Quantcast
Channel: Xog Ogaal Online
Viewing all 349 articles
Browse latest View live

Safarkaygii Jigjiga : Degaan Nabad ah, Hogaan daacad ah iyo Dadweyne Isku-Duuban waa Mid ku Dayasho mudan!

$
0
0

Waxay ku beegnayd  28 June 2013 , maalin Jimce ah cabaaro 9 Subaxnimo markii aan ka jarmaaday Caasimada Somaliland ee Hargeysa aniga oo wata gaadhigayga yar (taxi )  oo usii jeeda JIGJIGA  Xarunta Dawlad-degaanka Somalida  Ethiopia. Waxaan haystay ogolaanshiyo dal- ku –gal aniga iyo gaadhigayguba,. Marka hore waxaa mahad iska leh Alle (swt) . marka labaadna Maamulada labada Dal Somaliland iyo Ethiopia iyo waliba Masuuliyiinta Safaarada Ethiopia ku leedahay Hargiesa  oo suurta galiyey jawi xidhiidh, is-dhexgal iyo walaaltinimo   dhexmarta bulshada labada dhinac. Waa guul iyo wax lagu farxo in aan aniga oo wata gaadhigayga yar aan ku maro Ethiopia meel wal oo aan dani iga gasho iyada oo taas ay ii dheerayd soo dhawaynta iyo ixtiraamka ay ii muujinayeen masuuliyiinta hay’adaha wada-marista ee goobaha check-points iyo xarunta jigjiga ba.

Ha usoo noqdo ubucda qoraalkaygan; waxaan jecelahay inaan halkan kusoo bandhigo isbedelada balaadhan ee dhinacyada kala duwan leh ee aan kusoo arkay DDSI gaar ahaan Xarunta Jigjiga, iyada oo ay iigu dambaysay ama safarkii u dambeeyey ee aan ku tagaa ku beegnaa 3 sanno ka hor.

Arinta kowaad, Degaanada Maamulka Somalida Ethiopia oo  dhawr sano ka hor ahaa ka ugu hooseeya dhinaca horumarka marka loo eego inta badan kililada 9 ah ee ay ka kooban tahay Dawalda Federaalka  Ethiopia, iyada oo ay sababtuna ahayd dagaalo ay abuureen Ururo Nabadiid ah oo ay maamuladii hore ku fashilmeen inay soo xero-galiyaan , haseyeeshee  Maamulka hadda ka taliyaa degaanka ku guulaystay maxsuulkii kasoo baxayna dhaliyey inuu Degaanku  cagta saaro Jidkii Horumarka iyo Barwaaqada.

Nabad kaliya horumar Dal ama Dad  kuma yimaad hadii ayna helin Hogaan daacad ah , karti iyo Aragti fog leh oo salka ku haysa inuu dalkiisa iyo dadkiisa ka saaro xaaladaha adag gaadhsiiyana horumar iyo barwaaqo. Waana fursada sahasho in Shacabka xilka uu u hayo iyo bulshada caalamkaba lagu kasban karo islamarkaana fure u ah wadashaqayn iyo in la isla garab taago HOO IYO HIIL.

Maxaan soo arkay?

Waxaan soo arkay degaan isbedelay , hadii ay tahay isgaadhsiinta jidadka oo sahasha “arbitration”  degaamaynta degaamada dal leeyahay  ama bilicda caasimadaha iyada oo ay caasimada dal ay tahay muraayada ama halka ugu muhiimsan ee laga dheehan karo wadankaas. Haddaba, jidadkii aan sii maray intaan kusii jeeday caasimada Jigjiga iyo gudaheedaba waxaan dareemay isbedel iyo muqaalo jidad aad u quruxsan  iyo dhismayaal dabaqyo dhaadheer iyo kuwa  gaagaaban ba leh  oo si qorshaysan looga bineeyey Xarunta jigjiga. Isbedel balaadhan oo ku yimid dhinaca Waxbarashada iyada oo laga hirgaliyey hal(1) Jaamacad oo wayn  iyo Lix(6) Kuliyadood oo leh takhasusaad kala duwan.  Xarumo caafimaad oo leh Qalab iyo adeegyo aad u sareeya.  Shacab niyad wanaagsan oo ay isbedeshay noloshoodii kuna faraxsan horumarka u curtay sanadihii ugu dambeeyey.  Ganacsi kala duwan iyo wax is-waydaarsi baaxad leh oo aad uga duwan sidii aan hore ugu ogaa.

Maxaan soo ogaaday?

Waxaan soo ogaaday in muwaadiniintii u dhashay ama kasoo jeeda Degaanka Ismaamulka Somalida Ethiopia sida Qurba –joogta iyo Ganacsatadu ay qayb libaax ka qaateen isbedelka ka dhacay degaanka, iyaga oo si aan hagrasho lahayn dhinac walba u maalgaliyey degaanadooda.

Maxaan soo xaqiiqsaday?

In Xukuumada Dawlad-degaanka Somalilada ee uu hormoodka u yahay Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ay dajisay siyaasad cad oo horumarineed oo ku salaysan “ five year Strategy plan” .  iyo in nidaamka maamul ee  dawlada uu hogaamiyaa tahay  mid ku shaqaysa“ transparency & Accountability”  . sidoo kalena  in maamulkiisu ka hawl-galay dhiirigalinta Qurba-jooga iyo Ganacsatada iyo waliba inay u dajisay qorshayaal loogu fududaynayo inay maalgashadaan dalkooda.

Gabagabadii ; Dawlad –degaanka Somalilada Ethiopia waa dawlad aynu deris nahay,walaalo nahay  oo dhibaatooyinka soo gaadhaa uu yahay dhibaato ina soo gaadhay , horumarka ay gaadhaana uu yahay mid aynu inaguna gaadhnay. Sidaa awgeed, in lagu bogaadiyo dedaalka ay sameeyeen iyo horumarka ay gaadhaan waa mid la inooga baahan yahay. Aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Cabdi Maxamud iyo maamulkiisa iyo shacabka ku dhaqan gudaha degaankaas iyo dibediisaba. Waana talaabo ku dayasho mudan oo ummad kasta tusaale u ah. Waxaanan leeyahay halkaa kasii wada dedaalka .



NABAD IYO HORUMAR

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Hargeisa,Somaliland

Political Analyst


Xaflad Ay Ku Qalinjabinayaan Ardayda Jaamacadha Ka Dhigta DDSI ee Deeqda Waxbarasho Ka Helay Xukuumada Deegaanka Soomalida oo Kagu Qaban Doono Jimcaha Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(xogogaalonline)Waxaa Maalinta Jimcaha Galinka Danbe lagu qaban doonaa hoolka shirarka ee SMCX ee magaalada Jigjiga Xaflada qalin-jabinta Ardayda jaamacadaha Puntland ee Deeqda Waxbarasho ka helay Xukuumada DDSI.


DDSI ayaa Arday badan oo kor u dhaafaysa 78 Ardayda Dawlada Puntland siisay Deeq Waxbarasho halkaasoo ay Wax ku kala baranayeen Jaamacadaha Dalka iyo DDSI sida kuliyada caafimaadka,Kuliyada Farsamada iyo Xirfadaha,TTC,Jaamacada Jigjiga iyo Haramaya oo ku taal harar.


jimcaha Galinka Danbe ayaa Munaasabad aad u balaaran oo ay ku qalinjabin doonaan Ardaydii Puntland ee Deeqda Waxbarasho ka helay DDSI.

Madaxweynaha JLS oo Magaalada Caasimadau Ah Puntland Si Heer Sare ah loogu soo dhaweeay

$
0
0

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayo Axmed Islaan Axmed Madoobe Madexweynaha Maamulka gobolleedka Jubaland ee Soomaaliya oo maanta deegaanada Puntland soo gaaray.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa markay Garoonka magaalada Gaalkacyo ka soo dageen soo booqday Dhaawacyadii Kismaayo ee Gaalkacyo lagu dabiibayay ayaa waxaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Madexweynaha Dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madexweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire xubno badan oo ka tirsan labada gole ee dawlada Puntland, Waxgarad iyo dadweyne aad u farabadan.

Hadaba Hoos ka daawo Sawiro badan oo ku tusinaya soo dhaweynta waftiga Jubaland ee magaalada Garowe.

Hawlgal la magac-baxay (Operation-Cleanig-Rats)oo Ciidamadda Jubbaland ka fuliyeen Tuuladda Goobweyn oo Alshabaab muddo saldhig u aheyd Laguna Kabay Magangalyada Bare Hiiraaale

$
0
0

Goobwayn:-Xo.Ciidamada Jubaland ayaa shalay bilaabay Howlgal xoogan oo loogu magac daray Operation Cleaning Rats kasoo ujeedkiisu ahaa in Ciidanku ay Xoreeyaan deegaanada u dhexeeya Kismaayo ilaa Jilib, waxayna Ciidanka JLS guul ka gaareen bilowgii Hawlgalka oo ayn kula wareegeen Goobweyn iyo naaxiga ku teedsan Wabiga Juba halkaasoo ay ku sugnaayeen Bare Hiiraale iyo bahwadaagtiisa Alshabaab oo Damacsanaa in ay isku soo abaabulaan si ay weerar ugu qaadaan Magaalada Kismaayo balse Godkoodii ayuu biyo ugu galay iyadoonan ilaa iyo hada la ogay jaan iyo cidhib halkuu dhigay Bare Hiiraale oo cagaha wax ka dayy markii uu xaqiiqsaday in liaaxyadii ciidanka maamulka jubaland ay soo bartilmaansadeen Saldhigoodii Goobweyn oo markii kismaayo laga soo saaray ay alshabaab ku magan galisay.

Holwgalka shalay ka bilowdey goobweyn ayaa wuxuu noqdey mid aan dagaal saas u wayn uusan ka dhicin ka dib markii kooxda Al-shabaab ay ka war heleen duulaanka lagusoo yahay iyadoona Alshabaab iyo xulafadeeda uu hogaamiyo bare hiiraaaale ay inta badan deegaanka isaga carareen.

Wararka aan ka heleyno furinta Hore ee Deegaanka Goobweyn ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Dawlada Jubaland ay durbaba ka sameysteen Saldhig Ciidan aagaas.

Ciyaarta Finalka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo Kooxna 7- u safanayso Kooxna 5 (Finalka yaa Guuleysan-doono?

$
0
0

Ciyaarta Finalka ee Soomaaliya ayaa waxaa isugo soo haray sida uu sawir ku muuinayo,2-Kooxood oo ay kal hogaaminayaan Madaxweyne Xasan oo No-10 loo xiray iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe oo isagana  No-10 loo xiray.


Madaxweyne Xasan  ayaa Nambarka dicaafa u xiray Xildhibaan (Xoosh-Jabriil)oo difaaca Dastuurka u qaabilsan,halka Namaradda 9,6 iyo 2 loo xiray Raggii Dawlada Federaalka Kismaayo u dirsaday ee la soo ceyriyay,kuwaasoo kala ah No-9 waa Bare,6 waa Baasto 2 waa Baaale,Namarka 8 ayaa loo xiray Reysalwasaare Saacid oo khadka-dhexe ka cayaarayo,halka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari No-1 loo xiray.


Madaxweynaha Jubbaland ayaa difaaca (No-5)u xiray nin culus waa Reysalwasaaarihii hore Gaas,halka Madaxweynaha Puntland Farole No-9 loo xiray oo dhinaca  gool-dhalinta ah,No-2 oo dhinaca Baalaha iyo difaaca raacsan ayaa loo xiray Reysalwasaarihii hore Cumar C/rashiid,halka Xildhibaan Cali Khaliif uu ciyaartan ka yahay Gool-haye loona xiray No-1


Kooxda Madaxweyne Xasan ayaa 7-Cayaartooy ka kooban,halka kuwa Madoobe ay 5-Cayaartooy u safanayaan.
Ciyaartan ayaa waxaa Garsoore ka ah Xoghayaha-Guud ee Qaramadda Midoobay Ban-Ki-Moon,halka calan-wadayaal ay ka kala yihiin Madaxweynaha Ugandha Muzavni iyo Madaxweynaha Kena Uhuru Kenyata

DUULIYE-SARE ASLI XASAN CABAADE "CALANSAXA" OO LEH: BISHAN BARAKEYSAN FADLIGEEDA, ALLAHAYOOW NAGA AQBAL SALAADDAYADA, SOONKAYAGA IYO SAKADA-YADABA, AAMIIN .

$
0
0

Walaalayaal, waxaa inoo bilaabatay Bishii Fadliga iyo Khayrka badan xambaarsaneyd ee Ramadaan, ahna Bil uu Ilaahay (s.w.t.) ka fadilay Bilaha kale, waa Bil mudan in laga faa'iideysto oo lala yimaaddo cibaado dheeraad ah, mana ogid inaad Bisha dambee Ramadaan aad nolol ama caafimaad-qab ku gaadhi doontid, haddaba Ruux walboo Muslim ah, waa inuu ka faa' iideystaa Bishan barakeysan ee Ramadaan.


Waxaana ku jira faa' iidooyin farabbadan oo aan qoraal lagu soo koobi kareyn, ruuxii ay soo marto isagoo caafimaad qaba oo haddana ka faa' iideysan waaya, waa ruux hoogay oo khasaaray (Wal Ciyaaddu Billaah). Walaalka Muslimka ahoow, fursado badan ayey leedahay Bishan barakeysane, yaaney ku seegin faa' iidadeeda. 
Bisha Ramadaan waa Bisha la soo dejiyay Kitaabbada kuwa ugu fadliga badan oo lagu soo dejiyay Nabiyada kuwa ugu fadliga badan (Nabadgelyo iyo Naxariis korkooda Allaha ka yeelee), waxaana Kitaabbadaasi ka mid ah Kitaabka Qur'aanka Kariimka, waxaana si gaar ahaaneed loo soo dejiyay Habeenka Fadliga iyo Khayrka badan ee (Laylatul-Qadri) ga loo yaqaan.


Bisha Ramadaan Albaabbada Jannada ayaa la wada furaa, kuwa Naartana waa la wada xidhaa, Shayaadhiintana waa la wada katiinadeeyaa oo la xabbisaa illaa inta ay ka dhammaaneyso Bisha Ramadaan.


Sidoo kale Bisha Ramadaan wuxuu Ilaahay (s.w.t.) ku dhex qariyay Habeen ka fadli badan kun bilood, taasoo macnaheedu yahay in Habeen kasta cibaada iyo Alla-bari lala yimaaddo oo aan la caajisin, si Habeenkaasi oo ka khayrka badan Kun Bilood, aanu ku seegin oo aadan hawl Adduunyo uga mashquulin.


Habeen walba oo ka mid ah Bisha Ramadaan, Ilaahay (s.w.t.) waxa uu Naarta ka xoreeyaa dad farabbadan oo Ahlu-Naar loo qoray (Wal Ciyaaddu Billaah), marka waxaa loo baahan yahay in Tawbad-keen iyo Dambi-dhaaf lala yimaaddo, oo laga faa' iideysto Bishan Qaaliga ah, waxaadna ogaataa in Bisha Ramadaan la-labo jibbaaro Ajarka, taasoo ah fursad aan mar waliba la heli karin. Haddaba ogsoonoow Soonku waa Tiirka Afaraad ee Shanta Tiir ee Islaamka, wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan ee Allaah (s.w.t.) Ummaddiisa u soo dejiyay.

Qof waliba oo Muslim ah, waa inuu ogaadaa in Bisha Ramadaan ay tahay Bil Khayr iyo Baraka badan ku duugan-tahay, haddaba nafteyda iyo naftiinnaba waxaan kula dardaarmayaa in fursadda Qaaliga ah ee ina soo martay, aan ka wada faa' iideysanno oo aaney inagu dhaafin cayaar iyo hawla Adduunba, inshaa' Allaah.

AAMIINN AAMIIN AAMIIN.

Shirkada ACE oo Aalada ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ee Biyaha Soo Tuura Ka Hirgalisay Tuulada Qudhac Mataan ee Degmada Gursum.

$
0
0

Qorshayaasha Xukuumada DDSI iyo DFI ee Kobaca Dhaqaale ayaa ku astaysan sidii Bulshada loo Gaadhsiin lahaa isbedel horumarineed iyo Kobac Dhaqaale si looga Gudbo Saboolnimada iyo Gaajada. Waxaa sidoo kale ka mida qorsheyaashas ka faaiidaysiga Tamarta Dabiiciga ah.


Hadaba Shirkada ACE oo ah Shirkad wadani ah takhasus dheerna u leh xeeladaha ka faaiidaysiga Farsamooyinka casriga ah(Renewable Energy) kuwaasoo ay ka mid yihiin ka faaiidaysiga Quwada Dabaysha(Wind Energy),ka faaiidaysiga tamarta Cadceeda (Solar Energy), ka faaiidaysiga Tamarta laga dhaliyo Qashin-saarka(Bio-gas Energy), ka faaiidaysiga Tamarta laga Dhaliyo Biyaha(Hydro-Energy) iyo Tamarta laga Dhaliyo Heerkulka(Thermal-energy) ayaa waxa ay Ku xidhay Ceelasha Biyaha ee Tuulada Qudhac-mataan ee Degmada Gursum Qalabka tamarta Cadceeda(Solar pump) islamarkaana uu si xawli ah uga soo tuuray Biyihii iyadoona ay Shacabka iyo xooluhuba ay si fiican uga cabaan, islamarkasna bogaadiyeen waxqabadka Xukuumada iyo shirkada ACE.

Dhanka kale shirkada ACE ayaa hada ka hor ka Hirgalisay Degmooyin ka mida DDSI Mashaariic la xidhiidha ka faaiidaysiga Tamarta dabiiciga ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Degmada gaashaamo oo ay u saareen war-biyoodka aalada Biyo-saarka oo ku shaqeyneysa Tamarta Qoraxda. Sidoo kalana ay ceelal-Biyood kalena saareen isla Aalada Qoraxda oo si toos iyo xawliba leh uga soo tuurta Biyaha.


Cilmiga ka faaiiysiga tamarta dabiiciga ah ayaa ka mida Hindisayaasha ugu waawayn ee ay dunidu higsanayso Mustaqbalka taasoo lagaga kaaftoomi Doono shidaalkii iyo Kharahkii badnaa ee ku bixi jiray matoorada, Baabuurta iwm.Isku soo wada soohoo mashruucan ay Shirkada ACE ka Fulisay Degmada Gursum ee
Gobolka Faafan ayaa Ay Fulinteeda lahaayeen hay'ada gargaarka ee OWDA oo qandaraaska Siisay ACE.

Kenya ma kaqeyb gashay dagaalkii Kismaayo?

$
0
0

Xo:-Sidaad horeyba iiga barateen waxaan jeclahay inaan mar kasta ka hormariyo sheekooyin gaaban oo la mid ah maqaalka aan markaas ka hadleyno maantana waxaan ka hadleynaa Kenya ma gashay dagaalka mase eed kale ayaa loo heystaa?


Reerku markuu balaarto waxuu yeelanayaa caruur badan kuwaasoo dabeecado kala duwan yeesha mar kastana kan u yar ayaa laga jeclaadaa kuwa ka weyn wax kalana maahee waa ugu yaryahay garashadiisuna waa ka yar tahay weeye,ilmahaasii aad buu ugu gardaroodaa kuwa ka weyn wax kasta reerka yaalana isagaa iska leh waalidkuna waa ugu garbiyaa oo yiraahdaa naga siiya ha naga aamusee,mar marka qaarkood ayaa waxaa dhacda intey ka badato dulunkiisa ayey waalidku ku sii daayaan kuwa ka weyn oo yiraahdaan iska celiya,maalinkaa ayaa abaalkiisa la mariyaa oo intii gardarro uu soo sameeyey laga jaraa,isagana baroortiisu way ka badataa intii hore mana aha inuu ka barooranayo walaaladiise waxuu ka xun yahay waalidka ay ka yeedhay iska celiya oo uusan ka fileyn ugana bartay inay ku taageeraan gardaradiisa,halkaa ayaan ku soo koobayaa araarta maqaalka:


Mudooyinkaan waxaa dhagaha umada somaliyeed ku badnaa arrimaha Jubbooyinka oo qaarba sida ay iyagu jecel yihiin u sheegayeen,marka laga soo bilaabo maalinkii lagu dhawaaqay dhismaha maamulka Jubbaland waxaa ka taagnaa dhibaatooyin badan oo laga dhex sameeynayey dadka ku nool Jubbooyinka oo intaba looga dan leeyahay in lagu curyaamiyo maamulka,maamulkana inta badan wuxuu ku dadaalay ineysan wax iska horimaad ah ka dhicin oo waxii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal,marmarka qaarkood waxaa la afduubanayey gawaarida madaxda maamulka kuwaasoo qaarkood illaa hadda ay ku maqan yihiin qaarna wada hadal lagu soo celiyey,mararka qaarkood askartii maamulka ayaa inta la dilo hubka laga qaadanayey,mar kasta oo iyagu bilaabaan rabshado lana damco in la soo afjaro waxaa soo dhex galayey ciidamada Amisom oo oranaya anagaa xalineyna ee ha na loo kaadiyo waana midda gaarsiisey iney faraha ka baxdo amaankii magaalada kismaayo.


Haddaba waxaa dagaal iclaamiyey 26/06/2014 kooxihii loo soo abaabulay inay carqaladeeyaan maamulka jubbaland iyadoo ay markaas dawladda iyo maamulku ku wada jiraan wada hadal addisababa,waa tuuryada iyo sagaarada maxaa kulmiyey oo shirka iyo dagaalka isku hagaajiyey,ujeedka ka danbeeya ayaa waxay aheyd in maamulka la yiraah meel la isku heysto ayaan wada hadal idiin kula geleynaa ee waa inaad tanaasul badan sameysaan,waxaa kaloo la filayey sidii horeyba u dhacday in ay AMISOM soo dhex gasho oo ninba xaafad qabsado oo la yiraah magaaladu waa kala go’an tahay oo maamulku kama wada taliyo.
Si kastaba ha ahaatee dulqaadkii maamulku waa dhamaaday maalinkaas oo waxay noqotay in dagaal xoog la isu adeegsado lagu kala baxo,AMISOM na way aragtay inay talo faraha ka baxday oo dagaalku fududeyn waxayna go’aansadeen inay xeryahooda ku ekaadaan,xaalku waxuu marayaa halkii wiilkii yaraa ee waalidkii gardarada ku taageeri jiray mar kastee,5 tii Madaxweyne ee ku xulafoobay carqaladeynta maamulka jubbaland waxay isku haleeyeen in marka dhawr xabadood la isku rido ay AMISOM soo dhexgasho laakiin se ma suuroobin oo AMISOM waxay go’aansadeen inay faraha ka laabtaan,waxaa fariin soo diray iyagana xulafadii xamar fadhiday oo codsaday inay kala dhex galaan taasna waxay uga jawaabeen ineysan khatarta qaadan karin maadaama daaraha hub lala saaran yahay oo ay waxyeelo ka soo gaari karto,dagaalkiina sidii ayuu ku sii socday illaa intii lagu kala adkaaday.


Haddaba Kenya waxaa lagu heystaa ma aha inay dagaal gashaye kaliya waa maxaad noogu dhawreyseen markii nalagu durdurinayey oo aad noo kala dhex geli weydeen.

Abdirashid Jire
Khalinle@gmail.com


Tacsi M/weynaha Jubbaland loo dirayo (Allaha U Naxariisto Hooyadii Yusra Cabdulle)

$
0
0

Inaali-laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun:

Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood,Odoyaasha,Dhamaan Jaaliyadaga Jubbaland ee Daafaha Dunidda iyo JLS ku dhaqan iyo Maamulka Mareegta Xogogaalonline.com waxay Tacsi-Tiiraanyo leh u dirayaan Madaxweynaha Jubbaland-State Axmad Madoobe oo Hooyadiis Yusra Cabdulle ku geeriyootay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Waxaan EEBE uga baryeynaa Qabrigeeda inuu u Nuuriyo Siiyana naxariistii jano fardowsa,Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka tagtagyna Samr iyo iimaan Allaha ka siiyo Aaamiin Yaa Rabbi.

Ugaas C/laahi Cabdi Aar Laba-Qayd oo bogaadiyay socdaalka taariikhiga ah ee madaxwaynaha DDSI iyo waftigiisu ku marayaan qaarka mid ah Gobolada DDSI.

$
0
0

Sida la wada ogsoonyahay  xukuumada haatan  ka arimisa Degaanka ay xooga saartay kor uqaadidda kaabayaasha dhaqaalaha,hormarinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa hadana waxaa qorshayaasha hormarineed halbowle looga dhigay la tashiga iyo la kulanka  shacabka sida ku cad socdaalada dal iyo dibadba leh ee madaxda DDSI ay ku gaarayaan bulshada ku dhaqan guud ahaan tuulooyinka degaanka iyo kuwa waliba ku dhaqan dalka dibadiisa iyadoo Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti  uu hogmaaniyana ay gaareen dhamaan qaaradaha   aduunka, kuwaasi oo ay siwayn u bogaadiyeen bulshada ku dhaqan deegaanka iyo kuwa qurba jooga ah ee ku dhaqan dhamaan qaaradaha aduunka

Hadaba ugaas c/laahi cabdi aar laba qayb  oo khadka telifoonka nagula soo xidhiidhay isaga oo jooga magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn ugu bogaadinayo xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar isaga oo sheegay ugaas laba qayb in ay marnaba wax aan la ilaawi Karin tahay socdaalada horumarineed ee uu madaxwaynaha iyo xukuumadiisu ku marayaan qaarka mid ah gobolada DDSI isago oo buu yidhi horena ay xukuumadu socdaala hore oo baal dahabka ka galay khaariikhda deegaanka ayaa waxaa hadana xasuus mudan socdaalada uu hada ku jiro madaxwaynaha DDSI iyo waftiga uu hogaaminayo sida socdaalka IFTIIN IYO ILAYS  oo ay ayuu yidhi ugaasku socdaal wada horumar xaqiiqa kuwaasi oo ay socdaalo bulshada u furay iftiin iyo ilays sida magaca socdaalkaba ka muuqada sidoo kale mar uu ugaasku ha hadlayay guud ahaanba horumarka balaadhan ee ay xukuumadu wado ayaa waxa uu yidhi waxaa aan marnaba la  ilaawi Karin   islamarkaana ah wax ay taariikhdu xusu doonto socdaalka uu madaxwaynaha iyo waftiguusu ku mareen gobolka nogob ee iftiin iyo ilays ee ay xadhiga ooga jaraan mashruuca laydhka 24ka saac ah ee magaalada Fiiq kaas oo ah mashruuc leh quwad koronto oo dhan 132kv awoodana in uu laydhgalin u sameeyo tuulooyinka iyo degmooyinka dhaca 100km oo jiha walba ka ah magaalada fiiq ee xarun goboleedka Gobolka NOGOB

Ugaaska oo hadalkiisa siiwada ayaa sheegay in gobola nogob oo waayo qaar ahaan jiray meelo uu nabaddiidku hayn ka dhigay oo aan wakhtiyadii hore lahay haba yaraatee wax mashaariic ah oo dhinaca horumarka ah islamarkaana ay xukuumadihii hore ku guul darnaysteen in ay wax ka qabtaan dhinacyada horumarka iyo nabadgalyadaba ayaa waxa siwayn ugu guulaystay in ay ka hirgaliyaan xasilooni iyo horumar taam ah xukuumada uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar





Sidoo kale ugaaska oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in uu siwayn bogaadin iyo hanbalyo horumarineed u soo diraya madaxwaynaha iyo waftigiisa socdaalka loogu magacdaray NOLOL IYO RAJO-RUMEYNTA SHACABKA EE DHANKA ISKU SOCODKA DADKA,DUUNYADA IYO GAADIIDKA.ee haatan  madaxwaynaha iyo  waftigu ku marayaan qaarka mid ah gobolada qaar

Dhanka kale odayaal iyo waxgaradka ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka keniya oo dhanka Emailka nagula soo xidhiidhay ayaa dhamaantood bogaadiyay socdaalka madaxwayna iyo waftigu ku marayaan qaarka mid ha gobolada DDSI

Taageerayaasha Alshabaab ee Barre Hiiraale oo 10 miina ku aasay wadooyinka Kismaayo(warbixin)

$
0
0

kismaGaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayay maanta miino kula kacday Magaalada Kismaayo, iyadoo Ciidamada Amaanka Jubaland ay wadooyinka Magaalada Kismaayo ka soo saareen 7 miino oo lagu aasay wadooyinka Magaalada Kismaayo, kadib markii ay heleen xog ku saabsan arintaasi iyo goobaha miinada lagu aasay. Taageerayaasha Barre Hiiraale ee Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in 10 Miino ay ku aaseen Jidadka xaafadaha Kismaayo, Hal miino maanta waxay ku qaraxday Ciidamada AMISOM, 7-ba waa la soo saaray oo waa la fishiliyay , wali waxaa lagu daba jiraa 2 Miino oo la baadi goobayo.

Kooxda Barre hiiraale ee ka shiidaal qaadata walaalaha Galgaduud ee kolkii horeba Kismaayo keenay ayaa waxaa lagu amray in Kismaayo ay ka dhigaan sida Muqdisho oo maalin kasta qaraxya ay ka dhacaan, Waxay kooxahani ku heshiiyeen hadii ay u suurta geli waysay qorshahoodii dhul boobka in ay iyaguna fowda joogta ah wadaan.

Hadaba waxaa hubaal in aysan isku mid aheyn Muqdisho iyo Kismaayo, Maxaa yeelay Muqdisho waa Magaala weyn oo ay adagtahay in la sugo amaankeeda ,Laakiin Kismaayo waa afar xaafadood iyo xerada Guulwade , waayna sahlantahay in gacanta lagu soo dhigo cidd kasta oo amaandara ka dhex abuurto. Kooxaha Miinada aasaya ayaa lagu soo waramayaa in ay adeegsadaan dumar iyo Caruur ,iyadoo kaadiriinta soo qorsheeyay ay Xaafadaha ku dhuumaaleysanayaan.

Ethiopia's special police seek to build trust after rights abuse claims

$
0
0

Ethiopia's special police seek to build trust after rights abuse claims
Posted to the Web Jul 17, 19:29


Tainted by allegations of violence, Liyu police look to strengthen ties in Somali region by boosting development and investment.
MDG : Eastern Ogaden in Somali region of Ethiopia : ONLF WarOn the newly paved main road that runs through eastern Ethiopia's arid Somali region lie several reminders of the violence the area has endured. Several burnt-out Russian tanks litter the barren terrain, evidence of the 1977-78 Ethiopia-Somalia war.

Further along the highway, a scorched bus symbolises an ongoing conflict destabilising the region. Fighting between the Ogaden National Liberation Front (ONLF), which wants self-determination for the region, and the Ethiopian military since 1984 has left a deep scar on the civilian population.

But at a tea shop in a village close to where the locals claim the ONLF had one of its first headquarters, Mohammed, 71, a village elder, says the Liyu police, an Ethiopian regional state security force, has increased safety in the area and improved their lives. "Before, the rebels used to terrorise us every day, always accusing us of supporting the government. Since the Liyu has come, the rebels never bother us any more – we can live our lives normally again, without fear."

Abdihadar agrees. When he was 14, he had his ears cut off by the Ogaden rebels, who accused him of spying for the state. "For years, I never went outside the home, I was too scared, I could never look at guns. Then the Liyu police came, and the situation improved," he says.

Many others who live along this main road, which cuts through the cities in the region, feel the same.

But the sentiments are at odds with previous reports on the Liyu, a force created in 2008 to offer a more effective response to the rebels than the Ethiopian military, which had been losing ground and was criticised for what some human rights groups called "genocidal tactics" against the Ogaden people.

Human Rights Watch says the Liyu police force has committed atrocities during their counterinsurgency activities, with reports of rape, torture and executions of civilians and several clashes with different clans on the region's borders.

Controversially, the UK's Department for International Development is considering giving millions of pounds to agencies to conduct human rights training for the Liyu force. According to a DfID official, the training is still in the "pre-design" stage. The department considers the behaviour of the Liyu police to be a precondition for lasting peace in the region, says the official, but funding would not be released until DfID was confident the training would contribute to a broader effort for the Liyu's reform.

"The Liyu is made up of men who have come from their communities, who have witnessed atrocities by the rebels, and want to protect their families," Abdullahi Yusuf Werar, the region's vice-president and head of security told the Guardian. "This was always bound to be more effective".

While the regional government and local NGOs claim the ONLF's military strength has been diminished in recent years by the Liyu force, Ogaden leaders say there are still pockets of rebel support across the region. The Liyu control the main roads and cities, but locals say the ONLF roam much of the region at night.

The Liyu has primarily been a counterinsurgency and security force. Werar says he wants this to change, to use the Liyu to help bring development and investment to the region.

"The Liyu was created to be a combat force, to fight the rebels. Now we have achieved our goal, we want to become a force for development in the region and assist development projects," he says.

Three hours' drive east from the region's capital, Jijiga, is a water supply project. According to the chief engineer, sent from Ethiopia's capital, Addis Ababa, the Liyu helped dig the canal, which will house the water pipe. "Without the Liyu, the project site would not have been secure, and we would not have dug the canal so quickly," he says.

There are also five-star hotels under construction in Jijiga, and many of the returning diaspora say the Liyu has made it possible for them to go home.

According to the country director of an international NGMDG : Somali region of Ethiopia : women on Jijiga MarketO, which has worked in the Somali region for more than a decade, who declined to be named, Liyu human rights abuses have decreased. "We are not getting as many reports as we used to," he says. "It appears they could be improving."

But not everyone is convinced. On a recent visit to the area, Olad Guled, a former civil servant in the region who has now left the country, says he believes it would be a waste of British taxpayers' money to fund human rights training for the Liyu.

"First we need to address the basic structural issues of the Liyu police," Guled says. "The force needs to be more inclusive of all the clans in the region, needs to stop acting like they're above the law, and needs to be accountable for their actions."

Source: The Guardian

Warqad Furan oo ku socota reer Gedo

$
0
0
July 18 2013

Badbaadi qaranimada soomaaliya: Waxaan kula talinayaa mas’uuliyiinta iyo dadka mucaaradsan Dowlada Jubaland, walaalayaalow hadaad rabtaa soomaalinimo iyo in la badbaadiyo qaranimadii soomaaliyeed ee luntay, waxay danta ku jirtaa inaad ka qeyb qaadataan dhaqan gelinta nidaamka federaalka, gaar ahaan dhameystirka dowlad goboledka Jubaland. Waxaan rumeysnahay in sidaas ay ku jirto danta guud ee qaraminada soomaaliya iyo danta khaaska ah ee beesha aad ka soo jeedaan.

Plaan a,-Dowlad dhexe dan idiinma ah: Marka labaad, hadaad moodeysaan in dowlad dhexe oo Xamar fadhida lagu helayo xuquuq ka ka badan tan federaalka amaba Jubaland, waad khaldan tihiin, aad iyo aad!!!!!! Waxaa tusaalo idiinku filan dowladii dhexe ee  kacaanka, waxaan og’nahay in dowladaas Beesha  lagu dulmay in ka badan inta la dulmay soomaalida kale, marki ay dhacdayna beesha loo dhibaateeyay magaca dartii.

Dowladii kacaanka Beesha waxay u adeegsatay xeyndaab lagu difaaco maamulka, waxaa lagu asqeeyay “garaado” iyo magacyo aan macno badan u sameynin beesha,  deegaanada ay beeshu degto lagama sameynin wax horumar ah, gobolka Gedo oo ah deegaanka rasmiga ah ee ay beeshu ka degto dalka Soomaaliya, waxuu ahaa gobolka ugu liita dhanka horumarka gobolada dalka, macquul ma aha in wanaagi iyo wax tarkii laga waayay marxuum maxamed Siyaad laga helayo Xassan Sheekh!.

Plaan b,-federaal magac’uyaal ah: Qodobka sadexaad ee aan doonayo inaan baraarujiyo, kaba soo qaad in Maamulka Xassan oo dabcan ay dabada haystaan Odayaasha beeshiisa uu ogolaado federaal magac’uyaal ah,  sida in gobolada loo magac aabo gudoomiyayal, Xamar ka amar qaata, sida hadaba laga sameeyay gobolada Gedo, Bay iyo Shabeelaha-hoose,

Waxay ila tahay tanaa ka sii xun, waxaaba la qaatay dowladii dhexe, sababtoo ah hada awooda dhabta ah ee ku maamuleysa waxay fadhidaa Xamar oo kuu jirta wax ka badan 600 km, waxaa ka sokeeya oo adiga ku metelaya, gudoomiye lasoo magac aabay oo habeen iyo maalin hoos laga hujuumayo islamarkaana  ilaashanaya kursigiisa.

Intaa waxaa dheer waxaa soo baxaya kooxo ama siyaasiyiin deegaanka ah oo gudoomiyaha kula tartamaya kursiga, halkaas waxaa ka dhalanaya in loo kala dhuunto Xamar loona tartamo rali gelinta madaxda fadhida Xamar, adiga ka shacab ahaan  ma lihid awood aad kula xiriirto Xamar oo dalka waa “fedreraal magac u yaal”, waxaad moodaa in lagu qancay xilka Raiisul wasaare Saacid iyo magac aabista ina kaliil loo magac aabay gudoomiyahay gobolka Gedo!

Plaan c,-In Gedo laga reebo JL: Hadaan si kale u dhigno, kaba soo qaad in la meel mariyo rabitaanka Xamar ee ah in la kala reebo Jubooyinka iyo Gedo, taas waxay dhaxalsiineysaa in beeshu ku soo dhacdo meel cidla ah (saxaraha Gedo), waxaan filayaa taas muttafiq baa lagu yahay,-laba calina iskuma khilaafsana.

plaan d,- Is faham-Xamar iyo Kismaayo: Kaba soo qaad in maaulka Xassan iyo kan Jubaland isku fahmaan inuu Xassan dhameystiro inta harsan maamulka Jubaland, amaba dib loogu noqdo wixii la soo dhisay oo hadda kow laga soo bilaabo Xassan iyo Xamarna  gar wadeen ka noqdaan, waxaan filayaa waa sida ay ku doodayaan gaar badan oo kamid ah beesha.

Marka hore ma jirto tuulo ay beesha degto oo ku taala jubada hoose ama Jubada dhexe, deegaanka beesha ee jubooyinka waa Xerada guul wade ee magaalada Kismaayo (guul wade waa caan)!,

Arinka waa sidii hore wax badana iskama bedelin, xalka waa in si cadaalad ah awooda loogu qeybiyo 9 ka degmo ee jubooyinka iyo tuulooyinka hoos taga, natiijadana waa mid iska cad oo ah in beesha banaanka ka tahay awood qeybsiga labada jubo.

Gunaanad;  Hadii ujeedkaagu yahay difaaca qaran soomaaliyeed, amaba aad dooneyso inaad u daneyso beesha, kaale soo raac oo difaac dowlad goboleedka Jubaland iyo guud ahaan nidaamka federaalisimka, hadii kale waxaad difaaceysaa dano beel kale ama koox diimeed arga’gixiso ah.

bishar Haji

b.haji114@hotmail.com

Gurigaan 2-Diiq Kama Wada Taliyaan Wuxuuna Leeyahay Hal Diiq:M/Weynaha Barcelona

$
0
0

Madaxweynaha Barcelona  Sandro Rosell ayaa ka hadlay warar maalmahan suuqyadda Spain lagu sheekeysanayo,kadib markii ay soo shaac-baxeen in laga yaabo inay isku dhacaan Laacibka Reer Brazil ee Neymar iyo Laacibka Reer Argentina ee Messi.

"Gurigaan 2-diiq kama wada taliyaan,wuxuuna leeyahay hal diiq waana Messi"ayuu ku jawaabay Madaxweynaha Barcelona oo ka hadlayey muranka 2-diiq ee Barcelona isku-haya.

Hadal-heynta ugu badan maalmahan Bahda-Cayaaraha ee Spain ayaa noqotay ninka diiqa ka noqonaya Kooxda Barcelona,iyadoo lagu wado hadii Neymar uu wacdarro dhigo inuu ciriir-san-karo inuu Diiq ka noqdo Barcelona,inkastoo ay aad u yara-tahay rajo laga qabo in Messi diiqnimadiisa uu shaki gelin-karo Laacibka Reer Brazil ee Neymar.

Sandro Rosell oo ah madaxweynaha Barcelona ayaa ka hadlay arrinta suuqa lala wareegayo oo ah in la isla meel dhigo Lionel Messi iyo Neymar, gaar ahaan isku dhaca ay dad badan saadaalinayaa oo ah in labada ciyaartoy ay isku dhici kartaan marka ay timaado in ay garoonka isla galaan.

Si kastoo oo ay tahay Rosell wuxuu sheegay in aysan jirin sabab ay iskugu dhacaan labadaasi ciyaartoy.

“Gurigaan labada diiq kama wada taliyaan. Wuxuu leeyahay hal diiq oo kaliyaha waana Messi,” Rosell ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay 8 al Dia todobaadkaan.

“Ma jiro ciyaartoy ka wanaagsan Messi, laakiin hadda waxaan soo gadanaya Neymar wuxuuna ku tala jiraa in uu isa soo saaro oo uu muujiyo inuu ciyaaryahan wanaagsna yahay isla markaana uu kooxda caawiyo.“

- See more at: http://ciyaaro.com/portal/messi-ayaa-diiq-ka-ah-barcelona/#sthash.n9EUTcRF.dpuf

Sandro Rosell oo ah madaxweynaha Barcelona ayaa ka hadlay arrinta suuqa lala wareegayo oo ah in la isla meel dhigo Lionel Messi iyo Neymar, gaar ahaan isku dhaca ay dad badan saadaalinayaa oo ah in labada ciyaartoy ay isku dhici kartaan marka ay timaado in ay garoonka isla galaan.

Si kastoo oo ay tahay Rosell wuxuu sheegay in aysan jirin sabab ay iskugu dhacaan labadaasi ciyaartoy.

“Gurigaan labada diiq kama wada taliyaan. Wuxuu leeyahay hal diiq oo kaliyaha waana Messi,” Rosell ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay 8 al Dia todobaadkaan.

“Ma jiro ciyaartoy ka wanaagsan Messi, laakiin hadda waxaan soo gadanaya Neymar wuxuuna ku tala jiraa in uu isa soo saaro oo uu muujiyo inuu ciyaaryahan wanaagsna yahay isla markaana uu kooxda caawiyo.“

- See more at: http://ciyaaro.com/portal/messi-ayaa-diiq-ka-ah-barcelona/#sthash.n9EUTcRF.dpuf

Sandro Rosell oo ah madaxweynaha Barcelona ayaa ka hadlay arrinta suuqa lala wareegayo oo ah in la isla meel dhigo Lionel Messi iyo Neymar, gaar ahaan isku dhaca ay dad badan saadaalinayaa oo ah in labada ciyaartoy ay isku dhici kartaan marka ay timaado in ay garoonka isla galaan.

Si kastoo oo ay tahay Rosell wuxuu sheegay in aysan jirin sabab ay iskugu dhacaan labadaasi ciyaartoy.

“Gurigaan labada diiq kama wada taliyaan. Wuxuu leeyahay hal diiq oo kaliyaha waana Messi,” Rosell ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay 8 al Dia todobaadkaan.

“Ma jiro ciyaartoy ka wanaagsan Messi, laakiin hadda waxaan soo gadanaya Neymar wuxuuna ku tala jiraa in uu isa soo saaro oo uu muujiyo inuu ciyaaryahan wanaagsna yahay isla markaana uu kooxda caawiyo.“

- See more at: http://ciyaaro.com/portal/messi-ayaa-diiq-ka-ah-barcelona/#sthash.n9EUTcRF.dpuf


QM oo sheegtay in alshabab ay soo galayaan gudaha Kenya

$
0
0

Warbixin ay QM soo saartay ayaa muujinaysa in xarakada Al-Shabaab ay soo galayaan Kenya si ay uga dhisaan shabakad argagixiso oo cusub .

Warbixinta oo ay soo sartay kooxda daba galka arimaha soomaaliya ee Monitoring Group ayaa ku eedaysay in ururka Al-Hijra— ee ka jira Kenya uu yahay ururkii Muslim Youth Centre (MYC).oo magaca badashay .

Ururkani “Al-Hijra ayay kooxda Monitoring Group sheegeen in ay doonayaan in ay Kenya dib uga bilaabaan howlaha qorida dagaalyahano fuliya howlgalo adag .

Muslim Youth Centre MYC ayaa iyagu ahaa urur la sheegay in uu asaasay wadaadkii lagu dilay Mambasa sh Abuud Rogo .

Warbixinta QM ayaa waxa sidoo kale lagu xusay in Al Shabab ay doonayaan in ay dhisaan shabakado maxali ah gudaha dalka Kenya ka dib markii al Shabab awoodooda ay wiiqeen militiriga Kenya gudaha dalka Soomaaliya .


Tababare Guus oola filayo Barca inuu Tababare u noqdo

$
0
0

Tababare Guus Hiddink ayaa la saadaalinayaa inuu qabto xilka tababaraha Kooxda Barcelona,kadib markii uu is-casliay Macalalinkii Barca Tito oo cudurka Kansarka uu uga dhacay dhuunta laguna guuldareystay qaliin lagu sameeyay.

Macalin Guus Hiddink ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Kooxda Anzhi ee Dalka Ruushka ka tirsan,waxaana la filayaa inuu Kooxda Barcelona ku biiro,inkastoo Macalimiin ah ay u sharaxan-yihiin jagadan balse Tababare Guus ayaa loo badinayaa inuu Barce macalin u noqdo

Qofba marbuu Jubbaland Maqlayee adna goormaad maqashay?

$
0
0

Qofba marbuu Jubbaland Maqlayee adna goormaad maqashay?

JubbalandWaxaan Qoraalkaygan ugu talo galay inaan uga hadlo kuna ifiyo Goorta Jubbaland dhalatay. Maadaamaa dad badan oo Soomaaliyeed aad moodo in taariikhdii iyo dhibaatooyinkii laga soo maray xoraynta dalka Somalia iyo waliba Juquraafiga Somaliya inaysanba warba kaheyn.

Marmarka qaar waxaan isweydiiyaa War waxani armayba tahay indha adeeggii lagu sheegi jiray Soomaalida qaar, waa markaan maqlo Jubbooyinka waxaa haysta dad Qabridahar,Goday, NFD ama Puntland kayimid!!! War cajiib badanaa.
Ayaan darrada jirto waa marka Idaacadaha aad ka aragto odayaal waaweyn oo gar-cas ah oo afkooda ku bal-ballaarinaayo hadallada noocaas ah, oo waliba wax ka daba hadlaayo ama qabanaayaba la arag. War sow dadku kuwii kala xishoon jiray oo is qaban jiray ma ah. Aad baan u yaabaa marna u qoslaa.

Waxaan markii danbe ogaaday in dadyowga Jubbaland dego dhammaantood ama dhulka yaqaana ay iyaguba arrinkaa aad ula yaabanyihiin.

Dhulku hadda lama helin waxuuna waligiiba qeeb ka ahaa kownka aynu hadda ku noolnahay, taariikha kala duwanna wuu soo maray, marka su´aashu waa adigu goormaad maqashay jubbaland?

Wahtigan hadda lagu jiro Soomaaliya waxay haysataa fursad aad u wanaagsan oo ay uga bixi karto dhibaatooyinkii soo maray. Laakiin ayaan darrada jirtaayi waxay tahay, dadka majaraha u haayo Soomaaliya aysan arrinkaa diyaar u ahayn amaba aysan fahansanayn muhiimadda ay leedahay fursadani.

Fursadda maanta taalaayi waxay lamid tahay fursadii aynu haysanay jannaayo 1991. Markii xukunkii laga tuuray A.H.N. Maxamed Siyaad Barre, oo loo baahnaa in wadanka la gaarsiiyo horumar, caddaalad iyo doorashooyin xalaal ah. Laakiin nasiib darro waxaa dhacay waxayaalo aan looba fadhiyin.

Maantana waxaad moodaa in fursaddii mid lamid ah aynu haysanno, laakiin, haatanna sidiiyoo kale xaalku yahay, oo waxaaban looba fadhin lagu hadlaayo. Nin meeli u caddahay meeli ka madow ayaa la yiri, taasoo aan ula jeedo nin reer hebel dalka kasaar u caddahay Soomaalinimo uma jeedo, taasi waa tii 1991kii dhacday oo jabhaddii S.P.M Qeybtii ka dagaalami jirtay Jubbaland ee uu hogaaminayey Marxuum Col. Bashiir Cali Salaad (Bashiir Bililiqo) iyo odayashii Jubooyinka inta Kismaayo ku shireen dhambaal iyo bogaadin u direen jabhaddii USC da, lana ogaysiiyay in jubbaland inteedii badnayd ay gacanta ku hayso S.P.M loona baahanyahay in dalka laga hirgaliyo dowlad dimuqraadi ah, waxaa kale oo dhambaalkaa lagu ogaysiiyay in S.P.M diyaar u tahay wada shaqayn iyo in loo baahanyahay in xaaladda dalka la dajiyo.

Intaa kadib waxay reer Jubbaland sugayeen jawaab noocay doontaba ha noqotee. Dadka qaar ayaa ka shaki qabay in USC sadbursi iyo nin jeclaysi ay la imaan doonto, maadaamaa ay iyadu magaalamadaxdii gacanta ku heyso.
Laakiin marnaba lama soo dhigan in wixii dhacay ee maanta halkaa ina dhigay ay USC soo wadatay.

Khaladkaa barigaa dhacay qiimihiisu wuxuu Soomaali ugu fariistay in ikhtiyaarkii iyo aaya-katashigeenii uu gacanteena ka baxo, lamana soo koobi karo khasaarihii Soomaali kasoo gaaray khaladkaa isaga ah.

Maantana waa maalin cusuboo aad moodo in ALLAH Soomaali siiyay fursad cusub, reer Jubbalandna waxay ku shireen Kismaayo iyagoo is tusay inay ka faa´iidaystaan fursadda maanta Rabbi Soomaali siiyay. Waxay eegeen dastuurka federalka ah, waxay eegeen juquraafiga waxay eegeen xaaladda lagu jiro intaa ka dib, waxay ku qaadatay inay dadkii isu keenaan muddo aad u dheer. Markii la isu keenay odayadii Jubbaland ayaa waxay shir u fadhiyeen muddo dhan 5-bilood dhan. Waxay aakhirkii ku guulaysteen in ay yagleelaan maamul goboleed.

Intaa kadib waxay 23na kadib mar labaad dhambaal u direen Muqdisho oo ay ugu bogaadiyeen dowladda iyo dadka reer Muqdisho hormarka ay ku socdaan, waxay sidiiyoo kale ogaysiiyeen in Jubbaland dhankeedii diyaar tahay, waxaana laga war dhowrayey Muqdisho, oo la is lahaa gacmo furan ayay diyaar layihiin, maadaamaa inagii wax tirsanayneyba aynu diyaar u nahay wada shaqayn. Laakiin taa bedelkeed waxaa sidii yoo kale naloogu jawaabay dagaal iyo weerar iyo wadamo kale ayaad ka timaadeen. Waa markaan is iraahdo oo kaalay Dalkaba ma muqdishaa leh!!!!!!! Warr meesha malaha aan dowlad ka sugeynaba waranbaa inooga soo maqan!!!

Haddii aan dib ugu noqdo Suaashii ahayd goormaad maqashay Jubbaland jawaabteedu adigaa iska leh. Laakiin Haddii aad tahay reer jubbaland dhalad ah, uma baahnid in lagaaga sheekeeyo Jubbaland taariikhdeeda iyo xaaladihii ay soo martay.

Haddii aad magaca ka maqashay idaacadaha ay yagleeleen dhallintii ku caqliyaysatay dagaaladii sokeeye, gaar ahaan kuwa Muqdisho ama aad is leedahay magaca iyo dadkuba waa wax meel kale ka yimid. Waxaan kuu dul marayaa taariikhihii kala duwanaa ee ay Jubbaland soo martay anigoo aad kuugu soo koobaya caddeyteedana kuu tilmaamayo meesha aad ka heli kartid.

Qeexid:

Seddexda Gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa la isku yiraahdaa Dhulka Jubba. Magacu wuxuu cuskanayaa Wabiga Jubba oo seddexda gobolba mara, isagoo ka soo bilawda Degmada Doolow ee Gedo, wuxuuna ku dhammaadaa Goobweyn oo duleedka Kismaayo ah. Wabiga Jubba wuxuu dhererkiisu ka badanyahay 1000 mayl. Magaca Dhulka Jubba maahan mid dhawaan la allifay ee waa taariikhi sidaan hoos ka dheehan doonno.

Bilowgii arnigii 17aad ayaa koox sahan aheyd oo laga soo diray dhanka Ogadenia ay soo gaareen meesha hadda la yiraahdo Kismaayo.

Qarnigaa waxaa dagaallo ba´an oo muddo dheer socday ku dhexmaray Dalka Ethiobia Muslimiin iyo gaalo, waxaa aad loo jabiyey muslimiintii, qowmiyadihii uu jabka soo gaaray waxaa ka mid ahaa Soomaalida.

Dagaalladaas kadib xoogaggii Somalida waxay u kale jabeen meelo badan. Qeybtii soo aadday dhanka Kismaayo ama Waamo, waxay ku soo guurtay warbixinnadii sahankii dib uga soo laabtay Waamo. Kooxahaas soo guuray waxaa ugu badnaa qabiilada Daaroodka ah,

Waxaa ay dhisteen saldanad la oran jiray (Aji) Magaca Ajigu wuxuu ka soo jeeday is-bahaysigii la tartami jiray Saldanadii Ajuuraanka waxay markii danbe dadku ahaayeen Aji iyo Ajuuraan.
Dhulka Waamo iyo agaggaarkiisa waxaa xilliyadaas degganaa qolo Gaallo madow la oran jiray. Gaalo madowdii degganaa dhulka iyo qolyihii hayaanka ku yimid waxaa ka dhex bilowday dagaallo ba’an oo socday muddo qarni ku dhow. Madaama laga tiro badnaa qolyihii geeddiga ku yimid, waxay qeylodhaan u dirsadeen dhulkii ay ka yimaadeen iyo dadkii Soomaaliyeed ee ka ag dhowaa meelaha ay ku dagaallamayeen. Badi reerihii Soomaaliyeed ee qeylodhaantu gaartay way soo gurmadeen gurmadkii ugu badnaa wuxuu ka yimid Somalida Ogadenia. Waxaa kaloo gurmad ciidan badan soo diray Biyomaal iyo Tunnni oo markaa deganaa Muqdisho ilaa aagga Baraawe. Waxaa dagaalka ku soo biiray beesha Sade oo katimid gobollada dhexe iyo Garre ka yimid dhinaca Mooyaale, waxayna ka dagaal galeen dhanka Beledxaawo iyagoo dagaalo adag la galay Gaalomadowdii gaar ahaan BOORAN.

Sidoo kale waxaa dagaalka markii danbi aad usii xoojiyay Ciidamo hor leh oo kayimid dhinaca Ogadenia gaar ahaan beesha Absame oo ka dagaal gashay Bakool ilaa iyo Baardheere.

Sidaas darteed waxaa muddo dheer Waamo ka socday dagaallo aad u cuslaa oo kadhan ahaa qawmiyaddii aan muslinka ahayn ee dhulka degi jirtay, waxaana loo yaqaan dagaalladii Ajiga iyo Gaalada Waxaana aakhirkii guulaystay Soomaalidii. Waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii caanka ahaa ee hogaamin jirtay Ajiga Nin la oran jiray Aadan Xagal oo awoow u ahaa Alla ha u naxariistee heesaagii caanka ahaa Cabdi Salaad Aadan Xagal (Beerdilaacshe).
Dhaqanka iyo xeerarka deegaank ee soo jireenka ahaa

Intaa kadib Waxay Soomaalidii samaysatay xeerkii Ajiga. Xeerka Ajiga waxaa dhigtay Qabiilada: Absame, Harti, Sade, Warday, Baajuun, Asharaaf, Reer-Awqudub iyo Somaali kale.

qodobada xeerka Aji waxaa kamid ahaa kuwan hoos ku qoran.
1- waxaa kamid ahaa in dadka Aji yeeshaan Hal Suldaan kaasoo noqday Suldaan Magan. Suldaanka Hadda jiraa ee Waamo waa Suldaan C:laahi Suldaan Cali Sonkor Suldaan Axmed Suldaan Magan.

2-xeerakaas lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa lahaanshaha dhulka iyo deegaanada sidaa loo kala leeyahay.

3-xeerarkaas waxaa ugu mihiimsanaa daaqa iyo biyaha iyo sida ceelasha looga kala cabaaayo xilliyada abaarta. Tusaale waxaa lagu heshiiyay in haddii abaari timaado beelaha gobolka Gedo dego ay ka cabbi karaan ceelasha J/hoose Afmadow ilaa inta roob laga helayo kadibna ay dib ugu laabtaan deegaanadooda. Waxaa xusid mudan in xeerkaas sidiisii uu yahay oo reer guuraagu xeerarkaas sidoodii ay wali ugu dhaqmaan.

4- Qaabka magta loo bixinaayo tusaale Asharaaf iyo Reer Aw-Qudub waxay qaaraanka la wadaagaan Maxamed Subayr taasoo macneheedu yahay inay inay iska xigaan hiil iyo hooba Absamaha kale waa siduu xeerku ahaa 1992dii ka hor.

Waxaad caddayn ka heli kartaa ku saabsan Qaabkii ay Soomaalida u kala deganaayeen Jubbaland Buuggii uu qoray Sahmiye I.N Dracopoli oo ahaa dhulmareen ka tirsanaa hay’ada cilmi baadhista Juquraafiga iyo sahaminta dhulka oo ay lahayd boqortooyadii Ingiriiska, laguna magacaabi jiray “UK Royal Goegraphical Society”. Buugiisa lagu magacaabo “Through Jubaland to the Lorian Swamps” waxa uu intiisa badan kaga hadlay Beesha Absame, deegaanadooda, iyo waliba dagaaladii ay kula galeen Jubbaland maamulkii Ingiriiska.

Dagaaladii Nus Qarniga socday ee Ajiga dhexdiisa.

Dagaaladaa waxay ka bilaabmeen kadib markii ay warday ka baxday isbahaysigii Ajida, Wardey oo dhulka uga soo horreysay dadkan kale sannadku markuu ahaa 1840-1850 ayaa Warday waxay dishay Oday Ogaadeen ahaa oo kamid ahaa odayaashii caanka ahaa . Waxayna iclaamiyeen dagaal . Arrintaas waxay keentay in dagaal cuslus oo Ajigii u dhammaa lagu qaado Wardey. Markii dagaalkii lagu jabiyay ayaa Ajigii waxay ku heshiiyeen in Wardayda la qaybsado oo reeraha Ajiga ah loo qaybiyo sidaasna ay dhulka ku deganaadaan qabiiladaasna ay katirsanaadaan. Waxaa sidoo kale dagaal dhexmaray Absame iyo Harti oo kawada tirsanaa isbahaysigii Ajiga, dagaalladaas wakhtiyo badan ma socon waana laga heshiiyay barigaas. Waxaa jiray Dagaallo dhacay wakhtiyadii dambe ee gumaysiga joogay.

Sannadkii 1905.1910kii waxaa qarxay dagaalkii Biyomaalka iyo Talyaaniga wuxuuna sababay in qoysas Biyomaal ah u soo qaxaan Jamaame.

Waxaa markaas qarxay dagaal kale oo dhex maray Biyomaalka iyo Ajiga. Markii dagaalku dhammaan waayay oo dagaalka maraayo meesha la yiraahdo Garaska Boramo ayaa Talyaanigu kala dhexgalay, halkaasna ka dhigay seeraha labada qolo.
Dagaalkii wardayda kadib waxaa xeerkii Ajiga kusoo biiray Baantuuga oo asal ahaan kasoo jeedo Tansania iyo Zanzibaar iyo Meshunguliga oo waayahaas aagga yimid.

Dabayaaqadii 1860kiidii waxaa Kismaayo soo gaaray Nin la oranjiray Seyfu-Nuur oo Sansibaar laga soo diray wuxuuna heshiis la galay Ajigii Waamo ka talinaayay heshiiskaas kadib Jubbaland waxay ka tirsanayd saldanadii Suldaan Barghash Bin Saciid.

1. Goormay gumaystayaashii reer galbeedka yimaadeen yaase dagaal kala hortegey?

Suldaan Sayid Barghash Bin Saciid oo isagu gacanta ku hayey Jubaland ayaa sanadkii 1887 dhulka Jubaland ku wareejiyey shirkad Ingiriis ah oo lagu magacaabi jiray “British East Africa Company”. Siddeed sano ka dib (1895) ayaa si buuxda boqortooyadii Ingiriisku ula wareegtay maamulkii Jubaland, lana hoos geeyey maamulkii guud ee Ingiriiska ee Bariga Afrika ee “British East Africa Protectorate”

Intaa kadib waxaa bilowday dagaal dheer oo dhexmaray beesha Absame oo dhinac ah iyo ciidamadii boqortooyada Ingiriiska oo ay taageerayaan ciidamo Afrikaan ah oo lagu magacaabi jiray “King’s African Rifles” iyo Ciidamo kale oo Hindi ah. Dagaalkani waxa uu bilowday sanadkii 1896 ka dib markii Beesha Absame ay diideen in ay canshuur siiyaan maamulkii Ingiriiska, iyo iyada oo Ingiriisku ku eedeeyey beesha Absame in ay yihiin qaswadayaal. Ka dib waxay ay taladu faraha ka baxday markii mid ka mid ah odayaasha beesha Absame uu isku dayey in uu waran caloosha ka galiyo madixii maamulka Ingiriiska, waqtigaas oo magaalada Kismaayo dhexdeeda uu shir uga socday odayaasha dhaqanka ee beesha Absame iyo maamulka Ingiriiska ee Jubaland. In kasta oo ninkii Ingiriiska ahaa uu ka badbaaday dilka, haddana xaaladda cirka ayay isku shareertay.

Kornayl F.H.James oo dhacdadaas wax ka qoray waxa uu yiri sidan:

“For some years the Ogaden Somalis had been causing trouble which culminated in an extensive slave raid into Jubaland in 1896. The Ogaden Chiefs were called to Kismayu by the Commissioner to meet at a Durbar. During one of the discussions one of the chiefs attempted to murder the Commissioner by throwing a knife at him. The Commissioner had been warned to expect something of this sort and had hidden a strong guard in other rooms of the residency. When the trouble began the guard reacted immediately by storming the room and killing all the chiefs except for a few who were able to escape by jumping from the windows of the residency. It was decided to take punitive measures to bring the Ogaden to order”.

(fiiri buuga: “History of the 1st Battalion 6th Rajputana Rifles (Wellesleys), Aldershot: Gale & Polden Ltd, 1938, pp. 127 – 132).

2.Dilkii taliyihii Ingiriiska ee Jubbaland SIR ARTHUR JENNER iyo isu hub uruursigii 2da dhinac.

Waxaa ay reer Jubbaland usoo mareen xornimada Somaliya dhibaatooyin badan iyo dagaallo iyo bara-kicin ba´an oo kasoo wajahday gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Dagaaladii Reer jubbaland iyo ingiriiska dhexmaray waxaa ka mid ahaa dagaalkii ka bilowdey dilkii loo gaystay SIR ARTHUR JENNER oo ahaa madaxii maamulkii Ingiriiska ee Jubaland, waxaa dilay niman dagaalyahano ah oo ka tirsan beesha Absame taariikhdu markay ahayd 13th November 1900.

Intaas ka dib maamulkii Ingiriiska ayaa wacad ku maray in uu cagta mariyo waxa uu ugu magac daray “Ogaden Revolt” ama “Gadoodkii Beesha Ogaadeen”. Ingiriiska waxa uu ciidamo dheeraad ah ka soo daabulay magaalada Bombay ee Hindiya. Dhinaca kale beesha Absame iyaguna waxay dagaalkaas bilowday uga qeyb galay 4,000 (afar kun) oo dagaalyahan oo ay ugu tala galeen in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo ay ahayd xarunta maamulkii Ingriiska ee Jubaland. Ciidankaas tiraas leh waxa uu argagax ku riday ciidamadii Ingiriiska, kuwii Afrikaanka ee “King’s African Rifles” iyo ciidamadii Hindida ahayd. (Warkan waxaa laga soo guuriyey: House of Commons Sessional Papers, 1901, Vol 12: Colonies and British Possessions, Afria, page 13 ilaa 14).

Hoos ka akhriso warbaahinta Ingiriiska ee magaalada London oo ka faalootay ciidankaas tiradiisu tahay 4,000 ee beesha Ogaden ugu tala gashay in ay Ingiriiska kaga xoreeyaan dhulka Jubaland.

NOTE: Warbixintan ku saabsan ciidanka beesha Absame waxaa laga heli karaa qeybta keydka ee Jariidada caanka ah ee ka soo baxda Ingiriiska ee “The Daily Telegraph”, Issue 9928, 27 November 1900, Page 5.

3.Geesigii Caanka ahaa ee.Sheekh Cabdiraxman Sh. Mursal
Hogaamiyihii caanka ahaa ee aadka ula dagaalamay gumaystayaashii waxaa kamid ahaa Sheekh Cabdiraxman Sh. Mursal oo dagaallo adag oo taariikhi ah lagalay Ingiriiskii, dhulalka uu ka dagaalami jiray sheekh Cabdiraxmaan waa deegaanada Gedo iyo Jubbada dhexe. Waxaad caddeyn ka heli kartaa http://www.britishcolonialafrica.com/ oo ah page lagu aruuriyey qaar kamid ah taariikhdii Gumaystaha ee Afrika. Weerarradii caanka ahaa ee uu Ingiriiska ku qaaday waxaa kamid ahaa weerarkii uu wadaadku Ingiriiska askartiissii kaga dilay 40 nin kagana furtay hub iyo rag nolol uu ku qabtay 1915tii.

Wadaadka Sheekh C./raxman Mursal way yaqaanaan dadka reer Jubbaland taariikhdiisa. Haddii aan dadka qaar xusuusiyo waa ninkii sokorta iyo raashinka wabiga kaga shubay Ingiriiska, kadib markii uu subax weerar ku qaaday taliskii Ingiriiska ee Baardheere deedna askar badan kaga laayay, markii ay ciidamadii ingiriiska carareen ayuu wuxuu halkaa ka rartay raashin iyos sokor fara badan oo loogu tala galay in subaxaa gunno loo siiyo askartii Soomaalida ee ingiriiska u shaqayneysay.
Ciidankii Ingiriiska waxay weerar afar dhinac ah ku soo qaadeen wadaadkii, isna markuu ogaaday in dhanwalba laga joogo meel uu ku baxsadana jirin sokortana laga furan doono, ayuu yiri wallee shaydaanku bishaan minshahar looma doonto shaahna afka ma saaro, halkaa ayuuna sokortii wabiga kaga daadshay. Waxay noqotay in Askartii ay sidaa gunnadii ku waayaan oo ay qaadato muddo inta gunno kale loo keenaayo.
Soomaalida qaarbaa qisadaa u bedeley kaftan iyo qosol maadays ku jiro oo tiri sheekhu wabiguu macaaneeyey, inkastoo dadka qaarna ku kaftamaan qabiilkii wabiga macaaneeyey. dagaaladii ba´naa ee wadaadku ingiriiska lagalay waxaad si khaas ah uga heli kartaa linkigan hoose.

http://www.britishcolonialafrica.com/PDFS/4_JUBALAND_1917-18_SINGLE_2_.pdf.

Sannadkii 1925kii baa Ingiriisku si rasmi ah ugu wareejiyay Jubbaland Talyaaniga. Isla wakhtiyadaas waxaa Dhulka soo gaaray ciidamo badan oo ka tirsanaan jiray daraawiishtii Sayid Maxammed Cabdille Xasan kadib markay Istaageen dagaalladii Daraawiishta iyo Ingiriiska waxayna ciidamadaas ka qeeb qaateen dagaalladii markii danbe aadka loola galay Talyaaniga.
Taariikhdaa kore waxaa dheer taariikho badan oo ka danbeeyey oo ay Jubbaland Soo martay ilaa iyo maanta.
Kahadalkooda waxaan isleeyahay maanta kuma haboona, maadaamaa lagu jiro xilli la daweeynaayo boogo badan oo Soomaalidu kasoo gaarey dagaalladii sokeeye.
Taariikhdu intaa kuma eka way socotaa wayna socon doontaa, Sidaa awgeed Waxaan dowladda Federaalka uga digaynaa in aysan taariikhda Somaliya baal madow ka gelin.
Waxaan sidoo kale dowladda ka codsanaynaa in ay wax ka qabato dadka qaran duminta wado ee dowladda ka agdhow amaba ka tirsan, kuwaasoo si toos ah ummadda Soomaaliyeed Ee Jubbaland degan ugu xadgudbo Soomaalinimadooda lama taabtaanka ah.

Horumarka ay Ku talaabsatay Dawlad-degaanka Somalida Ethiopia iyo Saameynta ay ku yeelatay Wadamada Dariska!

$
0
0

Horumarka ay Ku talaabsatay Dawlad-degaanka Somalida Ethiopia iyo Saameynta ay ku yeelatay Wadamada Dariska!

Ra'yiga(xogogaalonlinera'yiga)  Horumarka iyo dib-u-dhacuba waa laba arimood oo saameeya Deganaanshiyaha dal iyo nolosha dadkiisa. Sidoo kale, waxay raadayn ku yeeshaan wadamada dariska iyo dunida inteeda kaleba. Waana min-qiyaaska lagu cabiro tayada iyo sifaha hogaamineed ee Madaxda ka talisaDal ama Dawlad ka jirta dunidan aynu ku nool nahay. Horumarka waxaa fure u ah Nabad iyo Xasilooni , iyana waxay ku timaad in la helo , lagu dhaqmo oo la fuliyo Sharciga iyo Xeerarka ay ummadi dhigato. Haddii tani dhaqan gashana waxaa sugnaanaysa oo la helayaacadaalad , sinaan iyo kalsoonika dhex curata Madaxda iyo Shacabkooda. Maxsuulkeeduna waa horumar laga sameeyo dhinacyada Barashada aqoonta sare ,tayaynta iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad iyoguud ahaan baahiyaha bulshada ee aa-aasiga ah .

https://mail.google.com/mail/images/cleardot.gif

Haddaba , ujeedada maqaalkaygan ama aan idhaahdo fariintaydan oo aan maanta Qalinka iyo Warqada isku dul-dhigay inaan halkan ku iftiimiyo Horumarka iyo Maamul-wanaaaga ka tisqaaday dhawrkii Sanadood ee u dambeeyey Dawlad –degaanka Somalida Ethiopia ee aynu dariska nahayoo aan hore uga hadlay/ka qoray horumarka gudaha DDSI ka qabsoomay. Haseyeeshee, waxaan maanta tooshka ku iftiimin doonaa Saamaynta horumarkaasi ku yeeshay Wadamada dariska la ahee aykamid ka yihiin Somaliland iyo Somaliya.

Marka hore , bal aynu soo qaadano dhinaca Horumarka iyo Isbedelkadhinacyadda Jaamacadaha iyo Machad-yada lagu barto Aqoonta sare ee ayseeska u dhigeen MasuuliyiintaDawlad degaanka Somalilad Ethiopiagaar-ahaanCaasimada Jigjiga iyo fursadaha ay u abuurtay dhalinta kasoo kala jeedaWadamada Somaliland iyo Somaliya(puntland) oo aynu ka tilmaami karnoArdaydiidhamaysatay Kuliyada caafimaadka ee Jigjiga oo ayka qalin jabiyeen in ka badan 759 Arday oo ay kamid ahaayeen 28 kasoo jeeday Somaliland iyo18 ka socday Somaliya(puntland) iyada oo tiro aad u badan oo Arday ah oo kasoo kala jeeda wadamada dariska ay sidoo kaleguda jiraan Waxbarashada sare ee Jaamacadaha iyo Machadyada Jigjiga .wakhtigan lajoogo, waxa kale oo aynu la soconay/ka warhaynay Wufuudii balaadhnayd ee Wasiirada Somaliland iyo Somaliya(puntland) ee goob-jooga u ahaa xafladaa qalin jabinta Ardaydaa aynu sare kusoo xusnay. Waxaana xusid mudan inay tani ahayd markii u horeysay ee arday kasoo kala jeeda Dawladaha dariska ay dhamaystaan Waxbarashada Aqoonta sare ee Jaamacadaha Jigjiga , ayna kasoo qayb-galaan Masuuliyiin heer Wasiiro ah oo kasoo kala jeeda wadamada aynu kor kusoo sheegnay.

Arinta labaadwaxay tahay;Isbedelka balaadhan ee Maamulka DDSI ka hirgaliyey Xarumaha caafimaadka ( hospitals) ee Dawliga ahoo lehadeegyo aad u sareeya , taas oo soo jiidataydadweynaha kasoo kala jeeda Wadamada dariska . iyaga oo markii hore ka raadsan jireen Wadamo kale iyo waliba Caasimada dalka Ethiopia ee Addis-ababa.Xogo sugan oo aan helay waxay tilmaamayaan shacabka wadamada dariska la ah DDSI ee arimo caafimaad u socdaa inay si joogto ahu yimaadaan goobaha caafimaad ee dawliga ahee Jigjiga.

Arinta seddexaad; iyana waxa weeyi dhinaca Casriyeynta Madaarka Caasimada Jigjigaoo ay sanadihii u dambeeyeyDDSI ka dhigtay mid caalamiya ,taasiwaxayu fududaysayshacabka ku nool wadamada jaarka la ah DDSI inay si joogto ah u isticmaalaan madaarka jigjiga haddii ay tahay bixid iyo kasoo degidba iyada oo waliba ay intaas ay siidheertahay in madaxda wadamada darisku ay iyaguna kujiraan cida ka faa-idaysata adeegyada sare ee ka hirgalay Madaarkaa jigjiga.

Gabagabadii;qoraal kooban sida kan oo kale lagumadhamayn karo talaabooyinkawaxqabad ee uu ku talaabsadayHogaamiye/Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar , haseyeeshee fariintayda waxa weeyi oo aan odhan lahaaHorumarka DDSI ay degaankeeda iyo dadkeeda u horseeday ee waliba ku fiday Wadamada dariska la ah waa mid waajib ku ah cid wal oo caqli leh oo jecel horumarka inay ku bogaadiso. Waana Isbedel iyo horumar balaadhan oo aanayqaban Madaxdii tirada badnayd ee usoo kala dambeysay hogaaminta DDSI, waxaanan ku cabiri karaakelmeda ah waa “Illeys ka iftiimay mandaqadan aynu ku noolnahay.”

C/rasaaq Askar

ihsan_acf@hotmail.com

 

 

Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Socdaalkoodii Dheeraa ku Soo Gunaanaday Gobolka Liibaan Kuna Soo Noqday Caasimada Deegaanka.

$
0
0

Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Socdaalkoodii Dheeraa ku Soo Gunaanaday Gobolka Liibaan Kuna Soo Noqday Caasimada Deegaanka.

JJ-xogogaalonline:- sida aanu warka ku helnay,Waxaa Gabi ahaanba soo gabagaboobay Socdaalkii Dheeraa ee Lugta ay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiintii wehelinaysayba ku soo mareen 5 Gobol oo ay ka mid ahaayeen Faafan,Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Gobolka Liibaan taasoo ay Ku soo Gunaanadeen waftigigu Socdaalkii Nolol iyo Rajo-rumays.

Gobolka Liibaan ayaa Waftiga Madaxweynaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay iyagoo Qaybaha Shacabka kulamo Dhaadheer oo ay kaga wada tashanayeen Arimaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ku dhex mareen degmooyinka Filtu iyo Doolow.

Dhanka kale safarkan dheer oo ku soo beegmay xili ay bilaabatay Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ay Madaxweynaha iyo Waftigiisu ugu beer adaygeen Socdaalka dheeraa ee ay Baabuurta ku soo mareen 5ta Goboloo Geed kasta,Magaalo kasta,Degmo kasta,Tuulo kasta iyo wado kastaba ay shacabweynaha kula soo hadleen,gargaar ugu fidiyeen,ku daweeyeen,ugu qaybiyeen dawooyinka dadka iyo xoolaha sidoo kalana tababaro ugu soo qabteen.

Socdaalkan ayaa lagu xasuusan karaa in uu kaga duwanaa kuwii hore Dhanka Jawaabaha Waxqabadka Horumarka ee uu Madaxweynuhu baahiyaha shacabka uga jawaabayay,islamarkaana Socdaalka Dhexdiisa uu madaxweynuhu xukuumada ku soo amrayay in Baahiyaha shacabka degdeg wax looga qabto sida biyaha,Jidadka,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Beerahaba.

Hadaba Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha iyo waftigiisii oo ka soo kicitimay Gobolka Liibaan.

 

Hawlgalo lagu Sugayo Amaanka Magaalada Kismaayo iyo Isgaadhsiintii oo Gabi Ahaanba Hawada Laga Saaray

$
0
0

Isgaadhsiinta magaalada Kismaayo aya hawada ka maqan maanta, waxaana ka socda howgal balaadhan oo ay wadaan ilaa 260 askari oo si gooni ah loogu soocay howlgalada amniga ee magaalada Gudaheeda.

Sida warku nagu soo gaadhayo Ilaa afar miino ayaa saaka lagu arkay jidka dheer ee muuriyada ama dalcada halkaasoo ah goob inta badan la galiyo miinooyinka dhulka lagu aaso.

Ciidanka xiligan howgalka ka wada magaalada Kismaayo waxaa wata Macalin Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka Raas-kambooni isla markaasina maalmahan u xil saarnaa howlaha ciidanka.

Macalin ayaa sidoo sheegay inuusan joogsan doonin howlgalada ila alaga hubinayo amniga Kismaayo

Sida la sheegay qaybta magaalada kismaayo ee lagu magacaabo Dalcada waa deegaan inta badan lagu aaso miinooyinka waxaana dhex marta wadada dheer ee tagta dhanka garoonka Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Isgaadhsiinta magaalada kismaayo ayaa gabi ahaanba hawada laga saaray waxaana lagu howlan yahay soo saarista miinooyinka

Viewing all 349 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>