Quantcast
Channel: Xog Ogaal Online
Viewing all 349 articles
Browse latest View live

MUWAADIN U DHASHAY DDSI AYAA KA HIRGELIYEY MAGAALADA JIG-JIGA SUUQ LAGA DUKAAMEYSTO OO LAGU MAGACABO “HASKIN ” KUNA BAXDAY ADDUUN DHAN 5 MILYEN BIRR.

$
0
0

Tan Iyo Intii  Isbedelka Ka Hanaqaaday  Guud Ahaan Degaanka Somalida Itoobiya  Islamarkaana Bulshada U Dhalatay  Degaanka Somalida Itoobiya
Ay Fahmeen Fursadaha Kala Duwan  Ee Ka Jira DDSI  Ayaa Waxaa Soo Badanaya  Muwaadiniinta U Dhalatay  Degaanka Somalida  Ee Ka
Faideysanaysa  Fursadahaasi  Iyagoo Fududeyn  Iyo Taagero Ka Helaya Xukuumada Haatan Ka Arimisa Deganka Somalida Itoobiya .


Hadaba muwaadin Lagu Magacaabo  Xasan Faaraxa Oo Ka Mid Ah Muwaadiniinta U Dhalatay Degaanka Somalida Itoobiya  Ee Ka Timid Dalka
Dibadiisa  Gaar Ahaana Wadanka Canada Isagoona Hada Ka Hirgeliyey Magaalada Jigjiga Suuq Laga Tukaameysto Oo casri Ah  Oo Lagu Magacaabo
HASKIN .


Hadaba Suuqani Casriga Ah Ee Lagu Magacaabo HASKIN  Eemuwaadinka Lagu Magacaabo Xasan Faarax Uu Ka Hirgeliyey Magaalada Jigjiga Ayaa
Munaasibadi Xadhig Lagaga Jarayey Suuqani  Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Masuliyiin Ay Ka Mid Ahayeen Mayorka Maamulka Magalada Jigjiga
Mudane:C/Risaaq Saxane, Wasiirka Xafiiska Maalgelinta DDSI  Mudane:C/Naasir Max’ed , Wasiirka Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane: C/Bari
Macalin ,Wasiirka Xafiiska Arrimaha Dawlada Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDSI Mudane: Max’ed Guure Bisle , Wasiirka Xafiiska Kocinta & Dhisida
Iskashatooyinka DDSI Mudane: Guleed Cali Gari , Wasiirku Xigeenka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Kobcinta Maamulka DDSI Mudane: Qalbi
Axmed Jaamac Iyo Masuliyiin Kale  Oo Ay Ku Wehelinayeen Qaar Ka Mid Ah Qurbajoogta  U Dhalatay Degaanka Somalida Itoobiya.

Munasibadani Oo Ahayd Mid Si Heer Sare Losoo Agaasimay  Ayaa Ugu Horeyntii Waxaa Xadhiga Ka Jaray Mayorka Maamulka Magalada Jigjiga Mudane:C/Risaaq
Saxane. Xadhig Ka Jarista Kadib Ayaa Masuuliyiintii Kasoo Qayb GashayWaxa Ay Gudaha Usii Galen  Suuqani Laga Tukameysto Ee Lagu Magacaabo
HASKIN  Ee Muwaadinkani Qurba Jooga Ahi Ka Hirgeliyey Caasimada Jigjiga  Intaasi Kadib  Ayaa Mayorka Maamulka Magalada Jigjiga
Mudane:C/Risaaq Saxaneoo Ka Hadlay Munaasibada  Ayaa Sheegay  In Ay Tahay Arintani Mid Ku  Dayasho Mudan Islamarkaasina  Waxa Uu Ku
Amaanay Muwadinkani .


Dhanka Kale Waxaa Munaasibadasi  Ka Hadlay Wasiirka Xafiiska Maalgelinta DDSI Mudane: C/Nasir Max’ed Oo Sheegay In Xukuumada DDSI
Ay Marwalba U Taagan Tahay  Sidii Ay Muwaadininta Uga  Garab Siin Lahayd  Islamarkaasina  U Fududeyn Lahayd  Nidaamka Maalgelinta
Waxana Uu Sheegay  Wasiirku  In Muwadiniinta U Dhalatay  Degaanku Iyo Kuwa Ku Sugan Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisaba Ay U Furantahay Sidii
Ay U Maal Gashan Lahayeen  Degaankooda .



Ugu Dambeyntii  Ayaa Waxaa Ka Hadlay Mulkiilaha Suuqani  Casriga Ah Ee
HASKIN  Mudane: Xasan  Faarax Oo Sheegay In  Uu U Taagan Yahay  Sidii
Uu Uga Qaybqadanlahaa  Isbedelada Horumarineed  Ee Guud Ahaan Ka
Hanaqaaday  Degaanka Somalidda Itoobiya Isagoo Intaasi Raciyey In
Suuqan Ay Kaga Baxday Hanta Gaadhaysa 5 Milyen Br  Uuna Ka Hirgaldoono
Magalooyinka Kale Degaanka Mashariico Kala Duwan  Oo Ay Bulshadu U
Baahantahay .        Qore: Ciise Cali


Hay’ada Socdaalada u Qaabilsan QM(IOM) oo Qado-sharaf Ku Macsuuntay Madaxda DDSI.

$
0
0

Addis-Ababa(Xogogaalonline) .Wariyahayaga ku sugan magaalada Addis-ababa ayaa waxa uu soo shalwiyay warbixin ku saabsan shir shalay ka dhacay Magaalada Addis-ababa oo ay isugu yimaadeen Madaxda Afrika u Qaabilsan Laanta Socdaalada ee Qaramada Midoobay, Qurbajoog, Aqoonyahan iyo InjineeroSoomaali ah oo ka shaqeeya Dalka Soomaaliya oo kor u dhaafayay 65Qof iyo Kuxigeenka wasaaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid oo lagu macsuumay Qado-sharaf ka dhacday Hotel Saro-maria.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa mid ay Qaramada Midoobay ku doonayso wadatashi looga gol-leeyahay Nidaamka Xalinta Khilaafaadka,iskudhacyada iyo Colaadaha la soo Dersa Soomaalida Soomaaliya. Hay’ada Socdaalada Qaramada Midoobay (UNIOM) ayaa Ku Macsuuntay Qado-sharaftan Kuxigeenkii Wakaalada Qurbajoogta Todobaad ka hor loo soo badalay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI oo Maalmahan Shirar Heer-federaal ah Dhanka Caafimaadka u joogay Addis-ababa Maadaama Qurbajoogta DDSI ay Yihiin Dadka ugu horeeya Dhinac kasta Ka Qaybgalka iyo kaqaybqaadashada Hawlaha Qaran ee Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban si uu warbixin iyo Dhiirigalin u siiyo Guud ahaan Qurbajoogta gaar ahaana Qurbajoogta Saoomaalida Soomaaliya ee aynu wadaagno Luqada,Dhaqanka iyo Xuduuda Dheer si Qurbajoogta Soomaaliya ay ugaga Faaiidaysato Khibrada iyo Nidaamka ay Qurbajoogta DDSI ku hiigsadeen Natiijada Wanaagsan.

Cabdifataax Siciid Ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka DDSI ayaa Si Xeel-dheer ugu Qaadaa-dhigay Heerka waxqabadka iyo Xidhiidhka Xukuumada DDSI,DFI iyo Qurbajoogta ka soo jeeda Deegaanka ee ku nool Daafaha Dunida Gaadhsiisan yahay iyo Dadaalkii Safarada Dhaadheeraa ee ay Xukuumada oo uu Hormuud u ahaa Madaxweynaha DDSI Mudane CMC u galeen sidii loo sugi lahaa Abaabulka iyo Xidhiidhka Qurbajoogta Dhanka ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashigaba. Mudane C/fataax ayaa Sharxay in ay kaalintan kudayashada Mudan ee ay Tusaalaha ama Hormuudka ugu Noqdeen Dalka iyo Geeska Afrikaba Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobo lee uu ka kooban yahay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay lafdhabar u ahayd Madaxweynaha DDSI oo Guntaday Sidii uu Qurbajoogta 5ta Qaaradood kula soo yeelan lahaa Fagaarayaal wadatashi Guulihii iyo Midhihii ka dhashayna uu Maanta Noqday Muunada Hormuudka Kudayashada Mudan.

Warka ayaa intaa ku daraya In Kuxigeenku uu uga Waramay Qorshayaasha Furfuran Madaxweynaha DDSI uu ku hagayo Deegaanka iyo Dhanka Maalgashigaba oo Cidkasta u ogolaanaya Garabna ku siinaya Cidkasta oo Damacda in ay Deegaanka Maalgashato,islamarkaana islagoobta ugu sheegay in uu Casuumaad uga Sido Madaxweynaha DDSI in ay Soo booqdaan Deegaanka Qurbajoogtani Balse Kharashka ay Qaramada Midoobay ka bixiso. Madaxda ka soo Qaybgashay Qado-sharaftan oo ka kala socday wadamo badan ayaa kala ahaa

1. Ali Abdi UNIOM Somalia Country Director

2. Jo Rispoli UNIOM South Africa Country Director

3. Josiah Ogina UNIOM Ethiopia Chief of Mission, representative of African Union, ECA And Igad

4. Book Asmelash UNIOM Ethiopian Programme Coordinator.

5. Frantz Celestin UNIOM Program manager.

Isku soo wada Duuboo waxaa Gunaanadkii la isku afgartay In ay hay’ada Socdaalada Qaramada Midoobay(IOM) in ay Deegaanka Somalida Itoobiya ka Caawiso maalgalinta Barnaamijka ay Soomaaliya ka wado mid la mid ah oo ah sidii Aqoonyahanka iyo Qurbajoogta u Dhalatay DDSI sidii Xirfadooda iyo Dhaqaalahooda ugugu Faaiidayn lahaayeen Shacabkooda waanay ogolaadeen,sidoo kalana in IOM ay Diyaariso Kharashyadii iyo Logisticskii ay ku booqan lahaayeen DDSI>

Mayorka Maamulka Magaalada Godey oo Daboolka Ka Qaaday in ay Natiijo Wax ku oola Ka gaadheen Dhisida,Tababarida iyo Kobcinta Awooda Shirkadaha yar yar.

$
0
0

Godey(xogogaalonline)Qorshayaasha Horumarka iyo Kobaca dhaqaale ee degdega ah Dajiyeena DFI iyo XDDSI oo kala ah Qorshaha 5ta Sano GTP iyo Qorshaha Horumarinta Qarniga MDG ayaa ay faracyadooda ugu waawayni ay ka mid tahay sidii loola dagaalami lahaa Saboolnimada iyo Cunto yaraanta iyadoo Fursado shaqo iyo ilo-Dakhli loo abuurayo Dadka danyarta ah ee Deegaanka ku nool.

Wakaalada Horumarinta Shirkadaha yar-yar (Warshadaha Yar-yar)ee Deegaanka(Small Scale Enterprise) ayaa ka mida shirkadaha loo abuuray ujeedooyinka laga layeehay laga leeyahay la-dagaalanka saboolnimada,islamarkaana loogu abuurayo Fursado shaqo iyo Dhigaalba iskaashatooyinka ka jira Deegaanka iyadoona suuq loogu raadinayo waxsoosaarkooda kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa ugu waawayn waxqabadka wakaalada A-Curinta Abuurida Fursado Shaqo B-Horumarinta iyo DaraasaadkaSuuqyada waxsoosaarka Shirkadaha yaryar C-Dhisida,Tababarada iyop Kobcinta Awooda shirkadaha yaryar ee Deegaanka.

Hadaba mar uu fursad u helay wariyaha Camerada Wareegta ee Shabakada Moyorka Maamulka Magaalada Godey Mudane Kulmiye Maxamed Dool iyo Madaxa Wakaalada Horumarinta Iskaashatooyinka iyo Warshadaha yar yar Mudane Maxamed Sahal maxamed ayaa uu wax ka waydiiyay sida uu uga dhaqangalay Magaalada Godey Dhiirigalinta Shirkadaha yar-yar ee ka jira Godey si bulshada loogu abuuro Fursado shaqo iyo Ilo-Dakhli.

Madaxa Wakaalda Mudane Sahal ayaa tibaaxay in magaalada Godey ay ka abuureen barnaamij lagu dhiirigalinayo Adeega shirkadaha yar-yar taasoo loogu abuurayo Fursado shaqo iyo ilo dakhliba kana faaiideysteen in ka badan 5000 oo ruux ayuu yidhi.

Sidoo KaleMudane Maxamed Sahal ayaa carabaabay in ay natiijo fiican ka gaadheen 7da Sector ee Dhiirigalinta waxsoosaarka Shirkadaha yar-yar kuwaasoo ay ka mid yihiin A-Shirkadaha Cuntada B-Shirkada Dhirta iyo Alwaaxda C-Shirkada Beeraha D-Shirkadaha Adeega Nadaafada(Municipiality Service) E-Shirkadaha Dhismaha(Construction) F-Shirkadaha Cobble-Stoneka G-Shirkadaha Hargaha,Saamaha iyo Farshaxanka ayuu yidhi.

Mar uu masuulka ka hadlayay Sectarada ay Natiijada wanaagsan ka gaadheen ayaa uu qeexay in Maamulka magaalada Godey uu heer fiican ka gaadhay waxsoosaarka Shirkadaha yaryar ay ka kooban yihiin 4 ka mida 7da sector wallow 3da kalena bilow fiican ka jiro kana midka yihiin 1-Shirkadaha nadaafada Magaalada Godey oo ka kooban labo midkiina ay ku bahoobeen in ka badan 70 haween ah ayaa u abuuray in ka badan 2000 oo Ruux Fursado Shaqo Dhigaal ama Ilo-dakhli ah u abuuray 2-Shirkadaha Cuntada 3-Shirkadaha yar-yar ee Beeraha iyo Shirkadaha Dhirta iyo Alwaaxa ayuu yidhi.

Dhanka kale Mayorka Magaalada Godey Mudane Kulmiye Maxamed Dool ayaa Carabka ku Dhuftay kuna ladhay Warbixiintii Maxamed Sahal in ay ka mid tahay Iskaashatooyinka iyo Shirkadaha yaryar ee natiijada fiican laga gaadhay Iskaashatada Saabuunta oo Warshad soo saarta 2dii saacba 300 Xabo oo Saabuun ah kana gudbay Markii ay Dhigaal ama dakhli fiican ka heleen Fursadihii shaqo ee loo abuuray Shirkadihii yar-yaraa,taasoo xaqiijinaysa Odhaahdii uu Raysal-wasaare Meles Senawi halku-dhegna uga Dhigay Kobaca Dhaqaale ee Dalka ahaydna”Magaalooyinka Dalkeenu Waxay Noqon Doonaan Meelaha ay Ka Soo Askumaan Warshaduhu”.

Isku soo wada Duuboo Waxaa Bisha Hidar 10keeda ee Sanadkan ka bilaabmi doona Todobaadkii Tartanka magaalooyinka Dalka oo in ka badan 180 magaalo ku tartami doonaan.

 

Hotel Khadar Mise Hotel Nogob Lagu Wareerye?.

$
0
0

Jijiga(XO)kameerada Idman ee Xogaha Shacabka ee Mareegta Xogogaalonline ayaa waxaa waayadanba ku soo dhacayay Cabasho iyo Daal kala soo Dersa Xiliyada ay ku balamaan Hoteelka ugu weyn Magaalada Jigjiga ee aadka loo jecelyahay kana soo horjeeda Boosteejada ama Istaanka Baabuurta Dadweynaha ee lagu Magacaabo Manahaariyaha Jigjiga.


Dadka ayaa ka Cabanaya Magaca rasmiga ah ee Loogu yeedho ama Caanka uu ku yahay Hotelkani Mar hadii uunan Lahayn Boodh-weyn oo Ku Dhejisan Banaanka Wadada Hotelku ku Yaalo ama Albaabka ama Afaafka Laga Soo Galo taasoo Dhibaato ay kaga Timid Marka ay ku balamaan Hotelkan Xiliyada Qaar.


Labadan magac ee Isgarabsocda ee loo yaqaan Hotelkan Waa Khadar Hotel ama Hotel Nogob Garden ayaa ay Jahawareer ku noqotay Xiliyada Dhab ahaan loogu balamo Maadaama Dadka Qaar ay k tilmaamaan Hotel-Khadar Halka Dadka Qaarkiina ay ugu yeedhaan Nogob Garden Hotel Dadka aan AqoonHore u lahaynHotelkana ay Fooda Saaraan Hotel kale oo ay Boodhkiisa ku Qoran tahay Khadar Hotel Kuna Yaala Agagaarka istaanka Busaska yar-yar ee Jaamac Jiis.

kaliya Boodhka ka Dhexmuuqda Hotelkanna yahay Mulkiilaha Hotelkan Mudane Khadar oo Dhex Jooga Xili walba labac-labacna aan kaa galinayn in Magaca Rasmiga ah ee Hotelku Yahay Khadar Hotel.

Hadaba Dadweynoow Maadaama ay ka Jiraan Jigjiga laba Khadar-Hotel labauna ku agyaalaan Istaanada Baabuurta ama Busaska Dadweynaha soo durba kuuma muuqan karto in lugooyada lagala kulmo boodh-la'aanta ay khaati ka taagan yihiin Dadka iyo Hotelka markasta lagu hungoobayo.

Dabcan Qiime saa u buuran kuma baxayso samaynta Boodh Rasmi u ah Hotelka walow uu Magacan Danbe ee Nogob uu ka horeeyay Magaca Mulkiilaha Hotelka oo Bilawgiiba loo bixiyay Khadar Hotel horaa loo yidhi Been Fakatay Runi Ma Gaadho Balse waxaa sii Dheer Lugooyada.

Maamulka Magaalada Qabridahare oo Dardar Xoogan Galiyay Fursadaha Shaqo-abuurka Shacabka Dhanka Dhagaxa Qoran(Cobble-Stone).

$
0
0

Qabridahare(Xogogaalonline) .waxaa magaalada qabridahar si xawli ah uga socda Dadaalo xoogan oo ay maamulka magaalada qabridahar ugu jiraan sidii loo sii dardargalin lahaa kor uqaadida Nolosha bulshada iyo abuurida fursado shaqo si ay Qayb muhiima uga noqdaan Horumarka balaadhan ee ay xukuumadu ka wado.
Maamulka Magaalada qabridahar ayaa iyagoo ka duulaya Qorshayaasha xukuumada DDSI ee ku wajahan Dardargalinta arimaha horumarka iyo shaqo abuurka bulshada ee m/m/qbari-dahare ayaa ay si xawli ah uga dhaqaajiyeen Horumarita wadooyinka Dhagaxa Qoran la goglo iyo uga faaiidaynta Bulshada Fursadaha Shaqo loogu abuurayo.


shacabka qabridahare ayaa ka dib markii loo abuuray Fursado shaqo laguna gaashaamay aqoon iyo xirfado ay ku shaqaystaan sida Tababarada la xidhiidha barashada Qorida iyo Goglida Dhagaxa qoran(Cobble-Stone) iyadoona loo sameeyay Nidaam sharciyaysan oo iskaashatooyin loogu abuurayo taasoo wax wayn ka tartay Heerka Noloshooda iyo Dhigaalkoodaba.


Mar aanu kula xidhiidhnay mayorka Maamulka Magaalada qabridahare Maanta ayaa uu noo sheegay In Hawlaha Balaadhinta Wadooyinka ee Magaalada Qabridahare Dhexmara ay si xoogan u socdaan iyadoona ay ka faaiidaysanayaan Iskaashatooyinka Magaalada ee Dhagaxa Qoran Gogla wadooyinka(Cobble-stone).
Qandaraasyada Noocan ah ayaa ay hada ka hor Shirkado laga leeyahay Meelo ka baxsan Gobolka Qoraxay oo shaqsi leeyhay ay qaadan jireen balse hada shacabka magaalada oo tababaro la xidhiidha Qorista iyo Goglida dhagaxa Qoran wadooyinka ayaa ay xukuumadu siisay si ay Nolosha Shacabku kor ugu soo kacdo ayuu yidhi Mayorku.

IT IS GREAT HONOUR TO BE HOSTING THE NATIONS, NATIONALITIES AND PEOPLES DAY IN JIG-JIGA By: Nim’aan Abdillahi Hamarie (MP,ESRS State Assembly)

$
0
0
IT IS GREAT HONOUR TO BE HOSTING THE NATIONS, NATIONALITIES AND PEOPLES DAY IN JIG-JIGA
By: Nim’aan Abdillahi Hamarie (MP,ESRS State Assembly)

Jig-jiga, the capital of Ethiopian Somali Regional State,(and, ofcourse,my home town) a town with roughly 100 years of age, has always appeared in the history pages on much of what happened in the Eastern frontier of Ethiopia in 19th and 20th century. Being strategically located, the town served as a political and military base for Ethiopian forces to keep the European sphere of influence at bay in the early 20th century .Among major historical events to have taken place in Jig-jiga worth mentioning are; the historic meeting of Lij Eyasu-the grandson of Minilik II and young reformist emperor of Ethiopia with the East African Icon of anti-colonial struggle,Al –ustad Sayyid Mohammed Abdille Hassan(a.k.a Mad Mullah by British colonial authorities of the time) ,this meeting which resulted in cordiality between the two leaders was considered among the ruling Christian clergy as a wrong move by the emperor to forge a relationship with a Muslim statesman and as such it contributed to his immediate abdication from the throne.Jig-jiga also hosted the inception of Somali Youth league(SYL) and as the launching pad of Somali struggle for indepence from colonial powers that subsequently brought the independent Republic of Somalia. Besides witnessing the creation of Ethiopian Somali forces against repressive regimes, it had also been a decisive battle ground during Ethio-Somali war (a.k.a. The Ogaden War to many historians) of 1977.The town was also an important military base for the oppressive derg regime.

As it witnessed the grim social, economic and political injustice of past successive repressive regimes, Jig-jiga has fared better growing in fast paces after the downfall of derg two decades ago. While bearing all the glimmers and glory of the post-derg era, It has now become home to its original inhabitants who had once been expelled out of it; it is being run by its own elected government with Somali language as its official lingua franca which was once a taboo under past oppressive regimes and is seat of The Ethiopian Somali Regional State-one of the largest constituent states of The New Ethiopia, F.D.R.E.All these changes in the social, economic and political sphere are the regained rights which were denied in the past and the very just cause the Ethiopian Somalis fought for with other oppressed Ethiopian nations and nationalities who paid similar sacrifice for equality and the right to decide one’s own destiny.

All said, Jigjiga is to host another history in the making, so to speak, next Sunday, December 8th 2013;this time not the same grim reality of its past but a celebration of national day commemorating theday when nations, nationalities and peoples of Ethiopia ratified their constitution that guaranteed their right to self determination upon which they forged our new federally constituted Ethiopia .It’s a historic day that set a new era that created a level playing ground for every Ethiopian and put and end to the long running grievances and subjugation of vast majority of Ethiopian nations ,nationalities and people.

\It is great honour to have our city,Jig-jiga hosting the 8th Nations,Nationalties and peoples Day in the era when we,Ethiopian Somalis,take so much pride in our Ethiopian Identity which was once the privilege of few under past repressive régimes. WE ARE SO PROUD OF OUR ETHIOPIAN IDENTITY.
With all the preparations finalized, the people of Somali region including myself and our state government have been exerting a concerted effort in preparation to make the celebration more colorful and to welcome our compatriot nations, nationalities and peoples to Jig-jiga with commitment.

In this regard, I would like to thank the people of Jigjiga for the extra-ordinary commitment they made in keeping the peace and security along with our security forces.I would also extend my special appreciation to our State government under the leadership of our HERO,H.E. PRESIDENT ABDI MOHAMOUD OUMAR for the wonderful commitment and leadership they delivered. To be honest, President Abdi’s leadership has dramatically lifted the profile our regional state high up.

I conclude the first part of my article on the occasion of the 8th nations, nationalities and peoples day to be celebrated in Jig-jiga. Tommorow,I will post a second part under the theme” My impression on the day of Nations,Nationalties and Peoples……”Inshaallaah.Till then Nabad galiyo,good bye.

Maamulka Afdem oo ka Dib Gudoomiyihii Hore Qaylo-dhaan Ka Soo Yeedhayso.

$
0
0

Ka dib markii laga soo dalacsiiyayba Gudoomiyihii Hore ee Degmada Afdem Mudane Haadi waxaa meesha ka sii baxaya Nidaamyadii Qaabdhismeedyada Dawladeed ee ka jiray Degmada Afdem iyadoona aan weli loo magacaabin Gudoomiye Bedela Gudoomiyihii Hore ee loo soo Dalacsiiyay Heer Deegaan.


Mudo yar oo uu Degmada Afdem sii wado Maamulkeeda Gudoomiye kuxigeenkii ayaa waxaa ka dhacay Dhawr arimood oo marka loo eego Nidaamka iyo Systemka dawladeed ay ka dhaceen kuwaasoo ay ka mid yihiin 1-Gudoomiyihii maxkamada oo si aan waafaqsanayn sharciga loola macaamilooday 2-xisaabiyihii mashruuca PSNP ee Degmada oo aayar Maamulka Degmada Afdem ay ka faraxayuubiyeen Jeegii Maaliyada lacageed ee uu ku dhaqdhaqaaqo mashruuca PSNP ee Shacabka wax loogu Qabto.dhanka kale waxaa ay ilo xogogaal ah oo ka gaabsaday in aanu magacooda soo daabacno ay noo sheegeen in ka dib Bedelaadii Haadi in ay degmada ka jiraan dabaylo aafeeyay Dhamaanba Shaqaalaha haba ugu sii darnaadaan kuwii Dhanka Maaliyada ay shaqadooda la xidhiidhee isagoona Xisaabiyaha PSNP uu ugu hanjabay ka hor kala wareegidii Jeega in uu xidhiidh la lahaa Gudoomiyihii hore Mudane Maxamed oo lagu naanayso Haadi.


Mar aanu la xidhiidhnay Mid ka mida Madaxda xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI oo aanu wax ka waydiinay Dhanka Sharciga maaliyadeed iyo saxnimada Talaabadan ayaa uu isagoo ka fajacsan dhacdadan noo sheegay in aanay Awood u lahayn Maamulka Degmadu in shaqaalaha maaliyada xafiiska Beeraha u qaabilsan Dhaqdhaqaajinta Hawlaha Mashruucan PSNP in Shaqada lagala wareego iyadoon Nidaamkii sharciga ahaa ee Shaqada iyo shaqaalaha loo marin.


Dhanka kale waxaa goor dhawayd na soo gaadhay in Maamulka Gobolka Siti oo ay ku bateen Qaylada iyo dhibaatooyinka lidka ku ah Dibucurashada ka soo yeedhaya Degmada Afdem ay Kormeer iyo Qiimayn ku tageen Degmada Afdem.

Gudomiyaha Baarlamaanka DFS oo Ku Dhawaaqay Go'aanka Xil Ka Qaadista Raysalwasaare Saacid iyo Xukuumadiisii.

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlaanka Somaliya Mudane Jawaari ayaa ku dhawaaqay naatiijada codeynta loo qaaday Maanta Xukuumada Saacid. 184 Xildhibaan ayaa u codeysay inay dhacday Xukuumada Saacid Shirdoon, halka 65 mudane ay diideen xil ka qaadista raysalwasaaraha DFS.

Sidaasi ayay ku dhacday Xukuumadii Raisul Wasaare Saacid. Xukuumada Raisul Wasaare Saacid ayaa dhibaato badan dalka ka geysatay intii ay jirtay waa sida ay Baarlamaanku sheegeene , waxaana lagu xusuustaa dagaaladii dhiiga badan ku daatay ee uu Saacid ka riday Magaalada Kismaayo.

 


Maamulka Afdem oo Xafiis Hanti-dhawr Isu Bedelay.

$
0
0

Waxaynu Wada Ogsoonahay in aanu hada kahor Qoraal ku saabsan Geedi-Socodka Murugsan ee Haanaanka Shaqo Maamulka Xusul Duubka ugu jira Marin Habaabinta Nidaamkii Dibucurashada iyo ka midho-dhalinta Hindisayaasha Horumarineed ee DEGMADA AFDEM.


Taliyaha Booliska Degmada Afdem ayaa Isagu ah aalada loo adeegsado Hadba falalka Qayaxan ee ka hor imaanaya Nidaamka Saraynta Shaciga iyo Xuquuqda Qofka isagoona Hada Ka hor Gudomiyihii Maxkamada Degmada Been Abuur ba'an oo Dano Shaqsiyadeed Huwanaa Ku soo oogay.


Gudoomiyaha Kumeeelgaadhka ah ee Degmada ayaa Sida uu Shaqsi ka agdhaw oo naga codsaday in aanu magaciisa sheegno ayaa noo sheegay in Xisaabiyaha PSNP ay Goorahanba Xurguf ka baxsan Nidaamka Shaqada soo kala Dhexgashay ka dib Guurkiisii taasoo sababtay in Xabsiga loo taxaabo.


Talaabadanoo Dhamaanba Lid ku ah Nidaamka Shaqada iyo Shaqaalaha loo maro walow laga soo weriyay in uu Gudoomiyuhu lahaa Anigaa Meeshan hanti-dhawr iyo Maxkamadba ka ah kol hadan haysto taliyaha Booliska Degmada Afdem oo ii dhega Nugul Fiiladuna iigu xidhan tahay meelo kale Nuxurka ayaa waxa uu u dhacayaa Baroortu Orgiga Ka Wayn.


Dhanka kale sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi waxaa Meesha Aktarka Indho-sarcaadka uguwayn ka ah oo Qiiqa isku qarinaya Madaxa maaliyada Degmada oo Horay Meelo badan oo ay Edaymo ka soo raaceen ka soo shaqeeyay.

Fanaanadii Qarniga Nimco-Wadani(Dareen) oo Ka Soo Degtay Bole-Airport Addis-ababa.

$
0
0

Waxaa Hubaala in aynu Nimco-Wadani(Dareen) ku wada Xasuusan karno Socdaaadii Dhaadheeraa ee ay Qaar ka mida Gobolada Deegaanka ku soo martay Sida UBBO-Quusis iyo Socdaalkii jarar kana Qaadanaysay Door aad u xiiso badnaa oo ay ku Guubaabinaysay Dhamaanba Qaybaha Shacabka ka Qaybqaadashada Horumarka iyo Ku Gacan siinta Wiilashooda halyeeyada Geesiyiinta ah ee Waysada u Dhaansaday dabargoynta Qawlaysatadii Duur-joogta ahayd UBBO ee ay Daqiiqimaha ka Dhigeen kana dabar-jareen Guud ahaan gayiga Soomaalida Itoobiya.


Hadaba waxaa ay Nimco-wadani oo ka soo Duushay Xalay Dubai ay Maalmaha Fooda Inagu soo haysa ku soo fool leedahay Magaalada Jigjiga si ay Xuska Hidar 29 uga Qaybqaadato iyadona salaan kal iyo laaba Hawada ugu soo Dirtay Xukuumada,Qaybaha Shcabka iyo Kooxda Liyuu-Band oo Ka Mida Ruuxdayda ayay Tidhi.

Deg-Deg: Rijmantiga 10aad oo Hawl-galkii Sifaynta Qorofyada Daakhato Indhaha Ugu Shiday Cabdi-Caassi oo Ay UBBO u Taqaanay Cabdi-Cissi.

$
0
0

Waxaa Goor Dhawayd uu taliyaha Rijmantiga 10aad ee Ciidanka Geesiyiinta Liyuu-police ee ku sugan Qorfyada Daakhato uu Noo Xaqiijiyay in ay Indhaha u shideen Shiftay Cabdi Caasi oo ay UBBO u taqaanay Cabdi-Cisi gacantana lagu dhigay Qaar kale iyo Document ay waayadanba kula dhuumanayeen Qorofyada iyo laagaha Daakhato.


Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay waayadanba ay hawlgal balaadhan oo lagaga Sifaynayay Dhawr naf la caari ahaa oo ka hadhay Qawlaysatadii Gabaabsatay ee UBBO Mudo Bilooyin ah ku dhuumaalaysanayay Laagaha Daakhato ka Dib markii ay Waayeen afaaf ama suryo ay kaga firdhadaan.


Shacabka oo waayadan Dnbe ka raystay Hagardaamooyinkii UBBO Dibna u kash-kaashtay Aqaladoodii iyo Nolol Xasiloon oo Bidhaamisay Horumar dawladeed oo bartooda ugu yimaada ayaa Markii ay arkeen Dhawr UBBO ah oo ka soo hadhay Jabkii Been-quutayaashii oo ku dhuumaalaysanayay Qorofyada laagaha Daakhato ayaa ay Rijmantiga 10aad ee Ciidanka Geesiyiinta Liyuupolice ku soo wargaliyeen halkaasoo Buraashada ay u dhaansadeen.


Ciidanka Rijmantiga 10aad ee Ciidanka Salka u Dhigay nabadii Sirinsirqowday Beri ayaa ay hawlgalkii Sifaynta Qorofyada Daakhato ay Gosha lagu magacaabo WALEENSI Indhaha ugu shideen Maanta UBBO Cabdi-Caasi oo ay UBBO ugu Yeedhi Jirtay Cabdi-Cissi oo ahaa Nin Gumaad,Kufsi ba'an,Dhac iyo Boob ka gaystay Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaana Gobolada Faafan iyo NOgob.


Isku Soo Wada Duuboo Cabdi-Caasi oo Waayadan Damacsanaa Mar Hadii UBBO gabalkeedii Dumay in uu tabtaysto Dhul-jiifnimo iyo Dhaca Shacabka ayaa ay ku Haleeshay Gosha Waleensi ee Laagta Daakhato Xabada Shiishkeeda la Hubo ee Xaq u Dirirka Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-Police.
Wixii warar dheeri ah ee ka soo kordha,Sawirkiisa iyo Documentiyada laga helayba Dib kala soco.


UBBO Jabaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay.UBBO La Gunaanadyeeeeeeeeeeeeey UBBO Dawarsataaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay.
Guuuul Ciidamada Geesiyiinta ah ee Dabar Jaray UBBO.


Bilooyin kana mid ahaayeen Maleeshiyaadkii UBBO wardegdeg rijmantiga 10aad oo hawlgal deg daakhato iyo faafan ayaa maanta indha ugu shideen cabdi caasi oo ay ubbo u taqaano cabdi cisi goobta sawirkiisii iyo faahfaahin dheeiya

Lagu Wada Kulan Xuskii 8aad ee Maalinta owmiyadaha iyo Shucuubta DFI oo Maanta Si Qarameed Loogu Wada Maqsuuday oo Maanta Ka Dhacay Fagaaaha Garoonka Kubada Cagta.

$
0
0

Jigjiga(xogogaalonline).Waxaa Maanta Si aan la Qiyaasi karin Shucuurteeda Uga Dhacay garoonka Kubada Cagta ee magaalada Jigjiga Xuskii 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Sinaanta Walaalnimo ee Shucuubta Dalka Itoobiya(Hidar 29).


Munaasabaan ayaa a Ka Soo Qaybgaleen Dhanka DFI raysal-wasaaraha DFI Mudane haile-mariam Desalegn,Afhayeenka Aqalka Shacabka DFI Mudane Abadula Gamade,Afhayeenka Aqalka Federationka Mudane Kase T/burhan,Madaxweynayaasha 9ka Deegaan,Afhayeenada Baarlamaanka 9ka Deegaan,Madaxda Ciidamada Qaranka,Wasiiro Heer Federal ah iyo Qaybaha Dhanka Dhamaana 85ka Qowmiyadood ee Ku Midoobay Midnimo-isjacayl ku wada Wadaagida Xeedhada Dhextaal oo ah DFI.


Dhanka Dawladaha Igad Waxaa Ka soo Qaybgalay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Juus,Wafti ka socday Koonfurta Sudan,Wasiirka Wasaarada warfaafinta DFS Mudane C/laahi Ciilmooge Afhayenka Baarlamaanka dawlada Rwanda marwo,Madxweynaha Puntland Mudane Maxamed Faroole,Madaxweynaha Jubaland Mudane Sheekh Axmed Madoobe,Madaxweynaha Somali-Land Mudane Axmed Siilaanyo.


Dhanka Beesha Caalamka Waxaa ka soo Qaybgalay Ururka Midowga Yurub,QM,Midowga Afrika,Safaarado iyo Diplomaasiyiin Kale.
Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn raysal-wasaaraha DFI,Afhayeenada labada Aqal ee DFI,Madxweynaha jabuuti,Wakiilada iyo Madaxda Dalalka Igad.Beesha Caalamka,Diplomaasiyiinta Safaaradaha,Madaxweynayaasha Deegaanada iyo Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya ee ka Soo aybgashay Munaasabadan Salaan Kaliyo Laaba u Gudbiyay Ugana Mahadceliyay ka sooqaybgalka Munaasabadan Waajibka Qarameed ah.
Madaxweynaha ayaa Si Xeeldheer ugaga faalooday Sooyaalkii Taariikheed ee uu Deegaanku Soo maray,Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee ay ka heleen Shacabka Soomaalida Itoobiya Dhaxalka Dastuurka ka Askumay Halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF Xukunka kaga Tuureen kaligii-Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu iyadoona uu Madaxweynuhu ka soo Jeediyay Khudbad taariikhi ah oo Ka soo Duxday Isbarbardhiga Farqiga u Dhaxeeya Itoobiyadii Shalay ee Shuuciga,Dhiig-miiradka iyo Gumaadka Cadaadiska Dibu-dhaceed Huwanaa iyo Iftiinka Dimoqraadiyadeed ee ka Curtay halgankii EPRDF Yididiilada lagu Hilmaamay Diiftii Shalay.

Sidoo Kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiay dadaalkii dheeraa ee looGalay Sugida Amniga Deegaanka oo ay Jalaafo ku ahaayeen Duulkii Awrkiraalayaasha u ahaa Asmara UBBO Dal iyo Dibadna laga Suuliyay.
Madaxweynaha ayaa Si Qotodheer uga Faalooday Heerka Kaabayaasha Dhaqaale,Adeegyada aasaasiga ah iyoKobaca Dhaqaale ee Deegaanku Marayo Tusaalana u soo Qaatay in Xiligii Dhergiga Deegaanku ahaa Xeryo Milatari oo aynan ka Jirin Waxbarasho iyo Caafimaadba Wakhti xaadirkana Maasheeyeen Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka.
Munaasabadan ayaa Si aan La Filayn loo soo Agaasimay iyadoona ay tahay markii ugu horaysay ee Martidii ugu badnayd tan iyo intii Dalka lagu xusay ay ka soo qaybgalaan taasoo ay ka marag kaceen Dhamaanba Madaxda DFI ugu saraysa uguna Horeeyo Raysal-wasaare haile Maram oo Uagaga mahadceliyay Xukuumada DDSI iyo Shacabkeedu Sida Qarameed,hawl-karnimada leh ee ay uga soo Dhalaaleen u Diyaargaawgii Xuskan Maalinta Hidar 29.
raysalwasaaraha ayaa Qiray isbedelada Xawliga ah ee Mudo yar ay k talaabsatay Xukuumada DDSI,Dhaqanka iyo Taariikhda Wanaagsan ee Shacabka Deegaanka,Doorka Soomaalida Itoobiya ay ka Qaadato Qorshayaasha HeerQaran iyo Sida Muga wayn ee ay Maanta Walaalahooda ka kooban 85ka Qowmiyadood ugu Hagar baxeen Taasooy Shacabka iyo Xukuumada DDSI ay ku Muujiyeen Itoobiyaanimadooda.

Xuseen Cabdi Xalane oo Loo Magacaabay raysal-wasaraha Cusub ee DFS

$
0
0

War naga soo gaadhay dhanka muqdisho ayaa sheegaya in Xuseen Cabdi Xalane saacadaha soo socda loo magacaabayo Raisul-Wasaaraha cusub ee Dawlada Federalka Soomaaliya.
Xalane oo aqoonyahan Aad loo hadalhayay ayaa ah aqoonyahan xiriir wanaagsan la leh dalal ka dariska ah iyo ururka qaramada midoobay waxaana lagu wadaa in xariirka dawladaha dariska iyo Dawlada Federalka Soomaaliya uu Dib u soo Noolayn doono.

Waxii soo cusbaanaaada dib kala soco waana suuragal inay wax isbaddalaan

Baroordiiq Loo Sameeyay Nelson Mandela oo Dhamaan Madaxweynayaasha Aduunku Ka Soo Qaybgaleen

$
0
0

Johannesburg (Xogogaalonline)Illaa boqolaal kun oo qof ayaa isugu tagay garoonka ciyaaraha ee FNB ee duleedka magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadda SOWETO Baroordiiqda Nelson Mandela.

Waxaa Sida Muuqata aaska-Qarniga ee lagu maamuusayo Nelson Mandela Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo sedex madaxweyne oo hore dalkaasi u soo maray, ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb-galaysa sidoo kale, illaa ku dhawaad 40 madaxweynayaasha Daalka Afrika ayaa ka qaygali doona.

Wuxuu noqonayaa aaskii Qaran ee adduunka ugu weynaa kadib dhimashadii madaxweynihii hore ee Maraykanka JF kennedy 1963-dii iyo Winston Chachil Ra’isulwasaarihii Britain 1965tii

Munaasabadan Baroordiiqda ah ee Geeridii Nelson Mandela oo La aasi doono Dec 15keeda ayaa ay ka hadleen Madaxweyneyaasha madaxweynaha Cuba Raul Castro, madaxweynaha Brazil, iyo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Obama ayaa salaamay Raul Castro oo ay si weyn col u yihiin, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysey oo ay kulmaan labbo madaxweyne oo Maraykanka iyo Cuba ah, waxaana la fahamsanyahay in talaabadani Obama uu kaga dayanayo Mandela oo la saaxiibey cadawgiisii ugu weynaa FW De Klerk oo isaga xabsiga ku hayay muddo 27 sanno ahayd.

Sidoo kale Waxaa munaasabadda wada joogey madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Britain Tony Blair, kuwaasi oo cadawtooyo baddan isu haya, islamarkaasina aanan is arki karin, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysey oo ay sidan isugu soo dhawaadaan.

Ka sokoow baroordiiqdani illaa iyo 54 munaasabadood oo kale ayaa Koonfur Afrika ka dhacaya, sida uu sheegey xisbiga ANC ee talada haya, si dhamaan dadka ay fursad ugu helaan in ay xusaan Mandela.

Habeen hore sawirka Mandela oo laga dhigey if iyo bikaac ayaa lagu shidey buurta weyn ee Table Mountain ee magaalada Cape Town, sawirkaasi oo ay dadka oo dhan arkayeen meelo kala duwan oo Cape Town ka mid ah.

Arrintani waxa ay astaan ka tahay sida Mandela uu oga dhex kaahayo nolosha Koonfur Afrika iyo adduunkaba.

15-ka bishani ayaa lagu aasi doonaa magaalada Qunu ee gobolka Eastern Cape, dowlada South Afrika ayaa waxa ay madaxda adduunka ka dalabtay in aysan ka qeybgalin aaskaasi maadaamaa magaaladasi ay tahay mid aad u yar oo aanan dadka wada qaadi karin.

 

Jaaliyadda DDSI ee ku nool Puntland, Somalia, oo u dabaaldegay Xuska 8,aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shacuubaha Dalkeena ethiopia Hidar 29.

$
0
0

Boosaaso(xogogaalonline) Jaaliyadda Midnimada Bulshada Somalida Ethiopia ESSUC ee Xarunteedu tahay Magalada Boosaso ee Maamulka Puntland ayaa soo Qabanqabisay Munaasabad aad u wayn oo ay ka soo qeybgaleen marti ka socotay Qowmiyadaha kala duwan Ethiopia ee haatan ku nool Magaaladaas,ururada bulshada Maamulka Puntland iyo Martisharaf kalae,

Xafladan oo Loogu Damaashaadayay Xuska Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta Reer Itoobiya Hidar 29 ayaa waxaa lagu soo bandhigay Bandhig faneed Xiiso badan oo ka hadlayey Horumarka iyo Isbadelka loo riyaaqay ee uu ku talaabsaday DDSI sanidihii u danbeeyay.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Dawlada hoose ee Magaalada Boosaso ayaa sidoo kale lagu casumay Ururada bulshada ee Puntland waxayna dhamaan Hambalyo iyo Bogaadin u direen Hogaanka & Shacabka DDSI ee Markii ugu horeysay Marti Galiyay Xuska Qowmiyadaha & Shacuubaha Ethiopia Isla markaana Jigjiga Noqotay Caasimad Nabad, Bilic iyo Jawi macaan ku soortay Martidii faraha badneyd e Xuska u timi.

Jaaliyadda Somalida Ethiopia ayaa Goobta Xaflada ku soo bandhigtay Hidaha iyo Dhaqankooda waxeyna la kaceen Dhaantoyin ay aad uga wada heleen ka Qaybgalayaashii xafladda,C/xakiin Maxed Ibrahim oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida Ethiopia ee Puntland oo magaceeda loo soo gaabiyo ESSUC ayaa Qudbadiisa ku muujiyay Sida ay Jaaliyad ahaan ugu qanacsanyihiin Waxqabadka iyo Horumarka DDSI uu u Horseeday Maamulka suuban,.

Isagoo ku hadlaya magaca guud ee Jaaliyad wuxuu Hambalyo Ku aadan Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Sacuubaha Ethiopia u diray Guud ahaan Dawladda iyo dadweynaha Ethiopia. Inta badan hadalad laga soo jeedinayay Munaasabadaas ayaa u dhignaa in Midnimada ethiopia ay tahay Muqadas, isla markaana Dastuurku yahay Dhaxlka wada-noolaanshaha,sinaanta iyo Sugida Xuquuqaha Qowmiyadaha.

Xaawo Abdi oo ku hadashay Magaca Dallada Haweenka DDSI ee ku sugan PL ayaa sheegtay inay si weyn ula dhacsanyihiin Guulaha Horumarka ah ee ay ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay xukuumada DDSI, ayadoo dareen suugaaneed ku muujisay Sida ay ugu faraxsanyihiin Ka qeyb-galka Munaasabadaas & Xuskii weynaa 29-hidheer sida wanaagsan uga dhacay Magaalada Jigjiga ee ay isugu yimaadeen Wadamada Deriska,Beesha Calamka,9ka Deegaan iyo Raysalwasaaraha DFI Mudane Haile mariam Desalegn sidoo kalaqna carabka ku dhufatay Xidhiidhka iyo Iskaashiga Wanaagsan ee DDSI iyo Puntland ka Dhaxeeya Ardayda Puntland ay Wax ugu Bartaan DDSI.

Sidoo kale Xaawo Abdi  ayaa sheegtay inay si weyn ula dhacsanyihiin Guulaha iyo Isbedelada Muuqda ee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay Dhanka Horumarka Maasheeyeey ka Sakow Jigjiga Dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka,Maamulka Suuban ee ka taabogalayHorumarka ah ee DDSI, ayadoo dareen suugaaneed k muujisay Sida ay ugu faraxsanyihiin Ka qeyb galka Munaasabadaas & Xuskii weynaa 29-hidheer sida wanaagsan uga dhacay Jigjiga.


Germalka Xaflad Lagu Taageeray Xuskii Qowmiyadaha Shucuubta Itoobiya Jigjiga lagu Qabtay Wasiirka Xafiiska Arimaha Bulshada DFI oo ka Qeybgalay

$
0
0

Germany(xogogaalonline).Xaflad Siweyn loo soo Agaasimay kana soo Qaybgaleen Boqolaal isugu jiray Madaxda Safaarada DFI,Jaaliyada Germany,Martisharaf iyo Dhamaan Qaybaha Shacabka Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ayaa Ka dhacday Cariga Germalka gaar ahaan Magaalada Frankfort.

Ujeedada looga gol-lahaa Xafladan ayaa ahayd Munaasabad balaahan oo lagu Taageerayay Munaasabadii Taariikhda Dahabiga ah u ahayd Xukuumada DDSI iyo Shacabweynaheeda oo Wadajir iyo Iskaashi Mug wayn lagu Xusay Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya 29 Bisha Hidhaar Xafladaasoo lagu Qabtay Caasimada Dowlada Deegaanka Somalida Itoobiya Ee Magaalada Jigjiga kana soo qaybgaleen.

Dhanka DFI Rasul-Wasaaraha Itoobiya Mudane helemariam Desalegn,Afhayeenka Aqalka Shacabka DFI Mudane Abadula Gamade,Afhayeenka Aqalka-Federationka Mudane Kase T/burhan, Madaxweynahajabuuti,Afhayeenada Baarlamaanada Kenya iyo Uganda,Safaaradaha,Diplomaasiin,Madaxwey-nayaasha 9ka Deegaan, Afhayeenada Baarlamaanka 9ka Deegaan,Madaxda Ciidamada Qaranka,Wasiiro Heer Federal ah iyo Qaybaha Dhanka Dhamaana 85ka Qowmiyadood.

Dhanka Dawladaha Igad Waxaa Ka soo Qaybgalay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Juus,Wafti ka socday Koonfurta Sudan,Wasiirka Wasaarada warfaafinta DFS Mudane C/laahi Ciilmooge Afhayenka Baarlamaanka dawlada Rwanda marwo,Madxweynaha Puntland Mudane Maxamed Faroole,Madaxweynaha Jubaland Mudane Sheekh Axmed Madoobe,Madaxweynaha Somali-Land Mudane Axmed Siilaanyo.

Xafladan oo Ka dhacday Shalay Dalka Germalka Siiba Magaalada Frankfort Ayaa lagu Qabtay Holka Shirarka Qunsuliyada Itoobiya ku leedahay Frankfort iyadoona ay Xaflada ka soo Qeybgaleen Dhamaan Jaaliyadda Qurbajoogta Itoobiya Xaflada Ayaa soo Agaasiamay Jaaliyadda DDSI Ee Germalka Waxaa Xusid Mdan in Munaasabadan ay kala qaybgaleen Madax Sar-sare oo ka mida Wasiirada DDSI ugu jira Heer Federal kana mid ahaa Wasiirka Arrimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax Sheekh Cabdulaahi iyo Qunsulka Itoobiya u Fadhiya Germalka Frankfort Mudane Mulugets Zewdie Michael iyo Jaaliyadaha Ka soo Jeeda Itoobiya Ee Ku Dhaqan Germalka.

Wasiirka Arrimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax Sheekh Cabdulaahi Ayaa ugu horayn Salaan iyo Mahadnaq u soo jeediayay Dhamaanba Qowmiyadaha ka soo qaybgalay Xafladan sheegayna in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka Munaasabadan Dhamaanba Qowmiyaduhu u dhan yihiin iyo Qunsuliyadaba isagoona Warbixin dheer ka siiyay Guud ahaan warbixinta Horumarka DFI iyo Deegaankaba.

Jaaliyadaha iyo QurbajoogtaQowmiyadaha Itoobiya Ee Ku Dhaqan Germalka Ayaa waxey Su’aalo weydiyeen Wasiirka Arrimaha Bulshada DFI Mudane C/fataax Sheekh Cabdulaahi Ayaa kaga Warbixiyay in uu wadanka Itoobiya Hormar Taabo galay oo xawli uu Ku Socda in uu Ka hirgalay guud Ahaan Itoobiya oo dhan Waxaa Kaloo ka hadlay C:rashiid Shariif iyo Axmed ugaas Xasan Xaali iyo Marti Sharaf kale oo lagu Marti Qaaday Xaflada Xuska Qowmiyadaha Shucuubta Itoobiya oo lagu Taageeray Sanadkan Sida Quruxda Badan ay u Marti Galisay DDSI oo Si Sharaf leh Ku Soo Dhamaatay.

Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya oo Durba Kaga Shanqadhiyay Awoodooda Waxqabad.

$
0
0

Mareeyaha Ururka Horumarinta Somalida Itoobiiya Mudane: C/Kuus C/Laahi Salebaan oo Wax aan bil dhamayn hayay Xilka ururka Ayaa Sheegay In Ururku Uu Wakhti Xaadirkan Gacanta Ku Hayo Hawlo Kor Loogu Qaadayo Horumarinta Aas-Aasiga Ah Ee Shacabka Degaanka.

Sidoo kale C/kuus Ururka Horumarinta Somalida Itoobiya Oo Ka Duulaya Qorshaayasha U Yaala Ee dhanka Horumarinta Bulshada Degaanka si loo kobciyo helida adeegyada ay u baahan yihin Gaar Ahaan Dhinacyada Adeegyada Aas-Aasiga Sida Dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha Koru Qaadida Dhaqaalaha Iyo Waxsoosaarka. Xafiiskan Ayaa Waxa Uu Helida Adeega Biyaha Nadiifta Ah Gaadhsiiyey Sida uu Maareeyuhu sheegayTulooyin Ku Yaala Agagaarka Magaalada Jigjiga Ee ay ku fiday Magaalada Jigjiga kuwaasoo a ka mid yihiin Tuulada Dude-Hidi Oo Hada Ka Mid Ah Xaafada 11aad ee Maamulka Magaalada Jigjiga.

C/kuus ayaa tibaaxay in ay Shacabka ku dhaqan Cidhifyada Caasimada Deegaanka ay u sameeyeen Goobo la dhigay 15 Haamaha waawayn ee kaydka Biyaha ah islamarkaana saacad kasta ay ka heli karaan Helida iyo Nadiif ah si ay uga raystaan Dhibaatooyinkii Biyo la'aaneed.

Dhanka Kale Shacabka La Gaadhsiiyey Biyaha Nadiifta Ah Ayaa Bogaadiyey Talaabadani Lagu Soo Gaadhsiiyey Iyagoo Sheegay In Ay Aad Ugu Faraxsanyihiin.

Sdioo Kale Ururka Horumarinta Somalida Itoobiiya Oo Kaashanaya Shacabka Ayaa Waxa Uu ka wada Mashruuc Dhismo Oo Lagu Balaadhinayo Dugsiga Hoose/ Dhexe Ee Wiil-Waal oo lagu darayo 4Fasal ayaa si loo badbaadiyo Kharashkii Badnaa ee ku bixi lahaa aanu ku wadnaa Is-taageersiga Xooga Shacabka iyo UHSI ayaa uu Yidhi.

Isku soo wada Duuboo Urukani Oo La Aasaasay Sanadkii 2012 E.C Ayaa Waxa ay xubnihiisu caga-cagaynayaan ilaa 140,000 Oo Xubnood Iyadoo Ay Ururkan U Qorshaysantahay In Magalooyinka Jig-Jiga,Qabridahar Iyo Shiniile Uuka Dhiso Guryaha Wadarta Isa-Saran Ee Loo Yaqaano “Real Estate” Si Korloogu Qaado Bilicda Magalooyinka Islamarkaana Shacabka Ku Dhaqan Magaloyinkasi Loogu Fidiyo Adeega Guriyaynta .

Xawliga Fiditaanka magaalada Jigjiga iyo Faraqyada Afka Soo Saaray Magaalada

$
0
0

Xawliga Fiditaanka magaalada Jigjiga iyo Faraqyada Afka Soo Saaray Magaalada
Waxaan la iska indhsaabi karin in ay Magaalada Jigjiga Si xawli ah ugu sii fidayso Tuulooyinkii ku xayn-daabnaan jiray ee looga Caraabi jiray kuwaasoo badankoodii Nogdeen Xaafado ka Tirsan magaalada Jigjiga Sida Dude-Hiddi oo Dhanka Waqooyi-Gaalbeed ka xigtay, iyadoona Dhanka bariga ayaa ay Magaaladii sii Haabanayso Tuuladii Xoodhley kana Dhaadhaceen Dhismayaasha Binadu Buurtii Garab-case, iyo Meelo.


Sidoo kale Magaalada Jigjiga marka looga baxayo Dhanka Waqooyiga ee ay ku taalo Waadada tagta Degmada Awbare ayaa ay Magaaladu sii Caga-cagaynaysaa Tuuladii Hore loo Odhan Jiray Qoor-dheere iyo Gidhibka Ama Biyo-xidheenka.


hadaba Waxaynu wada Ogsoonahay in Dhanka Galbeedka magaalada Jigjiga ee Dhanka Qorax u Dhaca oo ay Caqabad ku ahayd Fiditaanka magaalada Jigjiga Xeradii Ciidanka Qaranka oo ay XukuumadaDDSI magdhaw ka Bixisay kuna Guulaysatay in Ciidanka laga raro magaalada Gudaheeda ayaa ay hal mar Cudhka Goosteen Dhismayaal Cusub oo Keeb la yuurur ahaa Xiligii Xeryaha Ciidanku kala Xayndaabeen Fiditaanka magaalada islamarna ay wax aan 2bo sano ka badnayn Magaalada Jigjiga Dhanka Galbeedka ay Afka Saartay Buurta Kaara=Mardha Walow ay Cabsi Badan iyo Deyro ka Qabaan Qaar ka Mida Shacabku Jeex-jeexyada Dhulka ee Duleedka Xaafada 8aad.


Sida warku nagu soo Gaadhay Shacabka xaafada 8aad ee Magaalada Jigjiga ayaa wal-wal ka Qaba in ay Saamayn ba'an kala kulmaan Jeex-jeexyada iyo faraqyada ka soo farcamay Buurta Kaara-mardha ee ay Roobabku Sameeyeen wax kala Tacaalana aysan Jirin.
Mar aanu wax ka waydiinay dad khuburo ku ah Dhanka dabeecada Dhulka iyo Cimilada ayaa ay noo xaqiijiyeen In ay saamayn xoogan ku yeelan karto Magaalada hadii aan la Cayni Qaban inta Wakhtiga la haysto si aynan Jigjiga Dhexdeeda uga Dilaacin Tog Baaxad wayn oo GalaaftaMaster-Planka iyo Shacabka magaalada.


Khabiirkan ayaa raaciyay in Xafiiska Beeraha DDSI ay Xiliyo kala Duduwan isku dayeen waka qabashada Fiditaanka Jeex-jeexyada iyo faraqyada ka dhasha Roobka kana soo Farcama Buurta kaara-mardha walow ay jiraan Asbaabo kale oo aan laga Baaraan dagin xiligii la isku dayay caabinta iyo Joojinta iditaanka farqyada kuwaasoo ah sidan.


Markii Gurmadka looGalay Sidii loo Hakin lahaa farqyada iyo Jeexyada Roobka ka dhasha sii fiditaankooda ayaa ay waaxda Xafiiska Beeraha u Qaabilsan ee MERIT ka sameeyeen in laagaha Dhexdooda lagu sameeyo Dhagaxaan isku Dulsaran sida Lakabyada lehn Qaabka jaranjarada si aynan Hoos ugu Qodin Biyuhu Dhulka Balse Meesha lama soo Dhigan in ay Dhinacyada laagaha ka sii fidi karaan

ilo xogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in xukuumadu ay Miisaaniyado badn u qabtay sidii loo Joojin lahaa faraqyada Jirtayna in hada ka hor Mashruuca Merit Dhir badan lku beeray Buurta Kara-Mardha iyo Agagaarkeeda taasoo looga Gol lahaa hakinta Biyaha ka soo Rogmada Buurta Balse aynan Hada ku oolin wax Geed ah Isweydiintuse waxa a tahay "Xagay Geedihii Ku danbeeyeen"Way Cadahay waa la Dayacay xanaanaynta Geedahaas iyadoona loo cuskan karo 3 asbaabood in ay sababeen.


A-Waxaa laga yaabaa in xiligii la beeray Geedahan aynan xili roobaad ahayn ka dibna waraabintooda iyo xanaanayntii Dhirtan lagu abqaalay Burta kara-mardha aan xil la iska saarin
B-Shirkadaha warshadaha yar-yar ee Rigaaxa Dhagaxa ee Agagaarka Buurta laga sameeyay oo Dhabayaal Baabuurta iyo lugta Dadka ka samaystay.
C-Xoolha oo aan laga ilaalin Bixitaankii Dhirta.

Raashinadii Caawimada ahaa OO shacabka Lacag Loogu Bedelay.

$
0
0

Nidaamka Shacabka Looga Faideynayo Raashinkii Deeqda ahaa ee Gacanta ay ka siin jireen Hay'ada WFP iyo Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga  Masibooyinka Ee DDSI  ayaa ka dib Qorshe in mudo ahba laga Baaraandagayay si Nolosha shacabka Kor loogu qaado ugana baxaan Sugitaanka gacan ay u hoorsadaan Raashinada Caawimada islamarkaana u dhadhansadaan Xoogooda ayaa Markii ugu Horaysay Lagu tijaabiyay lagana Dhaqan galiyay 4 Degmo oo ka kala Tirsan Gobolada Shabeele,Faafan iyo Jarar kuwaasoo kala ah Degmooyinka Jigjiga,Tuli-Guleed ,Dhanaan, Birqod  Iyo Degmada Godey.


Nidaamkan Bulshada Raashinka Caawimada ah  loogu bedalayo Lacag ahaanta ayaa u sahlaya in ay Qoysasku ku maareeyaan Noloshooda ama ay ku abuurtaanba Fursado Shaqo oo ay Dhaqaalahooda kor ugu soo Qaadaan.


xafiiska ka hortaga iyo u Diyaargrawga Masiibooyinka oo ay Wehelinayeen Maamulka Dgmada Jigjiga iyo hawlwadeenada hay'ada WFP ayaa ka bilaabay Barnaamijkan Senterka Tuur-wacad oo ka Tirsan Degmada Jigjiga iyaoona Shacabka Goobtaas ku dhaqan wadar-ahaantood gacanta laga Galiyay Lacag Kuus ah halka ay waayadii Hore Qamandi safaf dhaadheer u gali jireen.
Goobtan laga Hirgaliyay Nidaamka Cusub Ee Raashinka Lacagta Loogu Bedelay shacabka ayaa Ay Goob Joogka Ahayeen masuuliyiin ay ka mid ahayeen  Wasirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga  Masibooyinka Ee DDSI Mudane : Fataax Maxamed Faatax  Iyo Gudoomiyaha Degmada Jigjiga Mudane:  Cabdi Geedi.


Hirgalinta Barnaamijkan Cashka ay Shacabku helayaan ayaa qayb Muiima ka ah Qorshayaasha GTP iyo SPM ee ku wajahan Kor u qaadida Nolosha iyo Dhigaalka Shacabka Deegaanka hadba sida ay uga Faaiidaystaan lacagta la siinayana waa Mid ku xidhan Heerka Waxabsiga iyo Hiigsiga Mustaqbalka Qoyska.

Iyago U Kuur Galayey Nidaamkan Raashin Lacag Ku Bedelida Ah Waxawna Nidaamkan Cusub Nooga Warbixiyey Ahmiyada Uu Leeyahay Wasiirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga  Masibooyinka Ee DDSI Mudane : Fataax Maxamed Isagoo Sheegay In Nidaamkani Uu Door Weyn Ku Yeelan Doono Dhaqaaqa Dhaqan Dhaqaale Ee Shacabka Degaanka Masuulka Oo Hadalkiisa Sii Watay Ayaa Sheegay In Xukuumada DDSI Ay Dadaal Ugu Jirto In Bulshada Waxsoo Saarkeeda La Kordhiyo .
Sidoo Kale Waxaan Goobtaasi  Wareysi Kula Yeelanay Gudoomiyaha Degmada Jigjiga Mudane: Cabdi Geedi Isagoo Tilmaamay In Nidaamkan Cusubi Uu Kor U Qaadayo Nolosha Shacabka Degaanka Isagoo  sheegay In Loo Baahanyahay In Mashruucani La Balaadhiyo Madama Uu Bulshada Faido Weyn Ugu Fadhiyo .


Bulshadii Nidaamkan Cusub Ka Faideysatay Ayaa Soo Dhaweysay Nidaamkan Loogu Bedelay Rashinkii Lasiin Jirey Lacagta . Qore: ciise cali

Waxaa uu Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI uu Maanta Si rasmi ah ugu Dhibciyay talaalka Booliyada Caruurtooda Da'doodu Ka Hoosayso 15yrs.

$
0
0

Jigjiga(xogogaalonline) :- waxaa Maanta Si rasmi ah uga Bilaabmay Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka DDSI marka laga reebo 3 Degmo Ololaha Talaala Booliyada ama Naafeeyaha Caruurta Da'doodu ka hoosayso 15Sano waana markii ugu horaysay ee Talaalka Booliyda la siiyo Caruurta Cimrigoodu ka hooseeyo 15 Jir iyadoona Talaaladii kan ka horeeyay ay Qaadan jireen Caruurta Da'doodu ka hoseeyso 5sano.


Ka hor intii aan la gudagalin Talaalida Caruurta magaalada Jigjiga ayaa uu Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan oo ay Wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka C/fataax Siciid iyo Madaxa xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shukri uu Wasiirku Kula Hadlay Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenada Caafimaad ee ka hawlgalaya Hirgalinta Talaalkan,isagoona Tibaaxay Ahmiyada Balaadhan ee uu Ololahani u leeyahay Caruurta Da'doodu ka hoosayso 15jir in ay qaataan Talaalkan Si looga Dabar jaro Deegaanka.


Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka Caafimaadka DDSI ayaa Ku Booriyay Dhamaanba Xirfadlayaasha iyo Hawl-wadeenada Caafimaad ee Xafiiska caafimaadka iyo xarumaha Caafimaadka Heerarka kala Duduwan ee Qaabdhismeedyada Dawlada Deegaanku in ay ka soo Dhalaalaan Hirgalinta Talaalka Booliyada lana Sugo ilaa Heer Tuulo in lawada gaadhsiiyay Caruurta Da'doodu ka Hoosayso 15 sano.


Wasiirka Caafimaadka ayaa Dhibicdii ugu Horaysay Saaka afka kaga Dhibciyay Ilmo Da'diisu ka hoosaysay hal sano iyadoona ka dib ay halkaa ka sii wadeen Siinta Talaalka Caruurta Ku-xigeenka Caafimaadka,Madax Xarunta Dhexe ee XDSHSI,Wasiir ku-xigeenka Wasaarada waxbarashada Guuleed jabane iyo hawl-wadeenadii u idmanaa sii ambaqaadida hirgalinta Wareega 5aad ee Ololaha talaalka Booliyada.


Mudane C/fataax maxamuud ayaa carabaabay in Olalahan ay wada fulinayaan hay'adaha ay Bahwadaagta ku yihiin taageerada Dabar-goynta iyo ka hortaga Cudur-dilaacyada Sida WHO,UNICEf iyo Wasaarada Caafimaadka DFI.


Isku Soo Wada Soohoo Waxaa loogu Baaqayaa in Looga faaiideeyo talaalkan oo ka Duwan kuwii ka horeeyay Dhamaanba Caruurta Deegaanka ee da'doodu ka hoosayso 15jir Walow Laga Heli karo Caruurta ugu badan iskuulada Waxbarashada.

Viewing all 349 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>