Koonfur africa(xogogaalonline) june 02,2013 war aanu ka soo xiganayTelefishanka iyo Jaraaidada Dalka Koonfur africa ayaa Xaqiijinaya in Ganacsade Soomaali ah si naxariis-darro ah dhagax loogu dilay Dalka South-Afrika.islamarkaana isagoo qaawan meydkiisa dhulka lagu jiid-jiiday markii uu geeriyooday ka dib. Qaabka loo dilay Ninka ayaa ah Qaab aad u naxdin Badan Waayo isagoo Qaawan oo Nool ayaa wadada laamiga badhtankeeda inta la dhigay Dhagax lala beegsanayay iyadoo ay ahayd maalin Dadka iyo Gawaadhiduna ay ka leexanayeen ama dhaafayeen ninkan oo qaylinaya wakhtigaas ayaa ayaysan jirin wax gurmad ah oo qayladiisa ku soo baxa ama Boolis ka badbaadiya intii dhagaxa lala dhacayay halkaasna ku Qudhbaxay hadii aad daawato Videow laga sii daayay Telefishanka Koonfur afrika Live Leak aad ayaad u Murugoon.
Nin Ka Mida Ganacsatada Soomaalida Ka Ganacsata Dalka Koonfur Afrika oo Si ArxanDaro ah Dhagax Lagu Dilay.
Warar Hoose oo Xaqiijinaya wadahadal Qarsoodi ah oo Dhawaan Nairobi ku Dhexmari Doona Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha JLS.
Kismaayo(Xogogaalonline) 31 may 13.Warar ay heshay shabakada xogogaalonline ayaa qeexaya in Maalinta Talaadada ah ee isbuucan ama todobaadka soo socda uu Nairobi iman doono Madaxweynaha dowlada federaalka ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud halkaasoo uu ku dhexmari doono kulan uu Uhuru Kenyata Madaxweynaha Dalka Kenya u kala Dabqaadi doono Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha JLS Sheekh Axmed-Madoobe.
Waxaa jira in Madaxweyne xasan Sheekh uu ka dalbaday kulan qaas ah inuu la yeesho madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata. Ka dibna la isku dayo in la keeno madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe.
Kulanka qaaska ah waxaa dalbaday madaxweynaha Soomaliya oo hada doonaya in wadahadal toos ah uu la yeesho madaxweynaha Jubaland.
Waxaa sidoo kale aan ay bahda xogogaalonline heshay inuu jiro iskuday uu wado Wasiiru-dowlaha Madatooyada Faarax Cabdiqaadir oo lagu doonay in Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ay si gaar ah isu arkaan, qadiyada Jubalandna lagu dhameeyo wadahadal.
Kulamadan iyo wararkan ku saabsan dadaalka uu xasan Sheekh ku doonayo wadahadalka Madaxweynaha JLS waxaa dhinac ka ah gacmo kale oo Kenya iyo itoobiya ah oo iyagana danaynaya in amuurta Jubaland miiska lagu dhameeyo.
Madaxtooyada Jubaland state ayaanan wax war ah kama aysan soo saari amuurtan balse waxaan helnay in Madaxweyne Axmed Madoobe laga dhameeyey inuu Xasan Sheekh la kulmo.
Maan Bareey iyo Maan Bilaal Shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo oo Cod Midaysan Bixiyay iyo Qaylo-dhaan Ka soo Yeedhay Galgaduud iyo Dayniile Kuna Aadan Jihada Lagaga Hortagi karo Jubaland State iyo Qorshayaal loo maleegayo.
Kismaayo(xogogaalonline) 31 May,2013.Waxaa hubaala in aynu ka wada dheregsanahay Arimaha Siyaasadeed iyo Kacdoonada Shacabka Jubooyinka iyo Gedo ay k muujinayaan fagaarayaasha Dastuuriga ah in Maamulka Jubaland State ee ay Si Midaysan Codkooda ugu Doorteen Madaxweynaha Sheekh Axmed Islaan(Axmed Maoobe) iyo Kuxigeenka Madaxweynaha General C/laahi Ismaaciil(Fartaag) yihiin Maamul Cadaaladeed oo Muqadas lamataabtaan ah laguna soo Doortay Fagaare xor ah oo ay u Dhan yihiin Dhamaanba Odoyaal-dhaqameedka,Cuqaasha,Waxgaradka,Aqoonyahanka,Qurbajoogta iyo Siyaasiyiintaba.
Doorashadii lagu soo doortay Maamulka Jubaland State ayaa soo martay jaranjaroyin bada oo Dastuuri ah islamarkaana kaalinta Shacabweynaha Dega Jubooyinka iyo Gedo la sugay Doorkooda kuna wada dhanaayeen Bilooyinkii uu shirweynuh uga socday Jaamacada Magaalada Kismaayoiyadoona Hogaaminta Dhaqanka Beelaha Wada dega jubooyinka iyo Gedo ay ka soo kala boqooleen Degmooyinka Jubooyinka iyo Gedo,islamarkaana MudadiiShirku u socday ku turxaan bixiyay Dhamaanba wixii Caqabad ku noqon kara Midnimada iyo Wadaaga Shacabweynaha ka soo kala jeeda Beelaha kala duduwan Dhidibadana u Taageen Dastuur xalaal ah oo qayb ka ah Dastuurka DFS Qodobadii ka khuseeyay halkaasoo lagu taagay Astaanka Calanka ay Jubaland Yeelan doonto waxna ka taagen Xubno ka tirsan Baarlamaanka DFS oo Tiradoodu kor u dhaafaysay 80.
Hadaba Doorashadii lagu Doortay Madaxweynaha Maamulka Jubaland State Mudane Sheeh Axmed Islaan Axmed(Axmed Madoobe) ayaa si cadaali ah loogu Doortay Fagaare Xor ah oo Loo wada Dhama ahaydna Xlaal Iftiin baa la qashaa taasoo ugu Horayn Cida kaliya ee ay Muhiim tahay Aqoonsiga Maamulka Juba-land State,Mdaxweynaha JLS iyo Madaxweyne kuxigeenka JLS ay Tahay Shacabka ka soo jeeda Jubooyinka iyo Gedo ooba ah Dadka Codkooda ku soo doortay Maamulka JLS. Maamulka JUbaland State ee ay Hogaaminayaan Madaxweyne Sheekh Axmed Islaan(Axmed-Madoobe) iyo General C/lahi Ismacii(Fartaag) oo Lagu soo doortay Cod Buuxa oo Cadaaladeed Aqoonsina ka haysta Shacabweynahooda Deegaanada Jubooyinka iyo Gedo iyo Dawladaha Gobolka ayaanan Cid kale aqoonsi uga baahnayn Guntigana u Xidhay Damaystirka Dhamaanba hay'adihii iyo Baarlamaanka JLS yeelan Doonto oo ay ku gudo jiraan sida wariyahayaga kismaayo uu noo soo tebiyay,sidoo kalana Waafaqsan sida ku cad Dastuurka DFS Nuqulkiisii Asliga ahaa Xeernidaamyeedyada Sugida iyo amniga Maamulka JLS oo uu xeerinayo in ay Xaq u leeyihiin Maamulka JLS ciidamadoodu in ay sugaan Guud ahaanba Xadka Maamulku ku egyahay balse ay jiraan Qodobo Wadaag ah oo ka dhaxeeya Dawlada iyo Maamuladu sida ku xusan Axdiqarameedka Dastuurka loo wada dhan yahay ee lagu dhisay DFS waa hadii aan la baalmarin ama aan lagu xadgudbin mayeedhaanka lagu yagleelayo Midnimo iyo isku duubni Dib u soo noolaysa dawladii Soomaaliya oo Ah Xaqdhawrka lamataabtaanka Dastuurka DFS ee Mayeedhaanka ah,iyadoona Madaxweynaha Maamulka Puntland uu Soo jeediyay eedaymo ku saabsan Wax ka bedelka Qodobada Dastuurka DFS.
maamulka Jubaland State ayaa hagan dheer u soo galay heerka ay maata taagan tahay Jubooyinka iyagoona naf iyo maalba u soo huray sidii ay nababgelyo waarta ugu soo dabaali lahaayeen Gobolada Jubooyinka oo sanadihii ay Burburka soomaaliya ku jirtay noqda Wado Halaq mareen ahbalse hada ku taamaya sidii loogu gudbi lahaa wadiiqada horumarka,Midnimada,Walaalnimada iyo si cadaaladeed ku wadaagida maamulka JLS dhamaanba Beelaha Degan Jubooyinka iyo Gedo waana ta sahashay in ay Shacaku isku duubni ugu codeeyaan Madaxweynaha JLS iyo Kuxgeenkiisa(habar fadhida Legdin la Fudud).
Waxaynu Ogsoonahay In Shacabka Soomaaliya ay 22 sano uu ka dhex socday Dagaal lagu halaagmay oo Nafaf badan lagu waayay taasoo ay Hurinayeen Dad damiirlaawayaal ah oo Nababgalyo darada ku helay Sandbursi aynan Deganaanshihii Dalka ku haysan kuwaasoo samaystay Maleeshiyaad ay u hayeen Hogaanka launa magacaabi jiray Hogaamiye-Kooxeed,balse waxaa hubaala in dalalka Safka Hore ee ay ka midka yihiin Dawlada Federalka Itoobiya iyo Dawlada Kenya in ay Naftooda iyo Dhiigoodaba u hureen in ay kala Badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan isu aaba yeelayn kana xoreeyaan Argagaxisada Alshabaab waana mida sababtay in wakhtixaadirkan Soomaaliya Dib ugu soo Noqoto Qaab-dhismeedkii Dawladimo Buuxisana fadhiyadeedii Heer Caalami ee Madhnaa Mudooyinka"balse Ladnaan Dibada kuu saartaa Jirta.
Sheekh Axmed Islaam Maxamed ayaa Isaguna Halgan Dheer uu la soo maray Isaga iyo Ciidamadiisa Hore loo odhan Jiray Ciidamada Geesiyiinta ah ee Raskanbooni oo Shafka u Daruuray Alshabaab iyo Argagaisadii ajanabiga ahayd ee ku dahaadhnaydba kuna nafwaayeen Boqolaal Shacabka Jubooyinka ah oo Anfici lahaa Dadkooda iyo Dalkaba waana Aragtida laga Qabo Axmed Madoobe iyo Gaashaanbuurta Ciidankiisu in ay ka Go'an tahay Suulinta iyo Tirtirida Alshabaab Waase Su'aale Xagay jireen dadkan Colaada hurinaya Xiligii Alshabaab Dadka Gumaadaysay?Maxaase loo soo hadalqaadi la'yahay Tirtirida Alshabaab?Sheekh Axmed Madoobe iyo Ciidanka Raskambooni Ma La dagaalnka iyo Laynta Alshabaab ayay Cadawtinimadan ku Mutaysteen?Mise Xaalku waa Ilko Abeeso Hoos ka Xidhiidhsan? akhristayaasha ayay u taalaa falanqayntu.
Dani Waa Seeto Maxaa u Dan ah JLS iyo DFS: Dawlada Damaca waalan ee Federalka Soomaaliya iyo Jubaland ma kala maarmaan Jubooyinkuna waxay ka mid tahay Ubucda Khayraadka iyo Dhaqaalaha Muqdisho kismaayo ahayd magaalada 3aad ee Taliskii \siyaad bare ee burburay 1991 balse aan looga danbayn dawlad soomaaliyeed oo cagaheeda isku taagta laga soo bilaabo 1991,walow Dadka Falanqeeya Arimaha Geeska afrika ay ku macneeyeen In dawladii hantiwadaaga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa maxamed siyaad bare in uu xukunka talada dalka soomaaliya hayay 21 sano sidoo kalana 21 sano uu burbur,halaag iyo dawlad la'aan ku jiray halka halgankii daraawiishta ee sayid maxamed cabdule xasan uu xukunkii uu la galay dawladihii reer yurub ee ku soo duulay soomaaliya uu ahaa 21 sano iskana shabaha maxamed siyaad bare iyo sayid maxamed cabdule xasan magaca maxamed iyo xukunka 21ka sano.
Isku soo wada Soohoo Dadkaba Qaar baa Malabka Caafimaad ahaan uu Xasaasiyada ku Kiciyaa amaba uu u Dhadhamaa Qadhaadh halka Dadka Qaarna uu Dawo Cafimaad u Yahay Waa heerka Maanta ay kala Taagan yihiin Maamulka JLS oo leh abar Fadhida Legdin la fudud Dhamaanba Xuquuqahayga Dastuuriga ah anaa u heelan Xaqdhawrayana Dastuurka Feeralka ee aynu Wada Askunay halka Qaar kalana ayba maleegayaan Dibindaabyo iyo Hurin Colaadeed oo aan Dhex oolinba Dadka walaalahaah ee Jubooyinka iyo Gedo laguna Xaqiiqsan karo Doorashada Codkooda oo midaysan ku doorteen Maamulka JLS,Banaanbaxyada oo ah Hab Dastuuri ah oo ay Shaabku ku soo gudbiyaan Cabashooyinkooda oo Dhamaanba Gilgilay Jubooyinka iyo Gedo,sidoo kle Xafladaha iyo Damaashaadyada ka dhacaya Dhamaanba Dacalada Dunida dhamaantood ma hal bacaad lagu lisaa Iswaydiintu waxay u Taalaa Akhristayaasha iyo Cida laga cabanayo.
wasiirka Arimaha Gudaha dawlada Faderalka Soomaaliya oo Ay La soo Deristay Waji Gabax kaga Yimid
sida aanu ka soo xiganay mid ka mida websityada ka soo baxa muqdisho Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlada Federalka Soomaal C/kariin Guulkeed ayaa ay ku soo baxday Qiso yaab leh oo ku saabsan Shaqdsiyadiisa Cida Dhashay ama Aabaha uu ka soo unkamay Manidiisa taasoo yaab iyo amakaag ku noqotay dadka Reer Muqdisho sababta ilaa iyo hada loo garan la'yajhay Aabaha C/kariin Guuleed oo ah wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliyaa taasoo ka dhigan in uu xilkeeda hayo Wasaarad aabo iyo arxan la'aan ah.
C/kariin Guuleed ayaa sida la sheegay yaraantiisii ka mid ahaa Caruurtii Kacaanka ee ku xaraysnaan jirtay Dugsigii Caruurta kacaanka ee ku yaalay isbitaalkii Digfeer Gadaashiisa xiligaas ayaa ay sheegeen shaqaalihii iyo caruurtuu la soo korayba in uu ahaa Magaan oohin badan,mar mid ka mid ahaa shaqaalihii dusiga Dhalinta kacaanka ee Dawladii Burburtay uu ka waramay Xaalada C/kariin ayaa uu sheegay in uu ka arkay telefishanada Muuqaalka C/kariin Guuleed oo ah wasiirka arimaha gudaha DFS waxaan xasuustay ayuu yidhi wakhtigii isagoo ebidii hooyadii leh lagu soo tauuray meel qashinqub ahayd micnaha markuu saas u soo dhashayba ay hooyadii dhashay kaga dhex tagtay meel Qashinqub ah ka dibna Booliskii Soomaaliya ay keeneen Kooleejkii Dhalinta kacaanka halkaasoo uu ku soo barbaaray balse sanadihii ugu danbeeyay Burburkii dawladii Siyaad Bare ka mid ahaa Ciyaalkii fay Cali la dhihi jiray ayuu yidhi.
Xogwaranka Ninkan ayaa ay kuxigeen Hooyo Cibaado F.Jimcaale in ay Sheegatay C/kariin Guuleed kuna xogwarantay in ay iyadu Dhashay C/kariin Guuleed oo ay la soo martay Marxalado aad u foolxun kuwaasoo dhaliyay in uu Burburo Qoysnimadii aan la wadaagay Nin i Qabay xiliga aan uurka C/kariin u yeelanayo Nin kale oo Aways la odhan jiray oo Biyoole ahaa xili uu ninkaygu safar ku maqnaa isagoo ila hurda Qolkii Hurdada uu Ninkaygii Salaad Hore soo galay Gurigii oo uu Awaysna Igu lamaan yahay xiligaas ayuu balnbal,magacxumo iyo fadeexad aan kala kulmay Dadkii Deganaa Magaalada Afgooye oo dahn kana noqday Tuke Cambaar leh.
Islaantan oo Markii ugu horaysay Reer ay Muuse Suudi ehel yihiin uga xogwarantay ayaa Fadeexad wajigabax ku noqotay wasiirka Arimaha |Gudaha DFI u galiyay magaalada Muqdisho in uu C/kariin Guuleed ku dhashay Gogol-dhaaf waana Dhacdooyinka loogu hadalhayn badan yahay maalmahan Magaalada Muqdisho.
Fulay xantii ma moogee waxaa la sheegayaa in c/kariin guuleed uu islaantii sheegatay in ay hooyo u tahay Cibaado jimcaale in uu Mooryaan u diray oo lagu tuuray Bada iyadoo ku xidhan Jawaan haka qaar kalana ay sheegayaan in lagu hayo guriga c/kariin balse ilaa iyo hada raq iyo ruuxba lama hayo islaantaas sheegatay wasiirka arimaha gudaha soomaaliya,mar xaafadihii dariska goobta ay ku noolayd la waydiiyay ayaa ay sheegeen in aynan todobaadba arag islaantaas ka daroo dibi dhal tana waa fadeexo labaad oo soo wajahday waayaha c/kariin guuleed.
Madaxweynaha DFSI Xasan oo Ku Khafiifay Hagardaamada Jubooyinka iskana Iloobay Argagaxisada Alshabaab ay Ku Hayso DFSI Una Meel Dayin La Yaabka hadalkiisa.
Waxaa Mucjiso ah in ay Madaxweynaha DFSI Xasan uuba ku Qarwo Gobol ka mida Gobolada Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka mida Deegaanada uu ka dhaxeyo Axdi Qarameedka Federal ee lagu Heshiiyay loona baahnaa in Guud ahaan Dalka Nabad lagusoo dabaalo meeshana laga saaro Damacii iyo Dhulboobkii ay 21kii sano Beelo ka mida soomaalida ku faaiideen,iyadoona ay wakhti xaadirkan tahay Xoolo iyo Nin leh aragtidaa ka dhaxaysa.
Madaxweynaha DFS Xasan oo Dalka Japan Booqasho ku tagay ayaa Meeshii laga filayay n uu ka hadlo Xidhiidh,Taageero iyo iskaashi Dhex mara dawlada japan iyo DFS meesha soo dhigay Odhaah ay la yaabeen Madaxdii Japan oo ahayd Jubooyinka hadaan laga hortagin Beelaha hawiye sidii Ciyowga ayay Qolqolada ka dhawaqiDoonaan,balse Jaan waa ay la yaabtay Ma Jabuuti ayuu Mooday Tolowiyo Ismaciil C.Gele.
Layaabka Dawlada Japan iyo OQarawga Odhaaheed ee Xasan Culuow bal ka Dhugo Sawirka.
Army denies role in Jubaland poll
Kenya(Xogogaal) June 01,13.Chief of defence forces Julius Karangi (left) and defence cabinet secretary Raychelle Omamo chat at a graduation ceremony held at the national defence college in Karen on May 30 2013. PHOEBE OKALL NATION
Posted Thursday, May 30 2013 at 20:17
IN SUMMARY
- Gen Karangi said allegations that Kenya was imposing leadership in Jubaland in a bid to deter terror activities from Somalia were unfounded.
The Kenya military has denied that they helped the newly elected President of Jubaland State rise to power.
Chief of General Staff Julius Karangi Thursday said that the decision to elect Sheikh Ahmed Mohamed Islam alias Madobewas made by the people of Jubaland.
He said Kenya would remain neutral in the political process, but maintained a keen interest in Somali’s peace and stability.
Gen Karangi said allegations that Kenya was imposing leadership in Jubaland in a bid to deter terror activities from Somalia were unfounded.
He was reacting to protests from Mogadishu leaders who claim the military was imposing leadership in the region. The Somali government called the election of Madobe ‘unilateral’ and ‘unconstitutional’, with its President Hassan Sheikh Mohamud indirectly criticizing the Kenya military for not treating well a government committee sent to Kismayu.
Mr Madobe has fought against Al-Shabaab insurgents for over two years from Dhobley on the Kenya-Somali border, to Afmadhow, Ras Kamboni, Biibi, Hosingow, Buale, Tabda, Jillib, Oddo, Fafadun, Beles Qooqani, Amuma, Afgoye, Dinsoor and Baradheere alongside the Kenya Defence Forces and the Somali National Army.
Gen Karangi also said Kenyan troops liberated Kismayu single-handedly and now control over 300,000 square kilometres.
He added that since the troops were now under Amisom, it was not known when they would be redeployed. “We are under the African Union and we will leave there if and when ordered to do so. I cannot say when the Kenyan troops will withdraw,” he added.
Gen Karangi was speaking during a graduation ceremony at the National Defence College in Karen, Nairobi.
The graduation was presided over by Ministry of Defence Cabinet secretary Raychelle Omamo. Forty one senior officers and civil servants from Botswana, Egypt, Nigeria, South Africa, Uganda, and Tanzania graduated.
Kenya’s hope to have an ally rule regions bordering its northern territories suffered a setback after Igad decided to back the Somali government that vehemently opposes the newly formed Jubaland administration.
David Luiz oo hoos udhigay wararka la xiriirinaya Barcelona
Daafaca kooxda Chelsea , David Luiz ayaa hoos udhigay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona ee wadanka Spain.
Ninkan Brazilian-ka ah oo Chelsea ku soo biiray habeenkii ugu dambeysay suuqa xagagii 2011 ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa Chelsea .
“Xaalada aan hada ku jiro waaan ku faraxsanahay ,had iyo jeer waan ciyaara cabsina kama qabo waxa dhici doona,ayuu Luiz usheegay Daily Star.
“Barcelona waa koox hor mar ka sameysay kubbada cagta sanadihii la soo dhaafay ,waan garanaya Barceona ,waana ka war haya xiisaha ay iiqabto ,laakiin hada waxaan ku faraxsanahay Stamford Bridge ayuu hadalkiisa ku daray.
Barceona ayaa 40 milion ku doooneysa 26 jirkaan kaas oo hadii loo baahdo khadka dhexe ka ciyaari kara.
Nin Ka Mida Ganacsatada Soomaalida Ka Ganacsata Dalka Koonfur Afrika oo Si ArxanDaro ah Dhagax Lagu Dilay.
Koonfur africa(xogogaalonline) june 02,2013 war aanu ka soo xiganayTelefishanka iyo Jaraaidada Dalka Koonfur africa ayaa Xaqiijinaya in Ganacsade Soomaali ah si naxariis-darro ah dhagax loogu dilay Dalka South-Afrika.islamarkaana isagoo qaawan meydkiisa dhulka lagu jiid-jiiday markii uu geeriyooday ka dib. Qaabka loo dilay Ninka ayaa ah Qaab aad u naxdin Badan Waayo isagoo Qaawan oo Nool ayaa wadada laamiga badhtankeeda inta la dhigay Dhagax lala beegsanayay iyadoo ay ahayd maalin Dadka iyo Gawaadhiduna ay ka leexanayeen ama dhaafayeen ninkan oo qaylinaya wakhtigaas ayaa ayaysan jirin wax gurmad ah oo qayladiisa ku soo baxa ama Boolis ka badbaadiya intii dhagaxa lala dhacayay halkaasna ku Qudhbaxay hadii aad daawato Videow laga sii daayay Telefishanka Koonfur afrika Live Leak aad ayaad u Murugoon.
Hashu Markay Halkaa Maraysay yax Lahaydaa Dibindaabyada loo Maleegayo Jubaland State Muunad Nabadeed mise Saan Saan Colaadeed.
Kismaio(xogogaalonline) June 03,2013.waxaynu ka wada dheregsanahay heerarkii kala duduwanaa iyo qoqobnaantii colaadeed ee ay soo mareen gobolada jubooyinka kuwaasoo irdhaysnaa mudo hada laga joogo burburkii soomaaliya oo ay ku asqoobeen shcabka jubooyinku colaado ahli ah oo ah nooca dad sameega ah sababtayna dhimasho lagu halaaqmay iyo kala qoqobnaan shacabkii soomaaliyadeed ee walaalaha ahaa kuna kala irdhoobay dhulboobkii iyo xaqiraadii shacabka jubooyinka taasoo ay ka dhasheen kacdoon shacab oo dhan ka ah Alshabaab oo iyadu sanadihii ugu danbeeyay ka hor dhismaha dawlada federalka soomaaliya ku guulaysatay tartankii qandaraaska Gacan ku haynta magaalada dekada ah ee kismaayo iyo dhamaan jubooyinka iyadoona kacdoonkii shacabka jubooyinka ay la galeen Al-shabaab ay kaga xoreeyeen Magaalada Dekeda ah ee Kismaayo iyo Badanka Labada Jubo wakhti xaaadirkana lagu daba jiro si looga sifeeyo guud ahaanba Jubooyinka iyo Gedo taasoo ah Barta kaliya ee ay Maamulka Juba-land State isha ku hayan una Qorshaysanayaan Sidii jubooyinka looga tirtiri lahaa Jubooyinka balse waxaa ka soo soke maray Colaado,hagardaamo iyo dagaal dhiig badan ku daato oo loo maleegayo talaabo kasta oo ay qaadi lahaayeena Caqabad ku noqota Jihadeedna la saari la'yahay hadii Dib loogu noqdo axdiqarameedkii nabad ku soo dabaalida Soomaaliya iyo Tirtirida Argagaxisada Caalami ee Al-Shabaab balse cimri dherer iyo Dib isu habeeyaan ka helaya culayska la saaray Jubooyinka ee wakhti kale mooyee Alshabaab laga indho dabooshay taasoo bilihii ugu danbeeyay Fursad dahabi ah u ahayd Al-shabaab iyadoona fursad u heshay in ay dib isu habeeyaan Ciidan ahaan iskuna sii balaadhiyaan qaybo ka mida jubooyinka iyo Gedo Goormaase Wadajir loogu wada jeedsan doonaan marba hadii Qadfka,Hurin Colaada,Xaqiraada iyo damaca sadbursiga ku salaysan uu ka sii jiro Soomaaliya Mise Alshabaab Waaba aalad Casri ah oo Marna Fursad la Siiyo marna indhaha caalamka lagala qaybqaato hadba Dhiilada ay ka keenaan una eg Qawda maqashii Waxna ha u qaban.
ka dib iyo intii maamulka JLS uu ka xoreeyay Magaalada Dekada ah ee Kismaayo Al-shabaab kuwaasooy Cutubyo ka soo askumay kacdoonkii iyo halgankii shacabweynaha Jubooyinka ay Dhiigooda ugu hureen Ka Xoraynta Jubooyinka Al-shabaab oo ay naf iyo Maalba ku waayeen islamarkaana ay hogaaminayeen Ciidamada naftood hurayaasha Raskambooniyiinta ayaa waxaa maalinba maalinta xigta isa sii taraya Wadiiqooyin Arxandaro,hagardaamo,Hurin Colaadeed lagu hoobto iyo dibindaabyooyin dhan ka ah Kuwii Dhiigooda iyo naftooda qaaliga u ahba u huray in ay kaga xoreeyaan Jubooyinka Argagaxisada Al-shabaab Mudnaana Dhiirigalin iyo Bilado la mid ah kuwii la dagaalamay dawladihii reer yurub waa maxay Colaada iyo Hagardaamada lagu hurinayo Colaada Dad sameega ah Meeshana looga saarayaa kuwii Naftooda u huray Xoraynta Jubooyinka loona xaqirijayaa Dhalinyaradii ku Shahiiday halgankii Qadhaadhaa ee ay raskambooniyiintu shafka ugu daruureen Argagaxisada Heer Caalami ee Al-shabaab loogana hadli waayay Xukunka,Lahaanshaha iyo Dakhliga Dekada Kismaayo xiliyadii ay cakirnayd habnololeedka iyo xoriyada shacabka kismaayo iyo jubooyinka ee ay al-shabaab ku amar ku taaglayn jirtay? xagay iska fahmi la' yihiin DFS iyo JLS?.
Ma sidii Ninkii iyo Maskii Saaxiibka ahaa ee uu Maskii Dilay Saaxiibkii Wiil uu Dhalay ka dib ay Colaad u heensaysteen Kuna kala dhaqaaqeen saaxiibtinimadoodii oon la is bixinay ka dib ayaa ay codsadeen maskii iyo ninkii in ay heshiiyaan kuna balameen maalin hebla iyo geedkii ay ku kulmi jireen xiligay saaxiibka ahaayeen ka hor intaan balantii iyo geedkii heshiiskoodu ka dhici lahaa la gaadhin ayaa ay labuduba xeelado u qarsoon uu mid kasta sii maleegtay "Ninka ayaan isagu waligii aan ku fikirin in uu Inta ay xabaasha wiilkiisii uu masku dilay u muuqato nabadi dhex marin mar uu degnaan ka helana ka aar guto isagoona sii afaystay Gudin uu damacsan yahay in uu kurka kaga jaro maska markay geedka ku kulmaan. maska.maska ayaa isaguna garawsan in ninka hore saaxiibkii u ahaa ee uu wiilkiisii curad dilay xabaashiisuna u muuqato in uunan waligii ku calool fawoobaanayn nabad dhex marta,islamarkaana geedkii ay balantu ahayd ka sii qotay god dheer oo uu dabada la galo markay ninka wada hadlayaan hadii uu arkana calaamado colaadeed si uu dib ugu cararo ama galo godka si uu uga badbaado ninka.
Maalintii Balanta ayaa Geedkii la isugu yimid maskii oo Kurka ka soo taagay Godkii iyo Ninkii oo Gudin Gosha ku Wata wada hadal yar ka dib Ninkii ayaa isla baaciyay Gudintii saa maskii Godkii ayuu dib ula galay madaxii Ka dib ayuu maskii yidhi Ninyahow inta Xabaasha Gamankii aad dhashay kuu muuqato ana Gudintii ku Dhacday Geedka Heshiis inaga Dheere inagu kala kaxee waxaynu kala qaadnaan leenahaye!! Ma u egtay Cadcadaan la'aanta Afgobaadsiga Heshiisyada DFS iyo JLS oo u Dhega Nugul Nabada maxaa loo waayay transparency lagu soo dabaalo heshiisyada,wada hadalka iyo Midnimada hadafka Guud ee in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya maxaa ay intii DFS ay dhisnayd loo baal maray la dagaalanka argagaxisada alshabaab diirad colaadeedna loo saaray maamulka JLS iyo ciidamada deriska kenya ee badbaadinta shacabka soomaaliyeed ku waayay naf iyo maalba?
weli ma iswaydiisay Khiyaamo Cad oo lala beegsanayo Shacabka jubooyinka oo Dhan Heshiis Qiiq isku qarin iyo Suubaan salaaxid lagaga wado in Ciidamada Amison Cutubka Seraleone la soo raaciyo Ciidamo la soo hubeeyay oo Ujeedadoodu tahay in ay Dagaal iyo Xabad aan wakhtixaadirkan Al-shabaab lagala lexajeclaystay lala beegsado kuwii dhiigooda,wakhtigooda iyo maalkoodaba u huray in ay al-shabaab ka xoreeyaan jubooyinka"Hashu ma masaar bay liqday Maankayga Gadaye",
Falalkan Saansaanta Colaadeed Huwan ee ku soo Fool Leh Maamulka JLS ayaa ku soo beegmay Xili uu Madaxa QM Banki Moon uu ku Dhawaaqay in Arimaha Maamulka JLS lagu dhameeyo Xal waara iyo waanwaan nabadeed lagana fogaado Colaad Dhiig badan ku daato uu dib soomaaliya ugu celisa sidii 21kii sano
Sayidka Oo Nairobi Ka Dagay (Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Madoobe Oo La Filayo Inay M/Weyne Xasan Culusoow Kulmaan
Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa soo gaaray daqiiqado ka hor Madaxweynaha Jubbaland-State Sayid Axmed Madoobe,waxaana Garoonka ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Dalka Kenya iyo Wefdi Puntland ka tirsan oo maalmahan Nairobi jooga.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Magaaladda Nairobi kulan fool ka fool ah la yeesho Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Culusoow,waxaana kulankooda dhex-dhexaadin-doona Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.
Dhinaca kale Wasiradda Arimaha Dibadda ee Kenya Aamino Jabriil ayaa galabta la filayaa inay qado u samayso Wefdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo wefdigii horey u sii joogay ee Puntland ka yimid,waxaana la filayaa inay ka waad hadlaan sidii la loo dhex-dhexaadin lahaa Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Sayidka,iyadoo gogoshaan uu dhigay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole,lamana yaqaan in Madaxweyne Xasan aqbali-doono nabadoonimada uu ku baaqay Odayga Faroole oo u tafa-xeytay inuu heshiisiiyo Jubbaland iyo Maadxweyne Xasan.
Lama Kulmayo ilaa uu Jubaland aqoonsado:M/weyne Sayid Axmed Madoobe
Nairobi(xogogaalonline) june,05,13.Madaxweynaha Jubbaland Sayid Axmed Madoobe ayaa diiday inuu la kulmo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Culusoow oo codsaday inay maanta wada qadeeyaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa shuruud ku xiray inuu la kulmayo Madaxweyne Xasan marka uu cadeeyo inuu aqoonsan-yahay Jubbaland iyo xilka Axmed Madoobe loo magacaabay.
Madaxweyne Xasan ayaa ku adkaysanaya inuu aqoonsanayo Axmed-Madoobe hadii uu Muqdisho yimaado kana soo qeyb-galo shir isaga mar 2-aad Madaxweynaha Jubbaland loogu dooranayo oo loogu xalaaleynayo xilka uu hayo,waxaana arintaasna ganafka ku dhuftay oo diiday Madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa hadda soo gaaray Hotelka uu degan-yahay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole Saraakiil ka socota Xafiiska Madaxweyne Xasan oo loo soo diray inay Faroole ka dhaa-dhiciyaan inuu dhex-dhexaadiyo kana soo qeyb-galo qado maanta uu Maadxweynaha Jubbaland u sameeynayo Madaxweyne Xasan,inkastoo sida aan xogta ku heleyno ay u badan-tahay in Wefdiga Jubbaland aysan qado-sharafeedkaas ka soo qeyb-galaynin hawshuna ay marayso barako ma leh.
Wixii ku soo kordho armaha Nairobi ka taagan isha-ku-haay xogogaalonline.com
Dagaal Ay Ka Qayb Qaadanayeen Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Lugta ee Maamulka Jubaland State iyo Ciidamada AMISOM ee Kenya oo Qabsaday Saldhig wayn oo Ay Waayadan Alshabaab Isugu Habar-Wacatay Deganka Gelaf Tiro Alshabaab ahna Indhaha Loogu shiday iyo Qal
Kismaayo(cakaaraNews) Khamiis June 06,2013.Dagaal lagu burburiyay Saldhig Ciidan oo ay Maleeshiyada Argagaxisada Alshabaab isku uruursanaysay ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya Qooqaani iyo Kismaayo oo lagu magacaabo Gelaf. Dagaalkan lagaga Guulaystay Al-shabaab oo ka sakow Qorshayaasha Amisom ee ku aadan Tirtirida Al-shabaab ayaa Qaybaha ugu muhiimsan ka ah Qorshayaasha Degdega ah ee Maamulka Jubaland State oo iyagu wacad ku maray in ay ka Suuliyaan Dhamaanba Jubooyinka iyo Gedo Argagaxisada Alshabaab.
Dagaalkan ayaa ay ka Qayb Qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Lugta loo tababaray Burburinta Argagaxisada ee Maamulka Jubaland State iyo ciidamada AMISOM ee Kenya oo isgarabsanaya ayaa Daqiiqimaha ka dhigay Saldhigii ciidamada Alshabaab iyo Maleeshiyadii Alshabaabba.
Dagaalkan Lagu qaaday Alshabaab ayaa ahaa mid culus oo aad loogu naafeeyay Alshabaab Tiro Boqol kor u dhaafaysana laga Dilay Kooxdii al shabaab halka maxaabiis Alshabaab ahna gacanta lagu soo dhigay,Waxaa gabi ahaanba la burburiyay Saldhigi Ciidanka isku uruursanayeen Maleeshiyaadka Alshabab, Waana lala wareegay saldhigii,saanadii,iyo qalabyo kale oo aad muhiim ugu ah sirdoonka jls.
Saldhigan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen Maleeshiyo alshabaab ah oo sida la sheegay ka kala yimid Deegaano kale oo ka mida Koonfurta soomaaliya kuwaasoo damacsanaa in ay Dagaal ku qaadaan Magaalada Dekada ah ee Kismaayo oo ka gadoodsanaa Maamulka JLS ee dhawaan lagu dhawaaqay,balse Sirdoonka JLS ayaa ahaa mid aad u feejigan.
warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Ciidamada Maamulka JLS ee u tababaran la dagaalanka Argagaxisada oo Wata Tababaro ciidan oo casri ah Tiradooduna dhan tahay 3000 oo askari in ay ku sii siqayaan Beerxaani oo ah Deegaanka ay Ukumuhu u yaalaan Alshabaab taasoo la rabo in Deegaanada u Dhaxeeyaa Qooqaani iyo Kismaayo, Badhaadhe iyo Kismaayo,Ilaa Buurgaabo iyo Kismaayo.ay Geed Geed u istaagi doonaan Ciidamada lugta ee la dagaalanka Argagaxisada Maamulka JLS Qorshuhuna yahay Mudo gaaban in Gabi ahaanba Jubooyinka iyo Gedo aan lagu arkin Naf Alshabaab ku abtirsata,go'aankan ay Maamulka JLS ka qaadatay Alshabaabna waa ta lagu ayidsan yahay Maamulka JLS ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmad madoobe.
Guushan wayn ee Lagu Burburiyay Maleeshiyadii Alshabaab iyo saldhigoodii waynaa ayaa Bilow ka ah Balanqaadkii Madaxweynaha JLS Sh Axmad madoobe uu ku balanqaaday inuu Gobolka Alshabaab ka Sifayn doono Xiligii Ololaha Doorashada,iyadoona Guushan ay ku soo beegantay Xili Aljazeera ay Maqaal Qurux badan ka Qortay Shirwaynihii Kismaayo,Xoghayah qaramada Midoobay kal hadlay DFS in Maamulka JLS Qaabdhismeedkiisa loo dhamaystiro laguna taageero wadahadal laguxaliyo,Senetaro Maraykan ah taageereen,Dhamaanba Caalamka ay ka socdaan Dabaaldegyada Maamulka JLS,sidoo kalana xili ay Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ay shir socda 3 maalmood ay kaga wada hadlayaan Jubooyinka iyo Sheekh Axmed madoobe iyo Gudigii farsamada shirweynihii lagu doortay Madaxweynaha JLS oo la socda ay ku sugan yihiin Kenya lana filayo wadahadalo laba dhinac ah.
Shaqaaqo Dagaal oo Ka Socda Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Maamulka Jubaland State oo maleeshiyaadkii Weerarka Gaystay Dabada Kaga Jira Duleedka Magaalada Kismaayo.
Port-Kismaio(Xogogaalonline) Waxaa maanta ka qarxay Magaalada Kismaayo Dagaal Dhexmaray Koox sumaysan oo ka duulaysay ujeedooyin kale oo Isbaaro u Dhigatay mid ka mida baabuurta ciidamada maamulka Jubaland halkaasoo ay Booliska maamulka jubaland state ay ka jawaabeen Rasaastii la huwiyay kana saareen Bartii ay isbaarada dhigteen.
Wararka ugu danbeeyay ee ku soo dhacaya xogogaalonline ayaa sheegaya in uu dagaalkii ka sii balaadhay halkii uu ku bilaabmay taasoo ahayd qorshe loo soo maleegay carqaladaynta maamulka jubaland oo ay ku soo biireen maleeshiyo lagu magacaabay isbahaysiga juba oo uu qabqable ka yahay bare hiiraaale islamarkaana ay dad lagu qiyaasay 8 qof ku dhinteen jiraana dhaawacyo.
warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo kuwii ku soo biirayba laga dhex saaray magaalada kismaayo oo duleedka magaalada kismaayo ay xabadu ka socoto.
Qorshahan ayaa xaqiijinaya qandaraaska uu bare hiiraale ka soo qaatay Dad dhabarkoodu muuqdo oo ay ka go'an tahay in Jubaland aynan cagaheeda isku taagin waligeed oo dano badan ka leh Talaabadii 1aad ee Bare hiiraale ayaa ahayd xiligii uu iska garab magacaabay maamulka Jubaland ee shirweynihii lagu doortay Madaxweyne Axmed madoobe.Talaabadan Dagaalka oo ah Tii 2aad ayaa muujinaysa in hadana la qorsheeyay in laga hortago Wadahadalada Madaxweynha Jubaland iyo Madaxweynaha DFS ku dhexmaraya Nairobi si loogu halqabsado dagaal ayaa ka Socda Kismaayo,balse Ciidamada Maamulka Jubaland State ee ku Gaashaaman Tababarada iyo qalabka casriga ah ayaanan marna u ogolaanayn in magaalada kismaayo is dhex fadhido oo ka sifaynaya Dhamaanba Qawlaysatada iyo awrkiraalayaasha Laaluushka ka soo Qaatay Alshabaab iyo Arag Ku Mulki.
Dhanka kale waxaa waayadanba ku sugnaa magaalada kismaayo hogaamiye-beeleedka isku magacaaba wasiirka gaashaandhiga muqdisho oo ay alshabaab ku jaro butaynayso balse u soo qalab qaatay carqaladaynta Kismaayo taasoo micnaheedu tahay ninkii lawga kaa guba xagashaa laga gubaa.
Maamulka Jubaland oo Dagaal Rasmi ah Ku Dhawaaqay Caawa iyo Qaswadayaasha Loogu Seeto Dheereetya Magaalada Kismaayo oo Meelna Qaban La'
Waxaa Caawa kulan degdeg ah isugu Yimid Taliska Guud ee Ciidamada Maamulka Jubaland State iyo Hogaaminta Maamulka halkaasoo ay falanqeeyeen Dibindaabyada loo maleegayo Jubalan state ee sii xoogaysanaya,Been hawaasyada Is mooday Balaga xamar looga lulay in ay Awood ku heli doonaan iyo Wasiirka gaashaandhiga DFS ee Kismaayo ka dhex aloosaya dagaalka waa siday hadalka u dhigeene iyo dulqaadka Maamulka Jubaland State oo hada gaadhay xiniinyo taaban.
Shirkan ayaa ay maamulka jubaland state ku dhawaaqeen in ay dagaal kama danbays ah ku Qaadayaan Maleeshiyo isku aruursatay xaafada shaqaalaha ee magaalada kismaayo.
Caawa waxaa magaalada la soo galiyay dhamaan cutubyo aad u tiro badan oo ka mida ciidamada Raas-Kambooni iyo kuwa dowlada, waxaana si kama dambays ah loo wada qaatay in aroornimada berito ah la weeraro dhamaan askarta maleeshiyaadka ah ee ku jira xaafadaasi,sidoo kalana isla berito in dhamaan raga is magacaabay laga dhigo qoryaha loona ogolaan doonin wixii berito ka danbeeya in aan lagu dhex arki karin magaalada kismaayo Qori aan ka ahayn ka ciidamada maamulka jubaland state.
Hal Xaaraani Nirig Xalaala ma Dhasho Ciidamada maamulka Jubaland State oo Cashar lama Ilaawaan ah u Dhigay Hindisihii Boobka iyo Xaqiraada Shacabka Jubooyinka Guud ahaana Kismaayo Ka Xoreeyay maxaabiis badan oo Ay Gurmadkii Alshabaab Ku Jirto Gacanta lagu
Kismayo(xogogaalonline)June 08,2013.Sida ay Xalay Ku Dhawaaqeen ka dib shir degdeg ah oo ay sugu yimaadeen Taliska Guud ee Ciidanka Maamulka JLS iyo Madaxweyne Kuxigeenka maamulka JLS General Fartaag waxa ay Iclaamiyeen xalayba in maanta aan wixii ka danbeeya lau murmi doonin gacan ku hayntamagaalada kismaayo qori aan ka ahayn ka ciidamada maamulka Jubaland State aanan lagu arki dooni.
Hadaba Sidii Qorshuhu ahaa Saaka waarigii ayaa weerar Saf balaadhan ah lagu Qaaday Maleeshiyaadkii Malabku Dacarta u Dhadhamay kuna Hubaysnaa Ujeedooyin badan oo laga lahaa magaalada kismaayo halkaasoo sida wararku nagu soo gaadhayaan Kabtay ma aragtayeey ama Ilaahay baa i bixiyay maanta sida laga soo weriyay mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka Iftiin Baasto.
Nin wayn oo Waa ktaliyay in lagu dagdago Dagaal sababa Dhimasho iyo Qoomamo badan ayaa Markii Dheg jalaq loo siin waayay la galay dagaal lagu hoobtay mrkaasay yidhaahdeen Hebelow Tali markaasuu Odaygii ku soo koobay Hadalkiisii "Koore oo Buuxaan Talin lahaa" waa ta ka muuqata Maanta Iftiin Baasto.
Dhanka kale Dhamaanba Xaafadaha magaalada Kismaayo oo uu maata dagaalku ka curtay XaafadaVia-Afmadow waxaa a wareegay gacan ku hayntooda Ciidamada Maamulka JLS,iyagoona Sida Warku sheegay ay Gacanta ku Dhigeen 47 ka mida Maleeshiyadii ku xadgudubtay Dastuurka Maamulka Jubaland,Hub iyo 3 nin oo ka mid ah Alshabaab halka dad lagu qiyaasay 7 ay ku afwaayeen dagaalkan Dad Sameega ah.
Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in 50 Maleeshiya oo wadatay 2 Gaari in ay isku soo dhiibtay Ciidanka Maamulka JLS eeAirporka,iyadoona laga dhigay hubkii loona taxaabay xabsiga gebi ahaana Dagaalkii uu istaagay meel kastana oo ka mida magaalada kismaayana ay taagan yihiin ciidamada maamulka JLS waxaana loo taxaabi doona Xabsi.Arintan Alshabaab ay kaga Qaybqaadanayso Dagaalada Kismaayo ayaa daba ku haysa War maalin dhawayd mudh ka soo yidhi Masar iyo saaakiil ciidamada Masar ah oo Muqdisho yimid kuwaasoo Telefishinada ku shaaciyay in Masar Dagaal ay Itoobiya ku soo Qaadi doonto ay u soo mari Doonaan Soomaalida oo ay soo Hubayn Doonaan Alshabaabna Shaadh jabhad ka dhex dagaalanta Itoobiya u soo huwin doonaan.
Dadka caqli saliimka ah iyo khubuada ku xeel-dheer falanqaynta siaasada geeska africa ayaa waayadanba walaah ka muujinayay sida ay maamulka JLS iyo DFS ugu kala fog yihiin sidii nabad waarta oo shacbka jubooyinka iyo gedo ka saarta hagardaamooyinkii ay ka dhaxleen colaadihii ahliga ahaa mid ka mida Dadka Caqli saliimka nabada jecel ayaa yidhi"Aynu Wada Hadalno Waa aynu Heshiino" balse waa la baal maray taa ayuu yidhi.
Si Kastooy ahaataba Nabadi Waa Door Wax nabad ka macaana Ma jirto waxaana haboon in Ahmiyada 1aad la siiyo Aslaaxinta Nabad waarta oo cadaaladeed kana madax banaanDano Gaara iyo Sadbursi waana mid la filayo in ay Dhaqan gasho wixii hada ka danbeeya Dagaal wiil ayaa ku dhintee Wiil kuma Dhasho,halka ay sartu ka qudhunsan tahay hadii aan la abaarin Xal waa habeenkii xalay tagay waxaase Fajac iyo amakaag noqotay in Tiro Boqol askari oo alshabaab ah Ay xalay soo xoojiyaan maleeshiyada Iftin Baasto,sidoo kalana Hebelka Fiilow uu soo siiyo amar. Nirig Xaaraani Hal xalaala ma Dhasho
Kusimaha Madaxweynaha JLS Ahna Madaxweyne Kuxigeenka JLS oo Ka Warbixiyay Cida Masuuliyadii Dagaalka Kismaayo Iska Leh
Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag ayaa waxaa uu daqiiqado ka hor la hadlay Warbaahinta Kismaayo24 waxaana uu hambaliyo u diray Ciidamada Jubbaland.
Gen Fartaag waxaa uu sheegay in Dagaalki manta dhacay qasaarihii iyo dhimashadii ka dhashay uu masuul ka yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.
wararka dhanka kismaayo ayaa sheegaya in ilaa 80 Alshabaab ah Gacanta lagu dhigay kuwaasoo xalay soo galay magaalada kismaayo.
Ha I Dilina I Badbaadiya Madaxweyne General Fartaag Waxaa Ku Hadaaqay Fidno-wade Fiqi oo Laga masaafuriyay Kismaayo.
Amarka ka soo baxay madaxweyne ku xugeenka jubaland cabdilaahi sheekh ismaacil fartaag ayaa waxaa dhaqan galiyay nabadsugida kismaayo iyo ciidanka amisom,Wafdiga hada waxaa la geeyey garoonka kismaayo sarkaal amisom u sareeya general anthony ngere ayaa xaqiijiyay in wafdiga berito wafdiga diyaarad loo saari doono magaalada muqdisho.
Generaalka ayaa sheegay in maanta Jubbaland ay guuleysatay mar hadii Caalamka ay tustay in Maleeshiyaadkii Muqdisho laga soo diray iyo Gurmadkii Alshabaab ee Wasiirka Gaashaandhiga uu horkacayey ay jebiyeen casharna loo dhigay,firxadkoodana lagu raad-joogo,wuxuuna Ciidamada ku wargeliyay in Wasiirka loo gelbiyo Garoonka Kismaayo laguna wareejiyo amaankiisa AMISOM,wuxuuna sheegay maanta Jubbaland inay heyso cadayn muujinaya in Wasiirkaan mudadii uu Kismaayo joogay uu Ciidamo iyo Alshabaab laaluush ku siinayey in colaad la huriyo,wuxuuna xusay in Wasiirka hadii la dilo ay sumcad-xumo u tahay Jubbaland,balse ay wanaagsan-tahay isagoo nool oo colaadiisii la fashiliyay inuu Jubbaland isago bad-qaba ka dhoofo dibna ugu noqdo Magaaladii laga soo diray ee Muqdisho.
kusimaha Madaxweyanaha JLS ahna Madaxweyne Kuxigeenka JLS General C/laahi Ismaaciil Fartaag ayaa dhalinyaradan kula dardaarmay in dagaal-siyaasadeed hadda loo gudbay oo maanta mar hadii Wasiirkii Muqdisho lagasoo diray la jebiyay ciidamadii uu laaluushay in la iska ilaaliyo in Caalamka aan Jubbaland loo tusin inaan nahay jabhad,balse dadka lagu soo duulay ay yihiin Shacabka Jubbaland maantana Caalamka arkayo inaan is-difaacayno,ceebna ay Wasiirka ugu filan-tahay isagoo Kismaayo fidno u yimid in colaadii uu huriyay laga horgatay.
Dhinaca kale Generaalka ayaa sheegay inaan lagu mashquulin Bare-Hiiraale oo aan weli xabad ridin,isagoo sheegay in Bare isha-midig la'yahay oo uu yahay nin xanuunsan,gurigiisana uu iska joogo,balse wuxuu wacad ku maray hadii uu xabad soo rido in isaga uu nolol ama geeri ku soo qabanayo,Magaaladdana aysan wada joogayn,balse wuxuu ciimadda Jubbaland kula dardaarmay in la iska ilaaliyo in laga farxiyo Madaxweyne Xasan Culusoow oo jec-laan-lahaa inuu arko Kismaayo oo colaad laga huriyo.
Nin La Doortay Iyo Rag Ismagacaabay Keebaa Madaxweyne Ah? Qalinkii Cabdulqaadir Nuunow
Magaalada Kismaayo waxaa ka qabsoomay shirweyne dhowr bilood socday, kaasoo ay isugu yimaadeen ergo gaareysa hal milyan, oo ka kala socday beelaha dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirkaasi ka qabsoomay magaalada Kismaayo oo ujeedadiisu ay ahayd in lagu dhiso maamul goboleed la magac baxay Jubbaland, ayaa intuu socday waxaa waxaa la ansixiyay dastuurka iyo calanka uu yeeshay maamul goboleedka Jubbaland.
Ergadii shirka fadhiday ee gaareysay halka milyan ayaa waxaa la go’aansaday in beeluhu ay iska soo xulaan 500 oo ergo, si ay u doortaan madaxdii hoggaamin lahayd Jubbaland, waxayna doorteen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo madaxweyne ah iyo Cabdullaahi Fartaag oo ku xigeenkiisa ah.
Aqlabiyadda ka soo jeeda goboladaasi waxay taageersan yihiin maamulka ay beeluhu halkaasi ku yagleeleen ee uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe. Waxaana taageeradooda laga garanayaa xafladaha ballaaran ee lagu taageerayay maamulka Jubbaland ee laga dhigay Afrika, America, Yurub, Asia iyo Australia.
Rag ismagacaabay
Maalmihii ay soo dhoweyd doorashadii madaxda Jubbaland ee kismaayo ka dhacaysay, waxaa magaaladaasi habeen madow xeebta ka soo degay Dagaal Ooge Barre Hiiraale, kaasoo watay rag hubeysan oo dhanka Muqdisho laga soo qalabeeyay, ujeedkooduna lagu sheegay inay carqalad ku sameeyaan hannaankii shirka Kismaayo ka socday.
Dagaal Ooge Barre Hiiraale awood uma uusan yeelan inuu fidno geliyo shirkii ka socday Kismaayo, balse isla maalintii ay 500-ta ee Eergo ay madaxweynaha Jubbaland u doorteen Axmed Madoobe, ku xigeenna Cabdullaahi Fartaag, ayuu isagana (Barre Hiiraale) uu isku magacaabay madaxweynaha Jubbaland.
Barre Hiiraale waxaa ka daba dhowaaqay oo sidiisa oo kale isku magacaabay madaxweynayaal rag kale oo iyaguna diiddan maamulka Jubbaland.
Caqliga Saliimka
Axmed Madoobe boqolaal Ergo ka kala socota beelaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa caleema saaratay, halka Barre iyo ragga la midka ahi ay danohooda isku magacaabeen. Sidaasi waxay ku noqonayaan nin la doortay iyo rag is magacaabay.
Dadka u saaxiibka ah caqliga saliimka ah cadaaladdana u xaqliya, lama barbar dhigi karaan Axmed Madoobaha la doortay ragga ismagacaabay, laakiin dowladda federaalka waxay miisaan isku mid ah saartay ninka boqollaalka Ergo doorteen iyo ragga keligood ismagacaabay, taasina waa cadaalad darro bareer ah oo ay madaxda dowladdu ku dhaqaaqeen.
Inkastoo dowladdu aysan door ku yeelan, markii loogu yeeray inay ka qeybgasho shirweynihii lagu dhisay Jubbaland ay ku gacanseyrtay, hadana ma ahayn inay natiijada shirweynahaasi ay iska taagto mowqif aan wax dhisayn.
Ilaa hadda waxaa la doortay madaxweynihii iyo ku xigeenkiisa, waxaa harsan qeybsiga jagooyinka golaha xukuumadda iyo maamulada ilaa heer gobol iyo degmo ee Jubbaland. Sidaasi darteed dowladda federaalka waxaa la gudboon inay ciyaarto door taageero ah oo ay u muujineyso dadka isu taagay inay wax dhisaan ee weli Kismaayo ku shirsan, taageerana u haya dowladda federaalka Soomaaliya.
Hay’ada Daryeelka iyo Dawaynta ee dadka ku waxyeeloway dagaalada sokeeya oo magaceeda Layirahdo Somalia Service for The Treatment and Rehabiliation of Torture and Trauma Survivors(SOMSTARTTS) oo baaq u diryasa DF ee Somalia iyo dowlada Jubbaland.
Marka hore Hay adda waxay u tacsiyaynaysaa eheladdiidadkii ku geeriyooday dagaalkii shalay iyo daraad ka dhacay Magaalada kismaayo. Marka xigta waxay baaq u jeedinaysaa in wixii is faham la’aan ah lagu dhameeyo wada hadal lagana dheeraado dhiig daata.
Annaga oo aad ugu mahad celinayno Madaxweyne Ahmad madoowe sida dulqaadka leh ee uu u wajahay arimaha kismaayo ka aloosan oo u dhaxeeyo dowladgaboleedka Jubbaland iyo Dowlada federalka ee Somalia, ayaan hadana waxaan ku boorinaynaa in Maamulku uu sii wado dadaalkiisa ku aadan sidii dadka dega gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay Dowlad goboleedkooda u ilaashan lahaayeen isla mar ahaantaa ay isaga ilaalin lahaayeen kuwa qaswadayaasha ah ee ka dhax abuuraya qalalaaso iyo dhiig macno darra ku daata ayagoo u adeegaya kuwa dano gaar ah leh is la mar ahaantaana sheegayana mas uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Somalia.
Talo:
Waxaan dowlada Federalka ah ee Somalia kula talinaynaa inay inta ay goori goor tahay ay la shaqeyso dowlad goboleedka Jubbalandee hadda ogal inay wada shaqayn buuxda la sameeyso dowlada federalka ah, waxaan aaminsanahay in ay ka gaabisay dowrkeedii isla mar ahaantaana ay wakhti badan ku bixisay in ay dabka kismaayo sii huriso iyadoo adeegsanaysa wada walba oo ay ku hurinay colaad iyo in uu qalalaaso ka dhaco Kismaayo si ay ugu andacooto in meeshaas aynan dowlad ka jirin si ay u hesho inay soo magacaabaan kuwa iyaga ka amarqaata.
Ururka Raaskanbooni iyo dhamaan ciidamada kale ee joogo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa hubaal ah inay juhdi badan ku bixiyeen sidii looga sifeen lahaa goboladdaas uruka Al-shabaab, sidaa daraadeed ay mudan yihiin in looga mahad celiyo howsha adaga ay dhabarka u dhigteen, balse ayan habooneyen in colaad loo abuuro.
Waxaa hubaal ah in dowladaha shisheeye aynan joogi Karin gobolada qaar hadii aysan ka haysan caawinaad dadka degan goboladaas sidaas daraadeedna aynan macquul ahayn in Kenyana layiraahdo Xamar ka amar qaado oo waxay soo magacowdo lashaqeey, Ugandana layiraahdo dadka degan xamar lashaqeey sidaas daraadeedna ay ku qasban yihiin dowladahan inay lashaqeeyaan dadka degan deegaanadaas oo dagaalka u soo galay inay ka xoreeyaan degaanadooda uruka Al-shabaab.
Gabogabo iyo Gunaanad
Naaqus: Dowlada Federalka ah hadii ay ku sii socoto wadada ay ku socoto waxay luminaysaa fursad hadda ay haysato laakiin aynan barri heleyn, tusaale hadii ay ku sii socota wadada ay hada hayso waxay ku fashilmaysaa hamigeedii ahaa inay gobolada oo dhan ay iyada hoos yimaadaan maadaama ay maarayn kari wayday 3da gobol ay Jubbaland ka koobantahay.
Faa’iido: Hadii ay aqoonsato Jubbaland State iyana waxaa u furmaya inay dowladu hesho maamulo dhisan oo iyada hoos yimaada sida Puntland, Jubbaland IWM. Sidaasa daraadeed ay ku dadaasho inay wada shaqeyn buuxda lasameyso Jubbland kaalin xoog lehna ay ka qaadato sidii ay doorkeeda uga soo bixi lahaydwixii hadda ka danbeeyo.
Mohamed Abdullahi Baaruud
Managing Director
SOMSTARTTS
Bare Hiiraale oo Si Qarsoodi ah Ugu Aruursanaya Maleeshiyo Hubaysan iyo DFS oo uga Yeedhay Xamar Tolow Waa sidee Xaalku?
Kismaio-port(xogogaalonline):- Bare Hiiraaale oo ka mid ah Dadkii Dhadhansaday Khayraadka Magaalada Dekeda ah ee Kismaayo wixii ka danbeeyay Burburkii Xukuumadii Siyaad Bare 1991 ayaa ay ka degi la'dahay in Kismaayo yeelato Maamul Cod lagu Doortay oo ka taliya waana sida uu marba u haabhaabanayo male Cusub oo Hadana noqda Dhaan dabangaale.
Bare oo Intii laga Cagaajiyay Magaalada Kismaayo wakhtiyadii Gaadhi Gaadhi Saarka ahaa ee hadba Qolo ay la wareegaysay Gacan ku haynta kismaayo ku sugnaa Magaalada nairobi ayaa uu maqlay Magaaladii kismaayo Shirweyne lagu dooranayo Madaxweynaha Jubaland iyo Gedo ayaa isagoo la ildarnaa Xanuun Malaria ah ka soo baqoolay Nairobi iskana soo xaadiriyay Muqdisho oo uu maqlay xiligaa in ay ka dayrinayeen Shirweynaha ka Socda Kismaayo,islamarkaana lagula soo taliyay in maadaama uunan awood u lahayn Dagaal uu kaga hortago in uu carqaladeeyo Natiijada Shirka ama Talaabo kasta oo ay Maamulka Jubaland loo doorto u Qaadi karaan Dhanka Horumarka.
Dhuumasho iyo Guure Habeenimo ka dib bare Hiiiraaale ayaa Gudaha u soo galay magaalada Kismaayo waana kii isna ku dhawaaqay Ana Waa i kan oo Madaxweyne ayaan ahay,ka dib markii uu Madaxweynaha Jubaland u ambabaxay Nairobi si aynan waxba ugu suurto galin ayaa uu Bare maadaama uusan isagu awood ciidan lahayn isagoo kaashanaya Fidno Fiqi ay ku maleegeen Dagaalkii 2da maalmood dhacay oo dhana laga naxo geerida ku timid reer jubaland dhana ayba faaiido u ahayd maamulka Jubaland oo ciidamadoodu isku balaadhiyeen gacan ku haynata Magaalada kismaayo.
Talo farahay ka haaday nin walbana halkuu ninka kale hayo waa la is arkay ciidamadii maryo aloolka ahaa ee loo soo abaabulay carqaladaynta Dagaalka Kismaayo Muuqaal aan loo fadhiyin ayaaba ka soo baxay oo Fajac ku noqday Caalamka,Fidno Fiqi oo Xambaarsan Dhaawacii uu Dagaalka Colaadeed ku galiyay Kismaayo ayaa ka degay Muqdisho.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaanan marna intii uu saxaafada ka hadlayay aan laga maqal maamul ku meel gaadh ah ama maamulka Jubaland State oo ah kuwii shafka u daruuray Alshabaab oo ah targedka 1aad ee soomaaliya kana hadla odoyaasha,shacabka iyo afgobaadsi kale.
Hadaba Mar hadii ay Giraantu halkaa wareegayso maxaa Soo kordhay? waa ta koobaade Bare hiiraaale oo ay Guriga uu ka degan yahay Magaalada kismaayo u joogaan sidaan warka ku helnay 11 Maleeshiyo balse ay jiraan dhalinyaro ay isku qoys yihiin oo aY magaalada guryaha qoryo u yaalaan ayaa wada abaabul uu ku aruursanayo Ciidan isagoona la shiray maanta beelihii ay colaada dagaal ku dhex martay todobaadkan magaalada kismaayo Ciiidanka maamulka jubaland state oo loo awood sheegtay lagana saaray magaalada.
Hadaba isweydiintu Waxay tahay Sidee Magaalada Kismaayo oo Ay Maamul iyo Dawlad Shacabka ka soo jeeda Jubooyinka iyo Gedo ay ku doorteen Madaxweyne,Madaxweyne kuxigeen,Dastuur iyo Calan in ay dabeecad caadi ah iska noqoto in dad ka soo horjeeda Jiritaanka maamulka Jubaland State ay hadba taagtooda isku dayaan wiiqida maamulka JLS mise waa Dimoqraadiyad Casri ah oo ay Aduunka u soo bandhigayaan Maamulka Raaskanbooni Heerka Dulqaadka iyo Samirkooda ooba ay ku fiicnaan lahaayeen Xukunka Talada DFS!!!!.
Mar hadii Maamul Sharci ah iyo Ciidanba ka jiro Jubaland Siday Qoryo aan ka ahayn Kuwa Ciidamada Jubaland State loogu Haystaa? Maxaa loogu xarayn waayay Noocyada hubka guryaha dhexdooda u yaala Dagaalka Colaadeed Bakhaarada taliska Ciidanka Maamulka Jubaland Statre?
Hashu ma masaar bay liqday maankayga Gadaye? waxaa soomaaliya khalkhal ku haya alshabaab oo isku sii balaadhinaysa Guud ahaan Soomaaliya oo laga door biday in Quutal Daruuri laga dhigto Naftood hurayaasha Alshabaab ka Xoreeyay Kismaayo iyo Hadal haynta Maamulka Jubaland State,Waxaaba ka sii Daran Amisom oo Soomaaliya u soo Gurmatay in lagu kala xigtaysto Arimaha Jubooyinka lagana soo weeciyo Indhahooda Dhanka Alshabaab oo Kenya oo Dhiigooda iyo Maalkoodaba u Huray Soomaaliya Noqoto Targetka ku xiga Kismaayo loona sii seeto dheereeyo Alshabaab Kaaf iyo Kala Dheeri oo Waxanoo Cadawtinimo loo maleegayay Waayadan Jubaland State iyo Kiniya Fursadahana loo siiyay Alshabaab Ma Masar Baa Iyana Si badheedh ah loogu aslaaxayay Saldhigyo milateri laga weeraro Itoobiya iyo Hubaynta Alshabaab? waa maxay Siyaasadan Isku Murugsan iyo Qiiq Iskuqarinta Sirinsirqaysan,Dhiilada Colaadeed ee Beelaha xawiye xaad Kuligood ma Hoosaasin Qorshyaasha loo Maleegayo Halaagida Shacabka Jubooyinka iyo Hubkii looga soo Diray Alshabaab Natiijadii ka dhalatay Saraakiishii Masar,Wasiirka Arimaha Gudaha DFS(Abdikariin Guuleed) iyo Dhabancad ee ay Sirdoonka Maamulka Jubaland State ku Guulaysteen Qabashadiisa Iyo Filanwaaga Beesha Caalamka Dibindaabyada La Maleegayo,