacaan.

Yaa wanaagsan Giggs iyo Bale Ciyaar Ahaan? waxaa ka jawabaya tababare Ferguson

$
0
0

Sport(xogogaalonline) macalinka Manchester United Sir Alex Ferguson aya ku adkeeystay in Tottenham laacibkeeda Gareth Bale aan la la bar bar dhigi karin waayeelka United Ryan Giggs.

Bale ayaa la rumeysan yahay in uu yahay ciyaaryahankii ugu wanagsanaa ee ka soo jeeda Weles kadib intii ka danbaysay soo shaac bixidii Ryan Giggs ee 20 sano ka hor.

“Ferguson Fikir ahaanteyda xitaa iskuma dhowa labada nin waxaana wanaagsan Giggs ayuu yiri Tababare Fergie oo kooxdiisu ay bari booqan doonto garoonka White Hart Lane.

“Wiilka yar wuu wanaagsan yahay hada waa 23 jir laakin markii uu Giggs ahaa 23 jir ma umaleynaayo in uu jiray qof saas ah ayuu hadalkiisa ku daray Ferguson.


Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenku oo Shir Aad u Balaadhan Ku Qabtay Gudaha Safaarada Ethiobiya ee Nairobi.

$
0
0

Nairobi(xogogaalonline)Saturday Jan 19,2013. shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen dad aad u faro badan ayaa waxaa hogaaminayay soona wada qaban qaabiyay waftigii Xukuumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada iyo Maamulka Cadaalada DDSI Mudane C/llaahi Yuusuf Weerar iyo Safiirka dalka  Ethiopia u fadhiya Kenya Mudane Ambassador Shamsadiin Axmed.

shirkan ayaa ahaa mid ay dadka kasoo qayb galay aad ula dhaceen kadib markii uu waftigu gaar ahaan M/weyne ku xigeenku si qodo dheer uga hadlay xaalada deegaanka oo dhankasta taabanaysa, dhanka Horumarka, N/galyada iyo Maamulka suuban ee ka hanaqaaday Guud ahaan Deegaanka. waxaa ka hadlay.


Sidoo kale Waxaa iyana hadalo Dheelitiran oo ka turjumayay Xaqiiqda iyo waaqica dhabta ah ee ka Jira Deegaanka soomaalida iyo Isbedelada Horumarineed,Nabadgelyo iyo Kobaca Dhaqaale ee Xawliga ah ee ay Xukuumada maanta jirtaa mudadii yarayd ku talaabsatay ka warbixiyay kuxigeenka Afhayeenka Golaha Federationka Mudane Maxamed-Rashiid Xaaji,Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Sonkor iyo Lataliyaha Xafiiska Madaxwaynaha Mudane Axmed Geedi(Boorte).


Safiirka ayaa isaguna Tibaaxay Dadaalada qarameed ee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay Mudadii yarayd iyo isbedelada lagu faani karo ee ay ka samaysay Xidhiidhada Dibada Dhanka Qurbajoogta,sidoo kalana isbedelada iyo horumarka xawliga ah ee ay ku talaabsatay.

Waftigii Xukuumada ee uu Hogaaminayay M/wayne Ku Xigeenku oo Shir Aad u Balaadhan Ku Qabtay Gudaha Safaarada Ethiobiya ee Nairobi.

$
0
0

Nairobi(xogogaalonline)Saturday Jan 19,2013. shirkan ayaa ay ka soo qaybgaleen dad aad u faro badan ayaa waxaa hogaaminayay soona wada qaban qaabiyay waftigii Xukuumada Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada iyo Maamulka Cadaalada DDSI Mudane C/llaahi Yuusuf Weerar iyo Safiirka dalka  Ethiopia u fadhiya Kenya Mudane Ambassador Shamsadiin Axmed.

shirkan ayaa ahaa mid ay dadka kasoo qayb galay aad ula dhaceen kadib markii uu waftigu gaar ahaan M/weyne ku xigeenku si qodo dheer uga hadlay xaalada deegaanka oo dhankasta taabanaysa, dhanka Horumarka, N/galyada iyo Maamulka suuban ee ka hanaqaaday Guud ahaan Deegaanka. waxaa ka hadlay.


Sidoo kale Waxaa iyana hadalo Dheelitiran oo ka turjumayay Xaqiiqda iyo waaqica dhabta ah ee ka Jira Deegaanka soomaalida iyo Isbedelada Horumarineed,Nabadgelyo iyo Kobaca Dhaqaale ee Xawliga ah ee ay Xukuumada maanta jirtaa mudadii yarayd ku talaabsatay ka warbixiyay kuxigeenka Afhayeenka Golaha Federationka Mudane Maxamed-Rashiid Xaaji,Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Sonkor iyo Lataliyaha Xafiiska Madaxwaynaha Mudane Axmed Geedi(Boorte).


Safiirka ayaa isaguna Tibaaxay Dadaalada qarameed ee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay Mudadii yarayd iyo isbedelada lagu faani karo ee ay ka samaysay Xidhiidhada Dibada Dhanka Qurbajoogta,sidoo kalana isbedelada iyo horumarka xawliga ah ee ay ku talaabsatay.

Breaking-News Dalka Eriteria oo Ay Ciidamadu Xukun Milatari ku Soo Rogeen iyo Isayaas oo ay Naxdin Badani La soo Deristay.

$
0
0

Eriteriya(Xogogaalonline)Monday Jan 21,2013.Waxaa Goordhawayd ku soo dhacay War Deg-deg ah oo Xaqiijinaya in Madaxweynihii Eriteriya Isayaas Afework Xukunkii lagaga Faramaroojiyay Afganbi Cilmiyaysnaa oo ay Wadeen Ciidamada Eriteriya,taasooy ku xayndaabeen Wasaarada warfaafinta iyo Telefishinka Eriteriya oo ay ka sii daayeen in ay Xukun milateri kula wareegeen Dalka. warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ciidamada Afganbiga ku Sameeyay ay ahaayeen Ciidamadii Ilaalada Khaaska u ahaa Isayaas,islamarkaana ay Dhamaanba Hawlwadeenadii Wasaarada warfaafinta iyo Telefeshinka ay Maxbuuseen.

Ciidamada Milatariga Asmara Afganbigan ay kula wareegeen Taliska Asmara Xukunka Milatari ee Dhanka ka ah  Macangagii Isayaas ayaa lagu shaaciyay Jariiradaha Caalamka sida ABC News,Aljazeera iyo Kuwo kalaba,halka Idaacada eriteriya ee lagu magacaabo Wegahta ay Xaqiijinayso.



Ma Cada in Iskudaygan Milateri Lagu Guulaysan doono balse Wixii ka soo kordha Arintan Afganbiga ah ee ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Eriteriya dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa,iyadoona ay Jariirada Aljazeera Bogeeda hore ku soo daabacday Afganbigan ka Dhacay Asmara

Dabaal-Dagii 1aad ee Abid Lagu Xuso Aqoonsiga Xuska Maalinta Dhididabada Loo aasay DDSI oo Maanta Siweyn Looga Dabaal-degay Jigjiga.

$
0
0

Waxaa Maanta si aad u weyn,Qurxoon oo ay ku dheehnayd Farxad iyo Damaashaadna huwan yididiilada fursadaha horumar-dimoqraadiyadeed ee laga dhaxlay halgankii EPRDF looga xusay Dabaal-dega Xuska Munaasabada 1aad ee lagu maamuusayay Maalintii dhidibada loo aasay Ismaamul-dawladeed Gaara oo ay yeeshaan Shacabweynaha soomaalida itoobiya ee ay soo daashadeen Ragaadiyeena Dibindaabyadii ay kala kulmi jireen Talisyadii dhiig-miiradka ahaa ee ka talin jiray Itoobiya ka hor wakhtigii ay Isbahaysiga EPRDF dhegta Dhiiga  dareen Kaligii taliyihii macangaga ahaa ee Mingiste Xayle Maryan uga dhacday magaalada Jigjiga Munaasabada xuska 1aad ee Maalinta DDSI Dhidibada loo taagay oo ku beegnayd maanta oo ahayd Dir 15 2005 ama 23ka janauary 2013.


Inkastoo ay Maanta ahayd markii 1aad ee si waafaqsan Munaasabadaha Dastuuriga ah ee DDSI loogaga xuso dalka iyo dibadiisaba Xuska maalinta dhidibada loo taagay Ismaamul-dawladeed oo u gaara soomaalida itoobiya oo ay ka soo wareegtay ku dhawaad 20 sano haboonaydna in ay Xuska maalintan la gu'tirsato,balse xukuumadihii hore ee Deegaanka soo maray ayaan xilba iska saarin Qiimaha iyo Qadarinta ay maalintani u leedahay Shacabka Soomaalida Itoobiya ay aga dulqaaday Heeryadii Cadaadis-dibudhaceed ee Talisyadii Dhiigya cabka ahaa kala kulmi jireen,Balse waxaa Dastuurka DDSI ku suntay in ay 15ka bisha Dir ay tahay Maalintii dhidibada loo aasay DDSI tahayna Maalin Qadarin iyo Maamuus ku leh DDSI loona Dabaaldego.


Hadaba Maanta ayaa markii 1aad si aan la qiyasi karin Shucuurtii iyo damaashaadkii farxadeed ee ka muuqday Guud ahaanba shacabweynaha DDSI gaar ahaana Magaalada looga xusay Dabaal-degii 1aad ee abid ka dhaca Deegaanka Soomaalida itoobiya Maalinta loo aqoonsaday Xiligii Dhidibada loo aasay Maamul-dawladeed oo u gaara Soomaalida itoobiya.


Mar uu wariyaha Cakaara dhex qaaday kumaankumkii ka koobnaa Qaybaha Shacabka Magaalada jigjiga ee u soo baxay Damaashaadka Maalintan Qadarinta Mudan ee ilowsiisay Naxariis-daradii talisyada Cadaadiska ayaa ay dhegihiisa ku soo dhacayeen kalmado tilmaamayay Dulmigii,Arxandaradii,Dilkii,Dibudhicii iyo Cadaadiskii ay kala kulmi jireen Itoobiyadii Shalay iyo Aqoonsiga Sharaf-Qowmiyadeed,Sinaanta,Cadaalada,Iskaashiga,Ixtiraamka,Fursadaha Horumar-Dimoqraadiyadeed iyo  Dawladnimada Taamka ah ee ay ka Dhaxleen Itoobiyada Maanta ee uu Majaraha Dimoqraadiyadeed u Hayo Isbahaysiga ururka EPRDF.
Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay in shacab-waynaha dawlada degaanka somalidu uu dadaal an la yaraysan karaynin ugalay sidii shacab waynaha itoobiya ay ula samaysan lahayeen axdii qarameed ay shucubta iyo qomiyadaha dalka oo dhan la wadagan islamarkaana ay samayteen axdi-degaaned u gaara (regional constitution)ay shacabka dawlada degaanku isku maamuulan  oo ugaar ah, taas oo maanta bartilmameed u ah hourumarka iyo Isbedelada Baaxada wayn ee ka muuqda Deegaanka Soomaalida iyo Kobaca Dhaqaale ee Nolosha Bulshada.


Waxaa sidoo kale ka hadlay maayirka  ismaamulka magaalada jijiga mudane Suldaan maxamed Xasan wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada ay maalintani u leedahay guud ahaanba shacabwaynaha deegaanka isaga oo  sheegay in ay munaasabadan  xusitaankeedu ka hirgashay deegaanka xili ay deegaanka ka hanan qaaday horumar dimiqoraadiyad nabadgalyo iyo maamul suuban sidaasi dardeedna waa in ay xulisaandeedu inagu waynaadaa ayuu yidhi maayirka.

Waxaa kale oo isna munaasabadani ka hadlay garaad maxamuud dool oo ku hadlayay afka odoyaal dhaqameedada DDSI ayaa waxa uu si qoto dheer ugu nuux nuuxsaday dhibaatooyinkii ka soo gaadhay deegaanka xukuumadihii boqortooyadii iyo tii  kalidii taliska ahayd ka soo talin jiray dalka itoobiya kuwaasi oo cadaadis iyo cabudhis balaadhan ku hayay guud ahaanba shucuubta dalka itoobiya sidoo kale deegaanka soomaalida waxa u dheeraa cadaadis gaar ah tanina waxa ay ka turjimaysaa ayuu yidhi garaadku maalintii aynu helnay dawlad deegaan inoo gaar ah horumar sinaan cadaalad iyo maamul suuban wuxuuna dhamaan shacabka deegaanka ugu hanbalyeeyay munaasabadan qiima wayn u leh bulshada DDSI muhiimna ay tahay xusidaankeedu.


Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu Horayn yidhi Fadliga Qiimaha Badan ee ay Maalintani ku fadhido Darteed ayaan Anoo ku hadlaya Magaca DDSI iyo kaygaba Hambalyo,Bogaadin iyo salaan farxadeed ugu dirayaa dhamaanba Shacabweynaha DDSI meel kasta oo ay joogaanba Dal iyo dibadba.
Madaxweynaha waxaa sharaf-farxadeed ii ah in aan Xuskan Qadarinta iyo Maamuuska mudan in aan kala qaybqaato Shacabkayga Qaybihiisa kala duduwan,Odoyaal-dhaqameedka,Qaab-dhismeedka Dawlada,Qurbajoogta,Culumaaudiinka Xuska maalinta Taariikhiga Qowmiyadeed ah ee maanta loo wada dabaal-dagayo Maalintii Dhidibada loo aasay dawlad iyo Maamul u gaara Qowmiyada Soomaalida Itoobiya.


Madaxweynaha hadaynu dib u yara mililicsano ka hor Isbedelkii Dimoqraadiyadeed ee Itoobiyada Cusub ee ay Majaraha u hayeen Isbahaysiga EPRDF,shacabweynaha Soomaalida itoobiya waxay ahaayeen kuwo ay hala-keeyeen Dibindaabyadii arxan-daro oo ay kala kulmi jireen talisyadii Cadaadiska iyo cabudhiska ku dhisnaa ee ay kala kumi jireen Talisyadii Dhiigya cabka ahaa ee h/selase iyo Mingistu,talisyadaasoo duudsiiyay shacabka soomaalida guud ahaanba Xuquuqihii Qowmiyadeed iyo jiritaankoodiiba kana dhigtay DDSI xarumo ciidameed iyo meelo lagu abuuro dad laga keenay Goojaam,waxaana marag u ah in xiliyadaas uu deegaanka ka jireen 12 Dugsi Hoose iyo 1 Dugsi sare oo ay dhigan jireen Caruurta Ciidamadii Dhergiga,sidoo kalana uu jiray 1 isbitaal oo kaliya laguna dawayn jiray xaasaska iyo Caruurta Dhergiga.


Danka kale madaxweynaha ayaa Turxaan bixiyay Fursadaha Dimoqraadiyad-horumarineed ee ay Shacabka Soomaalida ka dhaxleen Isbedelkii Siyaasad Dimoqraadiyadeed ee ka curtay dalka itoobiya shukaantana u hayeen Isbahaysiga EPRDF taasoo Midhihii iyo neecaawdii Dimoqraadiyadeed ay maanta guranayaan Guud ahaanba Shacabka DDSI daliilna tahay in Maanta aynu u wada dabaaldagayno Maalin u gaar ah Qowmiyada Soomaalida.


Madaxweynaha ayaa Carabaabayin Isbedelkii Dimoqraadiyadeed ee Dalka ka curtay sanadkii 1983 in shacabka Soomaalida itoobiya aan loogaga faaiideyn sidii la rabay,sababtuna ahayd Maamuladii hore u soo maray DDSI oo Nidaamyo badan oo lug-jiid ku ahaa Horumarka DDSI ku dhaqmi jiray sida Kooxaysi,Qabiil,Nabad-diidnimo,Qawda Maqashii Waxna ha u Qaban iyo Qaataye-Qaado tusaalana u tahay in xataa ay Aqoonsan kari waayeen Qiimaha iyo Qadarinta Umadeed ee ay ka mudan tahay Maalintii La aasaasay Dawlad ay Gaar u leeyihiin Sacabka DDSI.
Dhanka Kobaca Waxbarashada:

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Carabaabay in ay DDSI wakhtixaadirkan ka jiraan DDSI 3,385 Dugsi oo ay wax ku bartaan arday Dhan 1,189.735 arday oo ay ka mid yihiin 99 Dugsi Sare iyo 42 Dugsiyada Xarumaha Xanaanada caruurta (Kintergarden).
Dhinaca Caafimaadka:
Madaxweynaha Guud ahaan waxaa DDSI ka jira 9 Hospital oo uu ka mid yahay isbitaalka Bariga Afrika ugu Baaxada wayn ee Meles Zenawi Referal Hospital(Jigjiga),sidoo kalana ay Isbitaalada Fiiq iyo W/dheer Socdaan iyadoona sanadkan la bilaabay isbitaalka shiniile ayuu yidhi madaxweynuhu,isagoona sii wata hadalkiisii ayaa uu yidhi axaa ddsi ka jira 104 xarun caafimaad iyo 901 rugo caafimaad,iyadoona xirfadlayaasha caafimaadka DDSI la gaadhsiiyay 5,440 oo ay ka mid yihiin 52 Doctor,halka ay 100 arday oo Soomaaalida DDSI ah ay ku maqan yihiin Waxbarasahda Doctorate kharshkoodana Xukuumadu daboolayso.
Dhinaca Biyaha
Madaxweynaha Guud ahaan waxaa DDSI ka jira wakhtigan 454 Ceel oo ah Nooca Gunta dheer,12 Biyo-xidheen(Hafar-Dum) 2000 oo Ceel-gacmeed,9 magaalo oo biyo-gelin loo sameeyay iyo Goobo badan oo Ceelal laga qodayo.
Madaxweynaha waxaa Xusid mudan in ay Xukuumada DDSI ay Natiijooyin waxqabad wax ku ool ah ka soo hoysay Dhinacyada Hidaha iyo Dhaqanka,Kobaca Dhaqaale ee Deegaanka iyo Saqo-abuurista Danyarta,Jidadka,Isgaadhsiinta,Korontada,Xidhiidhka Jaaliyaadka,Maamulka Suuban iyo Barnaamijka Xoolo-dhaqato Beeralayda ee Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka.Waxaa iyaguna Qayb lixaad leh ka Qaadanayay Munaasabadan Xuska 1aad ee maalintii Dhibibada loo aasay Ismaamul dawladeed oo u gaara Soomaalida Itoobiya Kooxaha Fanka DDSI iyo kuwa Qurbaha,islamarkaana jaanta lala wada helay Ciyaaro-dhaqameedka DDSI ee ay dhaantadu hormuudka u tahay

Jaamacada Magaalada Kismaayo oo ay Arday Dhan 350 Ka Qalin Jabiyeen

$
0
0

Kismaayo(Xogogaalonline)Fri,jan 25,2013.i Ciidamada Raas-Kambooni ee Sanadihii ugu danbeeyay Halganka Ba'an kula Soo Jiray Al-Shabaab iyo Ciidamada isbahaysiga oo iskaashanaya ay ka saareen Kismaayo Argagaxisadii Alshabaab ee Dulsaarka Damac-qabiileedka ku joogay Jubaland waxaa isa soo taraya Xasiloonida iyo Muuqaalada Nololeed oo Kalsooni buuxda galisay shacabka jubaland oo ka biyo diidsanaa Damacyada Qaawan ee ku looltamayay Kismaayo.


Waxaa ay Raas-kanbooni si buuxda Gacanta ugu dhigeen Xasiloonidii,Kaladanbayntii iyo Guud ahaanba Amniga Magaalada Kismaayo ee ay ku hardami jireen Damacyada Qaawan ee loogu soo micciyo lisanayay lahaanshaha Arag ku Mulkiga ah ee ay Kooxo-beeleedkii Burburkii Sooaaliya ka dib ka aasaasmay Koonfurta Soomaaliya.


Cutubyo ka tirsan Ciidamada Raas-kanbooni oo si gaara loo Tababaray ayaa Sifayn la beegsaday Badwaynta Hindiya iyo Dhamaanba Xeebaha Kismaayo iyagoo Baadi-goob ugu jira in ay Dabar adag ku xidhaan Cid kastoo Damacda in ay Isbaarooyin dhigtaan Badweynta sida budhcad-adeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ka jirta.

Axmed-Madoobe ayaa Maamul Cadaali ah ka dhisay Magaalada Kismaayo oo Daboolay Dulduleelooyinkii Maamul-dawladeed la'aaneed ee ka jirtay Kismaayo,islamarkaana Maamul loo sameeyay Dekeda kismaayo oo ah ta ay ka ladi la'yihiin Arag Ku Mulkigii Damaca Qaawanaa ee Doolaalada Dheeraa.
Waxaa Xusid Mudan In Axmed Madoobe uu dhamaanba sugay Dhismaha Laamaha Dawlada Kismaayo iyo Maamul Cadaaladeed,Ciidamada Amniga,Ilaalada Dekeda iyo Xeebaha,Nadaafada iyo Bilicda Kismaayo iyo dib u soo noolaynta Nidaamkii Baris-barasho ee Magaalada Kismaayo.


Jaamacadii Magaalda Kismaayo ee ay albaabada u xidheen Al-Shabaab ayaa Durba Biloway Kaalinteedii Waxbarashada iyadoona ay  Imtixaanada  jaamacada magaalada Kismaayo ay u fariisteen 350 arday oo kuwaas oo u fariistay Laamaha kala duwan ee Jaamacadu ka kooban tahay.


Ardayda Imtixaanka u fariistay ayaa illaahay (SWT) uga nahdaceliyey fursada uu siiyey, iyo maamulka raas-kanbooni oo sugay kalsoonidii waxbarasho,iyagoo dhanka kale u mahadceliyey masuuliyiinta Jaamacada , kuwaas oo u suurtageliyey fursadaha ay heleen.


Ardayda heerka Jaamaceed gaaray ee wax ka barta jaamacada Magaalada Kismaayo ayaa ka kala yimaada dugsiyada sare ee ka jira magaalada Kismaayo, Afmadow,Dhoobleey iyo meelo kale,waxaana xusid mudan in Jaamacadu ay kusoo shaqaysay Xaalado kala duwan oo dhanka ammaanka ah, iyadoo Jaamacada la furay sanadkii 2005-ta , ayna ka qalan jibiyeen dhalinyaro aad u fara badan oo qaarkood Jaamacado kale dibada u aaday sida dalka Suudaan.

Viewing all 349 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>