Quantcast
Channel: Xog Ogaal Online
Viewing all 349 articles
Browse latest View live

Shir-Wadareed Ay u Dhamaayeen Dhamaanba Qowmiyadaha JDFI iyo Safiirka Cusub ee DFI u Fadhiya Australia oo Ka Dhacay PERTH.

$
0
0

Perth-Waxaa Maanta ka Dhacday Magaalada Perth ee Cariga Australia Shir ay si heersare ah u soo agaasimeen Jaaliyada DDSI ee kaDhisan Perth iyadoona ay Munaasabadan Qiimaha lahayd ka soo Qaybgaleen Dhamaanba Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha Qowmiyadaha ka soo jeeda Dalka Itobiya ee ku dhaqan Dalka
Australia.


Kulankan ayaa uu Sidoo kale uu ka soo qaybgalay Safiirka jamhuuriyada Federalka Itoobiya u fadhiya Cariga Australia Mr Araga Hailu Taffare iyo Qaar ka mida masuuliyiinta Jaaliyaadka Dalalka aynu jaarka nahay Sida DFS.Kulanwaynahan wadareed ayaa waxa uu u Dhacay si Heersare ah iyadoona ay Dhamaanba Qowmiyadaha Dalka DFI ay ka Dhexmuuqdeen isamarkaana ku soo bandhigayeen Dhaqamadooda iyo Sida ay ula Dhacan yihiin Isbedelada Xawliga ah ee ka Taabogalay sanadihii ugu danbeeyay DDSI suurtogalisayna in Munaasabadii ugu Qiimaha badnayd Abid ee lagu xuso Maalint Qadarinta iyo Qiimaha Mudan ee Hidar 29 Magaalada Jigjiga.


Dhanka kale safiirka ayaa u mahadceliyay Jaaliyada DDSI ee Perth ee suurtogalisay qabsoomida Kulan-Wadareedkan,isagoona warbixin a siiyay isbedelada dalka Itoobiya Gaar ahaana sanadihii ugu Danbeeyay ee uu Hogaanka DDSI uu hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo Muhandis Qarameed u Noqday isku soo dhawaanshaha walaalnimo ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI iyo Kacaanada Isbedelada iyo Kobaca Dhaqaale ee Xawliga ah laguna Hirgaliyo isxilqaan-shaqo ayuu yidhi.


Munaasabadan ayaa lagu wada Qiray Yididiilada ay Hiigsanayaan Mustaqbalka Dhaw Shacabweynha ka soo Jeeda DDSI meel kasta oo ay Dacalada Dunida kaga Nool yihiin iyo Xukuumada DDSI oo Gundhig u Noqotaya kacaan Xawaare ku socda oo Daqiiqadii astaba kor u sii Qaadaya Nolosha iyo Dhaqaalaha Deegaanka.
Kulankan ayaa ku soo Gabagaboobay Jawi aad u Qurux badan iyo Qowmiyada Soomaalida Itoobiya ee Perth oo ku haftay Amaantii iyo Bogaadintii Xukuumada DDSI yo Shacabka DDSI loo soo Jeedinayay.

waxaa manta ka qabsoomay  shir ay si heersara ah u soo ababuleen jaliyada samalida Ethiopia ee magala perth  shirkasoo ay kasoo qayb galeen jaliyada kale ee kasojeeda dalka Ethiopia iyo safiirka u fadhiya dawlada Ethiopia dalka Australia mr araga hailu taffare  iyo  masuliyiin lagu casuumay shirka oo ka socday jaliyada somaliyeed ee aan jaarka nahay.


shirkas oo u dhacay sidii loogu tala galay ayaa waxaa hadal aad iyo aad u qimo badan halkaas kasoo jeediyay safirka dawlada Ethiopia u fadhiya Australia mr araga haillu taffare


Waxaa Manta ka Qalinjabiyay Kuliyada Caafimaadka MagaaladaJigjiga 146 Xirfadle Caafimaad.

$
0
0

waxaa maanta ka qalinjabiayay Kuliyada Caafimaadka Magaalada Jigjiga Xirfadlayaal caafimaad oo dhan 146 oo Culuunta Caafimaadka ku Qaadaayay Kuliyada mudo  sano ah iyadoona Maanta loogu Qabtay Munaasabad Heer sare ah oo Ardaydani lagu Gudoonsiinayay Abaalmarino, Buuga Qalinjabinta iyo Dardaaran la Xidhiidha u Hagarbixida Shacabkooda.


Munaasabadan qalinjabinta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax siciid,Wasiirka TVETka Mudane Ibraahin Cali,Hormuudka Kuliyada Caafimaadka Mudane C/raxmaan Curaagte,Waalidka Ardayda iyo Agaasimayaasha Xafiiska Caafimaadka.


Kuxigeenka caaimaadkaMudane C/fataax Siciid ayaa ugu horayn u hambalyeeyay Ardaydan Qalinjabinaysay yidhina waxaa farxad ii ah in aan la Qaybsado farxada qalinjabiyayaasha Qaybaha Mid-wafery iyo Health Extension Practitioner oo ah lafdhabarta adeega caafimaadka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhalaanka loona baahan yahay in aad ku xisaabamaan maalin kasta ilbidhiqsi kasta oo ka mida Saacadaha ama 8da saac ee ay shaqaynayaan in aad maskaxda ku haysaan in aad Bulshada ugu hagar baxdaan Siinta Adeeg Caafimaad oo Hufan iyo Daryeelka Bulshada xoolo dhaqatada ah iyadoona aynan noqon doonin Qalinjabintii ugu danbaysay ee ay Jiraan Qorshayaal kor loogu Qaadayo aqoonta iyo Xirfada Caafimaad(Up-Grading) ay Wasaarada Caaimaadka DDSI Xirfadlayaasha hawl-wadeenada caafimaadka Waxbarasho loogu dirayo Jaamacadaha iyo Kuliyadaha Dalka ayuu yidhi.


ArdaydanMaanta ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka DDSI oo ay Tiradoodu dhanayd 146 Arday ayaa u kala baxayay 43 Arday oo Ka Qalinjabisay Mid-wafery iyo 103 Arday oo ka Qalinjabiyay Health Extension practitioner.
Dhanka kale waxaa Munaasabadan lagu Gudoonsiiyay Abaalmarino Ardaydii Safka hore kaga Jirtay Xiligii Barashada Culuuntan lagu Jiray.

Wasiirka Xidhiidhka- Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI oo Shir Jaraa'id ugu Qabtay Xafiiskiisa Saxaafada Dalka.

$
0
0

Jigjiga(Xoggaalonline)
Wasiirka  Xidhiidhka dawlada,dhaqanka iyo dalkiiska DDSI mudane maxamed guure bisle ayaa maanta xafiiskiisa Shir jaraaid ugu qabtay Dhamaanba Saxaafada Deegaanka iyo kuwa Dalkaba.


Shirkan Jaraaid ayaa uu wasiirku ku sharxayay Heerka Warbixinta Waxqabadka Xukuumada DDSI Heer-Deegaan ilaa Heer Tuulo 6dii Bilood ee Sanadkan 2006,islamarkaana Sheegay in Xukuunada DDSI oo ka duulaysay Taabogalinta Qorshayaasha iyo Himilooyinkeeda kor loogu soo Qaadayo Nolosha Xoolo-dhaqatada si loo Tirtiro Saboolnimada iyo Cunto yaraanta la Dejiyay Qorshayaal si xeel-Dheer looga soo Baaraandegay iyo Habab(Strategy) leh Xilli,Check-list,Fulin iyo Dabagalba.


Mudane Guure ayaa Tibaaxay in Midho-dhalka Qorshayaasha Xukuumadda DDSI ay Xudun u ahaayeen Sidii Bulsho-waynta Deegaanka kor loogu soo Qaadi lahaa Dhaqaalahooda Xirfad-Nololeed loona Sugi lahaa Dhinacyada Horumarka,N/galyadaiyo Maamul-saxar tiran oo Hanta taabogalinta Qorshayaasha.
Wuxuuna sheegay wasiir guure in xukuumada DDSI bilowgii sanadka 2006TI diyaarisay qorshayaal horumarineed oo ku jaango'an shan sanadle,sanadle,6 biloodle iyo waliba kuwa 3 biloodle ah kuwaasoo dhamaantood ku wajahan yoolalka,Himilada,iyo ujeedada istaraatajiyadaha lagaga midha dhalinayo qorshayaashasi.
Isaga oo wasiiku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu Carabaabay in wadar ahaan qorshayaashii sanadkan u suntanaa Xukuumada Heerarkeeda sidii loogu talagalay si ka sii fiican loo hirgaliyay haddii ay tahay dhinaca horumarka, n/galyada, isgaadhsiinta jidadka,laydhka,dibu-dejinta,Xidhiidhka, iyo Maalgashiga.


Sidoo kale waxa uu wasiiku carabka ku dhufday in qorshayaashii 6dii bilood ee la soo dhaafay sanadkan qorshaynsaa Si xawli ah lagaga midho-dhaliyay taasooy ka mid ahayd xuskii Dhaxal-galka ahaa una Askumay Qowmiyada Soomaalida ItoobiyaTaariikh,Baal-Dahab ah iyo Maamuus Sharafeed oo lagaga Tixgaliyo Dalka Itoobiya taaasooy u aayi Doonaan Jiilalka Soo koraya ee lagu Xusay magaalada Jigjiga maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee sida taariikhiga ah u dhacday .


Dhanka Saxaafada ayaa Su'aalo ka waydiisay Wasiirka warbixinta waxqabadkii 6da Bilood ee Xukuumada iyo Tabaha Xukuumada DDSI ay kaga Talawday Dhamaanba Caabadihii jiray ee Ragaadiyay Deegaanka.


wasiirka ayaa kaga jawaabay in ay Xukuumada oo kaashanaysa Shacabkeeda kana Qaybgalisay Talada Jihooyinka Deegaanku hiigsanayo ay Sababtay in ay gacmaha isqabsadaan Xukuumada iyo Qaybaha Shacabku natiijo wax k ool ahna ka keeneen Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban.
Sidoo kale Mudane Guure ayaa sheegay in wadatashigii Xukuumada iyo qaybaha Shacabka Deegaanka ku yeesheen Caasimada Deegaanka ay ka abuurmeen Ciidanka GEesiyiinta Liyuupolice oo ah Kuwa Salka u Dhigay Nabadgalyadii Sirin-sirqowday kana Tirtireen DDSI Dhamaanba hagardaamooyinkii Ba'naa ee UBBO ku haysay Shacaka taasoo ay sababtay Mar hadii Nabadii salka loo Dhigay in Horumarka loo Dhaqaaqo.


Guure waxaa iyaduna Qayb Muhiim ah ka ah Isbdelada baaxada waynee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay Qurajoogta oo Fahantay Waxyeeladii UBBO una heensaysatay in ay udub-dhexaad u Noqdaan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ayuu Yidhi.

Maqaal: Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC)

$
0
0

Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC)
W/Q Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

Horaantii Sanadkan aynu ku jirno ee 2013 ka. Anigoo arrimo badan tixgalinaya. Anigoo Sifooyin muhiim ah  xeerinaya. Anigoo qaadaa dhig, shaandheyn iyo gorfeyn qoto dheer adeegsanaya. Anigoo baadhitaano iyo daraasado ku soo wada koobay Hogaamiyeyaasha ka arrimiya amaba soo maray Gayiga Soomaalidu dagto ee Geeska Afrika, ayaan gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan si niyad sami iyo kalsooni leh ugu hibeeyey Darajada: Madaxweynenimo–  Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar (CMC), Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waa Darajo, marka kowaad uu istaahilo una qalmo, marka labaadna uu mutaystay.

Xigasho:

Madaxweynenimadu ma aha Darajo
Cid waliba ku sifoobi karto, haba siteen
magaca hadday doonaane.
Waa wax aad ku mutaysankarto
Sida aad Shacabkaaga ula dhaqanto,
U dhaqdo uguna dhaqdo
.
Ahmed A. Ali (2013)

Maanta oo aynu ku jirno dabayaaqadii isla  sanadka 2013 ka, waxaan ku sagootiyayaa inaan yara kormaro waxyaabaha hurumarka leh iyo guulihii ugu waaweynaa ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka fuliyey Deegaaanka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha ka yahay.

Walaalow i qaddari oo ha i quudhsan.

Waa erayo ku xardhan wajiyada Bani Aadamka oo idil. Qofka caqligu shaqaynayo, waxaa lagu gartaa oo astaan u ah, erayadaasuu arkaa oo uu ka akhriyaa jaaha ruux kasta oo uu la kulmo.
Sidaasaanuu cidna u quudhsan oo uu dadka u wada qaddariyaa. Isagana lagu qiimeeyaa oo lagu xushmeeyaa.

Ka waxkale shaqaynayaan se, ma arko erayadaa oo indhihiisuba ma qabtaan. Waa ka quudhsada Bani Aadamka uu la kulmo ama uu hogaamiyaha u yahay ee la mid ka ah. Waa ka haba yaraatee aanuu Caqligu shaqaynin. Waa ka ilaawa tii shalay. Waa ka aan garanin ta manta. Waa ka aan filynin ta barrito.

Hogaaminta waxaan u haystey Awood iyo Cudud la isticmaalo, maantase waxaan ogaadey, iney tahay Shacab la socodka.
Mahatma Gandi

(I suppose leadership at one time meant muscles, but today it means getting along with people.)
Mahatma Gandi

MadaxweyneCabdiMaxamuud Cumar (CMC) waa Madaxweyne gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee geeska Afrika taariikhdiisa baal dahaba ka galay. Waa Madaxweyne Cis, Mudnaan, Maamuus iyo sharafba huwan. Waa Madaxweyne magac iyo miisaan ku dhex leh Bulshooyinka ku hadla Afsoomaaliga, meel kasta oy dunida kaga noolyihiin.

Wuxuu u hayaa Shacabkiisa Qadarin aan habayaraatee Quudhsi lahayn. Isagoo marwalba dhex socda Shacabkiisa. wuxuu la fadhiistaa oo xogwareystaa Shacabkiisa, si uu u ogaado dhibaatooyinkooda iyo baahidooda u baahan wax qabad iyo in la daboolo.

Waa Madaxweyne u gargaara shacabkiisa kuligood, gaar ahaan, Waayeelka iyo Dhalaanka.
Waxaad arkaysaa isagoo ku foorara oo gacmaha iyo garbahaba haya kuwooda jilicsan.

Dadaaladaa iyo wax qabadkiisa kalsooni abuurka leh ee wadaninimo waxay horseedeen:

  • In dhammaan Shacabkiisu uu noqdo mid Himilo, Damac, Rajo iyo kalsooniba   yeesha.

    (Shacab Wade Cabdi Maxamuud hortii, Shacabka Deeganku, wuxuu ahaa Shacab qalbiga iyo madaxu kala xidhanyihiin. Shacab aan rumeysnayn awoodiisa iyo in uu wax qabsan karo toona. Shacab aan talaabsankareynin oy wali silsiladihii Gumeystayaashii Xayle iyo Mangistu addimmada kaga jabsanyihiin cid ka jabisana la’. Shacab xidh-xidhan, kala xidhan oon iskuba kalsooneyn, oo iswada basaasaya. Shacab hankiisuba yaryahay)

  • In dhammaan Shacabkiisa Miyi & Magaalaba la gaadhsiiyo Daryeel Caafimaad. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Daryeel Caafimaad oo tayeysan.
  • In dhammaan Shacabkiisa la gaadhsiiyo Waxbarashada aasaasiga ah. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Waxbarashada Tacliinta Sare.
  • In dhammaan shacabkiisu ay helaan jidad ay isagaga gudbaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan Dariiqyo laami ah.
  • In dhammaan Shacabkiisu ay helaan biyo ay cabbaan. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan biyo macaan oy si howl yar u gaadhi karaan.
  • In dhammaan Shacabkiisu helaan taageerada iyo agabka tacbashada Beeraha. Iyadoo ay maanta badankoodu helaan Matoorada biyaha, Qalabka, Shinnida iyo Agabyo kale oo ka caawiya tacabka beeraha.
  • In dhammaan Shacabkiisu ay ka qayb qaataan hurumarka balaadhan ee dhan kastaba ah ee laga hirgalinayo dhammaan Gobolada iyo Dagmooyinka Deegaanku ka koobanyahay, Iyadoo ay badankoodu maanta ka qaybqaataan Talada, Maamulka iyo Maareynta danaha Dalka, Deegaanka iyo Dadkaba.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waa Madaxweyne Maskaxdiisa iyo Qalbigiisu wada socdaan.

Kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibadda ku nool, dariska iyo beesha caalamka oo idil waxaan maanta  cidna ka  qarsooneyn:

Horumarka  ballaadhan  ee  dhankastaba  ah ee  Deegaanka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka  hirgaliyey.
Neecawda nabadgalyada dalka wadagaadhey ee Muwaadin iyo Muqiimba lawada hadhsanayo.
Hannaanka Dowladnimo, kaladanbeynta, Caddaaladda, cad-caddaanta, hawl-karnimada iyo waxqabadka, lagubaahiyey gobolada dalka. Loona sii dhaadhiciyey degmooyinka, tuulooyinka ilaa Qabaleeyada (xaafadaha) oo dhan.

Waxaa kale oo iyana ahmiyad ballaadhan ku fadhiyey, guulo wax ku oolana soo hooyey,  booqashooyinkii silsilado jabiska ahaa ee ay Madaxweyne Cabdi iyo Cabdiyada kale ee Madaxweyne ku xigeenadiisu: Cabdilaahi,Cabdixakiim,Ina Cabdi Ismaciil(Khadar) ay ku soo kala bixiyeen dhammaan qaaradaha aduunka. Iyaga oo Jaaliyadihii u dhashay Deegaanka ee ay la kulmeen uga warramay xaaladda dhabta ah ee uu dalku haatan ku suganyahay, maskaxdoodana ka saaray waxyaabo badan oo mala awaal iyo been abuur ku dhisnaa oo Deegaanka Warxumo-tashiilku ka faafiyeen.

Waxay uga xogwarrameen Isbadalada horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladda Deegaanku oy ugu horreyso nabadgalyadu, iyo sida ay Ciidamada Soomajestayaasha Liyu booliska Deegaanku meesha uga saareen gabi ahaanba  khatartii ay Nabad-diidku ku hayn jireen Shacabka Deegaanka iyo Xoolahoodaba.

Waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen Mabaadii’da lagu badhaadhay ee uu Deegaanka ku hoggaaminayo Madaxweyne Cabdi MaxamuudCumar.

Maashaa  allah,  Guulaha  isdaba jooga  ah ee xowliga  ku socda ee uu  Madaxweyne  Cabdi Maxamuud Deegaanka ku hoggaamiyey, waxaa qayb weyn ka qaatay adeegsiga warbaahiyaha Qamar  Sanaaciga  saaran ee  ESTV oo  kowkabka  aynu  ku noolahay  afartiisa jihood  laga daawado, codkiisuna wada gaadhay. Waxaan leeyahay Madaxweyne Hambalyo. Bagaad Hirgalisay Warbaahiyaha ESTV. Wuxuu  qayb libaax ka  qaatay isku xidhka Qurbojoogta & Qurbojiifta u dhashay Deegaanka iyo Bulshweynta ku nool Dalka gudihiisa iyo sidoo kale Dowladooda Deegaanka.

Xog  isweydaarsiga  dhexmaray  Madaxda  Deegaanka  iyo  Jaaliyadaha  ku  nool  dalalka shisheeye, waxay soo jiiteen ooy sabab u noqdeen in Qurbojoog farabadan ay Dalka dib ugu soo laabtaan. Iyagoo  ay  badankoodu qayb laxaad leh ka  qaadanayaan Hurumarka dhan kastaba ah,  Dhismaha iyo warshadeynta ka socota guud ahaan Dalka Ethiopia, Gaar ahaan kuwooda u baahan maalgalinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxay talaabadaasi soo de-dejisey in Qurbojiif Farabadan ay Deegaanka dib ugu soo guryo noqdaan. Iyagoo ay badankoodu yihiin dad howl gaba. Waxay markii ugu herreysay ogaadeen in ay ku noolaan karaan Dalkooda hooyo. Waxay dhiirigalin ka heleen hanaanka Dowladnimo iyo maamulka suuban ee uu horkacayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Waxay yaqiinsadeen in maanta maamulka ka jira Deegaanku yahay mid la isku halayn karo oo ay ku aamini karaan Naftooda, Ubadkooda iyo Maalkoodaba.

Marka wax kastaba laga soo tago, arinka ugu muhiimsan ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka gun gaadhay, kuna guuleystay ayaa ah:

Isagoo shacabkii u dhashay Deegaanka ka dhaadhiciyey in ay yihiin shacab ka mid ah Shucuubta iyo Qowmiyadaha kala duwan ee kuwada nool Dalka Itoobiya.

Wuxuu Shacabkiisa ku abuuray WadaniyadnimoItoobiyaanimo ah, waana ta aad ugu fududeysay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud uu gacan taageero uga helo Shacabkiisa, ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarka, gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Nabad diidka, ood hada moodo in cimrigoodu uu gabaabsi marayo.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu gaadhsiiyey Shacabkiisa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, inuu maanta noqdo shacab Sal Muggii u fadhiya. Shacab aan sidii hore u muluq-muluqleyn oon kolba meel isu dhufan. Shacab aaminey inuu ka mid yahay Shucuubta Dalka Itoobiya. Shacab ogaaday in uu xaq ku leeyahay Dalka Itoobiya oo maanta ka hela.  Shacab growsaday in Dalkiisu isna Xaq ku leeyahay oo maanta bixiya.

Hadaba Madaxweyne Cabdiyow, intaa aan kor ku soo sheegay iyo in kaloo badan oonan halkan  ku soo koobi kareynin ayaan anigu arkayaa.

Laguu doorin maayee, dalkaad u dhalatey iyo deegaankii ood u dadaashey baan arkayaa.

Xeelado casriyeysan, barnaamijyo tayeysan, wax qabad muuqda ood leedahay baan arkayaa.

Kaabayaasha dhaqaalaha kuwwooda muhiim ka ah ood kor u qaaday baan arkayaa.

Aayaha shacabka, ambadkii lagu hayay, asaagood ka reebay ood soo owddey baan arkayaa.

Geeluba aakhiruu xoogiisa arkaaye, shacabkii hurdey ood wax fahamsiisey baan arkayaa.

Nimco iyo sareedo ilaahay idinku galladay aseen la arki jirin ood tustay baan arkayaa.

Agoontii iyo maatadii ood uruurisay, kuwii aabayaashood dilayna, dabargoysey baan arkayaa.

Eberweyne Maxamed CumarDacay, kaan waxbaba ahayn iyo kooxdiisa ood edbisay baan arkayaa.

Yaanuu qalinku ila sii durkine, biri ma geydadii ood booskoodii ugu baaqday baan  arkayaa.

Madmadow yare haba muuqdee, madaxdhaqameedkii deegaanka mansabkoodii hore ee kuligood lagu yaqiinney ood soo celisay baan arkayaa.

Duubkii ilaahay ceshadey iyo qareenkii Deegaanka ood sharaf iyo maamuus, aas qaran ku sagootidey baan arkayaa.

Haba kaa da’ weynaadaane, Waxkaleweynayaashii ood ka wada roonaatey baan arkayaa.

Dadaalo dheeraad ah, darmooyin nabadeed, deeqo wax barasho ood fidisay baan arkayaa.

Bowdo Rag maalinba mid baa qaawane, abaal badan ood guddey baan arkayaa.

Arligiina itoobiya, dowladaha Deegaanka  kuwa ka arrimiya adigoo wada dhaafay baan arkayaa.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud ha lagu wada daydo, oo la leeyahay baan arkayaa.

Kuwii kuu darraan jirey, danahaaga dabooli jirey qowmiyadaha kale inaad  isku dan tihiin adigoo ogaadey baan arkayaa.

Madaxweyne, dhan kastaoo la eegaba dibadda iyo gudahaba horumar waafiya oo la taabankaro ood ka gaadhay baan arkayaa.

Horumarka iyo guulaha baaxadda leh ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) ku sagootiyey sannadkan aynu dabayaaqadiisa ku jirno waxaa ka mid ahaa:

Dhameystirka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Caasimadda Jig-jiga oo lugu maamuusay looguna magacdaray Halyeygii horseedka u ahaa, la dagaalankii Gumeysiga iyo  gobanimo doonkii Deegaanka, Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiilwaal).

Bilic dheer oo taariikh weyn leh oy magaalo nasiib maskaxi ka danbeysay u heshay, hasayeeshee hanan kari weydey oy dayacday, ayaa ilaahay solansiiyey oo uu asiibay markuu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka taagay badhtamaha jig-jiga Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waa taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Aabihii gobanimo doonka gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee Geeska Afrika oo u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu qabanqaabiyey oo ilaahay ku guuleeyey, martigalinta Xuskii dabaaldagga maalinta Qowmiyadaha Dalka Itoobiya oo aan horay loo arag noociisa oo kale. Aad baan ugu farxay markaan arkay dadaalka faraha badan ee ay Madaxda iyo Shacabka Deegaanku ugu jireen soo dhaweyntii iyo martigalintii qowmiyadihii kala duwanaa ee martida u ahaa. Kuwaa soo ahaa dad aad u fara badan oo maalin qudha meel qudha isugu yimid.

Waxaanan kasii farxad badnaa markaan arkay Xuskaa Qowmiyadaha oo si nabadgalyo ah ku soo dhammaaday. Waxaanan niyadda iska idhi: Baguu dhammaaday oo uu guul & nabadgalyo ugu dhammaadey.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumarow, Cidi kuu tilmaami meysee, helyeeyaddii Qowmiyadda marwadii magaca dheereyd Xaawo Cismaan Taako oo u dhalatay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ood  iyana maamuusto ayaa lagaaga fadhiyaa. Guul & Horumar intaa ka sii balaadhan ood ku nagaadaan iyo heerka dhaqaalaha dex-dexaadka ah ee aad tiigsaneysaan ayaan adiga Madaxweyne Cabdi, Cabdiyada kale ee kugu xiga , Madaxda kale  & Shacabka Deegaankaba u jajaynayaa.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

Waa qoraal isagu jira xaqiiq iyo guulwadayn. Waxaan is leeyahay hadii ka bad badiska badan laga dayn lahaa waxuu noqon lahaa qoraal tayo fiican oo objective ah.

Madaxweyne CMC arimo badan oo wacan ayuu qabtay, aana ka xusi karo in uu shacabka tusay in ayna itoobiyaanimada cidna marti ugu ahayn, dalkooda aaminaan, keegana geeskooda ka goostaan. In xuskii qowmiyadaha dalka lagu qabto Jigjiga, iyadoon wax dhib ahi ka dhicin waxay tusaysaa in deegaanku isu aqoonsaday, dowladuna u aqoonsatay qayb muhiim ah oo Itoobiya ka mid ah.

Soo xero galinta qurbajoogta deegaanka ooba hada gaadhay in caruurta waqtiga fasaxa dalkii caano lagasoo siiyo, halkii Kenya la aadi jiray. La dagaalanka xoogaga nabad diidka oo uu u hagar baxay, balse arintan danbe waxaa la socda tacadiyo badan oo maamulka laftiisa kula kaco shacabka isagoo adeegsanaya kaadhka NABAD DIID.

CMC waxaa uu ku amaanan yahay in uu abuuray saxaafad qayb wayn ka qaadatay in guud ahaan soomaali, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanku ay badalaan fikirkii hore ee ahaa in meeshu boholo galeen aan la tagi karin tahay. Dhaliisha saxaafadaasi waa in aan tafatir lagu samayn wararka lagu qorayo iyo kuwa lagasoo daynayo (ESTV) oo marar badan arimo aan munaasab ahayn soo daaya.

Dhanka kale waxaa wanaag aan la dafiri karin ahaa in hanaankii dowladnimo la gaarsiiyay meelo badan oo hada ka hor aanu ka jirin. Qaybo badan oo deegaanka ah dadku waxay uun arki jireen oo kali ah ciidan uuraal saaran oo aan soomaali ku jirin, hadase tii waxaa badalay iskuulo, ceelal iyo goobo caafimaad ay soomaali ka howl galayso. Waxaa wali jira deegaan aan dowladu gaarin oo ka mid ah Nogob.

Labada arimood ee maamulka CMC uu ku fashilmay ayaa ah: Nidaamkii cadaalada oo gabi ahaanba meesha ka maqan iyo qabyaalad. Deegaanka kama jiro waxa la yiraahdo Judiciary system, qofka muwaadinka ahina ma laha xaquuq uu isku difaaco hadii la tuhmo. Xukunka maamulku u garto ayuu liqaa.

Qabyaalad iyo kanaa i xiga ayaa iyana meesha ka jirta, inkastoo arintaa ay kala siman yahiin maryooleey meel walboo ay joogto.

Isku soo duuboo CMC madaxdii hore waxuu kaga duwan yahay waa nin shar iyo khayrba leh, halka ragii ka horeeyaya shar kali ah ahaayeen.

Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Ayaa u Qabtay Shir Lagu dardargalinayo Adeeg-bixinta Bankiyada Dhanka Horumarka.

$
0
0

Waxaa ka Dhacay Magaalada Jigjiga Kulan Balaadhan Oo Uu Hogaaminayey Wasiirku Xigeenka Xafiiska Horumarinta Magalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane: Axmed Shugri Cabdi,islamarkaana ay Ka Soo Qaybgaleen Masuliyiin Ayka Mid Ahayeen Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka DDSI Mudane: C/Laahi Yuusuf , Mareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar DDSI Mudane: Cabdi Bile Iyo Masuliyiin Ka Socotay Wakaalada Dhismaha Liyuu Police Iyo Masuliyiin Kala Duwan Oo Ka Socotay Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ee Ku Yaala Magaalada Jigjiga.


Kulankan Xasaasiga ah ayaa ay Ujeedada ugu Wayn ee ay Xukuumada DDSI ka lahayd ahaa  Sidii Laamaha Qaabdhismeedyada Dawlada iyo Bankiyadu wadair uga Munaaqashoon lahaayeen Doorka Bankiyada kaga aadan hawlaha Horumarka Deegaanka ka socda ay kaalin Muhiima uga Qaadan lahaayeen si looga Midho dhaliyo Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee shanta Sano la hiigsanayo (5yrs Growth Ad Transformaion Plan) Sidoo kalana Dhanka kaydsiga lacagaha Bulshadu Dhigato Bankiyada.


Kulankan ayaa uu ugu horayn Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha Mudane Axmed Shukri Cabdi uu Sharax ka bixiyay Qorshayaasha Xukuumada DDSI ay u dejisay Deegaanka sidii Kor loogu soo Qaadi lahaa Kobaca Dhaqaale,Nolosha Shacabka Deegaanka,Shaqo Abuurka,Maamulka Suuban,Taabogalinta Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada iyo Joogtaynta Horumar Baaxad wayn oo Si xawli ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga Hirgaliyo.
Mudane Axmed Shukri ayaa tibaaxay Waxqabadka laga doonayo Dhamaanba laamaha Dawlada in uu Yahay mid ku salaysan kana Turjumaya Qorshaha Waxqabadka Xukuumada DDSI,islamarkaana laga Doonayo Bankiyada Dawliga ah iyo Kuwa Wadaaga Saamiyada ahba looga baahan yahay iyo Door Muhiima ka qaataan Horumarka Deegaanka ka socda iyo kabida Dhaqaalaha Bulshada Deegaanka si kor loogu soo Qaado Nolosha Shacabka.


Intaasi Kadib Ayaa Masuliyiintii Kasoo Qaybgashay Ay Isku Weydaarsadeen Fikradaha Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Bangiyada Dawliga Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn U Sahli Kara In Ay Kaga Qaybqataan Horumarka Degaanka Iyo Kabida lacageed ee ay Bankiyadu Sida Bankiga Horumarintu siiyaan Bulshada Degaanka.


Gabagabadii Kulankaasi ayaa uu Wariyaha CakaaraNews Cabdi Ciise uu Waxka Weydiiyey Qaar ka mida Masuliyiinta Bangiyada Kasoo Qaybgalay Shirkan Aragtidooda ku aadan ka Qaybqaadashada Dhinaca Horumarka,Amaaha Bulshada la siiyo iyo Adeegyada Dhigaalka ay Shacabka siiyaan,iyagoona Sheegay in ay diyaar u yihiin hadba Awaamiiraha Qaanuniga ah ee ay Xukuumadu siiso Diyaarna u yihiin in ay kaalin libaaxeed ka qaadan doonaan Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Islamarkaana Ay Fursadaha Bangiyada Kala Duwan Ay Hayaan Uga Faideyaan Bulsha Weynta Degaanka .
Kulankan Lagaga Wada Hadlayay Sida Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ay Kaalin Libaax Uga Qaadan Lahayeen Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Iyo Sdii Ay U Dhiiri Gelin Lahayeen Bulshada Degaanka Keydsiga Iyo Sameynta Maalgashiyo Kala Duwan ayaa lagu Balamay in Si joogto ah loo sii ambaqaado kulamo Noocan oo kale ah.

Tababar kusaabsan Sidii loo kordhin lahaa Xarumaha-caafimaadka lagu Daweeyo Cudurka (Leishmaiasis) oo loo Qabtay Xirfadlayaal Caafimaad oo kasocday 12 xarumo-caafimaad Degmooyinka Qaar Ka Mida ayaa Soo Gabagaboobay.

$
0
0

Tababarkan Ayaa kusaabsanaa Sidii loo kordhin lahaa Xarumaha Bixiya Daawaynta Cudurka loo yaqaan (Leishmaiasis)  iyadoo hada ka hor lagu baadhi jiray Cudurkan 5 xarumo caafimaad laguna dawayn jiray 2 xarun Caafimaad oo kamida 12kan Xarumo Ee ku kala yaala Qaar kamida Degmooyinka DDSI.


Hada ka hor ayaa Dawaynta Cudurkan Gacan ku Siin jirtay Ha'adii MSF oo uu Kontoraadkii a Dhamaaday taasoo uu Xafiiska Caafimaadka DDSI uu dejiyay Qorshe Dib loogu Bilabayo Dawayntii iyo Baadhitaakii Cudurkan Afka Qalaad oogu yeedho(Leishmaiasis) inkastoo ay noogu sheegi kari waayeen Cudurkan waxa looguyeedho Afka Soomaaliga.


Furitaankii Tababarkan xafiiska caafimaad DDSI uu  U Qabtay Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa uu furay  Xidhiidhiyaha Ka Hortaga Cudurada faafa Mudane Siraaj Aadan Xasan waxaana uu Kula dardaarmay  xirfadlayaasha Inay Si fiican uga Faa`iidaystaan Cashirada lasiinayo Si Ay Ubuuxiyaan  meelihii Ay hay`adu Ka baxday iyo meelaha Cusub Ee hada lagu darayba Masuulka Ayaa Sheegay in hada laga Bilaabo Cudurkan (Leishmaiasis) lagu daawayn doono 5 xarumo caafimaad halka lagu Baadhi Doono 12 xarumo Caafimad ooku yaala Degmooyinka

Tababarkan  socayMudo Sadex Cisho ah  Ayaa Waxaa Cashiradiisa bixinayay  Macalimiin ka Socotay Jaamacada Adis Ababa iyo Hay`ada  WHO,iyadoona Munaasabadii agu gabagabeeyay tababarkan uu ka soo Qaybgalay Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI MUdane C/fataax Siciid.
Mudane C/fataax ayaa ka Warbixiyay Dadaalada uu Xafiisku ugu jiro sidii Xooga loo saari lahaa Dawaynta iyo Baadhitaanka Cudurkan afka Soomaaliga lagu Turjumi kari waayay ee afka Qalaad ku ah (Leishmaiasis).
ugu danbayntii iyo Dardaaran ka dib ayaa Abaalmarino lagu Gudoonsiiyay Tababartayaashii iyo Macalimiintii Casharada Bixinaysayba.

Todobaadkii Gacanqaadka Masuuliyiinta Deegaanka ee Ka Dhaca intii Xukuumadani Jirtay.

$
0
0

Waxaa Todobaadkii la soo dhaafay faraha isulatagay masuuliyiin ka taliya xafiisyada Heer Deegaan Sida 2da kuxigeen ee wakaalada Dakhliga DDSI,wasiirada Xafiiska haweenka DDSI iyo Kuxigeenkeedii iyo Qaar kaloo badan.


Todobaadkan ay Deegaanka ka dhacday Markii ugu horaysay Gacan Qaad Heer Masuuliyiin ah intii ay jirtay Xukuumadan uu Hogaankeeda Hayo madaxwayne cabdi Maxamuud Cumar Walow uu Madaxwaynaha Deegaanku Shaqo ugu Maqnaa Addis-Ababa kuna sugnayn Jigjiga xiliga falalkani dhacayeen.


Ma laga Yaabaa in ay masuuliyiintan Daba Joogaan Sida Laga Daawado Telefishinada marka baarlamaanada ingiriiska iyo maraykanku Doodayaan iyadoo Wax la isku Tuurtuuro afkana La iskaga hanjabo,Balse falkani wuu Ka Duwan yahay oo Waa Gacan ka Hadal ku soo kala gaadheen Dhaawacyo .

Maayarka maamulka magaalada dhaxbuur oo ka warbixiyya waxqabadkii 6da bilood ee sanadkan 2006.EC u yaalay Maamulka Magaalda Dh/buur.

$
0
0

Dh/buur.Maayarka maamulka magaalada dh/buur mudane suuldaan maxamed xasan oo waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa sheegay in guulo waawayn maamulka magaalada dh/buur ka soo hooyay Hirgalinta qorshayaashii u yaalay 6da bilood ee sanad miisaaniyeedka 2006 EC.

Mayorka ayaa Tibaaxay in iyaga oo ka duulaya qorshaha u yaalay 6 bilood Dhaanka Horumarka iyo ka qaybgalka bulshada arimaha horumarka ay guulo ka gaadheen dhinacyada waxbarashada caafimaadka iyo  jidadka  mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada ayaa waxa uu sheegay  in shirarkii qimaynta waxqabadkii rubuceedka ahaa si gaar ah diirada loogu loogu saarayay waxqabkii wixii  ka qabsoomay dhinacyada tayaynta waxbarashada ay ka soo baxeen natiijoyin aad u wanaagsan Siba Gabdhaha iyo Caruurta Gaadhay da'da waxbarashada ayuu yidhi.


Suldaan dhanka ka caafimaadka ayaa uu Sheegay In qorshihii yaalay sidii loogu talagaya u hirgaleen iyadoona isbitaalka Dh/buur lagu soo Kordhiyay Dhismaha Qaybta qaliina iyo Waadhka Caruurta iyadoona Todobaadkii Tegay aanu Xadhiga ka jarnay ayuu yidhi.


Waxaa kale oo uu sheegaymaayarku in dhinaca jidadka siwayn ay u hirgaleen qorshihii loogu tala galsanaa anagoo buu yidhi hirgalinay jidadbadan oo ah kuwa la dhigo dhagaxa qoran cobble stone


Tababar ku saabsan Arimaha horumarinta haweenka oo ay maanta soo Xidhay wasiirada Arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI.

$
0
0

Wasiirada arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo Raxma maxamuud haybe ayaa maanta soo Xidhay tababra mudo 5 maalmood ah ka socday hoolka shirarka ee xarunta dhalinyarada DDSI. Tababarkaa oo ay iska kaashadeen xafiiska arimah haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI iyo sentient. Ayaa Waxaa loo qaybtay shaqaale ka socday degmooyinka jigjiga, awbara, gursum iyo waliba qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan, waxaana lagu baranayay mudadii uu socday tababarkani arimaha horumarinta haweenka ka qaybgalka haweenka horumarinta arimaha  qoyska.

Haddaba waxaa haddalo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeedisay xidhitaantii tababarkaa wasiirada arimama haweenka caruurta iyo dhalinyarada marwo Rarma maxamuud haybe. Waxayna sheegtay in  lafdhabarta bulsho tahay haweenka iyo dhalinyarada,xukuumada deegaankuna dajisatay qorshayaal lagu horumarinayo arimaha dhalinyarada iyo haweenka. Waxayna sheegay in tababarkanina yahay tababar kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee arimaha haweenka waxaa kale oo ay sheegtay wasiiradu in xafiiska arimaha haweenka isaga oo kaashanaya xafiisyada ay bahwadaagta yihiin in uu hirgaliyay islamarkaan uu dardargalinyo markasta xidhmaha horumarinta dhalinyarada iyo haweenka.

Mar ay wasiirada ka hadlasay dhibaato ku soo koradhay  dhalinyarada deegaanka oo ah tahriibta ayaa waxay sheegtay in hada xukuumada DDSI gaadhay horumar taam ah taasi oo ay ka marag ka ceena dalkeena itoobiya  dhamaan dawlaha aan dariska nahay iyo beesha caalamkuba waxayna sheegtay wasiiradu in ayna haba yaraatee dhalinyarad deegaanka aanay jirin wax ku kalifa in ay tahriibaan. Balse uu yahay deegaankeena meel loo soo shaqo iyo waxbarasho tago, waxayna dhalinyarada maskagdooda ku risto dhinaca tahriibtu in ay dareensanaadaan nimcooyinka iyo horomarka ka jira deegaanka taasi oo ayna haysan dawlaha aan dariska nahay. Islamarkaana ay siwayn uga foojignaadaan aafadaasi.

Ugu danbayntii waxay kula dar daaranday ka qaybgalayaashii tababarkaasi in ay gaadhsiiyaan wixii ay ka faa-iidaysteen tababarkaas meelihii iyo xafiisyadii ay ka yimaadeen

Xafladii Qalin-jabinta Dufcadii 7aad ee Ciidanka Liyuu-Police oo Jawi farxadeed iyo Balanqaad Lagu Soo Ebyay.

$
0
0

waxaa ka dhacday Dugsiga KuliyadaTababarada Ciidamada ee Shaalaqe mahad Soofe Munaasabad balaadhan oo ay Ku qalinjabinayeen Dufcadii-7aad ee Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Liyuu-police oo ka koobnaa 6 Guuto

oo ay ku jiraan ka sakow Ciidamada tababrka iyo Tabaha Ciidanimo dhamaysay Ciidamo Gaara oo si Gaara loo tababaray(Special Force).
Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hor Furitaankii Munaasabadan Xadhiga ka jaray Taalo u samaysan lakabyo Dhan 9 oo tilmaamaya sagaalka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay xasuusna looga Dhigay Ciidankii ku Shihiiday halganka ay UBBO kaga suuliyeen Deegaanka.
Madaxwaynaha ayaa warbixin Tifaftiran oo Qotodheer ka soo Jeediyay xaafladan,islamarkaana ka xogwaramay marxaladihii kala duduwanaa ee uu Deegaanku soo maray,Dibindaabyooyinkii iyo marinhabawgii UBBO ay Shacabweynaha Deegaanka Dhaxalsiisay,Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee lagu sugay Xuquuqaha iyo sinaanta Qowmiyadaha,Xidhiidhka Dibadaha iyo Qurbajoogta.


Sidoo kale madaxwaynaha ayaa Tibaaxay Asbaabihii lagu Askumay Ciianka Gaarka ah ee Liyuupolice oo ka Curtay Shirarkii wadatashiga ahaa ee ay Xukuumada iyo Qaaybaha Shacabku ku yeesheen Jigjiga taasoo Marka loo Fiiriyo marxaladihii Qalafsanaa iyo hagardaamooyinkii UBBO ay Baday Shacabka iyo tabihii Horumar lagu gaadhsiin lahaaba loo wadaguuxay in ay Gudboon tahay in Cudud Ciidan oo Shacabka ka Caabin karta UBBO in la aas-aaso Taasoo Dhibada u taagtay Ciidanka ooliska Gaarka ah ee Liyuupolice oo Mudo kooban ku soo afjaray UBBO ayuu Yidhi.


madaxwaynaha ayaa Carabaabay halgankii Qaadhaadhaa ee ay Liyuu-policeku kaga nadiifiyeen Dhamaanba Deegaanka Fikir ahaan,Cudud ahaan iyo Dhaqaale ahaanba Been-hawaasyadii qawlaysatada ahaa ee UBBO,islamarkana ay ku shahiideen Naftoodana u hureen dhalinyaro badan oo Mudadan in Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba in aynan Marna iloobin Ciidankii Dhiigooda u huray ka samatobixinta Shacabka Beenquutayaashii ka ganacsan jiray Dhiiga shacabka ee UBBO.
Madaxwaynaha ayaa Carabka ku dhuftay in Ciidanka LP ay ka dib markii ay UBBO ka soo faraxasheen in ay Shacabka ka Caawiyaaan Dhanka Horumarka,talaalka Xoolaha,dawaynta iyo Mushaarkooda oo hadba kutaageeraan Shacabka tabarta daran,Masaajidada iyo Culumadaba,sidoo kale Madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay Dufcada 7aad in ay Shacabka Deegaanka u noqdaan daacad,Ixtiraamaan,gargaaraan Cadwgana Deyr adag uga noqdaan islamarkaana aynan ku xadgudbin Xuquuqda Shaqsiga iyo Xoriyadiisa.


Dhanka kale madaxwayne kuxigeenka ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa Isaguna ka warbixiyay warbixinta Ciidamada,Gulihii halyeeyada LP ka soo hooyeen dabargoynta UBBO iyo Sida ay Ciidanka gaarka ah ee Liyuu-police Wakhtixaadirkan taageerada ugu gaysto Shacabka Mushaarkoodana ugu Deeqaan


Ciidamada Qalinjabinaay ayaa halkaa ku soo bandhigay Dhoolo-tus ku saabsan tabihii iyo Xeeladihii Ciidameed ee la baray intay Kuliyada ku jireen iyadoona Tababarka la siiyay uu ahaa kuwa ugu casrisan ee la siiyo Ciidamada.
la Dagaalama Argagaxisada,Budhcada,

Arday Dhan 1058 oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Jigjiga iyo Madaxwaynaha Deegaanka oo Ka Hadlay.

$
0
0

Waxaa maanta lagu Qabtay Hoolka Shirarka ee SMCX Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ku Qalinjabinayeen jaamacada Jigjiga Arday ay Tiradoodu dhanayd 1058 una kala baxa Wiilal Dhan 818 halka Gabdhna yihiin 240,kuwaasoo ka mid ahaa Ardayda Habeenkii Wax ka barta jaamacada iyo Kuwa Xiliyada Xagaaga(Summer) wax ka barta jaamacada loo aayay ee Jgjiga University.

Xafladan Qalinjabinta ah ayaa ay ka Soo Qaybgaleen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada C/fataax Maxamed Xasan iyo C/xakiin Cigaal Cumar,wasiirka madaxtooyada mudane C/casiis Maxamed Cabdi,Madaxwaynaha jaamacada jigjiga Dr Ahmed Naasir, madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga mudane Suldaan Muhiyadiin Odawaa,maayorkaMaamulka Magaalada Jigjiga mudane C/risaaq Saxane , Macalimiinta Jaamacada jigjiga, Waalidiinta Ardayda qalin jabinaysa, iyo waliba marti sharafka kale.

Madaxwaynaha jaamacada ayaa warbixin ku saabsan Heerka Jaamcadu hada taagan tahay,laamaha iyo takhasusyada laga bixiyo,Balaadhinta jaamacada iyo laamaha cusub ee ay ka fureen Degmooyinta,laga soo bilaabo aasaaskii jaamacada Ardayda ka Qalinjabisay iyo Ardayda wakhtixaadirkan wax ka barata Jaamacada oo uu u kala saaray Kuwa Regularka ah,Kuwa Xagaaga iyo Kuwa Habeenki wax ku barta,isagoona tibaaxay in jaamacada Markii ugu horaysay ay sanadkan ka Qalinjabiyeen Ardaydii ugu horaysay ee Master Qaadata.

Sidoo kale madaxwaynaha jaamacada Jigjiga Dr C/naasir ayaa Sheegay in ay Laamo Cusub ka fureen Sanadihii ugu Danbeeyay Inta Badan xarumaha Gobolada iyadoona ay Sanadkan waxbarashada jaamacada ka bartaan arday dhan17,000 oo arday taasoon ku Gaadhnay kaalinta aanu maanta kaga jirno jaamacadaha Dalka oo badankoodu Wakhtiyo Hore la aasaasay Madaxwaynaha DDSI oo hadh iyo habeenka Taageero Dhinac kasta ah nala Garab taagnaa ayuu yidhi.

ka dibna Codbaahiyaha ku soo Dhaweeyay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Munaasabad-farxadeedkan uu Nasiibku u saamaxay in ay ku Qalinjabiyaan Ardaydan baratay Culuunta kala duduwan ee Laamaha Jaamacada Jigjiga ayaa uu madaxwaynaha DDSI Md cabdi maxamuud cumar Daareen farxadeed ugu Hambalyeeyay ugu horayn Ardayda Maanta Nasiibka u heshay in ay ka Qalinjabiyaan sanado ka dib Waxbarashada Jaamacada,sidoo kalana Mahadnaq balaadhan u jeeiyay Macalimiintii la soo tacaashay Waxbarida Ardaydaniyo Maamulka Jaamacadaba.

Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay in jaamacada jigjiga ay kaalin xoogan kaga jirto ka midhodhalinta Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee uu Dalku Hiigsanayo,islamarkaana ay kaga jirto kaalinta 1aad 15kii Jaamacadood ee ay isku Xiliga laga aasaasay Dalka islamarkaana ay kaalinta 3aad ka gashay Jaamacada Jigjiga Jaamacadaha Guud ahaan Dalka ka jira waana guul deegaanka u soo hoyatay ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Madaxwaynaha ayaa Carabaabay in Jaamacada Jigjiga ay u aayeen Waxbarashadeeda Ardayda Deegaanka,Kuwa Deegaanada kale iyo Waliba Deriska iyadoona sanad kasta soo saarta Cudud Ciidan Horumarineed oo ku Gaashaaman Aqoon iyo Xirfad ay ku Dabooleen Baahidii Aqoonyahan ee Deegaanka Dhamaana kafeeyay Qaabdhismeedyada Dawladeed ee ka jira Heer Deegaan,Heer Gobol,Heer Degmo iyo Heer Tuulaba. Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa Tilmaamay Tayada Waxbarashada Jaamacada iyo Dadaalada ay u Guntatay si ay uga Midho dhaliso Himilooyinka tan iyo intii la aasaasay Jaamacada Jigjiga lagana furay oo ahayd Sanadkii 2001.T.I ayuu Yidhi.

Madaxwaynuhu ayaa ku Bogaadiyay Waxqabadka hagar la'aaneed ee ay maamulka Jaamacadu ku balaadhiyeen Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka iyadoona aynan ku ekayn kaliya Magaalada Jigjiga balse ay Jaamacada JJ laamo Cusub ka furatay Gobolada Nogob, siti, liibaan, afdheer shabeele qorashay iyo jarar Taasoo ka sakow Shacabka farxad Galisay Xukuumada ayuu yidhi. Ka dib ayaa uu Madaxwaynuhu ku Booriyay Ardayda Qalinjabisay in ay u Guntadaan sidii ay Ficil ugu Muujin lahaayeen Culuuntii ay Jaamacada ku Barteen in ay Bulshadooda ugu adeegaan kana Haqabtiraan Adeeg Hufan oo Tayo leh si ay u manaafacaadsadaan Shacbweynaha Deegaaku.

 

Dhanka Kale Waxaa Munaasabadan ka hadlay madaxwayne ku xigeenka jaamacada jijiga mudane suldaan muxiyadiin odawaa, wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay horumarka dalka iyo kan deegaankaba taasoo ay saldhig u yihiin ayuu yidhi Qodoadan Hoos ku Xusan. Ø Sugida iyo kawada Shaqaynta Nabadgalya. Ø Inla helo aqoon Tayaysan ama waxbarasho la jaanqaadi karta Dunida. Ø Kaabayaal dhaqaale. Xeer Nidaamyo iyo Shuruuc dastuuri ah oo Haga Shacabka Shacab ay ka Go'an tahay Badhigantaalida Laamaha Dawlada.Wuxuuna sheegay in marka in taasi is-biirsadaan ay dhalaan wadan horumaray.

Sidoo kale Mudane Suldaan Muxiyadiin ayaa Sheegay in jaamacada Jigjiga ay Waxbarashada ay bixisaa ka kooban yihiin Dhamaan laamaha iyo Culuunta kala duduwan iyadoo in ka badan 50 Program ay leedahay Jaamacadu ayuu yidhi ugu Danbayntii ayaa madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar lagu Sharfay in uu Gudoonsiiyo Abaalmarino Ardayda kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad ka gashay Ardaydan qalinjabinaysa Xiligii Waxbarashada ay ku jireen.

Isku Soo Wada Soohoo jaamacada Jigjiga oo ka mid ahayd 15kii Jaamacadood ee Cusbaa laga aasaasay dalka sanadkii 2001.T.I ayaa haabanaysa in ay Kaalinta 1aad ka Gasho Guud ahaan Jaamacadaha Dalka halka ay 15kii Dhigeeda ahaana kaga Jirto kaalinta 1aad.

Daawo Odayo Ku Sheekii oo Ka Qawlaysanaya Majlisyada Addis (Sawiro)

$
0
0

Addis Ababa (XOG) Ninkii u haytsa in  odayo la lug gooyay oo Addis jooga oo BBC iyo VOA ka hadla ay qadiyad uun haba yaraatee ay u keenayaan waxaa kaaga filan sawirada aan maanta idiin soo bandhigayno oo ku saabsan waxaa ay ka wadaan Addis Ababa.

Odayadan oo midba findhicil geed la hoos taga iyo mid goob shiishad lagu qiijinayo wayso la fadhiya. Hadaba, waa sidii ay murtidii Reer Waqooyigu odhan jirtee "Habar Jecloow Muuse Waa kaa"!!!!

Al Shabaabkii Raaso oo Qaxaya Kadib Go'aankii FDRE

$
0
0

Xog Ogaal (Addis Ababa) Wararka ka imanaya Degmada Raaso ee Gobolka Af Dheer ayaa sheegaya in Xubnihii ka tirsanaa argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysanayay Degmada Raaso ay ku jiraan xaalad argagax iyo kala carar ah, kadib markii Xukuumada Dawlada Dhexe ee Federaalka ay shalay go'aansatay in laga sifeeyo Al Shabaabka jooga Degmada Raaso.

Go'aankan ayaa soo baxay kadib markii uu Ra'iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya Mudane Meles Zenawi uu Gollaha Wakiilada Shacabka (Baarlamaanka) Itoobiya u sheegay in Dawlada Itoobiya ay fulinayso qorshaha dhismaha Biyo Xidheenka Wayn ee laga samaynayo Wabiga Abbay, isla markaana ay Dawladu ka warqabto in Xukuumada Masar oo ka soo hor jeeda dhismaha biyo xidheenkaa ay maleegayso qorshayaal xasilooni darro lagaga abuurayo dalka Itoobiya si loo baajiyo hirgalinta biyo xidheenka.

Muxuu Cabdi iiddoor Jiif & Joogba La Qaban La'yahey?

$
0
0

iiddor.jpg

Araarso (Xogogaal Online) Laga soo bilaabo maalintii dhidibada loo taagay ee la dhisay maamulka dagmada cusub ee Araarso, isla mar ahaantaana ay odayaasha reer Ararso saxaafada ka sheegeen inaysan u dul qaadaneynin cidii isku dayda inay carqaladayso horumarka iyo xasilloonida dagmada, waxaa jiif iyo joogba qaban waayay ninka lagu magacaabo Cabdi iiddoor, oo kamid ah xubnaha odayaasha ree Araarso ay ku tilmaameen inuu dhibaato weyn ku hayo dagmada. Hadaba, mid kamid ah akhristayaasha Xogogaal Online oo noo sheegay inuu aad u yaqaano Cabdi iiddoor, ayaa dhanbaal uu na soo gaadhsiiyey u soo qoray sida soo socota.

“Taariikhda Cabdi iiddoor, waxaa si fiican uga warbixiyay duqayda dagmada Araarso oo xaqiijiyay tuhun awalba laga qabay damiir xumidiisa oo ah inuu Shinni-Awaare ku dhashay. Guud ahaan beesha Jidwaaq ayaa ku wareersanyd halka ay ka soo jeedo shaqsiyad xumaanta Cabdi iiddoor oo isku fashiliyay shacabka ree Maanasoota hortiisa, isagoo yidhi waxaa la yidhaa dad baa nabadiid ah dad baa nabada diidanaa. Ka diidanaa lanbar wan aniguu ahaa aan wax idiin sheegee……. Waxaan ahaa ninka Raadiyo Jigjiga maqaalada aadka u foosha xun ee nasiib darada ku baxay ka qori jiray madaxda kilinka…..wax walboo meeshaa aan ku qorayna been iyo waxay ahayd waxaan abaabushay…. Marka qoraaladaydii qaabka darraa, madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu cafis ii fidiyo. Hadaba ninka sidaasi dadka hortiisa uga qirtay inuu beenaale iyo danbiileba yahay haduu wax ka gadisan inoo sheego maxaynu ku aaminaa?Soo ma aha “naagtii ganbada taabatee gacanta loo maydhay ee galisay meeshii hadana gabaygu soo maaha?”

Dhanbaalkan akhristuhu noo soo qoray oo run ahaantii noo iftiimiyay damiir-laawenimada Cabdi iiddoor, ayaan ka fahmi karnaa in sababta joog iyo jiifba u diiday ay tahay maadaama ay dadkuu sheeganayey diidanyihiin, iskana fogeeyeen xumaantiisa.

Faallooyinkeena soo socda ayaan ku eegi doonaa Cabdi iiddoorada gudaha iyo waxa ay la wadaagaan Cabdi iiddoor.

 

Beel Waynta Bartire & Yabare oo Shirweyne Uga Furmay Caasimada DDS ee Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (XOG) Wararka ka imanaya Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in labadii maalmood ee aan soo dhaafnay uu odayaasha, wax garadka, indheergaradka, ganacsatada hooyooyinka, iyo dhalinyarada Qabaa'ilada Bartire & Yabare oo ka tirsan Beel Waynta Jidwaaq uu shirweyne uga socdo Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.

Shirwaynahan oo ilaa haatan ay ka soo qayb galeen in ka badan 175 oday oo ka kala yimid Gobolada Jigjiga & Fiiq, degmooyinka ay beelahaasi dagaan iyo tuulooyinka ku yaalaba waxaa lagu lafa gurayay taageerada balaadhan ee Beelahaasi ay u hayaan Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida iyo maamulka suuban ee haatan ka hana qaaday Degaanka Soomaalida. Sida la ogsoon yahay qabaa'ilka Bartire iyo Yabare ayaa waxaa lagu tilmaamaa bulshooyinka nabadaysan ee jecel nabada iyo wada noolaansha shacabka Degaanka gaar ahaantii, iyo waliba dalka Itoobiya guud ahaantii.


Aasaaskii Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya oo Mareykanka Laga Xusay

$
0
0

 

altXaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay jaaliyadda nabadda jecel ee deegaanka ee Minnesota u kala hadhin, taasoo ay isku soo dubariddeen Ururka Dhalinyada Qurbajooggta Soomaalida Itoobiya (SEDYO) iyo waxgaradka jaaliyadda deegaanka ee Minnesota, ayaa lagu qabtay hotelka Sheraton ee Bloomington.


Xafladdan ayaa aheyd mid loogu dabaaldeggayey xuska sanadguurada 13-aad ee ka soo wareegtay xiligi la aasaasay Xisbiga Dimuqradiga Shacabka Soomaalida Itoobiya (ESPDP), kaasoo haya talada dowlad deegaanka Soomaalida.


Xafladdan, oo ay u dhamaayeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda, waxaa furay mudane Sudan Maxamed Bade, waxaana ka soo qeybgalayaasha ku soo dhaweeyey xafladda Guddoomiyaha SEDYO, mudane Maxamed Shariif, islamarkaana waxaa halkaa taariikhdi xisbiga ESPDP ka soo jeediyey mudane Cabdullahi Garille.
Iyadoo waxgarad aad u farabadan ay xafladdan ka hadleen, waxaan isna waano iyo dardaaran qiimo badan halkaa ka soo jeediyey Guddoomiyaha Guurtida Jaaliyadda Deegaanka ee Minnesota, mudane Cabdi Axmed Shuuriye.

Xafladdan ayaa aheyd middi ugu horreysay ee nooceeda ah ee loogu dabaaldeggayo xuska sanadguurad

a aasaaska xisbiga ESPDP oo ka dhacda meel ka baxsandeegaanka Soomaalida.

Ururka SEDYO, iyo jaaliyadda deegaanka ee gobolka Minnesota, oo ah tan ugu ballaadhan guud ahaan jaaliyaadka deegaanka ee aduunka dacalladiisa, ayaa si ficil ah u taageeray xisbiga ESPDP iyo xukumadda deegaanka Soomaalida ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Ururka SEDYO iyo jaaliyadda deegaanka ee gobolka Minnesota ayaa sidan oo kale dhawaan markii ugu horreysay xusay sanadguuradi 20-aad ee ka soo wareegtay curashada nidaamka dimuqradiyadda iyo federalism dalka Itoobiya ee uu garwadeenka ka yahay xisbiga EPRDF.

Ka soo qeybgalayaashi xafladdan ayaa la soo gaadhsiiyey fariin uu u soo diray Madaxweyne Cabdi, isagoo jaaliyadda deegaanka Soomaalida ee Minnesota iyo ururka SEDYO ugu hambalyeeyey tallaabada geesinimada leh iyo ficilka ku dayashada mudan ee ay muujiyeen. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay jaaliyadda deegaanka ee Minnesota iyo ururka SEDYO mudan yihiin amaan ballaadhan, islamarkaana ay baal dahab ah ka galeen taariikhda deegaanka Soomaalida.

Ka soo qeybgalayaashi xafladda ayaa aad ula dhacay heeso waddani ah iyo dhaantooyin casri ah oo ay halkaasi ku soo bandhigtay qeybta fanka ee ururka SEDYO. Dhaantada ayaa ah cayaar ay dhaqan u leedahay bulshada deegaanka Soomaalida, islamarkaana aad looga xiiseeyo qurbaha.

Dawlada FDRE oo Go'aansatay in Hubka Laga Dhigo Qofkii Raaso Lagu Arko ee Qori Sita

$
0
0

Addis Ababa (Xog Ogaal) Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa ka anbabaxay 3,800 oo ka mid ah Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Federaalka Itoobiya iyo Guuto Ciidanka Gaashaan dhiga ee Qaranka Itoobiya oo ku sii jeeda Degmada ay Al Shabaabku xudunta ka dhigteen ee Raaso ee ka tirsan Gobolka Af Dheer.

Sida la wada ogsoon tahay, Degmada Raaso ayaa waxaa ay dhwaanahan gabaad u ahayd Xubno mayal adag oo ku gabanaya magaca Beesha Fiqi Cumar (Sheekhaal) iyagoo doonaya inay ka aasaasaan argagixiso ku xidhan qawlaysatada Al Shabaab ee ka dhqdhaqaaqda dalka Soomaaliya, si ay u minja xaabiyaan xasiloonida iyo amniga dalka Itoobiya.

Deadly attack rocks central Liege in Belgium

$
0
0

Eyewitness Greg Ienco: "I was 200m from St Lambert Square. A shooter was on the roof and shot at people with grenades"

A gunman has opened fire in the centre of the Belgian city of Liege, killing at least three people and wounding 75.

The man also threw grenades into a crowded square from a rooftop before killing himself, reports say.

The attacker was named as Nordine Amrani. He was known to police for firearms offences.Earlier reports said at least two more men were involved, but officials said the attacker acted alone. Terrorism was not a cause, they added.

Amrani was jailed for 58 months in September 2008 for possessing firearms and drugs, media reports said.Officials did not confirm this, but said they were aware he had spent some time in prison.Blood on cobblestones

Amrani had been asked to come for an interview at a police station in connection with charges against him.

A resident of Liege, he left home with a rifle, a pistol and three grenades in a bag, prosecutors said.Greg Ienco, a journalist at local newspaper La Meuse-Liège, described the scene of the attack.

"We saw four explosions. I was in a building 200m from Saint Lambert Square," he said.

"It was quite incredible. We saw one man on the roof who tried to kill people. This man killed himself with a grenade."

Two of the three dead were teenage boys aged 15 and 17, the third a 75-year-old woman.

TV images showed blood splattered across the cobblestones of Place Saint Lambert, where the attack happened.

Doctors at a city hospital are trying to save the life of an 18-month-old child injured in the attack. Several others are reported to be in a serious condition.

Medical staff at a field hospital at the scene treated 52 of the injured. Some others made their own way to other hospitals.

Roads into the centre of Liege were sealed off but vehicles are now coming back into the city.

Explosives experts were called in to search the area for unexploded grenades. People were initially told to stay in buildings but are now returning to the streets.

Place Saint Lambert is a busy intersection, served by hundreds of buses daily. It hosts an annual Christmas market which attracts some 1.5 million visitors a year.

Shirwaynihii Beel Weynta Bartire & Yabare oo Si Qurux Badan

$
0
0

Shirka waxaa uu furmay 9kii subaxnimo, waxaana bilowgii lagu soo bandhigay riwaayado iyo heeso goos goos ah oo ay soo bandhigeen Kooxda Wadani Stars. Suugaanta hordhaca u ahayd Furitaanka shirka ayaa Kooxda Wadani Stars waxaa hadaladoodu ka mid ahaa ilmo hooyadii intuu wax ka waayay aabihii dhaafay oo adeerkii oo reer kale degan wax ka raadsanayay.


Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 800 oo qof oo isugu jira odayaal, cuqaal, indheergarad, hooyooyin, dhalinyaro, aqoon yahano, ganacsato, xirfadlayaal takhasus sare leh oo u dhashay beel Waynta Bartire & Yabare. Waxaa sidoo kale, shirkan ka soo qayb galay salaadiinta, ugaasyada, garaadada, caaqilada dhamaan beelaha Degaanka Soomaalida iyo masuuliyiinta sare ee ka tursan Gollaha xukuumada Degaanka Soomaalida iyo Gollaha Xildhibaanada ee isla DDS.

Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyaadka ee DDS oo Waxqabad Balaadhan Ku Dhaqaaqay

$
0
0

Jigjiga (XOG) Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyaadka ee Degaanka Soomaalida ayaa ku hawlan adeega bulshada Jaaliyaadka ee u dhashay Degaanka Soomaalida ee ku kala nool dalalka dibada.

Xafiiskan oo dib loo aasaasay sannadkan horaantiisii ayaa ka hawl galay sidii uu usoo jiidan lahaa xubanaha qurba joogta ee u dhalatay DDS.

Viewing all 349 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>