Quantcast
Channel: Xog Ogaal Online
Viewing all 349 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Jubaland State oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Magaalada Kismaayo.

$
0
0

Kismaio(xogogaalonline) Madaxweynihii Maamul Goboleedka Jubbaland-State Sayid Axmed Madoobe oo muddo 5-maalmood Magaaladda Nairobi booqasho ku gaaray ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaaladda Ksimaayo.

Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa wafdigaMadaxweynaha Jubaland state Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ku soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland Cabdilaahi Ismaaciil fartaag iyo Maareeyaha Dekada Kismaayo, Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo iyo saraakiisha Ciidamada Jubaland.

Madaxweynaha sidoo kale waxuu maanta booqan doonaa Isbitaalka Magaalada Kismaayo si uu u soo eego dhaawacyadii dadka shacabka ah ee dhowaanta ku waxyeeloobay aafadii Fidno-Fiqi dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

Waxaa  kaloo jirta in madaxweynaha Jubaland uu la socday Prof Gaandi oo isagu ka mid ah aas aasayaashii dhismaha Jubaland

 


Madaxweynaha ayaa la filayaa 3-maalin kadib inuu ku dhawaaqo Golihii Wasiiradda ee Jubbaland,inkastoo shaqaaqooyin ka dhacay magaaladda Kismaayo ay sababi-karo in muddo 10-beri ah dib loo dhigo ku dhawaaqidda Golaha Wasiiradda.


Shir jaraa'id ayaa la filayaa Sayidka inuu ku qabto Madaxtooyadda Kismaayp ,wixii ka soo baxo shirkaas kala soco xogogaalonline.


Dagaal Ay Ka Qayb Qaadanayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Lugta ee Maamulka Jubaland State iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya oo Qabsaday Saldhig wayn oo Ay Waayadan Alshabaab Isugu Habar-Wacatay Deganka Gelaf Tiro Alshabaab ahna Indhaha Loogu shiday iyo Qal

$
0
0

Kismaayo(cakaaraNews) Khamiis June 06,2013.Dagaal lagu burburiyay Saldhig Ciidan oo ay Maleeshiyada Argagaxisada Alshabaab isku uruursanaysay ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya Qooqaani iyo Kismaayo oo lagu magacaabo Gelaf. Dagaalkan lagaga Guulaystay Al-shabaab oo ka sakow Qorshayaasha Amisom ee ku aadan Tirtirida Al-shabaab ayaa Qaybaha ugu muhiimsan ka ah Qorshayaasha Degdega ah ee Maamulka Jubaland State oo iyagu wacad ku maray in ay ka Suuliyaan Dhamaanba Jubooyinka iyo Gedo Argagaxisada Alshabaab.


Dagaalkan ayaa ay ka Qayb Qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Lugta loo tababaray Burburinta Argagaxisada ee Maamulka Jubaland State iyo ciidamada AMISOM ee Kenya oo isgarabsanaya ayaa Daqiiqimaha ka dhigay Saldhigii ciidamada Alshabaab iyo Maleeshiyadii Alshabaabba.


Dagaalkan Lagu qaaday Alshabaab ayaa ahaa mid culus oo aad loogu naafeeyay Alshabaab Tiro Boqol kor u dhaafaysana laga Dilay Kooxdii al shabaab halka maxaabiis Alshabaab ahna gacanta lagu soo dhigay,Waxaa gabi ahaanba la burburiyay Saldhigi Ciidanka isku uruursanayeen Maleeshiyaadka Alshabab, Waana lala wareegay saldhigii,saanadii,iyo qalabyo kale oo aad muhiim ugu ah sirdoonka jls.

Saldhigan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen Maleeshiyo alshabaab ah oo sida la sheegay ka kala yimid Deegaano kale oo ka mida Koonfurta soomaaliya kuwaasoo damacsanaa in ay Dagaal ku qaadaan Magaalada Dekada ah ee Kismaayo oo ka gadoodsanaa Maamulka JLS ee dhawaan lagu dhawaaqay,balse Sirdoonka JLS ayaa ahaa mid aad u feejigan.


warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ciidamada Maamulka JLS ee u tababaran la dagaalanka Argagaxisada oo Wata Tababaro ciidan oo casri ah Tiradooduna dhan tahay 3000 oo askari in ay ku sii siqayaan Beerxaani oo ah Deegaanka ay Ukumuhu u yaalaan Alshabaab taasoo la rabo in Deegaanada u Dhaxeeyaa  Qooqaani iyo Kismaayo, Badhaadhe iyo Kismaayo,Ilaa Buurgaabo iyo Kismaayo.ay Geed Geed u istaagi doonaan Ciidamada lugta ee la dagaalanka Argagaxisada Maamulka JLS Qorshuhuna yahay Mudo gaaban in Gabi ahaanba Jubooyinka iyo Gedo aan lagu arkin Naf Alshabaab ku abtirsata,go'aankan ay Maamulka JLS ka qaadatay Alshabaabna waa ta lagu ayidsan yahay Maamulka JLS ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmad madoobe.


Guushan wayn ee Lagu Burburiyay Maleeshiyadii Alshabaab iyo saldhigoodii waynaa ayaa Bilow ka ah Balanqaadkii Madaxweynaha JLS Sh Axmad madoobe uu ku balanqaaday inuu Gobolka Alshabaab ka Sifayn doono Xiligii Ololaha Doorashada,iyadoona Guushan ay ku soo beegantay Xili Aljazeera ay Maqaal Qurux badan ka Qortay Shirwaynihii Kismaayo,Xoghayah qaramada Midoobay kal hadlay DFS in Maamulka JLS Qaabdhismeedkiisa loo dhamaystiro laguna taageero wadahadal laguxaliyo,Senetaro Maraykan ah taageereen,Dhamaanba Caalamka ay ka socdaan Dabaaldegyada Maamulka JLS,sidoo kalana xili ay Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ay shir socda 3 maalmood ay kaga wada hadlayaan Jubooyinka iyo Sheekh Axmed madoobe iyo Gudigii farsamada shirweynihii lagu doortay Madaxweynaha JLS oo la socda ay ku sugan yihiin Kenya lana filayo wadahadalo laba dhinac ah.

Shaqaaqo Dagaal oo Ka Socda Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Maamulka Jubaland State oo maleeshiyaadkii Weerarka Gaystay Dabada Kaga Jira Duleedka Magaalada Kismaayo.

$
0
0

Port-Kismaio(Xogogaalonline) Waxaa maanta ka qarxay Magaalada Kismaayo Dagaal Dhexmaray Koox sumaysan oo ka duulaysay ujeedooyin kale oo Isbaaro u Dhigatay mid ka mida baabuurta ciidamada maamulka Jubaland halkaasoo ay Booliska maamulka jubaland state ay ka jawaabeen Rasaastii la huwiyay kana saareen Bartii ay isbaarada dhigteen.


Wararka ugu danbeeyay ee ku soo dhacaya xogogaalonline ayaa sheegaya in uu dagaalkii ka sii balaadhay halkii uu ku bilaabmay taasoo ahayd qorshe loo soo maleegay carqaladaynta maamulka jubaland oo ay ku soo biireen maleeshiyo lagu magacaabay isbahaysiga juba oo uu qabqable ka yahay bare hiiraaale islamarkaana ay dad lagu qiyaasay 8 qof ku dhinteen jiraana dhaawacyo.
warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo kuwii ku soo biirayba laga dhex saaray magaalada kismaayo oo duleedka magaalada kismaayo ay xabadu ka socoto.


Qorshahan ayaa xaqiijinaya qandaraaska uu bare hiiraale ka soo qaatay Dad dhabarkoodu muuqdo oo ay ka go'an tahay in Jubaland aynan cagaheeda isku taagin waligeed oo dano badan ka leh Talaabadii 1aad ee Bare hiiraale ayaa ahayd xiligii uu iska garab magacaabay maamulka Jubaland ee shirweynihii lagu doortay Madaxweyne Axmed madoobe.Talaabadan Dagaalka oo ah Tii 2aad ayaa muujinaysa in hadana la qorsheeyay in laga hortago Wadahadalada Madaxweynha Jubaland iyo Madaxweynaha DFS ku dhexmaraya Nairobi si loogu halqabsado dagaal ayaa ka Socda Kismaayo,balse Ciidamada Maamulka Jubaland State ee ku Gaashaaman Tababarada iyo qalabka casriga ah ayaanan marna u ogolaanayn in magaalada kismaayo is dhex fadhido oo ka sifaynaya Dhamaanba Qawlaysatada iyo awrkiraalayaasha Laaluushka ka soo Qaatay Alshabaab iyo Arag Ku Mulki.


Dhanka kale waxaa waayadanba ku sugnaa magaalada kismaayo hogaamiye-beeleedka isku magacaaba wasiirka gaashaandhiga muqdisho oo ay alshabaab ku jaro butaynayso balse u soo qalab qaatay carqaladaynta Kismaayo taasoo micnaheedu tahay ninkii lawga kaa guba xagashaa laga gubaa.

Maamulka Jubaland oo Dagaal Rasmi ah Ku Dhawaaqay Caawa iyo Qaswadayaasha Loogu Seeto Dheereetya Magaalada Kismaayo oo Meelna Qaban La'

$
0
0

Waxaa Caawa kulan degdeg ah isugu Yimid Taliska Guud ee Ciidamada Maamulka Jubaland State iyo Hogaaminta Maamulka halkaasoo ay falanqeeyeen Dibindaabyada loo maleegayo Jubalan state ee sii xoogaysanaya,Been hawaasyada Is mooday Balaga xamar looga lulay in ay Awood ku heli doonaan iyo Wasiirka gaashaandhiga DFS ee Kismaayo ka dhex aloosaya dagaalka waa siday hadalka u dhigeene iyo dulqaadka Maamulka Jubaland State oo hada gaadhay xiniinyo taaban.


Shirkan ayaa ay maamulka jubaland state ku dhawaaqeen in ay dagaal kama danbays ah ku Qaadayaan Maleeshiyo isku aruursatay xaafada shaqaalaha ee magaalada kismaayo.

Caawa waxaa magaalada la soo galiyay dhamaan cutubyo aad u tiro badan oo ka mida ciidamada Raas-Kambooni iyo kuwa dowlada, waxaana si kama dambays ah loo wada qaatay in aroornimada berito ah la weeraro  dhamaan askarta maleeshiyaadka ah ee ku jira xaafadaasi,sidoo kalana isla berito in dhamaan raga is magacaabay laga dhigo qoryaha loona ogolaan doonin wixii berito ka danbeeya in aan lagu dhex arki karin magaalada kismaayo Qori aan ka ahayn ka ciidamada maamulka jubaland state.

Hal Xaaraani Nirig Xalaala ma Dhasho Ciidamada maamulka Jubaland State oo Cashar lama Ilaawaan ah u Dhigay Hindisihii Boobka iyo Xaqiraada Shacabka Jubooyinka Guud ahaana Kismaayo Ka Xoreeyay maxaabiis badan oo Ay Gurmadkii Alshabaab Ku Jirto Gacanta lagu

$
0
0

Kismayo(xogogaalonline)June 08,2013.Sida ay Xalay Ku Dhawaaqeen ka dib shir degdeg ah oo ay sugu yimaadeen Taliska Guud ee Ciidanka Maamulka JLS iyo Madaxweyne Kuxigeenka maamulka JLS General Fartaag waxa ay Iclaamiyeen xalayba in maanta aan wixii ka danbeeya lau murmi doonin gacan ku hayntamagaalada kismaayo qori aan ka ahayn ka ciidamada maamulka Jubaland State aanan lagu arki dooni.


Hadaba Sidii Qorshuhu ahaa Saaka waarigii ayaa weerar Saf balaadhan ah lagu Qaaday Maleeshiyaadkii Malabku Dacarta u Dhadhamay kuna Hubaysnaa Ujeedooyin badan oo laga lahaa magaalada kismaayo halkaasoo sida wararku nagu soo gaadhayaan Kabtay ma aragtayeey ama Ilaahay baa i bixiyay maanta sida laga soo weriyay mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka Iftiin Baasto.


Nin wayn oo Waa ktaliyay in lagu dagdago Dagaal sababa Dhimasho iyo Qoomamo badan ayaa Markii Dheg jalaq loo siin waayay la galay dagaal lagu hoobtay mrkaasay yidhaahdeen Hebelow Tali markaasuu Odaygii ku soo koobay Hadalkiisii "Koore oo Buuxaan Talin lahaa" waa ta ka muuqata Maanta Iftiin Baasto.


Dhanka kale Dhamaanba Xaafadaha magaalada Kismaayo oo uu maata dagaalku ka curtay XaafadaVia-Afmadow waxaa a wareegay gacan ku hayntooda Ciidamada Maamulka JLS,iyagoona Sida Warku sheegay ay Gacanta ku Dhigeen 47 ka mida Maleeshiyadii ku xadgudubtay Dastuurka Maamulka Jubaland,Hub iyo 3 nin oo ka mid ah Alshabaab halka dad lagu qiyaasay 7 ay ku afwaayeen dagaalkan Dad Sameega ah.


Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in 50 Maleeshiya oo wadatay 2 Gaari in ay isku soo dhiibtay Ciidanka Maamulka JLS eeAirporka,iyadoona laga dhigay hubkii loona taxaabay xabsiga gebi ahaana Dagaalkii uu istaagay meel kastana oo ka mida magaalada kismaayana ay taagan yihiin ciidamada maamulka JLS waxaana loo taxaabi doona Xabsi.Arintan Alshabaab ay kaga Qaybqaadanayso Dagaalada Kismaayo ayaa daba ku haysa War maalin dhawayd mudh ka soo yidhi Masar iyo saaakiil ciidamada Masar ah oo Muqdisho yimid kuwaasoo Telefishinada ku shaaciyay in Masar Dagaal ay Itoobiya ku soo Qaadi doonto ay u soo mari Doonaan Soomaalida oo ay soo Hubayn Doonaan Alshabaabna Shaadh jabhad ka dhex dagaalanta Itoobiya u soo huwin doonaan.

Dadka caqli saliimka ah iyo khubuada ku xeel-dheer falanqaynta siaasada geeska africa ayaa waayadanba walaah ka muujinayay sida ay maamulka JLS iyo DFS ugu kala fog yihiin sidii nabad waarta oo shacbka jubooyinka iyo gedo ka saarta hagardaamooyinkii ay ka dhaxleen colaadihii ahliga ahaa mid ka mida Dadka Caqli saliimka nabada jecel ayaa yidhi"Aynu Wada Hadalno Waa aynu Heshiino" balse waa la baal maray taa ayuu yidhi.


Si Kastooy ahaataba Nabadi Waa Door Wax nabad ka macaana Ma jirto waxaana haboon in Ahmiyada 1aad la siiyo Aslaaxinta Nabad waarta oo cadaaladeed kana madax banaanDano Gaara iyo Sadbursi waana mid la filayo in ay Dhaqan gasho wixii hada ka danbeeya Dagaal wiil ayaa ku dhintee Wiil kuma Dhasho,halka ay sartu ka qudhunsan tahay hadii aan la abaarin Xal waa habeenkii xalay tagay waxaase Fajac iyo amakaag noqotay in Tiro Boqol askari oo alshabaab ah Ay xalay soo xoojiyaan maleeshiyada Iftin Baasto,sidoo kalana Hebelka Fiilow uu soo siiyo amar. Nirig Xaaraani Hal xalaala ma Dhasho

Kusimaha Madaxweynaha JLS Ahna Madaxweyne Kuxigeenka JLS oo Ka Warbixiyay Cida Masuuliyadii Dagaalka Kismaayo Iska Leh

$
0
0

Kusimaha  Madaxweynaha Jubbaland  Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag  ayaa waxaa uu daqiiqado ka hor  la hadlay Warbaahinta Kismaayo24  waxaana uu hambaliyo u diray Ciidamada Jubbaland.

Gen Fartaag waxaa uu sheegay in Dagaalki manta dhacay  qasaarihii iyo dhimashadii ka dhashay uu masuul ka yahay Madaxweynaha  Somalia  Xasan Sheikh Maxamuud.
wararka dhanka kismaayo ayaa sheegaya in ilaa 80 Alshabaab ah Gacanta lagu dhigay kuwaasoo xalay soo galay magaalada kismaayo.

Ha I Dilina I Badbaadiya Madaxweyne General Fartaag Waxaa Ku Hadaaqay Fidno-wade Fiqi oo Laga masaafuriyay Kismaayo.

$
0
0

Amarka ka soo baxay madaxweyne ku xugeenka jubaland cabdilaahi sheekh ismaacil fartaag ayaa waxaa dhaqan galiyay nabadsugida kismaayo iyo ciidanka amisom,Wafdiga hada waxaa la geeyey garoonka kismaayo  sarkaal amisom u sareeya general anthony ngere ayaa xaqiijiyay in wafdiga berito wafdiga diyaarad loo saari doono magaalada muqdisho.


Generaalka ayaa sheegay in maanta Jubbaland ay guuleysatay mar hadii Caalamka ay tustay in Maleeshiyaadkii Muqdisho laga soo diray iyo Gurmadkii Alshabaab ee Wasiirka Gaashaandhiga uu horkacayey ay jebiyeen casharna loo dhigay,firxadkoodana lagu raad-joogo,wuxuuna Ciidamada ku wargeliyay in Wasiirka loo gelbiyo Garoonka Kismaayo laguna wareejiyo amaankiisa AMISOM,wuxuuna sheegay maanta Jubbaland inay heyso cadayn muujinaya in Wasiirkaan mudadii uu Kismaayo joogay uu Ciidamo iyo Alshabaab laaluush ku siinayey in colaad la huriyo,wuxuuna xusay in Wasiirka hadii la dilo ay sumcad-xumo u tahay Jubbaland,balse ay wanaagsan-tahay isagoo nool oo colaadiisii la fashiliyay inuu Jubbaland isago bad-qaba ka dhoofo dibna ugu noqdo Magaaladii laga soo diray ee Muqdisho.


kusimaha Madaxweyanaha JLS ahna Madaxweyne Kuxigeenka JLS General C/laahi Ismaaciil Fartaag ayaa dhalinyaradan kula dardaarmay in dagaal-siyaasadeed hadda loo gudbay oo maanta mar hadii Wasiirkii Muqdisho lagasoo diray la jebiyay ciidamadii uu laaluushay in la iska ilaaliyo in Caalamka aan Jubbaland loo tusin inaan nahay jabhad,balse dadka lagu soo duulay ay yihiin Shacabka Jubbaland maantana Caalamka arkayo inaan is-difaacayno,ceebna ay Wasiirka ugu filan-tahay isagoo Kismaayo fidno u yimid in colaadii uu huriyay laga horgatay.
Dhinaca kale Generaalka ayaa sheegay inaan lagu mashquulin Bare-Hiiraale oo aan weli xabad ridin,isagoo sheegay in Bare isha-midig la'yahay oo uu yahay nin xanuunsan,gurigiisana uu iska joogo,balse wuxuu wacad ku maray hadii uu xabad soo rido in isaga uu nolol ama geeri ku soo qabanayo,Magaaladdana aysan wada joogayn,balse wuxuu ciimadda Jubbaland kula dardaarmay in la iska ilaaliyo in laga farxiyo Madaxweyne Xasan Culusoow oo jec-laan-lahaa inuu arko Kismaayo oo colaad laga huriyo.

Nin La Doortay Iyo Rag Ismagacaabay Keebaa Madaxweyne Ah? Qalinkii Cabdulqaadir Nuunow

$
0
0

Magaalada Kismaayo waxaa ka qabsoomay shirweyne dhowr bilood socday, kaasoo ay isugu yimaadeen ergo gaareysa hal milyan, oo ka kala socday beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaasi ka qabsoomay magaalada Kismaayo oo ujeedadiisu ay ahayd in lagu dhiso maamul goboleed la magac baxay Jubbaland, ayaa intuu socday waxaa waxaa la ansixiyay dastuurka iyo calanka uu yeeshay maamul goboleedka Jubbaland.

Ergadii shirka fadhiday ee gaareysay halka milyan ayaa waxaa la go’aansaday in beeluhu ay iska soo xulaan 500 oo ergo, si ay u doortaan madaxdii hoggaamin lahayd Jubbaland, waxayna doorteen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo madaxweyne ah iyo Cabdullaahi Fartaag oo ku xigeenkiisa ah.

Aqlabiyadda ka soo jeeda goboladaasi waxay taageersan yihiin maamulka ay beeluhu halkaasi ku yagleeleen ee uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe. Waxaana taageeradooda laga garanayaa xafladaha ballaaran ee lagu taageerayay maamulka Jubbaland ee laga dhigay Afrika, America, Yurub, Asia iyo Australia.

Rag ismagacaabay



Maalmihii ay soo dhoweyd doorashadii madaxda Jubbaland ee kismaayo ka dhacaysay, waxaa magaaladaasi habeen madow xeebta ka soo degay Dagaal Ooge Barre Hiiraale, kaasoo watay rag hubeysan oo dhanka Muqdisho laga soo qalabeeyay, ujeedkooduna lagu sheegay inay carqalad ku sameeyaan hannaankii shirka Kismaayo ka socday.


Dagaal Ooge Barre Hiiraale awood uma uusan yeelan inuu fidno geliyo shirkii ka socday Kismaayo, balse isla maalintii ay 500-ta ee Eergo ay madaxweynaha Jubbaland u doorteen Axmed Madoobe, ku xigeenna Cabdullaahi Fartaag, ayuu isagana (Barre Hiiraale) uu isku magacaabay madaxweynaha Jubbaland.

Barre Hiiraale waxaa ka daba dhowaaqay oo sidiisa oo kale isku magacaabay madaxweynayaal rag kale oo iyaguna diiddan maamulka Jubbaland.

Caqliga Saliimka


Axmed Madoobe boqolaal Ergo ka kala socota beelaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa caleema saaratay, halka Barre iyo ragga la midka ahi ay danohooda isku magacaabeen. Sidaasi waxay ku noqonayaan nin la doortay iyo rag is magacaabay.


Dadka u saaxiibka ah caqliga saliimka ah cadaaladdana u xaqliya, lama barbar dhigi karaan Axmed Madoobaha la doortay ragga ismagacaabay, laakiin dowladda federaalka waxay miisaan isku mid ah saartay ninka boqollaalka Ergo doorteen iyo ragga keligood ismagacaabay, taasina waa cadaalad darro bareer ah oo ay madaxda dowladdu ku dhaqaaqeen.


Inkastoo dowladdu aysan door ku yeelan, markii loogu yeeray inay ka qeybgasho shirweynihii lagu dhisay Jubbaland ay ku gacanseyrtay, hadana ma ahayn inay natiijada shirweynahaasi ay iska taagto mowqif aan wax dhisayn.


Ilaa hadda waxaa la doortay madaxweynihii iyo ku xigeenkiisa, waxaa harsan qeybsiga jagooyinka golaha xukuumadda iyo maamulada ilaa heer gobol iyo degmo ee Jubbaland. Sidaasi darteed dowladda federaalka waxaa la gudboon inay ciyaarto door taageero ah oo ay u muujineyso dadka isu taagay inay wax dhisaan ee weli Kismaayo ku shirsan, taageerana u haya dowladda federaalka Soomaaliya.


Hay’ada Daryeelka iyo Dawaynta ee dadka ku waxyeeloway dagaalada sokeeya oo magaceeda Layirahdo Somalia Service for The Treatment and Rehabiliation of Torture and Trauma Survivors(SOMSTARTTS) oo baaq u diryasa DF ee Somalia iyo dowlada Jubbaland.

$
0
0

Marka hore Hay adda waxay u tacsiyaynaysaa eheladdiidadkii ku geeriyooday dagaalkii shalay iyo daraad ka dhacay Magaalada kismaayo. Marka xigta waxay baaq u jeedinaysaa in wixii is faham la’aan ah lagu dhameeyo wada hadal lagana dheeraado dhiig daata.

Annaga oo aad ugu mahad celinayno Madaxweyne Ahmad madoowe sida dulqaadka leh ee uu u wajahay arimaha kismaayo ka aloosan oo u dhaxeeyo dowladgaboleedka Jubbaland iyo Dowlada federalka ee Somalia, ayaan hadana waxaan ku boorinaynaa in Maamulku uu sii wado dadaalkiisa ku aadan sidii dadka dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay Dowlad goboleedkooda u ilaashan lahaayeen isla mar ahaantaa ay isaga ilaalin lahaayeen kuwa qaswadayaasha ah ee ka dhax abuuraya qalalaaso iyo dhiig macno darra ku daata ayagoo u adeegaya kuwa dano gaar ah leh is la mar ahaantaana sheegayana mas uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Somalia.

Talo:

Waxaan dowlada Federalka ah ee Somalia kula talinaynaa inay inta ay goori goor tahay ay la shaqeyso dowlad goboleedka Jubbalandee hadda ogal inay wada shaqayn buuxda la sameeyso dowlada federalka ah, waxaan aaminsanahay in ay ka gaabisay dowrkeedii isla mar ahaantaana ay wakhti badan ku bixisay in ay dabka kismaayo sii huriso iyadoo adeegsanaysa wada walba oo ay ku hurinay colaad iyo in uu qalalaaso ka dhaco Kismaayo si ay ugu andacooto in meeshaas aynan dowlad ka jirin si ay u hesho inay soo magacaabaan kuwa iyaga ka amarqaata.

Ururka Raaskanbooni iyo dhamaan ciidamada kale ee joogo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa hubaal ah inay juhdi badan ku bixiyeen sidii looga sifeen lahaa goboladdaas uruka Al-shabaab, sidaa daraadeed ay mudan yihiin in looga mahad celiyo howsha adaga ay dhabarka u dhigteen, balse ayan habooneyen in colaad loo abuuro.

Waxaa hubaal ah in dowladaha shisheeye aynan joogi Karin gobolada qaar hadii aysan ka haysan caawinaad dadka degan goboladaas sidaas daraadeedna aynan macquul ahayn in Kenyana layiraahdo Xamar ka amar qaado oo waxay soo magacowdo lashaqeey, Ugandana layiraahdo dadka degan xamar lashaqeey sidaas daraadeedna ay ku qasban yihiin dowladahan inay lashaqeeyaan dadka degan deegaanadaas oo dagaalka u soo galay inay ka xoreeyaan degaanadooda uruka Al-shabaab.

Gabogabo iyo Gunaanad

Naaqus: Dowlada Federalka ah hadii ay ku sii socoto wadada ay ku socoto waxay luminaysaa fursad hadda ay haysato laakiin aynan barri heleyn, tusaale hadii ay ku sii socota wadada ay hada hayso waxay ku fashilmaysaa hamigeedii ahaa inay gobolada oo dhan ay iyada hoos yimaadaan maadaama ay maarayn kari wayday 3da gobol ay Jubbaland ka koobantahay.

Faa’iido: Hadii ay aqoonsato Jubbaland State iyana waxaa u furmaya inay dowladu hesho maamulo dhisan oo iyada hoos yimaada sida Puntland, Jubbaland IWM. Sidaasa daraadeed ay ku dadaasho inay wada shaqeyn buuxda lasameyso Jubbland kaalin xoog lehna ay ka qaadato sidii ay doorkeeda uga soo bixi lahaydwixii hadda ka danbeeyo.

Mohamed Abdullahi Baaruud

Managing Director

SOMSTARTTS

Bare Hiiraale oo Si Qarsoodi ah Ugu Aruursanaya Maleeshiyo Hubaysan iyo DFS oo uga Yeedhay Xamar Tolow Waa sidee Xaalku?

$
0
0

Kismaio-port(xogogaalonline):- Bare Hiiraaale oo ka mid ah Dadkii Dhadhansaday Khayraadka Magaalada Dekeda ah ee Kismaayo wixii ka danbeeyay Burburkii Xukuumadii Siyaad Bare 1991 ayaa ay ka degi la'dahay in Kismaayo yeelato Maamul Cod lagu Doortay oo ka taliya waana sida uu marba u haabhaabanayo male Cusub oo Hadana noqda Dhaan dabangaale.


Bare oo Intii laga Cagaajiyay Magaalada Kismaayo wakhtiyadii Gaadhi Gaadhi Saarka ahaa ee hadba Qolo ay la wareegaysay Gacan ku haynta kismaayo ku sugnaa Magaalada nairobi ayaa uu maqlay Magaaladii kismaayo Shirweyne lagu dooranayo Madaxweynaha Jubaland iyo Gedo ayaa isagoo la ildarnaa Xanuun Malaria ah ka soo baqoolay Nairobi iskana soo xaadiriyay Muqdisho oo uu maqlay xiligaa in ay ka dayrinayeen Shirweynaha ka Socda Kismaayo,islamarkaana lagula soo taliyay in maadaama uunan awood u lahayn Dagaal uu kaga hortago in uu carqaladeeyo Natiijada Shirka ama Talaabo kasta oo ay Maamulka Jubaland loo doorto u Qaadi karaan Dhanka Horumarka.


Dhuumasho iyo Guure Habeenimo ka dib bare Hiiiraaale ayaa Gudaha u soo galay magaalada Kismaayo waana kii isna ku dhawaaqay Ana Waa i kan oo Madaxweyne ayaan ahay,ka dib markii uu Madaxweynaha Jubaland u ambabaxay Nairobi si aynan waxba ugu suurto galin ayaa uu Bare maadaama uusan isagu awood ciidan lahayn isagoo kaashanaya Fidno Fiqi ay ku maleegeen Dagaalkii 2da maalmood dhacay oo dhana laga naxo geerida ku timid reer jubaland dhana ayba faaiido u ahayd maamulka Jubaland oo ciidamadoodu isku balaadhiyeen gacan ku haynata Magaalada kismaayo.


Talo farahay ka haaday nin walbana halkuu ninka kale hayo waa la is arkay ciidamadii maryo aloolka ahaa ee loo soo abaabulay carqaladaynta Dagaalka Kismaayo Muuqaal aan loo fadhiyin ayaaba ka soo baxay oo Fajac ku noqday Caalamka,Fidno Fiqi oo Xambaarsan Dhaawacii uu Dagaalka Colaadeed ku galiyay Kismaayo ayaa ka degay Muqdisho.


Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaanan marna intii uu saxaafada ka hadlayay aan laga maqal maamul ku meel gaadh ah ama maamulka Jubaland State oo ah kuwii shafka u daruuray Alshabaab oo ah targedka 1aad ee soomaaliya kana hadla odoyaasha,shacabka iyo afgobaadsi kale.
Hadaba Mar hadii ay Giraantu halkaa wareegayso maxaa Soo kordhay? waa ta koobaade Bare hiiraaale oo ay Guriga uu ka degan yahay Magaalada kismaayo u joogaan sidaan warka ku helnay 11 Maleeshiyo balse ay jiraan dhalinyaro ay isku qoys yihiin oo aY magaalada guryaha qoryo u yaalaan ayaa wada abaabul uu ku aruursanayo Ciidan isagoona la shiray maanta beelihii ay colaada dagaal ku dhex martay todobaadkan magaalada kismaayo Ciiidanka maamulka jubaland state oo loo awood sheegtay lagana saaray magaalada.


Hadaba isweydiintu Waxay tahay Sidee Magaalada Kismaayo oo Ay Maamul iyo Dawlad Shacabka ka soo jeeda Jubooyinka iyo Gedo ay ku doorteen Madaxweyne,Madaxweyne kuxigeen,Dastuur iyo Calan in ay dabeecad caadi ah iska noqoto in dad ka soo horjeeda Jiritaanka maamulka Jubaland State ay hadba taagtooda isku dayaan wiiqida maamulka JLS mise waa Dimoqraadiyad Casri ah oo ay Aduunka u soo bandhigayaan Maamulka Raaskanbooni Heerka Dulqaadka iyo Samirkooda ooba ay ku fiicnaan lahaayeen Xukunka Talada DFS!!!!.


Mar hadii Maamul Sharci ah iyo Ciidanba ka jiro Jubaland Siday Qoryo aan ka ahayn Kuwa Ciidamada Jubaland State loogu Haystaa? Maxaa loogu xarayn waayay Noocyada hubka guryaha dhexdooda u yaala Dagaalka Colaadeed Bakhaarada taliska Ciidanka Maamulka Jubaland Statre?

Hashu ma masaar bay liqday maankayga Gadaye? waxaa soomaaliya khalkhal ku haya alshabaab oo isku sii balaadhinaysa Guud ahaan Soomaaliya oo laga door biday in Quutal Daruuri laga dhigto Naftood hurayaasha Alshabaab ka Xoreeyay Kismaayo iyo Hadal haynta Maamulka Jubaland State,Waxaaba ka sii Daran Amisom oo Soomaaliya u soo Gurmatay in lagu kala xigtaysto Arimaha Jubooyinka lagana soo weeciyo Indhahooda Dhanka Alshabaab oo Kenya oo Dhiigooda iyo Maalkoodaba u Huray Soomaaliya Noqoto Targetka ku xiga Kismaayo loona sii seeto dheereeyo Alshabaab Kaaf iyo Kala Dheeri oo Waxanoo Cadawtinimo loo maleegayay Waayadan Jubaland State iyo Kiniya Fursadahana loo siiyay Alshabaab Ma Masar Baa Iyana Si badheedh ah loogu aslaaxayay Saldhigyo milateri laga weeraro Itoobiya iyo Hubaynta Alshabaab? waa maxay Siyaasadan Isku Murugsan iyo Qiiq Iskuqarinta Sirinsirqaysan,Dhiilada Colaadeed ee Beelaha xawiye xaad Kuligood ma Hoosaasin Qorshyaasha loo Maleegayo Halaagida Shacabka Jubooyinka iyo Hubkii looga soo Diray Alshabaab Natiijadii ka dhalatay Saraakiishii Masar,Wasiirka Arimaha Gudaha DFS(Abdikariin Guuleed) iyo Dhabancad ee ay Sirdoonka Maamulka Jubaland State ku Guulaysteen Qabashadiisa Iyo Filanwaaga Beesha Caalamka Dibindaabyada La Maleegayo,

Madaxweynaha Jubaland State oo Maanta Dib ugu Soo Noqday Magaalada Kismaayo.

$
0
0

Kismaio(xogogaalonline) Madaxweynihii Maamul Goboleedka Jubbaland-State Sayid Axmed Madoobe oo muddo 5-maalmood Magaaladda Nairobi booqasho ku gaaray ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaaladda Ksimaayo.

Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa wafdigaMadaxweynaha Jubaland state Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ku soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland Cabdilaahi Ismaaciil fartaag iyo Maareeyaha Dekada Kismaayo, Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo iyo saraakiisha Ciidamada Jubaland.

Madaxweynaha sidoo kale waxuu maanta booqan doonaa Isbitaalka Magaalada Kismaayo si uu u soo eego dhaawacyadii dadka shacabka ah ee dhowaanta ku waxyeeloobay aafadii Fidno-Fiqi dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

Waxaa  kaloo jirta in madaxweynaha Jubaland uu la socday Prof Gaandi oo isagu ka mid ah aas aasayaashii dhismaha Jubaland

 


Madaxweynaha ayaa la filayaa 3-maalin kadib inuu ku dhawaaqo Golihii Wasiiradda ee Jubbaland,inkastoo shaqaaqooyin ka dhacay magaaladda Kismaayo ay sababi-karo in muddo 10-beri ah dib loo dhigo ku dhawaaqidda Golaha Wasiiradda.


Shir jaraa'id ayaa la filayaa Sayidka inuu ku qabto Madaxtooyadda Kismaayp ,wixii ka soo baxo shirkaas kala soco xogogaalonline.

3 Qof oo Soomaali ah oo uu Qudha kaga jaray Magaalada st Louise(Missouri) Nin Soomaali ah

$
0
0

missouri(xogogaalonline) June 14,2013.Muran ka dhashay Xarun-Caaafimaad oo ku taala Magaaladda  St-Louis ee Gobolka Missouri ee Cariga Marykanka ayaa sababay dhimashadda 4 Qof oo Soomaali ah oo ka shaqeyn-jiray Xarunta  Caafimaad.
Dilkan ayaa ka dhacay gudaha xarunta Caafimaadka (Ak-Home-Health-Care)kadib markii nin Soomaaali ah oo aad u caraysan uu gudaha Xaruntan caafimaad uu ku dilay Nin-Soomaali ah kadibna waxaa uu madaxa ka toogtay 2-gabdhood oo soomaali ah oo xaruntan ka shaqeynayay.

Ninkii gacan-ku-dhiiglaha ahaa ayaa marki dambe Isna Dhafoorka ista toogtay halkaana ku xijaabtay,waxaana arintan murugada leh ka naxay Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee Magaaladda St-Louis  iyo Jaaliyadaha Muslimiinta oo la yaabay sababta ninkan Soomaaliga ahi uu 3-Soomaali ah oo asxaabtiisii uu mudada la shaqeynayey ka mid ahaa iyo isagiiba uu Qudha uga jaray.

Booliiska St-louise ayaa sheegay in Ninkan Soomaaliga ah ee is-dilay uu ahaa ninkii iska lahaa Xaruntan caafimaadka ee uu Dilka ka gaystay,inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan inuu mar-lahaan jiray Xaruntan Caafimaadka balse mulkiyadeeda uu san hayn markii uu dilka geysanayey,balse arinta Mulkiyadda xaruntan caafimaad Booliiska ayaa baaraya.

Soomaalidda ku dhaqan Gobolka Missouri ayaa ka naxay dhacdadan foosha-xun ee galaafatay nolosha 4-Soomaali  ah,iyadoo dhacdadan ay noqotay midda ugu hadal-haaynta badan guud-ahaan Soomaalidda Mareykanka ku nool oo la yaab  ku noqotay in qof Soomaali ah inta uu 3-qof dilo kadibna isagii is-toogta.
Isku Soo wada soohoo Dilkan Foosha xun ayaa Hooyo soomaaliyeed oo la ilmaynaysa Dhimashada gabadheedii oo ka mid ahayd Dadka meesha lagu dilay ayaa goobta ku barooranaysay iyadoona Boolisku uu isku gaydaamay Goobta falku ka dhacay.

Dawlada Maamulka Jubaland State oo Soo Dhawaysay Warbixinta Qaramada Madoobay Kuna Dhawaaqday in Ay Ay Dagaal Ay Kaga Xoraynayaan alshabaab Gobolada Jubooyinka iyo Gedo Ku Qaadi Doonaan La Isuna Furi Doono Dhamaan Deegaanada Hoos Yimaada JLS.

$
0
0

Kismaio(Xogogaalonline) June 15-13.Afhayeenka Maamulka Jubaland State Mudane Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in dowlada Jubaland-State ay soo dhaweyneyso warbixinti shalay ka soo baxday Shirkii Golaha amaanka(United Nations diyaarna u yihiin in ay si degdeg ah u gudagalaan Xoraynta Deegaanada ka tirsan Maamulka JLS ee Jubooyinka iyo Gedo in ay ka xoreeyaan Argagaxisada Al-Shabaab.


Dhanka kale Afhayeenka waxuu qeexay in Maamulka Jubaland uusan ka qeyb gali doonin Shirka Muqdisho ka dhici doone ee ay qabanayaan Beelaha damaca Qaawan ee ay ka degi la'dahay Jubaland ayaa Cagaheeda ku istaagtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Afhayeenka waxuu ka hadlay Kooxda Nairobi shirka ku qabatay ee isku sheegay gudiga difaaca Baarlamaanka ee horboodayan Isbahysiga Damaca,Boobka iyo Sadbursiga Soomaaliya ee ay ka midka yihiin Xoosh Jibriil iyo Xusen Carab Ciise,kuwaasi oo wada hirgalinta  Qorshaha Tartanka Qandaraaska Kismaayo oo Jeebabka looga Soo buuxiyay Dhanka Muqdisho.Afhayeenka waxuu sheegay in waxa laga wada hadlayo uu yahay Qodobo dastuuri ah,Tirtirida Xarakada Alshabaab iyo Sugida Amaanka Jamhuuriyada.


Dhanka Kale Madaxweynaha Maamulka JLS Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaam(Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne Kuxigeenka JLS General C/laahi Ismaaciil Fartaag ayaa wadajir ugu sheegay saxaafada mar ay warbixin ku siinayeen Shalay Jaamacada Kismaayo ergooyinkii Shirwaynaha Maamulka lagu dhisay in maalmaha fooda inagu soo haya  Dagaal Saf balaadhan ah lagu Qaadayo Deegaanada ay Alshabaab kaga Sugan tahay Jubooyinka iyo Gedo la isu furi doonana Mudo gaaban Dhamaanba Wadooyinka isku xidha Magaalooyinka kismaayo,luuq,hosingow,beledxaawo iyadoo ay Ciidamada Maamulka JLS iyo Kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay Qorshaynayaan Strategiyadii Dagaalka Alshabaab lagaga xoraynayo Jubooyinka iyo Gedo ayay Dhaheen.

Dhamaystirka Qaabdhismeedyada Maamul-Goboleedka Jubaland-State oo ay Odoyaasha Dhaqanku Ku Kordhiyeen 27 Cisho Ka Dib Codsi uga Yimida Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha Jubaland State.

$
0
0

Kismaio(Xogogaalonline)june 15,13.Ka dib markii ay shalay hortageen madaxweynaha JLS iyo ku xigeenkiisa odayaaal-dhaqameedka Jubbaland ee ku sugnaa Jaamacada kismaayo ayaa ayaa ay Guurtida sharax ka siiyeen Socdaalkii Madaxweynaha JLS iyo kuxigeenka madaxweynaha oo isna ka warbixiyay Rabshadihii Dagaal ee Dhawaan laga soo abaabulay Muqdisho ee loo soo xilsaaray Fidno Fiqi ee lagu fashiliyay Magaalada Kismaayo Shacabka Nabada Jecel iyo Ciidamada Maamulka JLS oo isgarabsanaya Daliilna u tahay in uu Fidno Fiqi uu Dhaawaciisii sii xambaarto(Fidno Dhuumashada Dhabarku Muuqdo).


Dhanka Kale Masuuliyiinta Dawlada JLS ayaa ka Codsatay Odoyaal-dhaqameedka Ergada Shirka in wakhtiga lagu soo dhamaystirayo Maamulka Dawlad-goboleedka Jubaland in loogu daro mudo dhan 27 cisho maadaama la rabo in aanu si xeeldheer uga baaraan degno una badino wadatashiyada iyo Xaqsoor Cadaaladeed oo Shacabweynaha Jubaland u Haga Midnimo iyo Iskaashi walaalnimo ayay yidhaahdeen.


Odoyaasha Dhaqanka Jubaland State ayaa Munaaqisho ka dib cod buuxa ku ansaxiyay in loogu daro Maamulka mudo dhan 27 cisho si ay ugu soo dhamaystiraan xulashada iyo ka baaraan dagida Dhamaystirka Maamulka Dawlada JLS iyo Baarlamaanka Sida Golaha wasiirada JLS iyo Xildhibaanada baarlamaanka JLS.
Madaxweynaha Jubbaland State Mudane Axmed Maxamed islaam iyo Ku xigeenkiisa Mudane C/laahi Sh Ismaciil Fartaag waxay odayada soo hordhigeen sababihii dib u dhaca keenay oo ay ku qeexeen dagaalo iyo hagardaamooyin laga soo safriyey Muqdisho, iyo inay badinayaan wadatashiyada iyo Xaqsoorka Cadaaladeed Beel kastana kafadeedu waxa ay Qaadayso aan laga xaqirin beel kalana aynan sadbursi helin.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la wado qorshe lagu badinayo golayaasha dowladda oo halkii ay wasiiradu ka ahaan lahaayeen 10 lagu daro ilaa iyo 3 wasiir oo kale, iyo waliba in la badiyo golaha baarlamaanka.

Dastuurka Jubbaland State ayaa qoraya in muddo 30 cisho uu madaxweynuhu ku dhamaystiro maamulka, balse taasi ma dhicin inkastoo loo cudurdaaray.

Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland State oo Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addisababa(Bole International Airport) iyo Soo Dhawayn Heer Sare Ah+Sawiro.

$
0
0

Addis-Ababa(Xogogaalonline): Waxaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah(Bole Int,Airport) ee Caasimada Dawlada Federalka Itoobiya ee Magaalada Addis-Ababa Wafti Baaxad wayn oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland State oo Dhawaan ay u Doorteen Ergooyin isugu jiray Hogaaminta Dhaqanka,Aqoonyahan,Siyaasiyiinta,Qurbajoogta iyo Qaybaha Bulshada ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,iyadoona uu Waftiga Wafdiga Madaxweynaha JLS uu ka kooban yahay 11-xubnood oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Aw-Libaax,gen darwiish, Col: Cabaas Bistoolo iyo Duq Fiiloow

Waftigan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland State Sheekh Axmed Madoobe ayaa Waxaa garoonka Bole-international Airport ku soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha dibada ee Itoobiya Ato Tenderos iyo Wasiirka Arimaha Bulshada DFI Mudane C.fataax Sheekh C/laahi yare iyo Odoyaasha Dhaqanka iyo Dadweyne Aad u Tiro Badnaa oo Tubnaa Garoonka Bole.


Ilaa iyo Hada lama shaacinin Ujeedada Socdaalka waftiga Maamulka Jubaland iyo Madaxda DFI dhexmari doona ama qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadli doono,balse waxaa la ogyahay kaliya in Waftiga Maamulka Jubaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Sheekh Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) in ay Casuumaad ka heleen DFI.
wixii ka soo Kordha waxaad kala socon doontaan Xogogaalonline yaynan Dhegtaadu ka fogaan.


Gabi Ahaanba Magaalada Dekada ah ee Kismaayo oo Ay Ka Huleeleen Qaswadayaashii Damaca Boobka Huwanaa iyo Madaxweyne Ku Xigeenka JLS Gen,Fartaag oo La Hadlay Shacabka Kism.

$
0
0

Kismaio(Xogogaalonline) Tan iyo marki saaka Magaalada Kismaayo ay ka baxeen Ciidamadi huwanta ahayd ee uu hogaaminayay Col Barre Adan Shire Hiiraale aya waxaa dagan  xaalada magaalada Kismaayo.

Madaxweyne kuxigeenka  Jubbaland Gen Fartaag oo asagu horkacayay  Ciidamada saaka la wareegay guud ahaan Amaanka ee maalmahan Dagaalka kula jiray wax ay ugu yeedheen Maleeshiyo qaswadayaal aha magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in Amaanka Magaalada uu sugan yahay guud ahaana Magaaladu ay u gacan gashay Ciidamada Jubbaland lana baadi goobayo Qaar Dhaawac ah oo xaafadaha qaar ku jira.


Dhanka kale Iftiin Baasto iyo baaley oo ka mid ahaa Ismagacaabayaashii Hormuudka u noqday Qaskii ka dhacay Magaalada Kismaayo Ayaa Isa soo Dhiibay.

Akhriso qoraalkan kusoo baxay maalintii shaley aheyd wakaalada waraarka ee(Reuters) oo ku saabsan arimaha Jubaland

$
0
0

Somalia may accept former islamist warlord in portcity: diplomats

Reuters) - Somalia's government is expected to recognize a former Islamist warlord it had opposed as interim leader of a strategic port city, diplomats said, defusing a crisis over rival claims to the post that had raised fears of a return to clan warfare.

The threat of the kind of clan fighting that over two decades tore Somalia apart has hung over Kismayu since Ahmed Madobe, leader of the Ras Kamboni militia, was chosen by a regional assembly to lead Jubaland and its port in May.

The fate of Kismayu and the surrounding region in southern Somalia has been seen as a litmus test of whether the government can manage a federal state and cement a fragile peace in place since African peacekeeping troops drove out Islamist militants.

Western and regional diplomats, all with a close knowledge of Somalia and the workings of its government, told Reuters that Mogadishu had changed tack and was resigned to having the Ras Kamboni leader stay in charge, but on an interim basis.

"They recognize that they have to deal with Madobe," said one senior Western diplomat.

Regional capitals and Western donors are nervous about any reversal of delicate security gains made in Somalia by African troops fighting against the al Qaeda-linked militants, seen as a threat to stability in the region and beyond.

Central government spokesman Abdirahman Omar Osman said Mogadishu, which had widely been seen to back another candidate, was ready for a deal but it had not decided on who it would be.

We are willing to compromise provided that the legality, the constitution, and the federal institution and mandate is protected," he said, adding senior government officials were in Kismayu for negotiations with the rival parties.

Even with the regional leader title, Madobe will only really control Kismayu and its immediate surrounds because al Shabaab Islamist militants still control much of Jubaland's countryside.

LUCRATIVE BUSINESS
Dozens of people have been killed in Kismayu since May in sporadic clashes between Madobe's Ras Kamboni militia, opposed by the central government, and fighters loyal to Barre Hirale, another former warlord seen as having Mogadishu's backing.

Rival clans want control of port taxes, valuable charcoal exports and levies on arms and other illegal imports.

If a deal is struck, one government source said the interim administration would be in place for up to a year before a vote.

The situation has been complicated because of ambiguity over how Somalia, including its break-away regions, will be governed as a federation and because Mogadishu has little leverage as its poorly paid and trained security forces cannot impose control.

"Acknowledging that Madobe is the de facto leader in charge of an interim Jubaland administration would be pragmatic," said Matt Bryden, a director of Sahan Research think-tank who previously coordinated a U.N. monitoring report on Somalia.

"The government can't afford to become embroiled in this," he said. "It doesn't have the time, the resources or sufficient influence in Jubaland."
Madobe was a governor of Kismayu during an administration that was routed by Ethiopian forces sent into Somalia between 2006-2009 with tacit U.S. backing.

The European Union's top Africa official, Nicholas Westcott, said it was vital for a deal to improve security in Jubaland, a region which some analysts fear could otherwise break away.

"If Somalia is fragmented it will never be in position to develop or resolve all the conflicts," Westcott said.

(Editing by Edmund Blair and Ralph Boulton)
29 Jun 2013 by Ahmed H

Rai'yiga Aqoonyahanka ee Ku aadan Arimaha Jubooyinka.

$
0
0

Waxaan dhageystay Wasiir ku xigeenka wasaarada warfafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdi Shakuur Cali Mire oo ku hadlaya hadalo is qilaafsan oo aan la garan karin meesha ay u socdaan isagoo ka hadlaya dagaal ka dhacay magaalada kismaayo.


Waxaa nasiib darro ah in xukuumadii loo igmaday inay ka shaqeyso nabadda iyo horumarka waddanka ay iyadu noqoto mid intaba ka soo horjeeda una ololeysa colaad iyo dhibaato dadka dhexdiisa ah,tusaale haddii jubbooyinku dagan yihiin waxay ku celceliyaan dagaal baa dhici doona,ha is dilina,waa la isku baaba'ayaa,iyo erayo la mid ah oo dadka ka yaabiya,markii uu dagaal ka dhacana waa aamusaan oo dagaalka ha la joojiyo marna ma yiraahdaan,tusaale dagaalkii bilowday 28/06/2013 marna dawladu ma soo hadal qaadin in xabadda la joojiyo,laba maalin ka dib markii la soo afjaray dagaalkii ayey bilaabeen inay yiraahdaan wada hadal wax ha lagu dhameeyo,ma is weydiisay sababta.


Markaan u soo noqdo hadalka wasiirka iyo sida uu wax u sheegay waxaad markiiba is weydiin kartaa ciidanka dawlada ee uu leeyahay Kenya ayaa dhibaateysay xagge joogeen,kismaayo waxaa ku dagaalamay maamulka jubaland oo dhinac ah iyo madaxweynayaal la garanayo sida ay ku yimaadeen oo dhan ilaa 5 nin iyo maleeshiyaad ay iyagu sameysteen oo nin kasta ka soo uruursaday reerkiisa,5ta Madaxweyne waxay  ku mideysan yihiin iyagoo nin kasta leeyahay 800 ergo ayaa i doortay inay hadana wada shaqeeyaan lana dagaalamaan maamulka jubbaland mid kastana uu ugu yeero maleeshiyaad kiisa ciidanka xoogga dalka Somaliyeed dawladuna aysan ka hadlin in magacii ciidanka la sheegto,midda kale ciidankii maamulka jubaland oo la garanayo halgankoodii dheeraa iyo inuu ciidan ahaan dhisan yahay waxay dawladu ugu yeertaa maleeshiyada raaskambooni.


Hadaba ciidan kale meesha ma joogee wasiirku ciidankiisa ma maleeshiyada Baastaa,ma maleeshiyada Baaleey baa,Mase maleeshiyada Barre,ha cadeeyo waayo intaa waxaa wehliya ciidanka AMISOM ee Kenya iyo sierilion iyo ciidanka maamulka Jubbaland.


Midda kale waxuu ku hadaaqay abaanduule ciidan ayaa la xiray,ma wuxuusan ogeyn falalkii amaan darada ahaa ee ay abuureen wasiirkii gaashaandhiga iyo xildhibaanadii la socday ee lacagta iyo waqtiga ku bixiyey in la iska horkeeno beelaha walaalaha ah ee jubbooyinka dega.
Tan kale dawladu taariikhda jubbooyinka ee kufsigii,xasuuqii,iyo barakacintii  ka dhacday ma iloobeen  marka ay cabaas gurey iyo saalax makoonbe u soo magacaabayaan jubbooyinka iyadoo aan laga bogsan gabood-faladii ay ka geysteen degaanka jubbooyinka.


Waxaan hubaa in Wasiirka ku xigeenka naftiisa uusan is ogeyne in dhinacyada dagaalamaya uu dhinac yahay.

Abdirashid Jire

Khalinle@gmail.com

Dadka Qaxootiga Nabad-diidka Ka Soo jeeda Ismaamulka Kililka 5aad ee Ku Jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya oo Taageero Buuxda Siiyay DDSI cafisna Dalbaday.

$
0
0

xagardheer-Kenya:-(XO) war ku soo dhacay barta kaydka wararka XO ayaa sheegaya in Kulan balaadhan oo ka dhacay xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa waxa ka soo qayb galay odayaal,Haween,Culumaaudiin,Jaaliyda DDSI ee Kenya iyo dad horay uga tirsanaan jiray Ururada Nabad-diidka Siiba Beenquutayaashii UBBO ee Gabalkeedii Gabaabsaday.

Dhanka kale Kulankan ayaa ay Dhamaanba Qabaha Shacabku si fiican oo Nuxur Qoomamo Huwan u Qaadaa Dhigeen aragtidii Dhaan Daban Gaale ee ay UBBO ku hasaawin jirtay beryaha Qaarkood balse aanu ka bogsanay Ayay yidhaahdeen Markii aanu Daalacanay waxqabadka Xukuumada DDSI Dhinacyada Horumarka iyo kalsoonida Buuxda ee ay noogu baaqday in aanu ku soo biirno Tubta Nabada iyo Horumarka iyo Sida quruxda badan ee ay ula macaamileen maleeshiyaadkii UBBO ee ay DDSI Qabatay wakhti xaadirkaa ahba madax kaalin fiican kaga jirta Qorshayaasha Xukuumada DDSI ayay yidhaahdeen.


Idiriis Cali qoys oo horay uga tirsanaan jiray UBBO kaalin Xoogana ka qaatay Abaabulka iyo qabsoomida Shirkan ayaa si xeeldheer uga faalooday tabihii Maangaabnimada Huwanaa ee ay UBBO ku majara habaabin jirtay maatada siiba caruurta iyo waayeelka,kana soo burqanaysay 4 Awrkiraale ka ganacsan jiray Daadinta Dhiiga Shacabka balse maanta noqday lax Garaw ku hadhay ayuu yidhi Idiris.


ugu danbayn dadkan maanta kulankan isugu yimid ayaa u badnaa Xaasaskii,caruurtii,Dhaawacyadi Nabaddiidka UBBO ee joogay xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ee walaalnimada iyo Deriswanaagu inaga dhaxeeyo.

Wafti ay Xukuumada DDSI u Dirtay ka Qaybgalka Aaska Boqor King Kong Ayaa Si Diiran Loogu Qaabilay madaxtooyada Puntlad.

$
0
0

Garoowe(xogogaalonline)  Waxaa shalay si heersare ah oo kalgacal walaalnimo iyo deriswanaag huwan ay Dhamaanba Golaha Wasiirada,Xildhibaanada,Maamulada,Odoyaasha Dhaqanka iyo Qaybaha Bulshada ee Dawlada Puntland ay ugu soo Dhaweeyeen laga Soo bilaabo Xadka ilaa Caasimada garoowe Wafti isugu jiray wasiiro iyo Odoyaal dhaqameed ka tagay Xukuumada DDSI si ay uga Qaybgalaan Aaska Qaran ee Ilaahay ha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Maalmaha Fooda Inagu soo haya lagu aasi Doono Magaalada Qardho.


Hadaba waftiga DDSI ayaa Maanta uu Qaabilaad qadarin Mudan uu ugu Qaabilay Xafiiska madaxtooyada Puntland Madaxweyne Kuxigeenka dawlada Puntland Mudane C/samad Cali Shire oo ay Wehelinayeen Golaha capinetkiisa,islamarkaana ay kala Qaateen Xogwaraysi ku saabsan arimaha Xidhiidhka iyo iskaashiga labada Dawladood iyadoona Ay waftiga Xukuumada DDSI ay u gudbiyeen Fariin ay uga sideen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo tacsi u Soo diray dawlada Puntland,Qoyskii,ehelkii iyo Guud ahaan Shacabka Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid ilaahay ha u naxariistee Boqor C/laahi Boqr Muuse(Kig Kong).
Masuuliyiinta 2da dal ayaa kulan 2aad isu balansaday ka dib markii yimaado Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Faroole si ay arimo doora uga wada munaaqashoodaan dawlad ahaan iyo Dhaqan ahaanba,iyadoona ay labada dhanba aad uga mahadceliyeen Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya iyo soo dhawaynta loo muujiyay waftiga.


Sidoo kale waftiga ayaa Booqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ay ka dhaqaysteen warbixinta Waxqabadka iyo heerka ay marayaan Covaregeka Waxbarashada Puntland oo Run ahaantii ay Qireen waftiga Xukuumada DDSI in ay meel fiican marayaan Heerka waxbarashada Puntland iyadoona ay Madaxda Wasaarada Waxbarashada Puntland ay aad ugu Mahadceliyeen DDSI Fursadaha waxbarasho ee ay ugu deeqeen Ardayda Puntland ee wax ku barata Kuliyadaha iyo Jamacada Jigigiga iyagoona meel isla dhigay sidii ay iskaashiga dhanka tacliinta ee ka dhaxeeya la sii xoojiyo.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/samad Cali Shire ayaa Qado Sharaf ugu sameeyay Waftiga Xukuumada DDSI Rugsan Square Hotel.

Viewing all 349 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>